Home » Suugaan »

Gabay: Inaad laba canlaysaan Gunnimo kagama caagtaan! Akhris+video by bwaan Maxamed Xuseen Ibraahim “Tabaarak”

Related Articles

    Gabaygan waxaa curiyey Abwaan Muxamed Xussein Ibraahin “Tabaarak”, waxaana la sameeyey, 2010/3/27-31, wuxuuna si gaar ah u khuseeyaa bulshada ku dhaqan deegaanada ssc, si dhab ah ayuuna uga turjumayaa xaaladda runta ah ee maanta ka jirta gobolada ssc, iyo dadka ku noolba waxaana ka dhex muuqda tilmaamo aad u xeel dheer kumana jiro gabaygan wax qadaf ah oo cid gaar ah lagu wax yeellaynayo waxaase laga yaabaa inay jiri doonaan dad badan oo aan jeclaysan miisaanka culus ee uu leeyahay kuna soo dhawaada gabaygii oo aad si degen uga bogataan.
    ——————————————————————-
     
    Odayaal cadaadiyo duqay caaqil iyo shayba 
    Caadada wixii soo jiraybay cilinka baadhaane 
    Cilladii masaaraan falaan cidi kasheekayne
    Cirroolihii umuur kow ah een curanin loo sheegay 
    Calaacalo dhafoorada qabtiyo yaab la caga jiidye 
    Cimrigeed Masalo aan la arag ciriqna kuu Kenta 
    Xaajadii cusubi waa inay kaa cajabisaaye 
     
    Cudud iyo xoog la’ayn ciindan iyo gaasas 
    Oo aan cashiiriyo la’ayn ciisri iyo hiilo 
    Jihaduu caraababa nimaan ciilka mudanaynin 
    Oo sida caleentii doheed cimidh la moodaayo
    Qayrkii inuu ka cabsadaa waa cir soodumaye
    Nimankii ciyaartiyo bullada caga cagaynaayay 
    Wajigoo hagoog lagu cammiro maro cutaybaada
    Nimankii cimaamad iyo shaal camal la luudaayay 
    Nimankii is coofaadhin jiray sida CISMAANIINTA
    Ciiddiyo dhulkoodii Haddaa lagu canshuuraaye
    Hambo ciir ka soo baaqatiyo cadey la leefsiiye
    Ceeshaan nin ragi qaadanbey curubo moodeene
    Ma calaacashey hoorsadaan nimankii laas caano
    Nimankii qabaal lagu cabo cuurarka u laayay 
    Cillad yar oo dhexdooda ah kuwii ciisaska is ruubay 
    Cawa weerta nimankii is qubay ciiradiyo boodhka
    Nimankii cidaadaha  ka dhigay horimo ceegaaga 
    Tafa dhiigna sida caws la jaray coosh is kaga  yeelay 
    Nacab koodu goortuu caddibay ee cidhbaha saaray 
    Caarad dhuub ha joogtiyo inay gumuc ku ciirshaane 
    Cidla iyo banaan haystuben sida ciyoowgii.
    Cuudkuba haduu kaa bukoo kaa cashiyo waayo 
    Cudurkiyo dhukaankii helaa laga cirbeeyaaye 
    Qamuunyadu cadho ugama darto lagu cabsiiyaaye 
    Cambaar xoqid u baahani jidhkeey caabuq galisaaye
    Markis ay cidhiihdiga tagtey ee car iyo way gaadhay 
    Ma calaacalbey reer garaad xaajo kaga ciirtey
    Curun cuurraybaa looga dhigay cooflihii bahale
    LO’ gisida inay cay dhahaan lagu cuslaysii.
     Nimankii kufaartiyo caddibay caarre iyo koofil
    qarnigii cishriinaad raggii gaalada ciqaabay
    Ingiriis raggii caydhiyee laga cashayn waayay
    Cutubyadii jidbaaliyo dal dala coommirada laayey
    Nimankii cagaar wayne iyo Caado laga quustay
    Haddaa cayn duleed iyo nugaal lagu cadaadshaaye
    Wakaa caaradkoodii xabsiga cawda loo dhigaye
    Sidii Caada qaataha u baqe curaddadii soole
    Calan baradkii buuraha ka yimid calas ha moodeen
    Caqiidkii Ismaaciil miriyo Carab ma joogaane
    Ina Aadankii caan baxaybaa ciida hoos maraye
    Hal kii Ina cameey iyo la waa gaas cilmiyo qoore
    Af xakamiyo Cali duullaniyo caabbigii madhaye
    Haddeey cirriradii noolyihiin lama cilleeyeene
    Cawo li,idu waa waxaan nin raga loo cifanahayn.
    Cisigaad dhulbahantoow lahayd caara xuub noqoye
    Cad ceeddii dhacdaba uunku waa kugg caweeyaaye
    Cisha noolba waa lagu sugaa inad cargaagtaaye
    Cirdigaaga inad daafacdiyo caa,ilada qoyska 
    Calayk inay dushaadii ku tahay waa caddaan Dhaba,e
    Qabiilkaan ku soo cuuriyee ceegta kugg taagay
    Ee caabudliyo kaaga yimid duudihii cadayga
    Haddi aad cardaadduuqdo,ood carato,oo layso
    Cadaab kuma galayside xaqbaa caadda kaa maray
    Cunfigiyo nacaybkaa socdaa Caaman waa jiraye
    Cuqdaddaad illoowdeen darbey wali cegaagtaaye
    Wax la guu cunsuriyeeynayaa waa ciddaad tahaye
    Caydiga ma laayeen nimaad carun wadaagtaane
    Canfarbaa Isaaq kaa xigtee taa cindiga gee.
    Wuxuu caalamkuba diiday ee caalaq uga jeestay
    Carshigiyo arlada dawlad aan la citiraafaynin
    Caal waaga Qaran aan la hayn lagu cataabaayo
    Idinkuba Haddaad caariddaan shay carqaladaysan
    Oo,aad cuddada Qarqan sugtaan loo ciddiyo dhiigay
    Ma cusbey gasiin kaaga dhigi culanba maayaane. 
     
    Waxa calanka kuu qaatay ee kuu caskariyeeyay
    Ee sida casraa,iil ka dhigan waa ciddaad garane
    Idinkaa is caansiiriyee caad ma soo degin
    Cusrigaba yusribaa lagu baddaley suu casiis yidhiye
    Ma casillo ilaahay dadkii ceesa sharaftoode
    Wax cawaaqib xumo kugu Rida oo kuu cubmaa badane
    Coomaadigaan saaxil iyo caawiyaha Awdal 
    Ma cirkeey wakiil kaaga Noqon caaadilbaa jira,e
    Warsan Galiba ceelaayo iyo ciin ka socon waaye
    Wakaa ceerigaabiyo fadhiya cal iyo haay laane
    Cumar iyo dubbays wayagaa tuban carmaaleeye
    Carshin laas qoreey iyo mareeg haatan laga caagye
    Ninna caga jugleeyn ulama tago laysma caasiyo,e
    Casharaad marraadbaa dagaal loo carcooriyaye
    Caaqibo miyaa loogu tudhey wayska celiyeene?
    Inaad laba canlaysaan Gunnmo kagama caagtaane 
    Abtiyaal cadaha Qaar kamidi caafimaad male 
    Cooddida margigu waa ku yaal cunisna loo diidye 
    Waa lagu cabeebaa xubnaha caariyaadka ahe 
    Calooshada waa laga jiraa caanihii baqa’e 
    Cawradiyo naanaysta waa laga curraaftaaye 
    Ceebeey tacaal waa sadkaad caasha galiseen 
    Canbaruugta xanankaa ku taal Calaf jin weeyaane 
    Curdan idinka oo heli Kara iyo kayn cosoba oo dhan 
    Allaylehe inaad Caraq sugtaan waa cibriyo yaab 
     
    Caqli iyo awood wada jirtaa cadaw ka waabtaaye
    Rag cuddoonta kala jeediyay oo ciidho kala gaysay 
    Oo ciriqu seedaha u galay ceel Ma soo shubo’e 
    Carabkiyo ilkuhu ways qabtaan waana cayn qudha’e 
    Hadhowbay calaashaan wixii coobaha u gala’e
    Maydinkaan caqiil iyo ahayn warasadii caamir 
    Kaca oo casuusta iska tira caadka iyo luunka 
    Candadowlayohow kala firxaday soo rogaal celiya
    Caruurtiyo haweenkii ka qaxe kurihii cayneede 
    Maxamuud garaad kii cantaray caluula sii dhaafye 
    Cuqaashii shir shooraa togdheer lagu canaantaaye 
    Wax kaliyo  cirfiidbow shanqadhay cawshii habarwaaye 
    Cabdi iyo siyaad waa kuwaa caynka loo xidhaye 
    Cudhaadh bay galeen bah ararsame cees la’aan timide 
    Culaabta idin saarani ka daran calawgii miireede 
    Cakuye sow inad wayraxdaan cadanyo laab Dooxa 
    Oo caabuqani idin bogsado caaddif kuma qaado.

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    2 Jawaabood " Gabay: Inaad laba canlaysaan Gunnimo kagama caagtaan! Akhris+video by bwaan Maxamed Xuseen Ibraahim “Tabaarak” "

    1. Deeqa says:

      Cajiib Horta ninka gabayga tirinayaa yuu yahay?muxuuse u gabyi waayey intii horoo dhan ma marku arkey in dhulbahante is abaabuley oo dulqaadkii uu Somali u dulqaadanayeey uu dhamaadey buu gadhey buu is yiri gabay ka hormari

      Horta dhulbahante muxuu u dagaalami waayey hal Adan adigu garan baan kas iri waxaan xerinayey deris wanaag iyo waa umad somaliyeed oo gadootey wey soo laaban doonaan taasi tan iidoor
      anigu hadan askarigeygu shaqo ka doontey butland AMA iiidoorlan waxaan kumaqnaa shaqo qaran oo ah bal waxay damacsan yihiin qola walba inaan ogaado waayo ninkaan la dagaalayo wa I calaamadsan yahay
      waxaan ku duulaaba waa shey xaqiiqa ah oo aan xag rabi dembi iiga imaan karin

      ninka soo gabyooow adigu gobolkee ku abtirsataa?????
      ISA soo cadade? Anigu kuu faahfaahiyey fhulbahante wuxu ku maqnaa shaqo qaran
      ee bal adna is cade bal aan gabayga cabirnee

    2. mohamed says:

      deeqo ina adeer ninku in uu dhulbahante yahay mashaki ayaa kaaga jira inuuse garaadyada yahay miyaadan arkeyn

      mida kale ninkii wax badan samra maalin buu kacaa maantey waa maalintii dhulbahante kacay waxaad kaloo ku dartaa warsangali deegaanka hada siyaasadiisu waa kacsantahay hadiisa labadooda isku xirmaan wey haystaan mid dhaqaale iyo mid ciidan waxaan kawadaa qolo waa ciidan qolo waakuwii dhaalaha hayey taas waxay ku gaari karaan dagaal soo afjarma mida kale deeqa waxay marna ulashaqeynayeen idoorland marna ay ulashaqeynayeen m,saleebaan land weykala qeybsanaayeen kadibna sida leysugu direy ayaa keentey marka waxaan leeyahay gabyaaga gabaygiisa wuxuu taabanayaa heer caalami ah waxaana horey ukiciyey heesihii saado ali mana loobaahneyn xilligaaas gabay