Home » Archive Daily December 25th, 2010
Hogaamiya kooxeedyadii Muqdisho oo markale isku haysta Maamulka Dekadda iyagoo shaati beeleed adeegsanaya (Warbixin).
Loolankii u dhexeeyay hogaamiya kooxeedyada magaalada Muqdisho ee ku aadanaa gacan ku haynta dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa cirka iskusii shareeraya kadib markii garab kamid dhinacyada isku murunsan ay warbaahinta u adeegsadeen loolankooda.
Kadib markii Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux Maleeshiyaad hubaysan lagalay dekadda Muqdisho ayuu arrinkaasi ka jawaabay Max’med dheere gudoomiyihii...
Faroole iyo golihiisa wasiirada oo isku khilaafsan Heshiis lala galay shirkad dhanka Amaanka qaabilsan.
Khilaaf xoogan ayaa ka dhax aloosan siyaasiyiinta maamulka Puntland kaasi oo salka ku haya shirkad dhanka amaanka ah oo dhawaan Heshiis lagashay maamulka Cabdi raxmaan Faroole.
Ilo lagu kalsoonyahay oo ay Allgedo Online ka heshay magaalada Garowe ayaa sheegaya in wasiirada maamulkaasi ay ku kala aragti duwanyihiin qaabka loola tacaamulayo shirkadaasi amaanka qaabilsan.
Wasaaradda maaliyadda Puntland...
Dagaallo culus oo maanta ka dhacay duleedka B/weyne.
Dagaallo culus oo u dhexeeyay maleeshiyaad taabacsan Maamulka lamagac baxay dooxada shabelle iyo kuwa maamulka Islaamiga Hiiraan ayaa galabta ka dhacay duleedka Ceelgaal ee gobolkaasi Hiiraan.
Wararka nagasoo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal laysku gabaldhacsaday uu maanta ka dhacay halkaasi, sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Hiiraan maamula ay weerar gaadmo ku...
Kulan ay Islaamiyiinta Somaliya ku dhisayaan Dowlad Islaami ah oo Baydhabo ka furmay (Warbixin).
Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Muqdisho uga socda hogaamiyaasha Xarakada Al-shabaab oo dhawaan midnimo lagaaray Xisbul Islaami.
Ilo wareedyo ay heshay shabakadda Allgedo Online ayaa sheegaya in kulamo xasaasi ah ay labada dhinac ku leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ujeedkuna wuxuu yahay sidii ay u dhisi lahaayeen dowlad islaami ah.
Hogaamiyihii Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys...
Isku Biiridda Shabaab iyo Xizbul Islaam oo laga soo Dhaweeyey Gobolka Galgaduud.
Banaanbax lagu soo dhaweynayo isku biiridda ururada Al-shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa maanta kadhacay degmada Ceeldheer gobolka Galgaduud oo uu kajiro maamul hoostaga ururka Al-shabaab.
Banaanbaxa oo ay kaqeyb galeen dadka ku dhaqan degmadaas iyo mas’uuliyiin katirsan Al-shabaab ayaa ahaa mid lagu taageerayey isku biiridda Al-shabaab iyo Xizbul Islaam, waxaana hadalo kajeediyey mas’uuliyiin...
Kooxaha Burcad badeeda oo Qafaashay Markab laga leeyahay Dalka Thailand.
Markab laga leeyahay dalka Thailand ayaa galay gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee inta badan qafaasha maraakiibta shisheeye ee isticmaala xeebaha gacanka Cadmeed.
Madaxa Barnaamijka gacansiinta geeska Afrika ninka lagu magacaabo Andrew Mwangura ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay afduubeen markab laga leeyahay dalka Thailand oo lagu magacaabo...
