Home » News »

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Maamul ay yeeshaan Gobalada dhaca Koonfurta Soomaliya

Xildhibaano iyo saraakiil dowlada KMG ah katirsan oo sanadkii lasoo dhaafay gaaray degmada Doolow gobalka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhamaystireen qorshayaal maamul gobaleed loogu samaynayo gobalada dhaca Koonfur galbeed Somaliya.

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka ee ku sugan Doolow ayaa xaqiijiyay in ay taageero ka heleen beesha caalamka iyo Odayaal dhaqameedyo sidii ay u dhisi lahaayeen maamul gobaleed ay yeeshaan 6 Gobal oo dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu beeniyay in ay yihiin Xildhibaano falaaga ah oo doonayo in ay sameeyaan wax aysan dowlada KMG ah ogayn oo dhaawici kara midnimada Dalka Soomaaliya “walaal warkaasi waa Been anagu waxaan nahay xildhibaano dowladeed oo xariir laleh madaxweynaha iyo R/wasaaraha, maamulka aan dhisayano waa Mid taageera ka haysta caalamka iyo Soomaalida inteeda kale” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Xildhibaanka oo waraysi siinayay Idaacad Xamar kutaal ayaa reja weyn ka muujiyay dhismaha maamul ay yeeshaan gobalada Jubbooyinka, Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo laysku yiraahdo Koonfur galbeed Somaliya.

Wuxuu intaasi raaciyay in ay dhawaan dib ula wareegi doonaan dhamaanba degmooyinka gobalada ay maamulka u samaynayaan, Xildhibaan Max’muud Sayid Aadan oo laweydiiyay xilka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii gobalka Gedo ayaa ka gaabsaday in uu arrinkaasi ka hadlo.

Somaliya waxaa halakeeyay dagaallo iyo kala qaybsanaan lamana oga waxa uu soo kordhin doono Maamul gobaleedkan ay dhisayaan saraakiishii dowlada KMG ah ee laga Eryay Gobalada Koonfurta Somalia waxaana hadda Somaliya ka jira laba maamul Gobaleed oo kala ah Puntland iyo Somaliland.

Daahir Guuleed, Muqdisho/ Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

7 Jawaabood " Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Maamul ay yeeshaan Gobalada dhaca Koonfurta Soomaliya "

  1. C/qader says:

    bis milaah waxaan filayaa maanta oo dhibki somalia uu maraya 20 sana intaa umada kujirtay kadeed iyo dhib aan nasasha laheeyn in aanay walito muuqan wax raja oo looga gudba ama fikrad dadka wax loogu qaban kara umadana u cuntami karta raga maanta ku xareeysan Dolow dhowr sana oranaya 6 ayaan maamul udhiseeynaa waxaay iila muuqataa socon waaynay aan orodna walalayaal baadi meel aay jirin lagama doona wixi lasoomaray waxaa wanaagsan inaad wax ku qaadataan uma arka inaad kheer umada usoo wadaan dhibki jiray inaad wali sii hurineeysaan ayaa ii muuqata shacabka soo daalay faraha kaqaada w.s war

  2. qoslaaye says:

    maamul-goboleedka uu xildhibaanka sheegaayo xagee caasimad u noqoneysa yaase madax-weyne u noqonaya?

  3. war haddee ma riyoonayaa Sayid mise Melese ayaa sidaa dheh ku yiri. Nin Doloow joooga oo la eryey dhulkiisii ayaa leh maamul baan dhisaynaa. Waa nasiibdaro hadduu ninkasta iska hadlo.

  4. ahmed mini says:

    bismilaahh walaalayaal garashada allaa qaybsha dadnimaadna waa loodhashaa, waxaan ulajeedaa hadii raga doolow joga aay kuhaminayaan ‘inaay waxuun mamul usameeyaan soow ragkaroonimaha ?soow badbado maaha? hadii dalka qaar mamul loosameeyo soow wanaag sookordhay maaha? ma waxaa laraabaa inmeelafadhiyo oo aanwaxbalaqaba sidaa rag madaxtooyada?waxaan idin leeyahay dadkadiidan aragtida raga doolow aqlimaaha inwax walba oo waanagsanladiido in waxuun lamuucaarado, hadii aad haysan wax dhaamatooda soobadhiga, hadiikale daaya su aalahabadan iyo yaa madax weene noqonya oo taageera tooda

  5. qoslaaye says:

    Axmad lama diidana in maamul la samaysto, laakin wixii socon kara waa la yaqaanaa, bal horta dadka maamulka loo samaynaayo waa in lagala tashtaa iyaga, ma aha in dowlado shisheeye dantaada kuu sheegaan halka ay ku jirto waa inaad adiga garataa. waad aragtaa hadda in la leeyahay guddomiyaa xilki laga qaaday.

  6. Midi says:

    SCW Dhamaan umada soomaaliyeed. Salaan ka dib waxaan u arkaa in maamul looga baahanyahay dhulkaas. Laakiin waxaa degan qoomiyado aan is raaci karin. Markaa waxaa fiican Beelaha Digil Iyo Mirifle in maamul looga sameeyo Bay, Bakool, iyo qayb Shabeelada Hoose.Maamulkaas ha loo bixiyo Raxanwayn Adminstartion.

    Maamulkalana waa in laga sameeyaa Meelaha ay dadka Daaroodku ku badan yihiin. Sida Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhaxe iyo qayb ka mida shebeelada hoose. Daroodka waxaa Maamulkaas la wadaagaya dadka la degan ee aan digil iyo mirifle ahayn, sida sheeqaasha qaar iyo Gaaljecesha qaar. Maamulkaana ha loo bixiyo Daarood and Others Fadaration. Sidaas Baa ila Quman. Si dadku u wada noolaadaan nabadna loo helo. Hawiyana sharkooda looga nabad galo ileen waa qoomiyad aan waxay rabaan aqoone.

  7. qoslaaye says:

    waa fikrad macquul ah mr. Midi