Home » Archive Daily February 2nd, 2011

Soomaalida ku dhaqan dalka Masar oo Jiha wareersan Rabshadaha hareeyay wadankaasi.

Feb 2, 2011
Kacdoonka ka socda Dalka Masar ayaa saameyn ku yeeshay Soomaalida kunool magaalooyinka Dalkaasi iyadoo ay xaalad adagna soo wajahday Soomaalida wax kabarata iyo kuwa qaxootiga ku ahba. Mid kamid ah jaalliyadda Soomaalida Masar oo la hadlayay Idaacadaha maxaliga ah ayaa sheegay in soomalida ay saameeysay dibadbaxyada ku dhawaad Todobaadka ka socda dalkaasi iyadoo ay xirmeen goobihii wax barashada ee... 

Maxaa kajira in Axmed Keysihii maanta ladilay uu katirsanaa Al Ictisaam.

Feb 2, 2011
Urur diimeedka Al ictisaam ayaa beeniyay warar dhawaan soo baxay oo sheegayay in Nin Shabaab toogteen uu katirsanaa wadaadada Ictisaam ee taageera maamulada Puntland iyo Somaliland. Sheekh Axmed Salaad Hogaamiyaha Ururka Ictisaam oo maanta lahadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay wax xariir ah uusan Ururkooda lalahayn Axmed Keyse oo dhawaan ay dileen xarakada Shabaab kadib markii lagu helay dembi... 

Faah Faahin kasoo baxday dagaal Guriceel ka dhacay.

Feb 2, 2011
Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta degmada Guriceel ku dhaxmaray ciidamo katirsan Ururka Ahlusuna iyo dadka deegaanka Guriceel. Ilaa iyo 4 qof oo kala kalatirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalkii maanta, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu joogsaday maanta gelinkii dambe kadib markii labada dhinac ay qaateen xabad joojin ay kasoo shaqeeyeen... 

Intabadan ciidankii dowladda loogu tababaray Kenya oo Gedo iyo Jubbooyinka iska dhiibay.

Feb 2, 2011
Ciidamadii dowladda KMG ah loogusoo tababaray dalka dibadiisa ayaa iskasoo dhiibay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo waqti ay degmada Dolow ka socdaan dhaq dhaqaaqyada ciidan. Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/xaawo ayaa sheegaya in ciidan dowladda KMG ah loogusoo tababaray deegaanka Seydolo ee wadanka Kenya. Fagaara ku yaal magaalada B/xaawo ayaa ciidanka soo goostay lagusoo bandhigay waxayna sheegeen... 

Dagaal Culus oo ka bilaawday degmada Guriceel.

Feb 2, 2011
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Ururka Ahlusuna iyo dadka deegaanka ayaa ka socda degmada Guriceel ee gobolka G/gaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Daryanka rasaasta iyo madaafiic xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa degmada Guricel, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Ahlusuna saaka kaxaysteen gaari ay lahaayeen dadka deegaanka arrinkaasi oo dhaliyay kacdoon. Qof...