Home » Suugaan »

Gabay: Asalka dadka, hiddaha iyo dhaqankooda – By (AUN) Cabdiqaadir Xirsi Yam-yam.

Related Articles

    Gabaygaan waxaa tiriyay, Alaha u naxariistee abwaan Cabdiqaadir Xirsi yamyam, waxaana gabaygaan la oran karaa wuxuu kaalinta kowaad oga jiraa suugaanta soomaalida, waxaa abwaanku aad ugu fogaaday oo tilmaan fiican ka bixinayaa hiddaha iyo dhaqanka soomaaalida, iyo asalka qowmiyeed halka ay ka soo jeedaan. Wuxuu abwaanka aad u cabiray in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad uu ilaahay ku manaystay hiddo iyo dhaqan aad u qurux badan.

    Waxaa dad fara badan ay isweydiiyaan, su’aasha ah soomaalidu asalkooda halka ay  ka soo jeedaan? Hase yeeshee abwaan yam-yam wuxuu gabaygiisa ku xusayaa, In soomaalidu ay tahay bulshada dunida ugu faca weyn, dhinaca kale wuxuu abwaanku gabaygiisa ku xusuyaa in soomaalidu ay ka hareen faraaciinadii hore  oo lagu tiriyo qowmiyad aad u fac weyn.

    Abwaan yam-yam alaha u naxariistee ayaa isagu  hibo u lahaa suugaanta oo uu  markuu doono tirin jiray, waxaase uu abwaaniin badan kaga duwanaa isagoo mar walba ku faani jiray hiddaha iyo dhaqankiisa, waxaana uu gabayadiisa iyo suugaantiisa ay intooda badan ahaayeen WADDANI, wuxuu mar walba ku faani jiray in dadka soomaaliyeed ay yihiin bulshada ugu saraysa dunidda. Waxaa dad fara badan ay ku xusuusan karaan heesta caanka ah ee ay ku luqayn jireen hobalada iftiin ee SOOMAALI BAAN AHAY!.

     Ugu dambayn waxaa gabaygaan uu wax wayn u tari doonaa jiilasha yar-yar ee soo koraya in ay wax ka bartaan hidahooda iyo dhaqankooda qaalliga ah oo qaab suugaaneed loo cabirayo.

    Wuxuuna ku bilaabay sidatan:- 

    Dadka waw

    gu’weynahay                                                                                                                   

    Guun soo jiraan ahay

    Nuux iyo gadaashii

    Duufaan ka guurkii

    Baddii jiidhay gabiyada

    Dhulkii giigsanaan jiray

    Meeshuu ku kala go,ay

    Gardafey ha noqotee

    Weli goobti baan naal

    Caddaankiyo guduudkaba

    Waan kala gurracannahay

    Muuqaalka guud iyo

    Dhaqamada is geli kara

    Canfartaan gudboonahay

    Isku gibilna waan nahay

    Oramada iyo gaallaha

    Ayaan gacalwadaagnaa;

     

    Mahad aan go,ay iyo

    Gallad eebahaa lehe

    Giddigood Rasuuladi

    Uu geyiga usoo diray

    Ninba diin u gooniya

    Hala gola yimaadee

    Isu soo gurkoodii

    Tii geba-gebaysiyo

    Gudhiggii kitaabada

    Markii la isu geeyiyo

    Guddoonshihii Ambiyadiyo

    Waxaan haysanaa gacan

    Geesigay ku taalla

    Guusha magacyadeedyo

    Yahay furaha lagu galo

     

    Albaabada Janada guud

    Oo aan nin garab maray

    Gadan Karin muftaax kale

    Muslim baanu nahay garo

    U gudbiya walaalaha

    Gudashada wanaaggoo

    Guud ahaanna uga diga

    Fal xumaato geli kara

    Geerida iyo dhimashada

    Yaasiinkaan qofkii go,a

    Ku gunaanadnaayoo

    Ikhlaas lagu guneeyaa

    Godka lagula hooyaa;

     

    Marka qaranba goonidi

    Afrikada lakala guro

    Bulshada geeska bari xiga

    Ku gadaaman baa nahay;

     

    Qaran iyo gob baanahay

    Lixdankii gumeysiga

    Gacantiisa kala baxay

    Calan midab u gaariyo

    Sumadda lagu gartaa tahay

    Xiddigtaa shan geeska ah

    Geysh noo ilaashiyo

    Geesi uu gu dhaartoo

    Gabbashada ka caagiyo

    Gabyaa baanu leenahay

    Markay goob dagaal tahay

    Guubaabada ku caanoo

    Geeraarkiisa fulayada

    Dhex galaan cadaawaha

    Gaadiid baanu leenahay

    Gurgurshaanu raranaa

    Hadba waanu guurnaa

    Deyrtiyo gugii baan

    Hadba meeshi geeda leh

    Cosobkooda guranaa

    Gadaal looma sahanshee

    Galbeed baan u soconaa

    Goobaha barwaaqaa

    Lo,da geeska weyn iyo

    Ari nooga goohaa

    Dhitadiyo garoorkaan

    Gocayada ku shubanaa

    Ningixaa la giijaa

    Gaaridu ku heestaa

    Burcadkaa ka soo go,a

    Digsaa lagu guraayoo

    Galabtii la shiilaa

    Caanooyada ma gaarnee

    Sixinkaanu gadanaa

    Ama keyd la geliyaa

    Goosaar ka dhigannaa

    Geelbaanu dhaqannaa

    Gaawaan u culannaa

    Gaaxdaan ka maalnaa

    Marna dhinaca guurkaan

    Gabadhii jacayl mudan

    Yarad loogu geeyaa

    Gaafkiyo arooskana

    Ciyaarbaan gingimannaa

    Gabladaannu tumannaa

    Dudadoodhan geesbaa

    Aqal loogu gooyaa;

    Guri baannu leenahay

    U eg maabka guudoo

    Aan dunida laga garan

    Marka rarada laga guro

    Xarragada gammaankiyo

    Geenyaanu fuulnaa

    Warmahaan gingimannaa

    Garawshaha xishoodkaan

    Baal dahaba gelinnaa

    Martida gaajo haysoo

    Gasiin kale an loo hayn

    Ayaa waajib gudashada

    Hasha geela ka irmaan

    Loo gowracaayoo

    Gole loo dugsiiyaa

    Hilbaha loogu geeyaa

    Odayada gaboobiyo

    Intii garasho dheer iyo

    Guud ahaanba culimada

    Gaarbaa loo xurmeeyaa.

     

    Go, cad baannu xirannaa

    Gammuun baannu qorannaa

    Gabooyaha la geliyaa

    Golxab baannu tummannaa

    Gaashaan baan yagleellaa

    Kabo feygamuuraan

    Gocandhada ka sidannaa

    Geed baa la waabaa

    Gogol baa la fidiyaa

    Guurti lagu casuumaa

    Gar kastoo adayg badan

    Way tala gorfeeyaan

    Go’aankoodu waa xeer

    Dhibta soo gunaanada

    Marka dhiig la kala galo!

    Daqar iyo qur gooyana

    Culimada garsoorkiyo

    Diintay u gudubtaa

    Xaqaa lagu guddoonshaa !

     

    Mirahaannu gurannaa

    Gocasaannu qodannaa

    Hangoolka iyo gudintaan

    Geedaha ku jarannaa

    Sisintiyo geleydiyo

    Geedkastoo khudaaraan

    Midba gees ku beeraa

    Xiliyada la goostaa

    Ceel kastoo gundheerbaa

    Biyihiisa gaarnaa

    Abaarta uga gudubnaa

     

    Dembi geleddii Qaabiil

    Bankii geeriyaadoo

    Haabiil markuu go,ay

    Dhirta qodaxda guratiyo

    Taariikh ma garatooy

    Godkii ugu horreeyee

    Ina aadan galaybaan

    Geesihiisa weli naal!

     

    Tilmaanyeydu waa gaar

    Gobolkeygu waa caan

    Nin ahraamta galeybaa

    Garta raadka dadkeygee

    Faraaciinadii gudubtiyo

    Masar jiilashii galay

    Inaan goobta oga haray

    Goggaa yaqaaanoow

    Gabar timaha dabatiyo

    Gudniinkii la toli jiray

    Waa dhaxal aan guurine

    Weli geeska yaaloo

    Bulshadaan u gaaree

    Diiwaanka noo geli!!!.

     

    Waxaa soo diyaaariyay

    Daahir Faarax  Afdheere.
    Email:-gulan1969@yahoo.co.uk

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.