Home » Suugaan »

Maansadii Abdullahi Spanish

Related Articles

    SOOMAALIYEY KACA

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Ubdkaa koraayiyo
    U halgama karaamada

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Waa kuurgal nacabkiye
    Yuu mudan kabaalada

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Kebeddiyo karbaashkiyo
    Kooraha ka dhiidhiya

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Ciyi kolay ku soo dhaxay
    Kawlkiina yuu noqon

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Keenada cadaawaha
    Kurka yeelmo haw ridan

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Kuukiyaan dhalaaliyo
    Yaan kimis laguu qubin

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Waxa gacal kadeed qaba
    Kuligiin ka dhiidhiya

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Karintii cidhiidhyoon
    Kaynaan ku wada mara

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Rabbibaa kariimee
    Kaalmaysta abidkiin

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Nin la soo kiraystiyo
    Cadow ruux kal kaaliyo
    Keligii danaystuhu
    Kafantiina yuu tolin

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Kabaqaad shisheeyiyo
    Kuman lagu shaqaystiyo
    Karinliyo afmiinshaar
    Kadinkiina yuu iman

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Carra-edeg korkeediyo
    Kooskiyo aduunyada
    Keli inaad ku joogtaan
    Kasha geliya weligiin

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Sida geel kareeboo
    Kaabiga dhasha u yimi
    Kaymaha libaaxa leh
    Kalgacayl israadsada

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Cudur lala kadeedmiyo
    Kubka iyo laf dheeroo
    Kabay lagala quustiyo
    Qolo qolo kud weeyee
    Dhasha yay u kayd noqon

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Wixii geesi kaamila
    Karmihii taleex iyo
    Ceel buur korkiisiyo
    Kismaayiyo afmadow iyo
    Kayntii shabeeliyo
    Kobta sarinley iyo luuq
    Butiyaalo lagu kaday
    Kurtin duugmey yay noqon

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Gurey kaalintiisyo
    Sayid kooruhuu raray
    Kumanki darwiish iyo
    Kiilkii barsame iyo
    Kufri caabigiisii
    Keli baan ku gudanee
    Iminkana kar weeyee
    Kartidiina aamina

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Kaska iyo aqoontii
    Wax kawaank loo sudhay
    Ama loo kambalayaa
    Kuman loo carbinayaa
    Ardaydii koraysiyo
    Nin karmeedka loo dili
    Konton Shaamow loo dhigay
    Abid yaanay soo kaban

    Soomaaliyey kaca
    Kaca oo iskaashada
    Dad qabyaalad kaaba
    Korka qoys ka haystaa
    Reer hebel kaskood yahay
    Keligood is-cunayaa
    Kaar iyo xanuun iyo
    Kaddar kama dhamaadee
    Mar uun kab iyo xaabkeed
    Korka geeya oo dhiga

    Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
    indhagube@yahoo.es

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.