Home » Archive Daily December 1st, 2010

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab oo B/xaawo booqanaya waqti shacab Rayid ah lagu gowracay

Dec 1, 2010
Wafdi ka socda xoogaga Islaamiyiinta ayaa booqasho ku maraya degmooyinka kala gedisan ee Gobolka Gedo waqti lasoo sheegay in tacadiyo ka dhan ah shacabka ay Gobolka ka dheceen. Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali dheere iyo wafdi balaaran ayaa gaaray degmada B/xaawo halkaasi oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Al Shabaab iyo saraakiishooda Gedo. Booqashada wafdigan oo aan si rasmiya... 

Maamulkii Xisbul Islaam ee Buur-hakaba oo ka hadlay sababta ay Shabaab magaalada ula wareegtay

Dec 1, 2010
Xaaladda degmada Buurhakaba ayaa maanta degan kaddib shaqaaqa kooban oo shalay ku dhax martay ciidamo ka wada tirsan Ururkii Xisbul Islaam ee maamulayay magaalada. Wararka nagasoo gaaraya Buur ayaa sheegaya in xaaladu caadi kusoo laabatay islamarkaana ay magaalada gacanta ku hayaan maamulkii hore oo qaatay magaca Al Shabaab iyo ciidan hor leh oo ka socda Shabaabka Gobolka Bay. Maamulkii Xisbul Islaam... 

Nin ay walaala yihiin C/llaahi Yuuusuf Axmed oo Caawa lagu toogtay Waqooyiga Gaalkacyo.

Dec 1, 2010
Kooxo Hubaysan ayaa caawa magaalada Gaalkacyo ku toogtay Wiil ay walaala yihiin madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Somaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wararka nagasoo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in dhaawac halis ah uusoo gaaray Warsame Yuusuf Axmed oo in mudda ah ku noolaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay Warsame... 

Beesha Caalamka oo waddo qorshe magaca looga bedelayo DKMG ah ee Somaliya (Warbixin).

Dec 1, 2010
Dowladda KMG ah ayaa wado qorshayaal ay isaga leexinayso Indha shacabka Soomaaliyad iyo beesha caalmka kaasi oo ku aadan waxqabasha la’aanteeda mudadii ay jirtay. Madaxda ugu saraysa Dowladda KMG ah ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay kaasi oo ay uga hadlayeen sida dowladda KMG ah looga bedeli lahaa magaca ay hadda ku shaqayso loogana dhigi lahaa dowladda Federaalka Somaliya. Shariif... 

Awoodii Ururka Xisbul Islaam ee Gobolada oo sii dhamaanaysa kadib markii Buurhakaba lagala wareegay.

Dec 1, 2010
Warar iskhilaafsan ayaa kasoo baxaya xaaladda magaalada Buurhakaba ee gobolka Bakool oo uu maanta ka dhacay isbedel dhanka Maamulka ah, wararka ka imaanaya Buur ayaa sheegaya in maamulkii Xisbul Islaam meesha laga saaray. Israsaaseyn xoogan oo mudda kooban socotay ayaa gudaha magaalada ku dhaxmartay ciidamo kawada tirsan Xisbul Islaam oo isku khilaafsanaa midnimo lala gaaro Xisbiga. Wafdi ka socday... 

Wasiirada cusub oo Xilalkii kala wareegay wasiiradii hore.

Dec 1, 2010
Wasiirada cusub ee dowladda KMG ah ayaa maanta la wareegay wasaaradihii hore oo ay hayeen siyaasiyiintii soo maray dowladda KMG ah, munaasabado kala gedisan ayaa maanta Muqdisho ka dhacay kuwaasi oo ay xilalka kula kala wareegeen wasiirada. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amaanka ayaa xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee jagadaasi hayay, siyaasiga Cabdi Raxmaan Ibbi oo horay u ahaa wasiirka...