Home » Archive Montly April, 2010
Sanad Guuradii 9aad ee Ururka Somali Youth Organization (SYO) oo magaalada Caabudwaaq lagu qabtay
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii 9 aad ee ururka Somali youth Organization of Abudwak SYO ayaa waxay ka dhacday hallka weyn ee hotel Ducaale ee dagmada Caabudwaaq.
Masawirada xafladda oo dhan halkan ka daawo
Xafladaan ayaa lagu xusayay 9 kii sano ee ururkaan uu jirsatay oo ku beegnayd 15/04/2010.waxaana madashaas ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo...
Bayaan Ka yimid Reer Tarey kuna wajahan Guud ahaan Beesha Mareexaan
Hordhac: Wallaalayaal, aniga oo ku hadlaya magaca reer Tarey waxaan idiinka mahad celinayaa tacsidii aad inooga soo gudbiseen dilkii ula kaca ahaa ee loo gaystey walaalkeen maxmuum Maxamed Abdullahi Musse Tarey (Illahay Naxariistiisa haku kalmeeyo inagana samir ha naga siiyo) ee ka dhacay magaaalada Doolow.
Sida aad ka warqabtaan Maxamed waxa uu ku marayey Doolow safar uu ugu socday Muqadisho halkaa...
Kulan gogol xaar u ah shirweynaha Leicester iyo maamul u sameynta deegaanada Galgaduud ee beesha Sade oo ka dhacay London
Jaaliyadaha kasoo jeeda gobolada galgaduud iyo jubooyinka ee ku dhaqan magaalada London UK qaybaheeda kala duwan ayaa kulan balaaran oo si heer saraa loo agaasimay waxay ku yeesheen maalinimadii ahayd axada taariikhduna ahayd 25/04/10 Hall-ka shirarka ee ku yaala xaafada Euston ee bartamaha magaalada london, kaasoo ahaa mid loogu gogol xaarayey shirweyne lagu wado inuu ka dhaco magaalada Leicester...
Ogeysiis muhiim ah oo la xariira kulan deeq loogu aruurinayo Garoonka Diyaaradaha ee mgaalada Garbahaarey
Waxaa dhamman dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ontario ee Canada, siiba Toronto iyo Ottawa, gaar ahaan dadka u dhashay gobolka Gedo lagu wargelinayaa in ay maalinta Axadda ah ee 2da May, 2010, 5.00 pm lagu qaban doono kulan loo dhan yahay oo deeq loogu aruurinahayo dhismaha Gegida Dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Garabahaarrey.
Goobtu waa: 111 Hickory Rd, isgoyska Weston & Lawrence....
Faalo kooban oo ku saabsan waxbarasahada Gobalka Gedo iyo sida loo hormarin karo
Gobalka Gedo ee Wadanka Somalia ayaa waxaa la sheegaa in uu yahay Gobalka 2aad ee ugu weyn 18kii gobal ee Somalia, waxaana uu leeyahay kheyraad fara badan oo uu eebe ku maneystay.
Hadaba, gobalkaas ayaa waxaa tan iyo burburkii Dawladdi Dhaxe ee dalka Soomaaliya hoos u dhac uu ku yimid xagga Waxbarashada haba u darnaadeen waxii ka danbeeyay 1996.
Si kale haddii aan u niraahno, tan iyo sanaddii...
Jubbooyinka iyo Xaaladda Wariyeyaasha.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose Waa Ubucda Koobaad ee Soo Bar-Baarida Saxafiyiinta Gobolada Jubooyinka ee Haatan Magaca kuleh Saxafiyiinta Soomaaliya Dhexdeeda.
Sidaas oo ay tahay ayaa waxaa sanadihii Yaraa ee lasoo dhaafay ay Magaaladaas iyo Guud ahaan Gobolada Jubbaland ay Noqdeen kuwa ay kasoo hayaamaan Wariyaashii kumagac yeeshay.
Wariyaasha halkaa kasoo hayaamay ayaa waxaa ay ukala...
Xamar, Hargeysa: Waa ii Tala-Xumaan Caqligaan Tan Uga Jeedaaye
Waxa iska cad in soo celintii nidaamkii dawliga ahaa iyo kala dambeyntii ay isu tuur tuur gashey. Waa sidii Araweelo; “maantana far baa mayr la’.” Haddaba su’aashu waxay tahay yaa dhib ku qaba? Dadka qaar waxay sameyteen nidaamyo iyaga u gaar ah oo aysan maanta kala jeclayn haddii dagaalku sii socdo boqol sano iyo haddii kale. Way iska noolaan karaan. Magaalooyinkoodii...
Guddoomiyaha Ururka East African Development Organization (EASTADO) Aden Axmed Colujoog ayaa ka war bixiyay Ururka uu guddoomiyaha u yahay iyo kii uu isaga soo baxay ee SDSI
Guddoomiyaha Ururka East African Development Organization (EASTADO) Aden Axmed Colujoog ayaa maanta markii ugu horeysay tan iyo markii uu isaga soo baxay Ururkii uu ka tirsanaan jiray ee SDSI warbixin dhinacyo badan taabaneysa siiyay Radio Luuliyo.
Guddoomiyaha oo u waramayay wariye Deeqa Yuusuf Shire (Deeqa Sonna) oo ka tirsan Radio Luuliyo ayaa qeybta hore ee wareysigiisa kaga war bixiyay Ururka...
Haweenay qaliin lagu sameeeyey looga soo saarey buro 13Kgm ah Degmada Caabudwaaq
Dr. Sharmaake nuur oo ah dhaqtarka ka howl gala Xarunta Caafimaadka Wadataal ee degmada Caabudwaaq ayaa ku guuleystey in uu banaanka usoo saaro buradan oo miisaankeedu yahey 13kgm maalintii shaley.
Barni Maxamed Cabdi oo ah Hooyo 38 jir ah ayaa lagu sameeyey qaliinkan waxaana xiliga aan lakulmey oo aan ka qaadayeySawiradan ay iisheegtey in xaalkeeda Caafimaad uu yahey mid wanaagsan.
buradan laga...
Weriye Ingriis iyo Adeerkii Cali Khaliif Galeyr
Waxaan maalin dhoweyd bogga Somalitalk ka akhriyey maqaal dheer oo cinwaan looga dhigey “Gefefkii Diblomaasiyadeed…”, oo si aqoon badani ku jrto loo soo diyaariyey, oo lagu soo bandhigey khaladaadkii xagga nidaamka booqashada ee dhacey markii uu dhawaan Ingriiska booqasho ku tegey Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed. Haddaba wax lala yaabo ma ahayn in dawladda yabyabatada ah ee aan waxba...
