Home » Faallo »

Ilaalinta Itoobiya iyo kenya, Gumaadka shacabka Gedo iyo sare u qaadida colaadaha iyo gaajada!

Cabdiwahab Shekh Axmed-Nuur oo ah qoraha maqaalkaan waa suxufi madax banaan oo ku nool qaaradda Europe.

______________________________________________________
Shacabka gobalka Gedo waxuu ku jiraa nabad xiliga maanta ah umana baahna barakicin iyo dhibaato ee waxuu u baahan yahay garabqabasho iyo kaalmaati, waxaa naafeeyay shacabka dagaalo isdaba joog ah iyo abaaro soo noq noqday.

Hadda waxaa da’ay roobab wanaagsan waxaana muuqda iftiin nabadeed, laakiin waxaa muuqda kooxo arintaas kasoo horjeeda oo aan lahayn wax hadaf ah marka laga reebo cafiidad qabiil iyo mid kooxeed oo aan gool lahayn iyo maangaabnimo isbiirsatay.  Markaad u fiirsato burburinta ay ku hayso kooxda Doolow shacaka Gedo waxaad moodaa inay yihiin dad aanan u dhalan gobalkan. Markaad aragto colaadaha ay beereen kooxahan iyo qaabka arxandarada ah ee ay u gumaadaan shacabka gobalka markii ay bilaabeen burburinta gobalka iyo jahawareerintii bulshada waxay ahayd 1998 markii ay soo galeen galbeedka degmooyinka Gedo ayaga oo bilowgii horaba bilay inay burburshaan isla markaana bililiqaystaan goobihii horumarka ee gobalka Gedo sida Iskuuladii iyo machadyadii iyo koleejooyinkii agoonta oo runtii ahaa horumar uu ku tilaabsaday gobalka.

Sida la ogyahayba xiligaas aan ka hadlayo gobolka Gedo waxuu ahaa meel ka hor marsan inta badan dhamaan gobolada Soomaaliya, waxaana gobolka ka baxayay nuur ama iftiin lagu diirsaday iyo ididiilo fiican oo ay dadku ka qabeen dhamaan kor u kaca dhinacyada horumarka bani’aadamka oo ay ugu horeysay tan wax barashada.
 
Waqtigaas aan ka hadlayo Hargaysa, Boosaaso iyo Xamar toona maysan gaarin horumarkii uu gaaray galbeedka gobolka Gedo. Waxaa igu maqaal ah in Yurub Masaajida ku yaala laga istaagi jiray xiligaas oo Soomalida oo qabiil walba leh isku waanin jirtay in Gobolka Gedo loo guuro maalgashina lagu sameesto maadaama ay tahay meel amni ah ganacsiga iyo beerashada beerahana ku haboon.

Waxaa cajiib ahayd dhacdo uu iiga sheekeeyay mid ka mida dadka gobalka oo yiri “boorso ayaan meel surtay Baladxaawo, waan ku hilmaamay maalmo kadib ayaan u imid ayadoo meeshii suran” bal ka waran nabada heerka ay gaartay?

Sanadii 1998 ilaa xiliga hada la joogo gobalka waxaa ka jiray dagaalo raagay oo ay abuurtay kooxdan Doolow. Markii hore waxay kusoo galeen gobalka akhwaanul muslimiin baan la diriri raynaa, macnaha waa walaalaha Islamka; waxaase su’aal mudan hadii ay dilayaan walaalaha Muslimka ah ayagu ma akhwaanul-kufaar baa?  Midda kale ee yaabka leh waxay ahayd, waxay dhihi jireen xiligaas “nabad baan wadnaa” waxayna dhacayeen shacabka gobalka sida gawaarida iyo jidgooyooyin canshuur loogu magac daray lakiin, wax yar kaddib waxaa soo baxay wajigoodii dhabta ahaa kaas oo uu magaciisu ahaa maangaab calooshii u shaqayste ah dad iyo duunyana aanan ka nixin, isla markiiba gobalka waxaa ka qarxay dagaalo qabiil oo aan dhamaad lahayn. 
 
Mar kale, hadaad eegto waxay u eg tahay inay sixran yihiin shacabka gobalka Gedo, kuwaas oo dusha u rita mar walba kana aamusa dulmi walba oo ay ku sameeyaan kooxdaas burburinta ku wada shacabka iyo gobalkaba.

Haddaba, dadkaas mas’uuliyadaas qaadaya waxaa ka mida qof walba oo reer Gedood ah. Waxaa si khaas ah mas’uuliyada u qaadaya hor jooge-yaasha qabiilada sida Nabadoonada iyo Ugaasyada, maxaa yeelay qoom walba waxuu leeyahay nin mas’uul ka ah oo ayagu ay doortaan waxayna u doortaan in uu xifdiyo ayaga kana ilaaliyo khaladaadka ama ayaga ha gaysteen ama  dad kale ha’u gaysteene wanaagana u horseedo, waxaadse moodaa waayadan danbe inay gaabisay wax qabadka horjoogayaasha qabaa’ilka ama badankood cadaaladii ka bayreen sidaasna ku dayriyeen shacabkii doortay ee ku kalsoonaa xilkana u dhiibtay lakiin, ninwalba waxuu sameeyay aduun iyo aakhiradaba wuu heli.
 
Dhibka kale ee meesha yaala ayaa waxuu yahay dagaal ooge yaashii Soomaaliya ayaa na hogaansha indhana inoo ah, kuwaas oo ay Itoobiya xariga u hayso. 

Sidaad ogtihiinba, nimakaan Doolow kasoo socda looguma tala galin inay meel qabsadaan kuna waaraan hormarna gaarsiiyaan shacabka Gedo, laakiin waa guumaysi kalkaaleyaal oo loogu tala galay inay ragaadiyaan dadkooda isla markaana duleeyaan shacabkooda wax hormar ahna u diidaan. 

Haddii aad rabto in aad wax ka ogaato ragaan waxay la mid yihin kuwii gumaystihii hore kalkaali jiray. Waa kuwii Sayidka dhibay ee diidanaa Soomaalinimada kana doortay shilimaanta yar ee lagu gatay sharaftii iyo karamadii ay umad lahayd. Qof walba oo damiir leh oo kasoo jeeda gobalka Gedo waxaan kula talinayaa inuu arintaas kasoo horjeesto kana dhiidhiyo. 

Dadka reer Gedo waxaan ugu baaqayaa:
 
 1. In ay iska daayaan lacagaha ay ku bixinayaan caadifadda qabiilka iyo mida kooxaha khaldan.
 2. In ay iska daayaan dagaalada aan faa’idada lahayn ee ay ku howlan yihiin.
 3. In ay isaga tagaan qabyaalada aan horumarka lahayn ee umadii walaalaha ahayd kala dishay.
 4. In ay iska dayaan jifo kufaanka ducfiga ah ee lagu naar tagayo aduunkana qofka karaamadiisa hoos u dhigaysa.
 5. In ay dhaqaale ku bixiyaan gobalka Gedo oo ay dhistaan oo aysan ka faanin dhulkooda.
 6. In ay ka faa’idaystaan khayraadka gobalka sida beeraha iyo xoolaha noolba.
 7. In saraakiisha iyo Janaraalada wadamada reer Galbeedka uu barafku ku dilay inay kusoo noqdaan gobalka. Waxaan sidaa u leeyahay sharaftooda waxay ku jirtaa inay yimaadaan gobalka oo dadkii baraarujiyaan ugana faaideeyaan aqoontooda kana dhigaan meel umadi dagi karto.

Bal ka waran ninka Gedo caayaya ee Hargaysa ama Boosaaso ilmaha gaysanaya, markaad sababta waydiisana ku dhahaya biyo la’aan iyo koronto la’aan iyo nabad la’aan baa Gedo iga keentay!.  Maxuu yahay qofkaasi? Sooma ahan qof aan damiir lahayn oo calooshii u shaqayste ah ama maangaab ah?  War dhulkiina dhista oo wax ku noqda, nin walba dhulkiisa ayuu wax ku yahaye?

Cambaareyn
  
Waxaan halkaan si toos ah cambaarayn ugu soo jeedinayaa ciidamada Doolow duulaanka kasoo ah ee doonaya in ay dadkooda laayaan, dhulkoodana bur-buriyaan ee aan garaneyn ujeedka ka danbeeya in dad Soomaali ah oo walaalahood ah laga hor keeno ayaga oo aanan xaqiiqdii garan ujeedka dhabta ah ee ay Itoobiyaanka iyo inta la halmaasha arrintaan ka leeyiiin.

Waxaa kale oo aan cambaarayn usoo jeedinayaa dowlada Kenya oo ayadu aruuririsay maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ah kuwo laga leeyahay ujeedooyin khaas ah lana doonayo in lagu huriyo colaadaha ka taagan Soomaaliya. Ciimadaan waa ciidamo qabiil oo lasoo uruurshay kuna dhisan qaab loogu talagalay inay iyagu dib isu liqaan hadii laga awood roonaado Islaamiyiinta.

Macnaha, qorshaha meesha ku jira aya ah haddiiba ay dhacdo in dagaalada la rabo in ay ka dhacaan gobolada Jubbooyinka looga taag roonaado Islaamiyiinta, waxaa la rabaa in uu dagaal toosa dhax maro Ogaden iyo Mareexaan iyo qabiilada ku leh ciidanka maleeshiyadan.

Waxaa kale oo jira qorshe kale oo laga leeyahay ciidankan kaas oo ah in lagu difaaco Kenya oo doonaysa  inay isku difaacdo ciidamadan ay kasoo aruurisay beelaha Daarood si ay uga bad-baado ururka Al-shabaab. 

Dowladda Kenya ayaa ayadu dagaalka Soomaaliya ka socda qayb wayn ka qaadanaysa, waxayna doonaysaa inaysan Soomaaliya marnaba nabad ka dhalan oo ay ahaato wadan aan mar walba daganeyn.

Sidaad ogtihiin, Kenya waa wadan gumaysi ku jira mana kala jecla xornimo iyo guumaysi midna, waana mida ugu xun in laguu adeegsado wadan la gumaysto oo aan mowqif iyo hadaf midna lahayn.

Hadaba, soo kama xuma kuwa u xareeyay Kenya wiilashoodii ayga oo dhaafsanaya waxoogaa yar oo san dareerto ah ama Shilimaan yar? 
Waxaan leenahay beesha Darood wax garadkeeda waa in ay arrintaas ka dhiidhiyaan iskana jiraan dabinada cadaawaha uu u qoolayo dalka Soomaaliya.

Qore:  Cabdiwahab Shekh Axmed-Nuur
gedo_109@hotmail.com

Afeef:  Aragti cabirka maqaalkaan Allgedo shaqo kuma lahan waxayna u gaar tahay qoraha uu magaciisa kor ku qoran yahay.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

48 Jawaabood " Ilaalinta Itoobiya iyo kenya, Gumaadka shacabka Gedo iyo sare u qaadida colaadaha iyo gaajada! "

  1. Walaal ka soo qoray qoraalka waxaan dhihi lahaa xog badan baa kamaqan oo ah maxaa keenay in dooloow lagalo ama kuwa joogo gedo yaa u dhiibtay waxaasa kuusoo hartay hadii aad rabto in gobalka wax laga qabto maa tagtid adi ood bilowdid daka u yeertid

  2. ina taano says:

    runtii waa arin lagu farxo in dhalinyaradii gobalka gedo laga helo kuwa
    daacad u ah wax uqabashada gobalkooda waanku faraxsanahay
    fikirka wanaagsan ee cabdiwahab soo gudbiyay

  3. qawaaf says:

    c/wahaab aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad ugu bidhamisay dadka rer gadoodka ah oo intooda badan aan aqliga laheen ee malgashanayo dhul aysan ab iyo farac toona aysan u laheen kodina ka fanayo maanta bal arag gedo nbada tala waa dhul Alle ku manaystay qayraad balse dadka uu Alle ku beray aysan ogeen ahmiyada uu leyahay dhulkaas qimaha bada
    manta bal kan aad ciyaalkada gaynayso rag kula mid ah ayaa aqligooda iyo maskaxdooda ku biriyay bulshadooda balse adiga meshii aad ku bar bartay oo aad ku dhalatay ayaad ka fanaysaa
    markale walalkay c/wahaab mahad sanid

  4. Dalal says:

    Well well..Ninka maqaalka Qorayey hadal badan kugu qasarin maayo waayo Qoraalkaagu waa( Cheap some sort of disellution non ethical opinion) oo Micnaheedu tahay, hadal Raqiis ah oo riyadaadu qiyaastey ahna midnaan Xadarada Qorista aan meelna ka soo galin,( Waa Pesonal Opninion) Hadaba Misaan u sameee Qoraaladaada Dooolowna Ku tilmaan Dadka jooga dad aan Damiir laheyn oo Dambiila yaal ah Kuwa Sida arxan darada ula dhaqmaya dadka Gedood ama umada soomaliyeedna waa kuu Ma laaa igo Aragtidada Taas waxay na tuseysaa nin aan cadaalad u dhaweyn sida kuwa Afka soo duubtey oo aad dhinac marsaneyso oo kale inaad tahay, Marka Hadaad Qoraa sheganeyso waxaad markasta u dhawaataa BLANCE ka qoraalka One Sided ha noqon waa iga Advice, Mida kale Markasta Opinion kaaga Anonime ka ahow Falaqeynta Qoraalka u dhaaf Aqristaha Adigu meelna ha raacin Dhex Dhexaad ka ahow Ama Cadeee ugu horeynba Fikirkaaga meeshuu raacsan yahay…….Take care

  5. jamaal says:

    Ilaahow nin aan waxba ogayn ha cadaabin. Nin waxba qabsan kari waayey baa ku warwareega soomaali baa sidasn ah iyo somali baa sidaas ah. Caruurtaa lagu seexiyaa waddanku wuu hagaagayaa ee ha la sugo.

  6. ali hassan says:

    waa maqaal fiican oo taabanaya xaqiiqda iyo runta waxaana ka marqaati ka cayaa in rer gedo ay heleen nabada iyo daganasho aysan arkin in mudda ah nimanki indhaha guduudnaa oo mooryaanta ah ee gabdhaha caana keeno lejada ka qaadi jirey waan karaysanay alxdulaih

  7. dalal diini says:

    waa arin dhab ah waxuu kahadlay cabdiwahab midakale kuwiinaan
    xanaaqsan ma runta ayaad diidaysaan ninkaan hadalkiisa waa waano
    iyo tusaalayn cidna waxba uma uusan dhimin waana run kuwa dooloow
    jooga waa kuwa umada dhibka ku haya jaamac waxuu yiri
    kuwa gedo haysta yaa udhiibay ayaga war nimakaas somalinimo ayay ogolyihiin ee adigu ma ogashahay somali nimo? mise waxaad rabtaa
    itoobiya cadowga somalia ah in aad soo kaxaysato oo diinta islamka iyo damiirka somaliyeedba diidayo ninkaan waanku taageersanahy fikirkiisa caafimaadka qaba , kuwa qaylinaya waxaa uun wada waa qabyaalad waan ogahay

  8. allgedo says:

    Fadlan qof walbow Ra’yigaaga dhiibo intii jeer ee aad rabto laakiin yaanan magaca la kala badalanin oo aan la’iska dhigin dhowr qof. Waad mahadsan tihiin.

    Allgedo Admin.

  9. Adeec. says:

    Bulsho raali ahaada waa maxay hadalka aad midba meel ula boodeen dhulka inoo dhiga aan isla eegnee cabdiwahaab Waa Mahadsan yahay rayigiisa iyo aragtidiisa ayuu dhiibtay waxaaba laga yaaba in uu run kasheegay xaaladda ay maanta bulshadeena ku sugan tahay. maxaad xumaan ugu macneysaan markuu qof rayigiisa hadlo mawxaanan la dooneynin in wax la ogaado waa maxay waxa la qarinayo kooxda doolow joogta ma caybaa kooxse ma qabiilbaa mise waa niman meel fadhiya oo ujeeda gaar ah leh, ninkaa wuxuu cabiray in kooxda doolow ay khasaaro geysan karto haddii ay gedo weeraraan cidkastoo ay duulaan ku yihiinba. wax macna ah masameyneyso in aan u aragno difaacid qolada gobolka heysaata sidaa daraateed duca qabooyin gobolka ukumaheeni baa yaala ma aha in aan ka hadlayo gedo oo keliya waa mudug , gedo, iyo jubooyinka inta sade dego. 500,000 shan boqol oo kun oo dadkeena ah qiyaas ahaan ayaa gobolka gedo keliya dhexjiifta haddaba yey dan ugu jirtaa in gedo la weeraro. kan caabudwaaq jooga dan uguma jirto waayo dadka dhimanaya waa walaalihii , kan jubooyinka jiooga dan uguma jirto, kan gedo joogana dan uguma jirto. taasaa keeneysa in maanta dagaal ooge dani noogu jirin. hafiirinina aragtida qofka ee aan fiirino ujeedada qoraalka iyo go,aanka cabdiwahaab wuxuu bulshadiisa u jeediyey Baaq ka kooban todobo qodob waxaan jeclaan lahaa in aan dib u eegno micnaha ay ku fadhiyaan qodobadaas. waxaan filayaa in uu qoraa daacad ah yaahay doonaya in uu dadkiisa wax u qabto. dhiiro gelin ayuu u baahan yahay ee uma baahna qalbi jebin. waxaan idinkula talinayaa in aad joojisaan weerarka aan hadafka lahayn. qokii rayi haya waan u baahan nahay.maanta bulshadeenii ayaa kala daadsan. dhulkeeniina waa beylah. anigu isma naqaano. cabdiwahaab sh, ahmed-nuur maanta ayaa iigu horeysa magaciuisa waxaanse lee yahay barasho wanaagsan , waxaan ku lee yahay daacad ugu shaqee bulshadaada. meel ay joogtaba (Adeec}

  10. siyaad says:

    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh salaan kadib walaalayaal waxba cabdi wahaab yaan hadalka lagu celin caburis goobteedii lama joogo qof kastana waa u xor wixii fikradiisa ay tusto in uu qoro hadaba anigu shaqsiyan cabdi wahaab waa nin wax og waxaanse ugu darayaa arin kale oo aan xogteeda hayo marqqatina ka ahay qiyaamana la ii soo taagayo in nimanka dooloow jooga aay u adeegaan cadwga alle waa tikreega e usoo xayt xaytay in soomaaliya inta ka hartay liqdo,gaalo madaw kenya iyo itoobiya waxa aay reer gedo la maagan yihiin qax iyo gaajo iyo colaad hor leh ayagoo iska horkeenaya shacabka walaalaha ah ee wada dega GAANDI IYO INA FARATAAG WAXAAY KENYA KA ARUURIYEEN DHALINYARO KA SOO JEEDA JUBOOYIINKA IYO GEDO WAXAANA LOO DIRAY INAAY COLAAD LAGU HOOBTO USOO XAWILAAN DHULKAAN NABDOON IYAGOO RAALI GALINAYA GAALO WAXAY WADAAN WAX LAYIRAAHDO SOUTHERN STATE OOAH KALA GOYN IYO KALA QOQOB HOR LEH OO U ADEEEGA CADAWGA ALLAH SIDA KUWA HADA JIRA EE ISKU MAGAACAABAY LAND LANDKA. MARKA REER GEDOOW KA FEEJIGNAADA DABINKA AAY DHIGAYAAN GAALADA IYO KUWA U ADEEGA KUWA DOOLOOWNA WAA KU JIRAAN ARINTA EE ARINTA XOOGEEDA WAXA LAGA WADAA KENYA HIIRAALANA WAXBAA LOO BALAN QAADAY LAAKIIN BALANQAADKIISU WAXA KU DHAMAANAYA BAARDHEERE GAARIBA MAYO INSH ALLAH MUJAAHIDIINTA AYAA DHEGTA DHIIGA U DARI DOONTA ASAGA IYO CID ALLA CIDII KU FEKAR AH EE GAALADA U ADEEGAYSA.WABILAHI TAWFIIQ.

  11. fanax says:

    WUU KU MAHADSANYAHAY WALALKA QORAY FALADAAN RUNTII WAA XAQIIQDA KA JIRTA GUUD AHAAN SOMALIA OO DHAN BAL U FIIRSO MARKA UU LEYAHAY QORUHU DADKAAN ITOOBIYA DABA QOODHIGA U AH EE HOGAMIYE KOOXEDKA AH LOOGUMA TALA GELIN INAY DEGAAN QABSADAAN EE AY MAMULAAN WAA RUN ARAG BELEDWEYNE AMA CEELBARDE AMA DHINAC WALBA MARKII AY SOGALAN OO DADKU BARAKACAAN OO DAGAAL AY KA RIDAAN AYAA ITOOBIA LEEDAHAY KA SOOBAXA WHY SABABTU WAA YAAN DADKA SHACABKAA I NASAN MARKASTA COLAAD HALO JOOGO AAD IYO AAD AYUU U MAHADSANYAHAY QORAHA FALADU WAA RUN DABA DHILIF ITOOBIYA AYAAN GACANTA U GALNAY

  12. siyaad diini says:

    walaaka maqaalkaan sooqoray waa mahadsanyahay wuxuuna taabtay runtii xaqiiqda ka jirta gobol iyo nabada ka jirta maanta waa mid aan soo marin dowladii say u burburtay walow aan taageersaneen nimnka gafuurka duuban ee gobolka haysto hada markii la fiiriyay shabaabka soomaaliyoo dhan buu koobka nabada u qaaday nimanka odolow jooga wax ay gobolka ay u haayaan ma jirta wana naqaana waaa faashiliin isu tagtay shacabka gobolkana taageero kama haystaaan

  13. biid halaag says:

    waa fikir wanaagsan gedo waxaa sidaan kadhigayna waa mooryaanta
    aan diinta lahayn waxaan aad ugu faraxsanahay fikirka wiilkan cabdiwahab
    waana loo baahanyahay qofwalba oo reer gedo ah inuu sidaan okale dadkiisa si cadaalada wax ugu sheego lakiin waxka dhahayaa walaalka
    dalal runrii waxaan isleeyahay fikirka dalal waa mid liita marka hore iska daa adeegsiga luuqada englishka ee ay adeegsadaan dadka garaadkoodu hooseeyo markay dadka lahadlayaan mogtahay luuqadan aadku hadlayso in uu ku hadlo wadan cadowga somalia ah waa britain ?? ingiriisku waxuu isku dayay inuu somalia baabiyo lakiin madhicin hadana waxuu xusul duub ugu jiraa sidii
    uu somalia ukala goyn lahaa una baabin lahaa markaas baad adiguna lasoo shirtagaysaa taas ayaa natusinayso inaatahay nin madaxyare ah

  14. Mohamed says:

    Sorry, war midkan dibadaha ka qeylinayo muu tago gobolka haddii uu isagu runta rabo, sxb waxaan kuu sheegayaa anigan kula hadlayo qurbaan joogaa kol dhaweyd ayaana gobolkeygii la iga soo ceyriyey oo balaayo afka duuban ii hanjabtay, waxaanse ka xumahay C/wahaabow in aadan xaqiiqda reer Gedo iyo Jubbooyinka heyn ee bal adiga isku day in xitaa Baladxaawo oo u dhaw Mandheere aad tago barqo cad ayaa dhiigaaga la miiranayaa.

  15. ahmed shire says:

    abdiwahab mahadsanid intaa kadib markaan aqriyey war bixinta abdiwahab aniga aad iyo aad bey u fiicantahay war bixinta aad ka soo qortay gobolka gedo ani ahaana xaalada saas aan u arkaa marka waxaan dadka ku boorinayaa in aymaal gashadaan wadanka intaa baa ka maqane lana xoojiyo waxbarashada waa intaa mihiibku waxyaabaha qulubkaa waa ka baxayaaye

  16. warsame says:

    walaahi rer gedo haday wax garanayaan waxaa si cad u abary walakeen masha allah aniga waxaan idin leyahay dadka ciyaalkooda kaga fanayo in ay geyaan gobalka aysan bari marka dhulka ladhiso aysan soo lban

  17. qawaf says:

    war dadka afkaartooda dhibanayow miyaysan idin muqan hormarka iyo bilcdii gobalka oo dib u soo labatay war miyaydan direema laheen oo adan arkaynin sida maanta gobalka u socdo bal tusaale ahaan b/xaawo oo magalada ugu ganacsiga badan ee gobalka ayaa horaantii bishi aan aynu soo dhafnay waxaa laga hirgaliyay biyo galin waxaa su’aal mudan yay u xayirneed intas oo sano balse maanta yaa hirgaliyay? adinka ayaa idin dayay

  18. Jamaal says:

    Hargeysa iyo Garoowe waxay horumarka ku gaareen dhaqaalaha ka soo gala dekadaha Berbera iyo Boosaaso. Gedo waxa dekad u ah Kismaayo. Waxaa laga boodey siyaasaddii kismaayo maamul lagaga sameyn lahaa. Siyaasadu kismaayo waxay sii martaa Afamadow. Abdulaahi yuusuf wauxuu sii maray garoowe. Ina cigaal wuxuu xitaa ka soo wareegay Boorame. Markaa waa run in la siyaasad xumeysatay oo nimanka jooga doolow ay horseedeen burbur siyaasadeed sababtoo ah waxay ka soo wareegeen Xamar. Laakiin siyaasadda Gedo mar walba waa halekeedii: Luuq, G/haarey, B-dheere, Buaaleh, Afamadwo badhaadhe dhoobley. Nabad waxay jirtaa inta aad oggoshahay in lagu haysto. ama siyaasadaada aad ka tahay ninka labaad.

  19. ahmed says:

    AC AAD BAAD U MAHADSANTAHAY C/WAHAAB RUNTIINA WAXAAD KA HADASHAY WAA DHAXALGAL, TAARIIKHI AH, ILAAHAYNA HANAGU ANFOCO ADIGANA AJAR HA KAASIIYO AMIIN
    FADLAN WALIBA KDAR DHINACA G/GUDUUD OO AYANA DHIBKAAS OOKALE SHACABKA LAGU HAYO MAHADSANID.

  20. Bal anigu an daaboco doodaya khaaskaa
    Dayuuskiyo wayaanada kuwa ay dirsanaysana
    Hadal deeqo aan dhoho
    Wiilkaan nin doorkaa ducaqabe war aan dhoho
    Dalka nalama aylahan dooloow kanjoogiyo
    Diciifkaan kumaagaye diiday hadalkan doorkaa
    Gumaysiga dugaal sade heeryadi dushaw ride
    Docna khayr kumuu lahan damanaha warkiis nacay
    Daafida amxaarada daaqaa warkiis nacay
    Dafiraa wixii jira qabiil doorka moodaha
    Daba dhilif nimada badan daayaye warkiis daa
    Khaa in aanu deeqayn indhihiisu damag yahay
    Diiday oo warkiis nacay
    Mid xishood kadiirane sidaa dalal nacayb wado
    Midkaa diidan khayrkiyo beenta uuu dal dalayna
    Dood deedu khayr male afka duuban sheegtaye
    Maxaa daalin yohow dhigay dooloowga xuunshada
    Dijirkiyo wayaanada daba dhilif yadow tagay
    Gaalkaa nadumiyee daklayagaba weerara
    Cabdi waaxid ii daa waa inan dalkiisiyo
    Dadkiisaba uheelane dameer dhaanka raacdana
    Dalalow adaw ege
    Afka duuban sheegiyo inta doxor halkaan timid
    Duxoodiyo imaankala dayacana kufaankaa
    Doqomada ragaaskaa dantood seega liitaa
    Haday daawan laayeen dariskiyo walaalaha
    waxay dirir kuraageen dabcolaada laga shiday
    Dira dirana uu jiray damac iyo xishood li,i
    Noomay daroor yeen mana daaco dhuuseen
    Khayrkana madii deen duulkaa wayaanana
    Daasa dood maqaa teen daafina maraad sheen
    Dajidana madhuu qeen
    Dufkubaxa sidiinaba doxorow dhamaan tiin
    Dalka yaga matagi karo gaal doora waynaa
    Dambiiliyo hiraalana dabin baan udhigay naa
    Dal dalaadna way dhicin insha alaahu dayrtaan
    Cabdi wahaabna ii daa waa inankan doorka ahe
    Da,diisaba kahana qaad ilaahay hadaayee
    Dawo iyo wanaag iyo dawr xoogle yuu waday
    Ku diir sayey nin daacadu duligana warkiis nacay
    Doofaarna yeelkiis iyo kii dabcigileba

  21. Amy says:

    walaahi rer gedo haday wax garanayaan waxaa si cad u abary walakeen masha allah aniga waxaan idin leyahay dadka ciyaalkooda kaga fanayo in ay geyaan gobalka aysan bari marka dhulka ladhiso aysan soo lban

  22. Ali says:

    Gedo waligeedba ammaan bay aheyd ma hadday ammaan noqotay marka maalin kasta dadka lagu qalanayo.
    Barigii mooryaanta xitaa dadka laguma dili jirin Cabdiwahaab.

  23. abdi yare says:

    ac salan kadib marka hore maqaalka wilka waan u mhada celinayaa marka xigta wuxuu taabtay maqaalka runta mesha taalo nimankaas wadaadada ah waxay keeneen gobolka shareeco iyo nabad marka waxan u arkaa qolada daafida ku cunayso doolow niman aan matalin gobolka gedo danna uma hayaan rer gedo waxaa iga xasuusin ah in badankood ay yihin ragii amxaarada dalka kusoo hogaamiyay 1997 waxayna u badanyihin rag aan udhalan gedo oo kayimid galgaduud ,marka haday rabaan in ay amxaaro dabada u dhaqaan ha aadan galgaduud meshas baa amxaaro laga rabaa gedo waxad dagan dad islamka fahmay diyaarna u ah in ay iska difacaan wayaanada iyo daba dhilifkeeda inshah waana isak difaacaynaa,, rer galgaduud waxan ka faaiidnay boob iyo amxaaro iyo in ay isku diraan dadka rer gedo marka wxan kula talin lahaa in ay faraha kala baxan arimaha gedo by sharmaake dini

  24. MOHAMED says:

    Acww.
    Walaalayaal dhamaantiin waaad salamantihiin,salaan ka dib.
    walaalka maqaalka soo qoray waan u mahad celinayaa shaqsi ahaan waa igula saxan yahay inuu fakarkiisa cabiro mana ahan in lagu colaadiyo lagu aflagaadeeyo,guud ahaana qof waliba xaq ayuu u leyahay inuu ka hadlo waxuu dan u arko oo waaba horumar la gaaray maanta hadii qalin iyo fakar ku wadatashano oo aan AK47 la isu adeegsanin oo mar walba uu soo baxo qof qalinka dadkiisa wax ugu shega waa guulnoosoo hoyatay dadkeena maanta way u baahan yihiin inay soo bataan dhalin yarada inay wax u qabtaan u diyaar ah iyadoo qof waliba uu ka bilaabayo meshuu wax ka qaban karo kii wacyi galin samayn kara kii maalgelin samayn kara iyo kii waxbarasho abuuri kara.
    aniga aragtiday waxaan u arkaa inaan in laba arin laka saaro siyaasada iyo horumarinta kale ee gobalka waayo waxaa ii muuqda in dadkeena ay walba ka hormariyaan siyaada hadii siyaasad ahaan loo guldaraystayna dhinac walba laga raja dhigay aniga waxaan aamin sanaahy in iyadoo xabada ay socoto horumar lasamayn karo meelaha qaarba halaga dib dhacee.tusaale ahaan markii dowldii soomaaliya ay burbutay dalka oo dhan way wadasaamaysay balse gobalada intooda badan way kasoo kabteen marka laga reebo gedo hal tusaale dhica waxbarshada gobaladakale dadka iyagoo dagaalama ayay hadana schoolo dhisteen ilmahoodana ay u dadaalen waayo waxabarshada mahan mid gara u ah qabiil ama koox oo schoolkii magaalo laga dhiso bulshada oo dhan ayuu siman yahay kana wada faaiidaaysanayo majirto cid inta ay kusoo duusho burburinaysa ee dadka ree gadaa ka jiiftaay oo fahmi waayay in waxbarsho la’aanta caruurtooda ay meel cidla ah soo wada fariisin doonto marka lasoo miirsado ee soomaali ay isu timaado ee la xisaabto.
    marka waxaan lee yahay bal qofwaliba ka isku dayo inuu isagu qabto waxa ugu fudud ee uu samayn karo cidna ha eedayn oo waqtigag iyo maskaxadad ha isaga qasaarin waxan waxba kasoo baxayn iyo inaad hadba koox taageerto ku fakar danta guud ee bulshada u dhaxaysa ee bari ka maalin laguugu xasuusan doono waxii aad bulshaadada u aqabatay.
    dhan ka kale SIYADADAN is diidan ee hada ka jirta soomaaliya mahan mid si sahal u dhamanaysa cidii isku xirtana wax faaiido ah kama soo siyadayaan waayo labada dhinac ee isku haystama midna iyaga wax kama go’aan mana ka talin karaan danta umada ee waxay u adeegaan dadkale oo iyagu waa tuul lagu adeegto marka walaalyal aniga waxay ila tahay in aan waxaan socda manta lagu eego indho meel fog arka eee aan lagu fiirin indha iddo ama laxa kuyaaal hadii lagu murmo kooxda DOOLOW IYO ISLAAMIYIINTA YAA SAXAN aniga waxan u arkaa cid waliba in taariikhdeeda dib loo aqriyo iyo markii ay wax maamuli jiray siday wax ahaayeeen kadibna si xeeldadaysan oo ah sidee LAF LOO XAKTAA ILKANA KU NABAD GALAAN howsha lagu wado yacni waxaan ujeednaa amaba cad in dadka beesha u dhashay ee howlhan ku jira labada dhinacba aysan iyagu ahayn kuwa saaamayn way ku leh ee ay yihiin dad dan kasoo shidaal qaata WARYAA ARKAY qof beshan ah oo isaga siyaasad uu soo hansaday ula yimaada dadkiisa kan mid islaamiyiinta jadbaysan dhica kaga biiray iyo kuwan ay itoobiya maalinba shaatiga u galinayso mooyee xataa siyaasada somaliya markaad hoos usii fiiriso ma ujeedaan qof anaga ah oo isugu wata siyaasad uu majaraheeda hayo oo aan ku garab istaagno ,ARAGTIDAYDA waa maya .ninka u jeedo ha isoo jawabo.

    HADA IYO DAN gedo iyo gobalada kale ee ay beesha degto uma baahna in dagaal laga huriyo aan qiimeeyo wacyiga lagu jiro maanta waayo umajeedo awood alshaab geda kala wareegto oo ka talin karta danta dadka gobalka lehna awood ay iyadu kutasho iskuna meelmariso dhaqaale ahaan iyo siyaasad agaanba.
    waxay ila tahay ama aan dan u arkaa in hadii la isu tago laguna midoobo ay suura gali karto in laga mira dhalin karo maamul usamaynta galgaduud oo hada ah meel wax laga qaban karo oo awood wayn oo dadka ka hor imaanysaa aan wali gacanta ugalin ee REE SADOOW HADAD WAX ISKU FALAYSAAN QAYRKIIN WAX LA QAYSADA ISQABQABSI HADABA TAAGNANINA WALIGNE,DADKEENA WAX BARTAYNA AA, TALADA U DHIIBANO OO JIHADA HANOO SAXAAN ,ugu dambayn waxaan lee yahay
    DALKIINA AAMINA DADKIINA AAMINA DANTIINANA KA TASHADA.

    WAAD MAHADSANTIHIIN.

  25. my absulate support is with you there, where ever you are.
    you have mentioned the benefits of the region(gedo region) as far as agricultural activities and livestock is concerned, thank you again for highlightening these things for those who don’t know about their beloved regional state and its greatness, and i can say this is an education to them to learn from you and those who know the fertility of their lands.
    secondly i agree with you that those based and instructed from doolow are taking the same path that former militry general Omar Xaaji masale took in 1996 and 1997 it is clear that many lives are lost propertises and livestocks are destroyed, resentment and hatred are built in their highest peak and thousands of families are displaced in the neighbouring countries.

    After all this disaster there are yet those of us still willing to do the same to these venerable(the aged the young orphaned and their mothers and the council of elders)community, i belief they deserve peace and tranquility ,health and social care, education, and respect. not violence and worries not war and displacement, no any more destruction is needed.

    the last but, not the least, i like to quote always a saying in English that says ;wise is the one who learns from his mistakes but, wiser is the one who learns from the mistake of other people.so, my question is who are we?(we stands 4 sade daarood) in my opinion we’re not in any of the above, in my conculsion is, war and other disasters are there to serve a leason to the world but people from my beloved sate of gedo region are not, i say this becouse, i can see the signs of what happened yesterday(1996 and 1997) are to happen again.
    do we learnt a leason from this, i think NO
    please stop encouraging and discourage it.

  26. samsam says:

    qawaf walala waad mahadsantahay aniga waxaaan la yaabay waxaan waayay dadka hadlo horumarka gobolka gaaray gobolka maanta wuxuu marayaa meeshii oogu wanaagsaneed ee balayada laga qoro ee webebka xunnka aad ka aragtaan ee ay qoraan nimn qurbaha jooga ee aan gobolka waxba kal socon waxada ku garanaysaaaaaa kooxdaa qurbaha joogta waa dad aaminsan in baardheere gobolka oogu hormarsantahay waa dad indho la oo xaqiiqda ka jirta ka indho la may tagaan baladxaawo say u hormarsantahay iyo say ulaka socota waa iyaga baardheere ku waashaye taas baa kuugu daliil ah may tusaalo u soo qaataan luuq ganaane balaayaday wadaan kuwaan ilaahay hanaga duwo

  27. samsam says:

    gedo nimkaaan doolow joogo lagama rabo maxaa yyeelay waala yaqaanaaaaaaa ma oho kuwa ree gedood ku cusub waa isbaaroolaydii daka dhibay waxaa kuugu daliil ah in ayna shacabka rabin meesha labo sano ma alaga soo dhaqaaqo meesha waxbo laguma hayo qamadiga in ay amxaarta ka dhameeyaan lacagtana dadka doofaarad iyo digaaghah ka shaqeeyo ee dibada jooga ka qaataan moyeee

  28. siyaad says:

    NO TO HIIRAALE NO TO QABQABLE NO TO QABIILAYSTE NO TO XAARAAN CUNE NO TO DABA QOODHI NO TO SECULARISM.

  29. A/qadir yussuf dhicis afka. says:

    I personelly thing that it is high time to put all our efforts to togther, inorder to bring peace and stability into our region. especially, i’m talking about those of us in the diaspora to contrubite to the developements as far as education, health infrustructure, and establishment of busness communities in the region.it is time to start showing our blood brothers, sisters, mothers and our elders as well, what we have learnt outside the region(gedo) i.e, good administration and loyality to our beloved elephant shaped region

    justice is one of mean pillars that is missing and if it is brought into a full scale, we know how prosperous in terms of (trade, livestocks,and agricultural products) is our state and then the rest will automatically follow for example building of high schools, collages, polytechnics universities and beautifull infrustructures will come if we all togather establish a very anchor jusitice and equality.

    my conculsion is that, what can we do to stop this imminent and the inevitable war? that will for sure cause death, destruction of properties and commerces displacement and once more bring hatred, resentment, and dislike among our people.
    let’s all prayer to Allah (sw) to bring down and shower his mercy upon us and make those who are trying cause this to make them understand the pain that their people will go through so that they might stop it. AMIIINNNNNNNNNNNN.

  30. Dood kale ayaan iri dalku nabad ayuu yahay
    Dooloowba mooyee dagmo gedo kutaalaan
    Dulmi iyo dhib kale qabin
    Dayuus iyo xaqiir baan
    Doodayda marag furin
    Dirka reer sadaw maqal
    Dooloow ragaa jira
    Horay bay u dumiyeen
    Isbaarada u daad sheen
    Dakanaan dhamaa nayn
    Duda nabad u keeneen
    Hadaan daaya lagu dhihin
    Dabka ay shidaa yaan
    Yay gubi dam baaburo
    Oon ehel dicii foo
    Soo doogtay waayahan
    Dabka dhiga halagu dhoho
    Ninkii diida taladana
    Dabinanu kabixi karin
    Waa in dalaq lasiiyaa
    Daaxuuradaan kacay
    dayac bay nabada yaan
    Hadaan dayno maantana
    Xabashaa dalkaan iman
    Waana dagal go,aynaa
    Durba miyaad ilowdeen
    Daraad waxay falaayeen

  31. dalal says:

    waaaw farah yusuf jiijiile abwaanka wanaagsan oo miro culus baatahay
    waanku istaagay abwaane ilaa fariiso idhahdana mafariisanayo

  32. MOHAMED says:

    sxb faarax jiijiile ishaad ka riday waad sidaad u sheegtay haday ree sade wax maqlayaan.

  33. afkaaga caana lagu qabay A/wahaab waxaan leeyahay dadka hadalka qoraagu taabtay Allaha idin danbi dhaafo sababto ah gobolka gado maanta waxaa laga yaabaa hadii la wareego in laga waayo qof xabad iyo isbaro ku dhiinta ilaa mid nimanka afka duuban oo aad sheegaysan ay ayagu waxay rabaan ha u cuskadane ay dilaan laa kiin ma waxaad u war la’dihin in maalin kasta 20 ila 25 qof oo qabiil iyo isbaaro lagu dilay ay ku dhiman jireen mise waxaad u war ladihiin gaarigii xamar kasoo dhaqaaqa ama kismaayo kasoo dhaqaaqa inuu soo mari jiray 100 isbaaro walala yaal waxaan idin leeyahay nimanka doolow jooga xal kuma jiro maxaa yeelay isbaaro iyo anigaa reer hebel ah aya daba socoto oo xataa ayaga wada jooga ayan dacad ku wada joogin bal in ay anaga daacad nasoo garsiiyaan iskaba daaye marka waxan leeyahay habarta hada laba riyood haysataa nabad ayey ku maasha kan dukaan lehna nabadbuu ku gadaa inta dowlada cadila Alla naga siinayo gobolka aan qaska ka daysano mahadsanidiin.

  34. Ninkastoo damiir lihi
    Wuxuu doo nayaa jira
    Dalkaan naba taalana
    Niman dii dan baa jira
    Daalin baan arkayn abid
    Waxanan daawan karayn
    Dayuus aan wax garanoo
    Uu malse soo diray
    Kuwaa daba ordaa yana
    Damiir iyo xishood male
    Waxse kaa kasii daran
    Raga daafacaa yee
    Doodiyo warkana qaba
    Kolay dufanki shalay bay
    Doo nayaan dhamaan tood
    Reer difaaci maahane
    Yaxar doonis badan baa
    Dhuun taa dilaac sani
    Igu daa ku lee dahay
    Dacar iyo dhuxula shidan
    Hunguri doonis tiisuna
    Ragbay dilatay waa hore
    Kuwaa daa yey oo dhigay
    Dacal kale ayaan mari
    Durqun iyo hadaaq baa
    Maal mahaan na daa shee

    Hadaanse diiradaw furo
    Su aal diiran soo diro
    Dawlad nimo maxay tahay
    Yaa naga dawee yoo
    Deeto qeexa waatane
    Wali kama an daaline
    Dee layda maanta
    Inaan dararo mooyee
    Ceel dawra maan ahi
    Ma,wi doo jisaan ahay
    Maax dihin ayaan ahay
    Walaa laaha dirkaygaa
    Dadka wawgu jece lahay
    Markay daaca joog tee
    Markayse daalimiin iyo
    Dugaag booba yaalihi
    Shacab kayga dilayaan
    Dadba haygu xiga ee
    Walaahi waan dar beeyaa
    Dal dalaada mooyee
    Damqa shadaba ma ogoli
    Ileen waa dayuus aan
    Dara jayn ilaahaye
    Doodiyo dhamaan teed
    Dooloow ragaa jira
    Inay daawo keenaan
    Dadka ruuxi sugay yoow
    Adigaan dantaa garan
    Safiih daaciyaad tahay
    Doodayda khaaskaa
    Dalal baan kulee yahay
    Walaa dabci digtaad tiri
    Salaan diirana iga qabo
    Daa uus qur xoon iyo
    Ubax baana kuu diray
    Ducaqabena waad tahay
    Magacuna dux diisu
    Dalalow u iishaa
    Dad kee naa lakala dilay
    Dawladuhuna qayb sheen
    Aynagaa dadkii saa
    Dalagiisa kaca yiyo
    Raga daafacaan nahay
    Hadaan maantay laga dayn
    Dibin daab yadaan badan
    Yaa duur uyaal noqon
    Yaa dibada laga dhigi
    Dicaa yaad an harin iyo
    Yey ceebtu dilay saan
    Hogaan diirmay yaa noqon
    Yaa duluf lanacay iyo
    Mayrax dabacday laga dhigi
    Nolol duug ayaa noqon

  35. jafe says:

    asc dhamaan waa idin salamay walaalaha ree gedo spc waxaan si qaas ah u salamayaa uguna mahad celinayaa ninkii maqaalkaan soo qoray Cabdiwahab Shekh Axmed-Nuur walal waad mahad santahay reali wa wax loo baahnaa dhiira galinta dhalinta ree gedo aad ayaana kuugu mhad celinayaa gobalkeena ooma ogalin wixii uu soo maray nabad ayaan hadda haysanaa alle ayaana oogu mahad celinaynaa illah na hanga qabto dadkan shayadiinta ah oo doolow joogo gaalada ay soo wado ayaka & gaaladaas waxay ku kala duwanyihiin maba aqaanee waa isku mid btw dadka maqaalkaan sida qaladka ah u fasirtay waa dad maskaxda ka buuxdo qabiil kana soo jeedin gedo ……. galgaduud bay ka soojeedaan ,,, anagu marabno digaal nabad baan rabnaa cidwalbo waxay ahaatabo ha ahaatee qofkii noo keenaayo nabad aad baan u soo dhawaynaynaa illah na hanaqabto kuwa illah ka furtay oo aanan garanaynin waxaanan digaal eheen wa billahi towfiif

  36. to jafe reer kaan meel kastoo uu dago waa uun hal reer laakiin wixii horumarkiisa diidan aanu iska dhicino ee yeynaan deegaan ahaan wax kudhisin

  37. Terrorist Sympathizer Qore: Cabdiwahab Shekh Axmed-Nuur

    sxb waad nagu soo qaldantay shalayo mar kii aad noo soo dirtay qoraalkan.. meesha buu ku haboon yaha .. qoka xagjirka

    mar danbe hanoo soo dirin qurnaka xagjirka iko yarta ..gedo.. waa na tuurnay qoraalkagii.. saa ula soco .. 5 daqiiqo .. ayuu kujiray Laasqoray.org.. xaal ba kabixinay.. wariyihii aad u soo dhiibtayna .. waa la cayrayiy..

    ku baashaal qola iko yartaaaa

  38. doolow boy says:

    cabdi wahab, well done bro, these is a real picture exist in our homeland,. n we need to get young peaple who are talentd, educated and optimist,who can sort out these crises which have been undermining our progress for a long time of period such as economically, political,and academically..
    to be honest as we are sade we are talanted and couragiues and that is most important thing inhuman nature,,but that powers are being misused by warlords and uneducated peaple,,,gedo isg second lagest region in somali and is is resourceful..but it lacks great leadership and young educated youth,
    ido beleive we can make posotive change with in very short time of period,and we can stabilish great jubbland state,which can stop our blood shed in our region,

  39. qoslaaye says:

    a good idea in mind, dolow boy

  40. ismahan says:

    thank you dolow boy,,,qoral fican ayad mesha kusoo qortay.

  41. abdinaasir says:

    war heedhe umada reer Gedo waxaan dhihi lahaa iska daaya wax yaabaha la xariiro qabyaalada waxaana muhiimd ah in dadku wax fahmaan oo ay dantooda gartaan,mida kale odayaasha waa muhiim waayo waxaynu og nahay Gedo inaysan lahayn odayaal la dhihi karo waa wax gal kana yasheeqo nabada dhalinta iyo dadka kalena wax ha maqleen waxna hala barto yaanan afsomali meesha lagu hayninee insha allah nabad waarto ilaahay hanoo keeno waxayna imaani dadkeena makii ay dantooda gartaa ilaahayna hana garansiiyo insha allah tacalaa.

    waana idin salamayaa walaalaha reer Gedo
    Abdinaasir(HAJIYARE)

  42. ubah says:

    asc ? aasheydu waa ma mareexan baaleh gedo mase ururo? ushaqeeya mooryaaanta xamar joogta ama ha sooqatan magac diimed ama hasoo qatan magac dowladede war aniga RA ,yiGEyGU WAA SADE HATASHADO WAAYO GOBALKAGEDO ILLAHAY WUU U NIMCEYAY DHUL BAXAD WEYN OO BERA LEH 2BA XUDUUDOOD LEH BAAD HAYSATAN KU HESHIYA OO DHISTA GOBALKINA WAYO SOMALI NIN WALBA SUU GOBALKISA UDHISAN LAHA BUU KUJIRAA MAXA NAGAGALAY MOORYANTA XAMAR KA ARIMISA WAR MAGICIN WAD KUCAYARTENE SO CELIYA MAGACINA OO BEESHA SADE WAX HA QABSATO ISKA DAYA URURO SHEYDAN MAGACA SADE WAX U DHIMAYA WAR WIIL KIDHINTA WA WIIL SADE GURIGA GUBANAYA WA GURI SADE DOLOW IYO MORYAN TA JOGTANA HALAGA FARAXASHO MAGACA BEESHA HALA SOOCEIYAN TAGANAHAY WALALAYAL DHUL NINKISA DHISTEE DHULKINA DHISTA ISKANA ILAWO MADAXTINOMO AAD MARKA HORE GURIGAGA KABILAABIN MARKA HORE HOYGAGA DHIS ASC ILAHAY UMADA SOMALIYED HA UDABALO NABAD IYO NARUURA ASC

  43. ubah says:

    abdinasir hajiyare maxakukenay in ad dhexgasho dad danahoda kahadlaya hadadan udhalan gobalka kumatagna afkagana kalexi odayasha gedo oocaqilada iyo culumaa udinka ba ah

  44. SEYNAB says:

    ASCWRWB DHAMAN WALAHAYGA BEESHA SADE WAN SOO DHAWEYNAYAA FIKIRKA ABDIWAHAB WAN QORAAL XAQIIQDA TAABANAYO NOOLOW CABDIWAHAB WALAAL

  45. Nabadoon says:

    Afkaaga caano lagu qabay, xaqa iyo baadilku iskuma eka, Allaha kaa abaal mariyo walaal cabdiwahab sida xilkasnimada leh ee aad ugu hurtay wakhtigaaga inaad ku garab istaagtid walaalahaaga reer Gedo nabada iyo ififaalaha horumar ee u bidhaamaya, adiga oo sidoo kale u sheegaya waxa dantooda ah kuwa aan ka naxayn shacabkooda ee weliba miciinka biday amxaaro oo la wada ogson yahay dhibka ay ka gaysatay gobolka aakhirkii sagaashanaadkii iyo sida ay colaada udhex dhigtay shacabkii walaalaha ahaa. waxaan leeyahay kuwa doolow jooga walaalayaal iskaga kaalaya oo u imaada dadkiina halkaas ayaad sharafiyo cisi ku leedihiine.

  46. Alla doqon wax qorid baratay badanaa, anigu ninkaan c/wahaab ah, waan un afkaygaa furan wuxuu daldalay maba la socdo markuu dagaalka ka bilowday gobolka waa 1996dii,ninyahow ogowsidaas horta, midakale yaa bilaabay rabshada waa nimankii Alitixaadka ahaa ee ku soo tarbiyeeyey adiga, siday u roonaayeen ayey un Siyaasad aadeen waaba tay xaargeedaha ku sayreen oo dheheen cidaan anaga ahayn gedo kama hadli karto waxna masheegi karto odayaashii siyaasiyiintii aqoonyahankii intiiba way laadeen hadee balaayaa ka dhalatay iyagaana sababay, Waligeedna waaba la ogaadaye Wadaadadu oo
    kuma fiicna wax layiraahdo Political oo markay galaanba way ku dhexwaashaan bal fiiri kuwaan maanta Alshabaab iyo xizbul islaamka sidaas ayeyba ka yihiin bahasha, gobolka ayagaa fidno ku ah ee dooloow waa magaalo gedo ka tirsan dadka degana waa sade mareexaan sxb waxaan kugula dardaarmayaa try how to write an articale.

  47. haddan runta la sheegin hormar daaye talaabo wanaagsan lama qaadi karo icid eeda colaadaha iyo dib u dhacyadda gedo iska leh waxay ila tahay inuusan gedo ku dhalan kana soo jeedin waayo saraakiishii dowladii hore waxay na dhaxal siiyeen dagaal tusaale 1997 snf yaa hogaaminayey ciidan ahaan ragggii la rabay inay adduunyadda la xisaabtamaan kuwa hadda ciida itoobiya fadhiya kismaayo markii ay joogeen ayaa tusaale noogu filan intaa waxaa dheer yaa maanta gedo isku duula ma jirto ee ninkii wax taraya maalgashi iyo hayaddo raadin ha galo

  48. qali says:

    waxay ilatahay inaan ku raacay ra iga wiilka layiraahdo (adeec)
    cabdi wahaab ra igiisa iyo talo fiican ayuu kadhiibtay waana ku mahad sanyahay dooloow qolada joogtana waa sida adeec sheegayee seef laboodka iska daaya qolakasta ayay noqonkarataa hadal waa margi waana meeshii loo qaado yaan lais sharaysan dadku waa dadkeenii colaad iyo cuqdi ilaah hanaga dhex saaro ninkasto oo wax noqda waa qofka qofkiisakale guul ayay inoo wada tahay .qofwalboow qofka walaakaa ah si habsami laaan ah ucaawi guul ayay kuutahayna qof fakirkiisana dhibaato ha dhex gashanee maxaa inta aadan qalad galin oo qoka ra igiisa aadan ku qaldamin fiiri macnaha iyo nuxura waxa laga hadlay leeyihiin