Home » Archive Daily December 8th, 2010
Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al Shabaab oo ku dhawaaqay Guddi qaabilsan Gurmadka Abaaraha.
Xarakada Al Shabaab ayaa maanta magacaawday Guddi qaabilsan gurmadka abaaraha ku dhuftay gobalada dalka Soomaaliya waqti dad iyo doonyo farabadan ay ku dhibaataysanyihiin Roobab yarida ka jirta dalka Soomaaliya.
Guddiga siyaasadda iyo arrimaha gobolada Xarakada Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay in ay u istaagi doonaan sidii shacabka dhibaataysan loogu gurman lahaa, Sheekh Xuseen Cali Fiidow madaxa siyaasadda...
Dekadda magaalada Marka oo dib u shaqa bilaawday iyo Maraakiib kusoo xirtay.
Waxaa maanta si toos ah u shaqa bilaawday Dekadda Macmalka magaalada Marka gobalka Shabeelaha Hoose oo 3-dii sano ee lasoo dhaafay aan shaqayn kadib markii maamulka gobolkaasi ay la wareegeen xoogag Islaamiyiin ah.
Maanta duhurkii ayuu Dekadda kusoo xirtay Markab alaaba ganacsi sida kadibna lagu daabuli doono Dhuxul, majirin wax munaasabad ah oo loo sameeyay dib u shaqa bilaabidda Dekadda magaalada...
Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ka warbixiyay Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Galgala.
Hogaamiyaha Ciidanka deegaanka Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atam oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda islaamiga ah Alfurqaan ayaa ka warbixiyay dagaaladii iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee dhex maray Ciidamada deegaanka iyo kuwa Maamulka isku magacaabay Puntland.
Sheekh Maxamed Siciid Atam wuxuu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ay ka dhaceen muddo haatan bil laga joogo,isagoona xusay in dagaalkaasi...
Xiisada u dhexeeya Xarakada A Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka taagan degmada Walaweyn.
Xiisada u dhexeeya Xisbul Islaam iyo Xarakada Al Shabaab ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay labada Xarako isla maamulaan, ciidamo katirsan Xisbul Islaam ayaa u dhaqaaqay dhanka degmada Walaweyn.
Goob jooge ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegay in xalay fiidkii ay magaalada ka bexeen ciidan ku hubaysan 5 gaadiidka dagaalka islmarkaana ay doonayeen in ay dagaal ku...
