Home » News »

Kalsooni kala noqosho beelaha Xasan Gaashireedle ee Mareexaan Dawlada Federaalka Ku Meel gaarka ah ee Soomaaliyeed

Related Articles

    Ku: Umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto

    Og:  IGAD, Xafiiskeeda Nairobi

    Og:  Xafiiska Midowga Africa, Xafiiska Nairobi

    Og:  Jaamacada Carabta,  Xafiiskeeda Nairobi

    Og:  Wakiilka Jamciyada Qaruumaha Ka dhaxaysa,  Xafiiskiisa Nairobi

    Og:  Midawga Yurub, Xafiiskiisa Nairobi

    Ujeedo:  Kalsooni kala noqosho beesha Xasan Gaashireedle ee Mareexaan Dawlada Federaalka Ku Meel gaarka ah ee Soomaaliyeed

    Waxaa intii muddo ahba beelaha Xasan Gaashireedle u socday shirar ay kaga arinsanayaan guud ahaan xaalada uu dalku marayo gaar ahaana qalqalka siyaasadeed ee kusoo kordhay arimaha Soomaaliyeed, taasoo ay sababtay nidaamka lagu soo qaybiyay xukuumadda uu soo dhisay Ra’isal wasaare Mudane Maxamed A. Maxamed.

    Waxaa uu Ra’isal wasaaruhu garab maray si ula kac ah axdi qarameedkii lagu soo dhisay dawlada kaasoo saldhigiisu ahaa hanaan awood qaybsi ku salaysan 4.5. Waxaa uu Ra’isal Wasaaruhu si bareer ah u yaraystay talooyin wax tar u ahaan lahaa qaab miisaanka awood qaybsiga oo ay usoo jeediyeen wax garadka iyo siyaasiyiinta beelaha Xasan Gaashireedle. Waxaa Nasiib darro ah, in Ra’isal wasaaruhu asagoo u dhashay beesha Sade garanayana qaabka awood qaybsi iyo baaxada dhuleed ee Gedo, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe ee ay beelaha ku abtirsada Xasan Gaashireedle degaan, isla markaasna dawladdiisu sal u thay nidaam awood qaybsi qabaa’ileed, inuu si ula kac ah u duudsiyo xaqii beelaha Xasan Gaashireedle ay ku lahaayeen xukuumadda uu soo dhisay.

    Waxaa nasiib darro ah in kadib 20 sano oo burbur umadeed dhacay sababtiisuna ahayd cadaalad xumo iyo sadbursi in Ra iisal wasaaraha cusub oo la islahaa wuxuu wataa maskax kabadbaaday burburkii qaran uu asagii kudhaqaaqo sadburin iyo kala faqooq qabaa ilka soomaaliyeed dhexdiisa ah taasoo sababi karta burbur umadeed oo horleh. Waxaa uu Ra’isal Wasaaruhu u cadaalad fali waayay beesha uu kadhashay taasna waxa ay muujinaysaa inaan laga fili karayn inuu Soomaaliweyn u cadli falo.

    Waxaa dood dheer iyo falanqayn kadib ay isla garteen waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culimaa’u diinka, haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshoweynta beelaha Xasan Gaashireedle qodobada hoos ku qoran:-

    1. Laga bilaabo taariikhda uu qoraalkaan faafo waxaa ay beelaha Xasan
    Gaashireedle ay ogeysiinayaan umadda soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, beesha caalamka kuwooda arimaha Soomaaliya kuhawlan in ay guud ahaan kalsoonidii kala noqdeen dawlada Federalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliyeed.

    2. Waxaa la farayaa xildhibaanada asal ahaan kasoo jeeda beelaha Xasan
    Gaashireedle ee ka midka ahaa Dawlada Federaalka ee Kumeelgaarka ah inay shir jaraa’id oo arinkaa ku aadan ay qabtaan una caddeeyaan mawqifkooda ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba.

    3. Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan waxgaradka, culumaa udiinka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin beelaha Xasan Gaashireedle ee kala joogo dalka iyo dibadaba in laqaban doono shirweyne ay beeshu uga arinsanayso talaabada middaan xigta ee ay kudhaqaaqi doonto. Waxaa shirkkasi lagu qaban doonaa meel kamid ah degaanka balaaran ee ay beeshu Soomaaliya kadagto, goobta iyo waqtigase guddi farsamo ayaa soo cadayn doono.

    4. Waxaan uga digaynaa umadda Soomaaliyeed ee samaha jecel inayan ku kedsoomin shirqoolada lagasoo maleegaayo Muqdisho ayna isu abaabulaan intii isku dan iyo degaanba ah sidii ay shirqooladaas uga hortagi lahaayeen.

    5. Waxaa la ogeysiinaayaa saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo dablayda katirsan ciidamada qalabka sida ee fadhigoodu yahay Xamar inaynan ka qayb qaadan colaadaha iyo dagaalada sokeeye ee horta leh ee Xamar laga soo abaabulaayo, badalkeedana ay kusoo noqdaan degaanada ay beelaha Xasan Gaashireedle degen yihiin.

    6. Waxaa ay beelaha Xasan Gaashireedle soo dhawaynayaan lana shaqaynaysaa cid kasta oo wadda nidaam xalaal ah, ee aan ku dhisnayn sad bursi umaddana u xaq soora.

    Waxaa bayaankan si wada jir ah usoo jeediyay wax garadka beesha Xassan Gashiredle Mareexan oo kala ah:

    1)-   G/sare Xasan Dahir yarow (Xasan Dheere)
    2)-   Axmed Buule Maxamed (Canjeex)
    3)-   Mukhtaar Kaamil Kuuloow
    4)-   Axmed Sheekh Calinuur
    5)-   Axmed Bashir Cisman (Madoobe)
    6)-   Bashir Maxamed Cali (Bashir Galey)
    7)-   C/lahi Cabdi Duqow (Cabey)
    8)-   Maxmamed Ibrahim Muse (Maxamed Amiin)
    9)-  Isaaq Xareed Sharmarke
    10)-  C/rashid Maxamed Yaqub
    11)-  Dahir Bare Axmed
    12)-  Axmed Cisman Ibrahim (Axmed daqare)
    13)-  C/risaaq Maxamed Aar
    14)-  C/risaq Maxamed Maxamud (Buux)
    15)-  Adan Cusman Nuur (Calgee)
    16)-  C/qadir Maxamed Cabdi (C/qadir Iris)
    17)-  Xuseen Maxamed Cali

    Cidii su’aal ka qabta baaqaan waxay kala xariiri kartaa:

    G/Sare Xasan Dahir Yarow (Xasan Dheere)
    hassandhere1@hotmail.com

    Axmed Buule Maxamed (Canjeex)
    buullegireed@hotmail.com

    Mukhtaar Kaamil Kuuloow
    bilaal42@hotmail.com

    Axmed Bashir Cisman (Madoobe)
    madobeosman@yahoo.com

    _________________________________

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    46 Jawaabood " Kalsooni kala noqosho beelaha Xasan Gaashireedle ee Mareexaan Dawlada Federaalka Ku Meel gaarka ah ee Soomaaliyeed "

    1. abateey says:

      waa su’ aal daweyne ma dadba la qanciyaa mise dowladba ladhisaa

    2. Oday says:

      A/C
      waxaan ka xumahay in Beesha reer-xassan ay u dudaan wax dhib mooyee aan dheef kaga imaanayn ama ay beelaha soomaaliyeed wax ay ka xishoodeen ayagu ku dhaqaaqaan.

      soomaalidii oo dhan waxay is leeyihiin wdowladdan in wax ka soo baxayaan lama hubee bal ha sii turaan turaynina waayo wax aan dil iyo khasaare iyo dhib ahayn hadda kalama maqna dowladda 1km.
      waxaan leeyahay walaleheen Reer-xassan quud aanjirin qoryo u guro yaanay dhicin.

    3. gulwade says:

      alow maxaa qolo umada xushmad kudhex lahayd malin iska qaday mantana ma reer xasan oo la oga sida reer sade ay hal boowala ha ugu ahaayeen baa wxa san wax u sooqoray? mise waaqon sharafta reer xasan meel ugadhacaysa? wa aduun washay

    4. Dawlad says:

      Soomaaliyeey marka hore sifiican u fiiriya warbixinta qoran waa Beesha mareexaan dhexdeeda ayagaana Ra”isul wasaarihii qaatay ayagaana qaylinayo..aaway soomaalidii kale meeshay ayagii sidaan u qaylinayaan ma waxay rabaan inay sidii Afwayne meelkaste uga noqdaan madax walee mareexaanoow iimaan daradaas waad qabteen waagiiba adinkaana bur buriyey dawladii hore adinkaan dhibkaan sabab u ahaa hadan soomaali idinka yeeli mayso inaad Jifo Jifo hoose ee mareexaankiina ah aad dawlad soomaali oo dhan dhextaalo tiraahdaan waa nalaga qadiyey waxaas soomaali idin ka yeeli mayso ee warkaas mareexaan ha nagu gaadina mar danbe waagii horaad na gaadeen idin ka yeeli mayno xabad iyo dagaal ayaan ka xignaa jifo walbo oo mareexaan ah inay tiraahdo anigana wasiir anigana agaasime war soomaalidii kale aaway ma adinkaa iska leh dalka oda Faqashyahay. hana waalinee isku waasha adinka dhexdiina .

    5. deeq dhagalaab diriye says:

      waxaan soo dhaweeynaynaa baaqa ayqortay allgedo ee kusocda beesha reer xasan mareexaan dhamaan waxaan ugu baqaynaa beelaha soomaliyeed
      in ay isaga baxaan dagaalada kasocda muqdisho oo aan laga qayb qaadan
      waxaan ugu baaqaynaa dhalinyarada soomaaliyeed in aan lagu qaldin dagaalada bohuko uu madaxda kayahay waxaan cadeey naynaa in aysan oolin soomaliya dawlad xor ah oo u ageegta umada somaliyeed farmaajo dawlad kaga baxsan meeysaan ee yuusan qaldin dhamaan beesha mareexaan hakatashato beeshu ayaheeda iyo ladhaqanka umada soomliyeed haga fagaadheen wax walba oo beesha colaaded sokeeye usoojiidaya dowlad kamasoo socoto xamar iyo dibad midna magac ila sheegtaa macusla laakiin waxaa culus in uushaqeeyo somalidu waxydhadaa xarig qaranro ceel waa kugashaa kaamase bixiyo hadii aanahay dhalinyarada beesha wagardhac ama maxamed amaanreer waxaan qabnaa fikrada reer xasan oo kale

    6. aniga says:

      alshabaab waxay xukumaan koonfurta soomaaliya oo dhan yaa arkay ayagoo lagu eedeynayo iney qabaailada qaar faquuqeen ama 4.5 ku qeybiyeen oo beelaha qaarkood ay leeyihiin cadaalad daro ayay sameeyeen?
      beelaha hada alshabab ku kacsan waxaa kamid ah ama ugu cad Habar gidir ayagana isbaaradii iyo masaalixdii somalia darteed u burburiyeen ayaa meesha laga saaray

    7. ahmed says:

      walaalayaal waxa weeye haddii aad tihiin mareexaan waxaad tihiin halyeyadii soomalia waxaan haboonaan lahayd inaad ogaataan inaad wadnka xukunkii sii dib uhanatay beesha sade marka mucaaradada joojiya oo hanoqanina sidii kii sheeganayey madax weynaha puntland hadalku lahaa ima matalaan 2 wasiir
      ee markaa waxaa weeye magaadheyso dowladu qabiiladoo dhan mar hadaad maareexaan tihiina waxaad heysataan raysal wasaarihii wadanka marka howsha wax ka badala

    8. MOHAMED says:

      ASCWW.waa arin aan soo dhawaynayo in beeshan xaqeeda raadsato maadaama raysal wasaare FARMAAJO xaqeedi ku tuntay uuna baal maray nidaamka 4.5 ee ay dowlad ku sheega ku dhisan tahay waxaa wax lala yaabo igu noqotay in jifadiisa uu siiyo wasiiru dowlihii uu MAREEXAAN ugu tala galay iyadoo uu og yahay in marexaan xasan iyo isaaq kala yahay !!!!! aniga waxaan ka filayay inuu yahay nin masuul ah isuna soo dhawayn doono somali iyo gaar ahana beesha oo in badan qilaaf ka dhex jiray waxaa la rabay inuu soo afmeero tolkiina isku duwdo siduu cadowga isaga dhiciyo balse nasiib daro ma dhicin waxuu sii faagfaagagy Boogihii beeshiisa almuhiim mudane farmaajo waxaan kula talinayaa inuu wax ka badalo siyaasadiisa dadkiisana isku keeno .

    9. Runta says:

      ASC
      wlal dhisida dowlada waa shacabka ama qabaailada oo laga dhexdhiso si kale mahan la soco adigoo raali ah
      dhaman somalina waa wada dowlad raadis lakin inta rer hebel wax tirsanayaan lama helayo sorry

    10. cabey says:

      waa su,aale dowlad ma reerba leh mise qaran calooshii jirane caafimaad waa u cudur

    11. beeldaajiye says:

      Waxaa layaab leh haddii qofkastaa uu xildoono haddii kale kalsoonida waan Kala noqonayaa dawladii la dhisay AMA looma dhamo maxaa cal ah?goormaase lagaari xal.waxaan meeshaba Ku jirin xasan iyo isaaq waa.tankale goormuu xasan qoodowgii waardiyeyn jiray batroolka g/haarey nowday g/sare ma wuxuu mooday dawladii c/lahi oo isaga la folks ahayd qoodow sidu sidii ma Shan walaale adiga xalkaagaa nada la raadinayaa iyo siduu qof walba waxuu yaqaano u qaadan lahaa ee waydhamaatay 4.5.iyo xasan iyo isaaq waa?

    12. Faatigo says:

      ilaa hada ma fahmin walalaha qoraalkan soo qorey waxa ay dowlada ka rabeen ee loo diiday, Ma waxa ay rabeen jufo ahaan in Wasiir loo siiyo sida oo ay qeyb ka noqdaan 4 wasiir ee Daarood kusoo aaday inay mid iyaga qaataan,haddii ay jawaabtu tahay haa,hade waxaan dhihi lahaa taasi Sade oo dhan ayaad kala siman tihiin oo aan wasiir xukumadan ka qaadan.

      Haddiise ay wax kale jirto sida taliyayaal ciidan,agaasime waaxeedyo iyo wax la mid ah oo la idin diiday,taasi tolkiin Isaaq Gaashireedle oo uu Ra’iisul wasaaraha ka dhashay ayaa idin ka qabanaya,inta aan la gaarin somaliweynta kale.

      waa talo walal jecel garabkiina,isla markaana diidan in la idin xumeeyo.

    13. wiil gado says:

      saxiibo waa layaabe raysal wasaarahu yuu yahay soo nin sade ah ma ahahan hadaan nahahay aqoon yahanada waxgaradka culuma udiinaka indheer garatada iyo dhamaan cuqaasha sade gaar ahaan beesha xasan gaashireedle waxaan usheegaaynaa in aaysan namatalin nimankan ayna kuhadlayaan hadal loosoodhiibay oo aan macana lahayn waana taageersanahay raysal wasaaraha iyo doowaladiisa

    14. mastafii says:

      waxaan salamayaa dhaman dadka baqaan soo jeediyay waxaana lee yahay wan inku soo daba jirnaa hadii aan nahay beelaha XXXX iyo XXXX waaana aragnaa cadaalad darada ay XXXXXXXXX bilaabeen hadana waxaana cad in XXXX ay dib usoo XXXXX oo waxii dowlada ku sheega laga helay ay ayaga XXXX ah ay isku duwdeen wax kastana aniga ayaa jecel waa XXXXX taasna kama XXXX wax ciidan ah oo xamar lagu laayo anaga uma hayno XXXX dibadaha haka soo noqdeena oo ha digaalameen

      XXX XXXX ha XXX

      guleysta

      ——————————————

      Allgedo Online

      A/C,
      Walaal waan ka xunahay in aan tir-tirno qaar badan oo ka mid ah fariinta aad noo dhaaftay, balse waan ku qasbanahay in aan sidaas yeelno qoraal kasta oo wata fariin aan habooneyn. Fadlan Rabbi halaga baqo, fariimaha aad dhaafeysaana ku saleeya wax ay umadda Soomaaliyeed ka faa’ideyso aduun iyo aakhiraba.

      Dhanka kalena, waligeen aan xasuusano in Qabiilka oo loo isticmaalo qaab qaldan oo ka baxsan inta Qur’aanka nalooguku sheegay inuusan marnaba faa’iido laheyn, waxa maanta Soomaaliya halkaan dhigayna uu asagu yahay.

      Maamulka AOL

    15. aa says:

      waan idin salaamay salaan kadib waan taageer sanahay in cid walba oo muwaadiniin ah ama qabiil soomaali yeed ah xaqeeda iyo xaquuq deeda shesho laakiin waxaan layaabanahay qof ama jilib ka soo geeda beesha sade oo hadana ku doodaaya dowlad baan kaqadnay waa nala duud siyay xauuq beesha baa nagamaqan waxaa la yiri wadaan ceel keedii gabtay ceel kale lagumoshubo taas waxaan ula jeedaa mareexaan waadadka soomaali u gu dhulka iyo khayraadka badan soomaaliya hadan waxaay kalii taan cid kasta oo soomaali ah waayo wax maamul ah malaha waxa hay adaha aduunka oo soomaaliya taa ku leeya waa kamad nuuc in ay wax taraan dhulkooda iyo dadkooda waxay door bideen jaale mareexaan in kuwa mudug joogana ahelusuna ciyaalkooda ay uqortaan askar qaar na alshabaab ay miino ku xiraan waalid koodna qoorta kabireeyaan dhul kooda iyo canshuurta dadkoodana cali dheere hub ku gato marka waxaan lee yahay mareexaan ilaahay ha unaxariiso magacii waaba ay talo ma leh madax male maamul male odayaal wax tar ah maleh hogaamiye wax tara maleh see ku helay saan in citiraam iyo xushmad aad ka ga he shaan dunida iyo soomaaliba war la helaa talo la helaaye qofwalba iyo qabiilwlba qasab buu ku halayaa waxa uurabo waa haduu la yimaado dadnimo iyo go aan adag marka shafiif iyo farmaajo dalkiina mahaystaane dhulkiina xoraysta soomaali lugihiina hoos tooda aya daa soo fariisane dhulkiina cali dheere iyo awas iyo masuur ka xoraysta ka dibna maamul koboleed dhis ta hadii kale nin qaawan iyo mid binlaadi ushaqeeya hoos fadhiya

    16. Abdi says:

      Asc dhamaan waan idin salaamayaa salaan kadib dadyahaw ilaahay ka baqa qabiil huromar laguma gaaro faa,iidona malahan qarankii
      soomaaliyeed ayaa maanta dunida ka maqan muddo 20 sano ah.

      Walaalayaal qof walboo naga mid ah ha isku dayo inuu wax dhiso hana ka
      fogaado inuu wax dumiyo umadda ilaahay baa u xaq soori kara nin kastoo
      meesha yimaadana waa uun soomaali aan fiirino yaa dadka iyo dalka wax
      u tari kara yaanan fiirin yaa nala qolo ah .

      Walaalayaal Qabiil anagaa isku nacnay haddaanahay sooomaali
      adduunkiina waa nagu nacay marka aan xishoono oo ilaahay ha baqno
      dowladda cusubna waqtigeedaaba iska dhawe waxay qabato aan dhowro
      qolyaha dalka ku dagalamayana ilaahay qalbiyadoda ha isu soo jeediyo
      aamiin.
      D

    17. salaaamulaahi calaykum walalayal marka hore qofkasta waxaaa waa jib ku ah cabsida alle inuu ka hormariyo waxa uu doonayo ta soo waajib nagu ah dhamanteen bacdigeed walayal horta waan salamaya dhaman odoyaasha soo qortay fikirka ay qabaan waayo sideedaba soomali horay u tiri intii feeruhu buki lahaayeen afku ha bukto sidaa daraded beshha reer xasan ayagoo mudan jago wax tar leh ayaa hadana waxaa haboon in lagu xisaab tamo wad ciga jira iyo waqtigu meeshuu marayo waayo waxaan hada la dhisay waa dariiq loo furayo bulsha weynta soomaaliyeed sade qaybtiisiina waxan u malaynayaa inuu ku fadhiyo farmaajo sida sheeeqshariif kursigii abgaal ugu fadhiyo sidaa awgeed aqyaartan soo qoratay maqaalka waxaan ka haboonayd inay besha dhexdeeda inta gogol dhigtaan lagawada hadlo sida beeshu wax u qabsan lahayd marka wax la helo beesha u dhaxaysa waayo tani waa qaran soomaaliyeed beshu kaligeed goan kama gaari karto tusaale ahana aniga oon kamid ah odayaasha besha sade ee ku sugan bari dhexe jeclayna inaan ku lug yeesho dhib sade dhexyaaala hadan hadii loomagacaabi laha jagada farmaajo hayo midkamid ah raga maqaalka soo qoray inuu wadada farmaajo maray uu ka leexan lahaa ilama aha waayo 4 wasiir oo darood u dhexeeyo sadena raiisul waaare yahay inuu nin ninkaloo sade ah magacaabi laha umalayn maayo sidaa awadeed akhyaareey inta dib la isugu laabto bal hala falanqeeyo wixii beesha qaybteeda ah oo beesha dhexdeeda haysatana hala raadsho hadaysan jirina hada dadku waa ilma sade ee nabada iyo horomarka iyo isku keenida beesha halagu dadaaalo intii lagu mashquuli laha jago dhibadan ka horeeyso ws wrr wbb hadii aan qoraalkayga ku soo daray wax qof dhibsanayo hala iga raali noqdo

    18. mohamed says:

      a/c waxaan halkan ka salamayaa maamulka allgedo iyo umada somaliyeed
      waxaa dhab ah in inta baaqa soo saartay ee beesha xassan gashiredle ay yahiin kuwii ay talada beeshaas ay ka go’day waana ragii aan ku aqiin Gedo badankooda mantana in ay qeyliyaan waa wax ay arkeen hadana waxaan qabaa in ay arinkaan galaan wax garadka beesha oo lala hadlo beesha kacsan ama la dajiyo arinta maxaa yeelay anaga ayay ceeb nagu tahay arintaan hadii aan nahay mareexaan sade
      wabilaahi towfiiq

    19. Subeer says:

      Marka hore iga gudooma salaan sare dhamaan inti baaqa soo saartay.

      Salaan kadib walaalayaal waxaan akhriyay qoraal ku soo baxay boga internetka ee Allgedo.com ee baaqa kooban ah.

      Marka hore aan iskiin bare intiina baaqa soo saartay Magaceygu waa Subeer Muxidiin waxaan ku suganahay Mugdishu, Waxaana ka mid ahay Aqoonyahanada beesha marexaan ee dowlada la shaqeeyo. Tallo iyo Tusaalo intaba waan ku biiriyaa Dowlada (Last two years). Waxaana horey u daganaan yiray dalka mareykanka oo aan ku soo waxbartay, barashadaas kadib.

      Aniga oo ka anba qadaayo qoraalki ku soo baxay barta internetka oo ahaa baaq iyo godood iyo weliba xanaaq mid uu ku jiro.
      waxaan jecleystay in aan wax yar ka iraahdo.
      1. Walaalow Hadii aan si kooban oga jawaabo qoraalkaas , Kow dowlada marexaan malahan waa Dowlad somaliyeed, Marexaan hal wasiir dowla baa la siiyay asaguna shaqsigi ku xaq lahaa wuu helay sida ay nala tahay dhanka aqoonta, dhanka beesha iyo degaanka,dhanka qibrada iyo waxtarnimada intaba Waa Mr Abdirashid suufi deerow.

      Qof ku abtirsada beesha marexaan in uu dhaha dowlad baan ka hor imaanayaa ama aan diidayaa wax la quman ma ahan gaar ahaan beesha aad sheegateen walaalow ayada oo aan la is nabeyn, Gedo ilaa jubboyinka ilaa galgaduud halkee bey hormariyeen ama ay ka muuqdaan beshaas oo ay dagtaa waa degmadee ama degaankee balse waan ogahay Ethiopai in ay beshaas degta, HADALKAAS HA U ARKINA IN AAN BEESHA AAN WAX LA DIIDANAHAY BALSE MAREEXAAN HADA WUXUU YEESHAY HAL WASIIRDOWLA ASAGINA NINKI UQALMAY WUU HELAY CIDKALE OO WAX HESHAYNA MA JIRTA SABAB AY HADA KU HELAANA MAJIRTA OO DHULKOODI AYAABA BEEYLAH AH.

      2. Beesha aad ka dhawaajiseen ma waxay ka duwantahay beelaha kale ee mareexaan.

      3. Hadii aad tihiin beesha aad sheegteen walaalow degaanka iyo dhulka aad ku doodeysaan in aad dagtaan ma soo saartaan miiska oo ma wax ka qabataan oo hormar iyo wax la taaban karo ma ka sameysaan.

      4. Qoyskii muuqda quursi waa ka dheeryahay iyo qiima la’aane maxaa qayli iyo wax aan loo baahneen aad warsidayaasha ogu soo qoreysaan

      5.Waxaa kale oo ceeb inoo ah idinka oo sheeganaayo beel ka mid ah beelaha mareexaan maxaa keenay in aad beesha caalamka oo mareexaanba aan aqoon in aad dhahdaan waxnala qabta, “TALO MARBAY QOFKA LA SIMANTAHAY WAA MARKA UU GARTA WAXA UU KU HADLAAYO AMA UU QORAAYE”.

      6.Gunaanadkii anigu waxaan idin kule talinayaa in aad ka tanaasultaan waxa aad ku qoreysaan warbaahinta kana fiirsataan hadalada qaar iyo waxa aad soo bandhigeysaan.

      7.BAAQ KA GADISAN MIDKA AAD SAMEYSEEN SAMEEYO OO BEESHA WAQ QABSA DHAHA HALKA AAD IGAD AAD WEYDIINEYSAAN WASIIR BAA NOOLA DIIDAY.

      Subeer
      Mogdishu

    20. cadli says:

      A/C

      Waxaa layiri haddii dad is fahmi la aad aragto qolaa meesha wax kujira kasaaraysa ama qolaa waxaan kujirin soo galinaysa.

      Walaalayaaloow Xasan gaalshireedloow SABEEN baa idinku xiran, waxa dhibka markasta mareexaan dhexyaalo sababta u ahna waa la isuma garaabo. Xaq baad u lahaydeen marka lagasoo tago farmaajo in jagada kale ee mareexaan qeyb ahaan ugusoo aada aad idinka lahaataan, waa qalad aan galnay inaan wixii kasoo baxay meesha aan wada qaadanay anaga.

      Laakiin waxan idin leeyahay, Mareexaan waa arkaa waxa dhacay mana umalaynaayo aniga Raysal wasaarahaan kujifa ahay sida uu wax yeelayna maqurxana waxaan kawadaa mareexaaan dhexdiisa siduu wax u qaybiyay, laakiin ilma adeerayaaloow gar ma aha inaad dawladdii kabaxdaan oo Soomaali oo ulo booco ah noogu tukubaysay natustaan, Waxaan kutalinayaa inuu ra iisal wasaaraha arintaan xaliyo idinkana aad bal buunka yaraysaan.

      Marka tloow waa ladoogiyee yaan ladacaroon.

    21. Qalafoow says:

      A/C

      Ninka qoodoow waa guulwade leh, wixii kadanbeeyay mahilmaamay. Qodow wuxuu korneylnimada qaatay markuu cayrshay korneylkii XXXX ugu xiniinyo buurnaa ee ina XXXX, markaasuu dalacay sidii tigreegaba markay xukunka itoobiyo lawareegeen iyagoon darajooyin lahay loogu kala xiray Jeneraal, Korneyl, iyo darajooyin kaloo badan. Korneylnimada qoodoow waa mid uu mutaystay oo ka leh kuwo badan oo alla unaxariisaygii uu baxshay sida XXXXX? XXXXX IWM.

    22. Malkaahiddaa says:

      Asalamu Calaykum

      Waxaan aad ugu qoslay markaan arkay qoraalka uu soo qoray ninka isku sheegay inuu ra iisal wasaaraha lashaqeeyo.

      Sxb waxaan kudhihi lahaa qodobada soo socdo

      1. Marka koowaad waxaad aflagaadeynaysaa ra iisal wasaaraha oo aflagaado waxaa ugu filan adiga aqoontaada iyo garashadaadu ay ka muuqato qoraalkaad soo qortay inaad tiraahdo waxaan la taliyaa ra iisal wasaaraha taasaa gaf ugu filan ra iisal wasaaraha.
      2. Tan kale war sow ma ogid inuu caalamkii heer maraayo oonad sheegan karin meel aadan joogin oo aalada casriga ahi suurto galinayso in la ogaado qof kasta oo wax soo qoray iyo halkuu joogo. Muqdisho majoogtidee sxb India ayaad joogtaa taasna ogoow inaanan casrigan ladhuuman karin.
      3. tan kale waxaadan warba kahayn in dawladan lagu soo dhisay qaab qabaa ileed oo 4,5 ah, Qabaa ilkaasna si miisaaman inay u ehelaan qaybtooda inay xaq tahay.
      4. Igad iyo beesha caalamka inay jifooyinka Soomaaliyeed lashiraan ma ogid miyaa? Miyaadan maqlin Axmed diiriye oo EU shir kula jiro, waxaadan warba u hayn siday beesha caalamka iyo Soomaalidu wax uwadaagaan. reer Xasana Beesha caalamka wuxuu lasocodsiiyay kalsoni kala noqoshada dawladaan ay ayagu waa beesha caalamku soo dhisteen ee wasiir mawaydiisan.
      5. Tan kale hadda Reer Xasan waa badan yahay iyo wa saas inaan aniga kudhaho qiimo iiguma fadhido, Mareexaan waa is yaqaanaa Maxed Siyaadbaa laga sheegay Soomaali dagaalka sokeeye waa isku baratay. Sxb mareexaan waa is yaqaan.
      6. Ina suufi deeroowga aad kadhawaajisayna aniga maba soo hadal qaadin horaa waxaa loo yiri FARTA IYO MEESHA BUGTAA IS OG aniga ra iisal wasaaraha iyo deeroow niman isku jifo ah baan u aqaan sidaasanan usheegay inay wixii mareexaan jifo kali ah qaadatay.
      7. Markale ra iisal wasaarahoow xaal ka qaado been abuurka lagugu sameeyay.

    23. caadil says:

      A/C.
      salaan ka dib waxaan u malaynayaa in qoraalkii beesha xasan gaashareedle uu ahaa xaq ragii soo diyaariyeyna ay ahaayeen kuwo runtii an oran kara rag aad u qibrad dheer bay ahaayeen sababtoo waxay soo saareen sun qarsoonayd taasina waxa ka marqaati ah waxa soo baxay ee lala gabanaayey sababtuna waxa weeye mudo labaatan sano ah waxaa la soo dhisi jiray dowlad ku sheeg sida mida hada jirta oo kale waxana qaadici jiray beelo soomaaliyeed mana abuuri jirin jawiga intaas la eg hadaba hadaan nahay beelahah kale ee sade waxa uu reer xasan maanta na bartay beel beelaha ka mid inay aaminsan yihiin ayaga mooyee inaan cid kale xaq lahayn lakiin waxaan u mahadcelinaynaa xaqa ay walaalaheen noo iftiinsheen waana soo dhaweynaynaa.
      mida waxaan u sheegaynaa mudane farmaajo iyo beeshiisa faarax ugaas inay fariinta xasan gaashareedle si sadenimo ah ugu jawaabaan raali gelina bixiyaan cabashdana waa mid xaq ay u leeyihiin haddii aan sidaas la yeelin waxaan u qadanaynaa
      in dulmigaas aad la damacsan thiin beelkasta oo reer sade ah
      miyaaneyn xq u lahayn in la siiyo wasiiru dowlaha sade ku soo hagaagtay xataa waxay beeshaan dulmanayd dawladii maxamed siyad marka waxa su,aal ah wixii sade helaa ma reer kaliye ayaa xaq u leh aniga ma ahi reer xasan ee waa walalahay wixii maanta ku dhacay ayaga waxaan qabaa inay beeshaydana ay sugaysa ee ha la xishooda oo ha la qanci ilaa waa mariixaan barkiye raga oranaya maxay la hadlayaan
      su,aal baa hortaala oo ah war maxaa farax ugaas xaqa siiyey ee reer xasan haddii ay hadleen layaab u noqotay waxaan oran karaa waa maangaabnimo in lala yaabo ee dib uxisaabtama waxa idin la gudboona sameeye waad mahadsan tihiin by caadil

    24. Ahmed yare says:

      A.c.w waxan salamaya dhaman inta soo qortay baaqan waxana idin leeyahay hambalyo waligin xaqad lee dihiin haka tagina dacaarbo haka qararadee.
      Inta kadib waxan raba inan 2 nin u jawabo wa midka shegtay in uu kamid yahay besha xasan gashiredle war anaga man ogayn nin xasan gashiredle ah oo dabo dhilif ahee maku cusub bad aheyd mise wa wecel meel kale ka yimid bad tahay?
      Mida 2aad ninka Subeer Muxyidin baa la iyira yiriyow marka hore ad baan oga xumahay aqoonta ad shegatay? Wa suale maxay saldhig u tahay aqoonta? Maxa lagu garta qofka aqoon yahan ka ah? iam very sory. Waxa wanagsanan lahayd midka xaqa dadka dudsiyey iyo midka loo sadburiyey afkoda inad kuhadasho wadbo kuqadashee! Mareexan wa xasan iyo isaaq xasana asaga leh dhulka hada marexan ka la aqoonsan yahay sida Gedo iyo Jubooyinka marka subeer aqoontada wa mid ad uso baratay kalafaquqa beesha sade ee maaha aqoonta caalamka laga yaqane xisho oo aqoon yahan ban ahay hala so shir tagin mida kale waxan ad oga xumahay inad ka been shegto meshad jogto iyo magacaga muqdisho anaa kaga dhaw madaxtoyada ana dhex fadhiyo 3 sano magaca iyo shaqsiga ad tahay si cad ushego raganimaday kamid tahaye?

    25. Yaab,!!!!!!!! reer xasanna halkee , anigu waxaa umalayn in ay ETHIOPIA isticmaalayso in ay jifo mareexaan ah sidaan u hadlaan waa wax naxdin leh iyo argagax !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    26. mohamed says:

      a/c waxaan halkan ka salaamayaa bahda allgedo iyo dhamaan soomalida meel ay jogaanba waxaan rabaa in aan la hadlo beenalaha isku sheegay in uu magaciisa yahay subeer muhiyadiin ee hadana isku sheegay in uu jooga muqdisho waxaana rabaa in aan halkan ku soo gudbiyo qaabka loo helay xogtiisa oo dhan

      General IP Information

      Hostname: 183.83.128.15
      ISP: Beam Telecom Pvt Ltd
      Organization: Beam Telecom Pvt Ltd
      Proxy: None detected
      Type: Unknown
      Assignment: Static IP
      Blacklist:

      Geolocation Information
      Country: India
      State/Region: Andhra Pradesh
      City: Hyderabad
      sida aad kor ku aragtaan waa ip addresska u soo isticmalay benlow subeer iyo meesha uu kasoo isticmalayba.
      marka kowaad waxaad tahay fuli ee warkaaga halkaas haku haro manta hormarka aad adiga ku faanaysid ma sad bursigaa? walaal hadii ay haa tahay jawaabtaada walaal markale ayaa las baran
      manta mareexan iska dhaaf ee soomali ayaa og in cid aan xassan gashiredle ahayn in ay isaga hooyan karin dacalada gedo waxaana rabaa in aan u sheego dadka meeshan isku dhafsanaayo araada in wax aan aniga ogeyn aysan manta Gedo ka socon karin
      subeer benlow waa lagu qabtay

    27. Daabley says:

      Wa idin salamay dhaman akhyarta in wanagsan.
      Balnbale Iam very sorry hadalka adan ka firsan manta Ethopia dadka ay adeegsanayso ya hormud ka ah dhankasta eeg xaga wa bare xagana wa ehlu sunadi cabudwaq xishoo oo hadalka kafirso. look befor u leap!

    28. abdii says:

      asc waxaan soo dhaweeynayaa baaq eey soo saareen waxgaradka beesha R/x & siyaasiyiinta, culumaudiinka .dhalanyarada sida eey xaqooda ugu hadleen ceeb maahan bulsha xaqeeda dooneeysa. maha waxaa jira beela kale oo katirsan beesha sade oo lagutuntu xaquuqdooda ,hadaan laisxurmeeyn farmaajo waxba uma soo conayaan waayo hadii eeysan jirin cadaalad waxba masoconayaan

    29. Runta says:

      ASC

      Waxan salamaya dhaman ragan fikradaha halakn isku dhafsanaya mid mudan iyo kaan mudneynba

      Runtii waxan ceeb aheyn raadita qof ama qabiil raadsanaya waxa ka maqan ama lagu gardaroday xili kasta halagu jiree

      Fadlan qabiilo yar yar oo heesaha u qaada kuwa waweyn oo magacooda garabxir uu yahay ee sheganaya meelo ayna joogin ama mansab u laheyn waxa eey sheganayaan waan soo dhaweyndoona magaca garabxirkana ka badaleyna sidaan horayba ugu qabanay ragii hore ee SNF/SRRC ee aan xilal ku sinay tusnayna awoododa inay wax qabsan karaan waxna xukumi karaan

      macnihii waxan u arkaa inta hadleysa una hadleysa XXX inay yihiin garabxiradii jiray

      Soo dhawoow MR GARABXIR

    30. REER XASAN WAA DAD SOOMALI AH ,WAXAANA AY DEGOON GEDO IYO JUBOOYINKA, WAXAAN QABAA ANIGU HADII AY ISKA DHAX ARKI WAAYEEN NIDAAMKII AHAA 4.5 XAKH BEY U LAAYAHIIN IN AAY XUQUUQDOODA IN AY DOODAAN, !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

      BY DADIR

    31. duceeysane says:

      marka hore asc wr wb marka xigtaa aniga oo ku hadlaayo magaca dhalinyarda beesha sede qaasatan kuba ku nool urbaha waxaan oronlahaa doowlada uu raysal wasaaraha ka yahay jarmaajo ma aha mid wax ka badalikarta xaalda huu hada ku sugan yahay dalka somaliya marka waxaa u wanaagsan mr farmaajo in uusan eed iyo waji xuma uusan kal;a dhaxtagin beesha uu ka soo jeeda ee sede qaasatan reerkaan reer xasan gaashireedle asga wax aqoon ah uma laha oo waxaa uu noqday nin rag kale jaabka ugu jiraa oo wixii aay u sheegaan ayuu unbuu qaataa lakiin beesha xasn gashireedla ma aha mid hada taqaana farmajo iyo waxa uu wataba beesha waa beel ween oo aanan qarsoomi karin marka loosoo daadago magaca mariixaan hadiilayirahdo mariixaan wax haa iska dhiciya waa beesh koobaad oo u taagan in magacaas aay illaalisaa marka farmaajo waxaynu u sheegeynaa in uu dib u soo bartaa quwada iyo awooda ay beesha ku dhaxleedahay mushtamaca ok by

    32. wan idin salaamay akhyaarta is haysa. salaan ka dib
      waxaan la yaabanahay qof isagaba wax qasaya hadaan wuxuu qasay la yaaban qaylinayana somalida waxay tiraahdaa hasha ayadaa geela cunta hadana cabaada walaalayaasha reer xasan
      la yaaban waad qaldan tihiin maamulka aad qaybiseena waa xaq daro waana ceeb inaad maanta mariixaan heerkaas gaarsiisaan marka waxaan idin leeyahay waad qaldanteen farmaaajo iyo groupkiisa mar labadna waad qaldanteen oo waxaad la yaaban tihiin beeshii aad ku xadgudubteen ayaad leedihiin maxay la qaylinayaan taas ayaa sii fool xun sababtoo ah arinkaan waa meel ka dhac ixtiraam xumo iyo fidno loo abuuraya beesha sade maxaa yeelay beesha way dagaashay lama heshiisiinin hadana waxaa ii muuqda guluf colaadeed waxaan leeyahay raga waxaan qasay dib wax ha u saxeena aniga waxaan nin sade sade labad beelood ee doodu u dhaxaysa ma ahi lakiin waxaan xaq u leeyahay inaan qabto tusana xaqa qofka gardaaran gebagebadii waxaa lee yahay reer xasan waxaad leedihiin gar waxa dhacayna waa u jeedna
      idinkana haddii arinkaas reerka gefka gaystay ay waxa saxan inaad idinkuna la shaqaysaan waadna ku mahadsan tihiin arinka aad soo bandhigteen xaq daradana waxaa qaba beelo badan oo reer sade ah waad mahadsan tihiin

    33. kamaal says:

      G/sare Xasan Dahir yarow (Xasan Dheere)
      2)- Axmed Buule Maxamed (Canjeex)
      3)- Mukhtaar Kaamil Kuuloow
      4)- Axmed Sheekh Calinuur
      5)- Axmed Bashir Cisman (Madoobe)
      6)- Bashir Maxamed Cali (Bashir Galey)
      7)- C/lahi Cabdi Duqow (Cabey)
      8)- Maxmamed Ibrahim Muse (Maxamed Amiin)
      9)- Isaaq Xareed Sharmarke
      10)- C/rashid Maxamed Yaqub
      11)- Dahir Bare Axmed
      12)- Axmed Cisman Ibrahim (Axmed daqare)
      13)- C/risaaq Maxamed Aar
      14)- C/risaq Maxamed Maxamud (Buux)
      15)- Adan Cusman Nuur (Calgee)
      16)- C/qadir Maxamed Cabdi (C/qadir Iris)
      17)- Xuseen Maxamed

      Intaan kor ku xusan waa intii gedo dabka ka shidi jirtay ee gedo u kala qaybin jirtay mahamuud iyo mahamed waa qolo ku tuugsata magaca Sade inay waxaan oo kale ay la hor imanayaan mareexaan waa ogaa wax igu cusub maha…

      Siyasada mareexaan waxay ku dhex jogaan inay gedo u kala qaybiyaan mahamud iyo mahamed waa qolo hadaan mareexaan ka hortagin raba inay jilbaha haystaan gedo …..

      hada waxaa gedo afka ka tumay al-shabaab mana sheegan karaan mahamuud iyo mahamed ee waxay hada arkeen dowlada ku meel gaarka ah oo qabiil ku dhisan sidaas ayay uga dhex bilaabeen mahamuud iyo mahamed…waxaan kula talin lahaa reer Sade inay iska qabtaan kuwa ku naaxay isku dirka gedo si ay waxay cunaan u helaan ileen waan wada ognahay inaysan dan sade wadine……

    34. GUDOOMIYE says:

      Waa salaamay dhamaan raga halka kada qoraalada isku dhaafsanayo. Markii la hadlayo waxaa fiican in la iska dhawro deel qaafka iyo in loo gafo magac qabiil. Ogoow adiguba ma jeclid in loo gafo qabiilkaaga, waana damiir xumo in aad af lagaadeyso rag kula mid ah ama kaa dheereeyo, mana xumo in qof uu ka hadlo qabiil dulmi ama gaf lagu sameeyay; somaalina waay isbaratay intii lagu jiray burburka qabaailo badan oo ku faani jiray in aay yihiin hormuud ayaa la yiri gadaal mara kuwaas oo kale wali waxaa ku jira qabkii iyo isla weynidii marka hadii aay ku hadlaan ama qoraan deel qaaf ama caay iwm waxaa loo arkayaa calaacal. Hubsiino hal baa la siistaa ee qof waloow ka fiirso waxa aad soo qoreysid

    35. geedi says:

      wr wt wb , waaa Alle mahadii in aan isla fahmeyno luqada somaliga, waa Alle mahadii in aan cashar ka soo qaadanay Qabiil iyo dhinkiisa, waa Alle mahadii in aan yareynay isku dilka dakane qabiil,
      hadana umad kasta waxay xaq u leedahay in ay cabirto rabitaankeeda ku aadan waxa ay jeceshahay, iyadoo ilaalineysa shuruucda utaala ilaalin sharafka qofka aay ka soo horjeeda ama macaaradka ku tahay, waxaana u arkaa beesha baaqa soo saaetay in ay ka bixin atintaa,
      marka qof walba oo taclooqin arinkaan isagoo Alle ka baqi waxaa kula gudboon in aad fekerkaagu ku muujisa siwanaagsan adoon xumaan kasban , ileen xaq ayaad u leedahay.
      Xaqa Rabba haa inagu duwo

    36. Mr. CAABUDWAAQ sidaas dadka looguma teegeero arati qaldan, maxuma in aad xaqaada dhacsato ,laakiin sidaan maahan qabiilo waaweyn ayaa waxba helin ,guwaa waxaa lasiiyay halwiir ,marka beel waxaay qaadatay R/wasaarihii isla beesaas mid ka mid ah haddii ay dhahdo wasiir maxaa noloosiin waayay aad iyo aad ayeey u marin habaabeen ,waxaay ilatahay go’aankaan waxaa gaaray dad koox ah / group oo khayilaya wuxuu markhaanku ka tusay in ay beesooda wax u soo dhiciyaan ,laakiin waa quud aan jirin qoryo u guro.

    37. siyaaad says:

      ala re xasana caqli xumaaa isla ekaysiinta ree diini maad iska daysaaan maxaad shegaysaaan meesha dad badan ba alagu qadiyayya on hadlaynine maxa aidinka hadlaysiinayao misa mesha ma waxaad u qabtaaan luqdi ay amhaarta idin ku korsanjirtay

    38. Hassan says:

      asc
      Caddaalada waxay ka bilaabataaa guriga adiga aad ku nooshahay hadiiba Pm soomali dooratay uu cadaalad daradii ka bilaabay gurigiisa soomali waxba usoo kordhin maayo. dad badan oo jawaabaha kusoo qorayna waa dadka somaliya ay ka dagi weysay sida ka muuqata waa dad taageera cadaadlad darada iyo xasilooni darada mar hadii ayba taageereen waxa uu farmaajo sameeyey isku soo wada duub farmajo iyo inta ku taageersanba way qaldan yihiin waqtigaana la xisaabtami dooni
      wabillaahi towfiiq

    39. Caaqil says:

      Asc dhamaan bahweynta Allgedo.com.

      100% waa ku saxanyihiin Reer Xasan baaqa ay ku soo qoreen Allgedo oo ay ku soo bandhigayaan walaaca ay ka qabaaan sida uu Sede wax ugu qaybshay wasiirka koowaad.
      Dowlad waxay sharaf ku leedahay in muwaadin kastaa uu si furan uga qaybqaadan karo maamulkeeda, haddii uu soo buuxiyo sharuudo qeexan oo ku saleysan doorasho, aqoon iyo waayo aragnimo (meritocracy). Nasiibdaro, maanta Somalia taasi kama jirto. Wax dowlad astaankeed leh meesha kama jirto. Waa dowlad aan dhul ay ka taliso haysan, dad ay u taliso haysan, ma ahan dowlad badaxbanaan (sovereignity).
      Waxaas dowlad ku sheega ah ayay bulshada adduunku Somalia hordhigtay. Waxay ku saleysay (constitution) nidaam awood qaybsi ah oo loo yaqaan 4.5. Haddaba waxaa haboon in saraakiisha dowlad u egta lugu soo xulo nidaamka 4.5.

      Waxaa run ah in labada wasiir ee hadda dowlad u egta ugu jira beesha Sede ay ka soo jeedaan hal jifo hoosaad (Raadamiir) waa wasiirka koowaad iyo wasiiru dowlaha.

      Waxaan kula talin lahaa beesha reer Xasan in ay ka qaybqaataan abuurista Gaashaanbuurta Reer Guriga. Gaashaanbuurtaasi waxay sameysan doontaa dastuur (alliance among equals) ku saleysan guud ahaan wadashaqeynta gaashaanbuurta, sidii ay qaybtooda ugu qaadan lahaayeen dowladdaha gobolka iyo dowladda dhexe. Tusaale ahaan, dowlad u egta Somalia inta badan Sede wuxuu ka helaa 2 wasiir. Gaashaanbuurta Reer Gurigu waxay xaq u leedahay in ay hal wasiir mar walba helaan. Wasiirkaasu wuxuu ku wareegayaa gaashaanbbuurta dhexdeeda oo marba qolo loo dhiibi karaa (hence the alliance among equals).

    40. carafaad says:

      asc dhamaan asaxaabta halkan fikradaha fiican iyo kuba xunba salaan ka dib sideedaba bal aan su aal in weydiiyo qofka in uu xaqiisa ka hadlo maceebbaa misa waa aflagaada? hadaba waxaan u sheegeeynaa dadka waay is yaqaanan yaanan lisku qaldamin oo haalakala xishooda haadii kale hhhhhhhhhh sidaa daraadeed baaqa ka so yeeray nimanka odayaasha ah waa wax jira waxaana lagu qasbanyahay in lasameeya waxaay doonayaan ha dii kale waa liis yaqaanaa ////

    41. kamaal says:

      Carafaad, waxaad u eg tahay inaad rabto in reer sade kala baxo sida qoraalkaaga ku qoran waxaanad tahay nin jiran lakiin sida inaga muuqata waxaa soo socoto in sade kala baxo si aan wax u dhisano….

      Qaarbadan oo jiran ayaa nagu jira marka si aan horumar u gaaro waa inaan kala baxnaa mareexaan cadow badan ayuu lahaan jiray waana taas tan aan markasta ninkii caqli leh uu u diidi jiray inaan dhexdeena dagaalano…

      Lakiin sida kaa muuqata waxaad doonaysaa in reerku kala baxo lakiin fadlan yaan lagu waayin malinkaan ee emialkaaga ii soo qor si aan maalinkaas iskugu aragno kala baxa reer sade meesha uu ka dhacayo…

      Crafaad waxaad tiri waa la is yaqaan waxaad aragtay reerka aad leedahay waa la isyaqaan oo mash-quul ku ah mareexaan sharaftiis inay difacaan lakiin reerka dhexdiisa ayagoo u soo jeestay ilaahay weli kuma tusin lakiin sida kaa muuqata inaad aragto ayaad jeceshahay ee malinkaas ha dhuuman afkana haka hadline emailkaaga ii soo dir si aan meesha reer sade ku kala baxaayo iskugu nimaano……

    42. garbahareey says:

      asc waxaan halkaan ugu mahad celinyaa ciddi baaqan soo galisay
      waxaa wax lala yaabo ah in lagu hadlo wax aad looga xishooda oo ah qabaail dhan oo sade barkiisa ah in wiilal aan dad aqoon ay wax ka sheegaan hadaba qofkii u maleenaya baaqan inuu wax ku ool ahayn wuu ogaan inuu yahay iyo in kale,, mana aha in wax laqoree waa runta cid kastana way ogtahay waxuu tahay xasan gaashireedle marka runta laga hadlo farmaajo waxuu wax ku helay 4.5 hadba ha ogaado meesha uu re,isal wazaaro ku helay inay tahay gedo gedona waxaa is ka leh xasan gashireedle runtana waa lays kugu imaan cid kastana waxay tahay ayay noqon marka sida naagaha oo kale looma hadle garoonka ha layskeeno waa balan habar badan inay gablami farmaajana waxaa labarrayaa mariixaan waxa uu yahay ? waxa lagu soo shubina waan ka shubaynaa

    43. salaan sare dhamaan asaxaabta oodhan iyo allgedo online waxaan aad ooga xumahay in qabiil wali laga bixi la yahay waa dadnimo xumo hadii maanta lagu qadiyey bari ayaad heleysaa horetna waad u heli jiraty macquul mahan in aad markaste guleysato hadii aad hada wax weyday kan kuxiga ayaa laga cayaaraa waxbo masoo kodhineyso in la isdhaho kani waa kas kani waa kiir hadii aad taadi kaweyday mida danbe lacayaar farmaajo eed malahan oo waayo oodhan ayaa nin walbo oo xil qabto iska eedeyso qabiilku mar wax wey waayi karaan marna wey helayaan marka danta halaga shaqeeyo MR farmaajo towlada uu soo dhisay waa sax qabiil waxbo tari mahayo

    44. Marka hore waan idin salaamay muxaafid iyo mucaaradba.Intaa kadib.

      Waxaan la yaabanahay Reer Xasanka maanta caddaalad ka sugaya XXXXXX ah lagu soo koriyay XXXXXX XXXX noqday welina riyadii aay maskaxdiisu ka guuxeeyso.

      Marka, waxaan rabaa in aan soo jeediyo sedex talo oo ku kala socoto dadkan hoos ku qoron.

      1aad, ku socota, Beesha Reer Xasan, Nimanyahow cabashadiinu waa xaq ee xaqiina sidaad ku raadsan kartaan ku raadsada af iyo adinba. Midna maanka ku haya, waxaa la yiri BUUN ninkii xadaa meeshii uu ku yeerin lahaa ayaa laga rabaa. Marka ninkii maanta Mareexaan dhexdii sed uusan lahayn awoodeedana lahayn dhacayaa meeshii uu ku cuni lahaa isagaa laga rabaaye taa maanka ku haya.

      2aad ku socota, Nimanka uu waqtiga buunbuuniyay ee meeshan aflagaadada iyo faanka beenta ah ka wada. Orda oo haddii aad awood iyo tiro leedihiin ka dhacsada Nimanka Balanballe iyo Cabuudwaaq oo 90km isu jira oo aad dhulna ka lahaydeen ka sameeystay Degmada, waa Xeraale,e ka kacsada illaa Gedo Reer Guri baa iska lehe. Mareexaanka idiin turaya ha u xoog badnaaninee.

      3aad ku socota, Somalida halkan fikradaha ka dhiibanaysa. Nimanyahow waxa la isku haysto ma ahan 4ta wasiir ee uu metelan Daarood somali ka helay in aay jifo Mareexaan ah u qaylineeyso ee waxaa la isku haystaa waa 3 jago oo uu Mareexaan Somali ka helay oo aay hal jifo wada qaadatay.

      Kuwaa oo kala ah PM, Wasiiru Dowlo iyo Taliyaha Booliiska Somaliyeed. Marka sidaa wax ula socda. Wa Billaahi toowfiiw.

    45. guuleeyste says:

      waa wada salaamay akhyaarta waxaan la hadlayaa siyaad waxaan u maleyn in walaalkaa ama ina adeerkaa aay ku jireen kuwii wabiga ganaane cabsi darteed isugu daadiyay waa suaale markaa xabasho miyaa joogtay luuq taariikhda`ayaa qortay wixii ka dhacay luuq iyo kala orodkii idinka qabsaday hada ayaay nafta idinku soo noqotay waxaad maqashay farmaajo ayaa pm laga dhigay laakiin ogoow ama ha ku fakarin in wax xg uusan ogoleyn in aanay ka shaqeynin gedo farmaajo mareykan buu ku noqon markaa ha lagu arko

      ———————————

      From: Maamulka Allgedo

      Dhamaan waan salaamay akhyaarta Ra’igooda uga dhiibanayay Baaq beeleedkii dhawaan kusoo baxay Allgedo. Inkasta oo aan aqbalnay, aqbali doonana gudbinta baaqyo ay noo soo gudbiyeen shaqsiyaad ka cabanaya maamul dowli ah oo ay xaq u leeyihiin in ay sidaas yeelaan, haddana wax la qaadan karo ma ahan dib danbana uma soo deyn doono in ay doodu isu bedesho AFLAGAADO, PERSONAL ATTACK, KALA QEYBIN QOYS WADA DHASHAY, IYO FIDNO HOR LEH OO LA DHEX DHIGO UMADDA SOOMAALIYEED EE WALAALAHA AH.

      Sidaas awgeed, CID WALBOY WAXII AAD DHIHI KARTAY WAA TIRI BAAN FILAYAA (XUMAAN IYO SAMAANBA WIXII QALBIGAAGA KU JIRAY), laakiin hala ogaado wixii hadda ka danbeysa in aanan ogolaan doonin COMMENT ama fariin laga yaabo in ay dhib hor leh u hor seedo bulshada Soomaaliyeed ee markii horaba dhibaateysnaa.

      Waad mahadsan tihiin.

    46. Wiil Garbo says:

      Waan idin salaamay dhamaan.

      Anigoo ka mid ah dhalinta Sade ee ku kortay qurbaha, waxay igu tahay fajac iyo argagax in dadkeeygi dhexdooda is fiirsadaan oo qiimihi iyo qaayihi dhexyaalay ku tuntaan iyagoo u sababeenaya HAL jago oo kaliya.

      Waa su’aale dadoow maxaad u doorbideen inaad sharafti iyo walaaltinamadi guud ee aheed inay ina dhextaalo inaad ku iibsataan HAL jago oo xun oo nin helay ama heli lahaa.

      Anigu ka shaqsi ahaan, jago iyo walaaltinimo, waxaan doorbidi lahaa walaaltinimo iyo wax wada qabsi.

      Dadoow xaq ma ahan in Sade oo dhami uu u li’do oo uu dhamaado HAL ama LABO nin jago ay helaan. Sida cad, kuwa jegada haysta hadda waxba inoo qaban mayaan, kuwa hadda loo doonayana waxba inoo qaban maayaan ee yaan la lumin walaaltinamada iyo isku duubnida.

      Guulaysta Xasan Iyo Isaaqoow.