Home » Archive Daily February 16th, 2011
Al Shabaab oo Gudoomiye cusub u magacaawday Gobolka Banaadir.
Xarakada Al Shabaabul ayaa maamul cuusb u magacaawday gobolka Banaadir kadib markii xilkii gudoomiyanimo laga wareejiyay Sheekh Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal.
Kadib Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u qaabilsan Xarakada Al Shabaab.
Mas’uuliyiin iyo Odayaal dhaqameedyo ayaa kasoo qeyb galay...
Ciidamada AMISOM oo Gacanta ku dhigay Maxamed Dheere.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Xabsiga dhigay Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere oo kamid ahaa dagaal oogayaashii Muqdisho.
Caawa Maqribkii ayay ciidanka AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka u dheceen guri uu Maxamed dheere ka deganaa degmada Shagaani kadibna waxay u geysteen Jirdil xoogan iyagoona markii dambe dhanka dekadda Muqdisho ula dhaqaaqay.
Ilo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan...
Roobab ka curtay gobolada Jubbooyinka Kadib Abaaro dadka saameeyay.
Roobab lagu diirsaday ayaa goordhaw oo maanta ah ka curtay inta badan Gobolada Jubbooyinka ee koofurta dalka Soomaaliya.
Weriye ku sugan deegaanka Hoosingow ayaa Allgedo Online khadka taleefanka ugu xaqiijiyay in seymaha Roobka isqabsadeen Hoosingoow, Afmadoow ilaa iyo Qooqaani.
Boqolaal shacab xoola dhaqata ah ayaa isugu soo baxay baliyada si ay u doogtaan xareedda oo in Mudda ah aan ka da’in...
Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Muqdisho, Somalia (AOL) – Shir aan caadi aheyn oo ay maanta golaha Wasiiradu isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa xubnaha golaha Wasiiradu diirada ku saareen Dhacdadii foosha xumeyd ee shalay 15.02.2011 ka dhacday barxada Ex. Foyoore.
Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed...
Jaamacadda Carabta oo sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonto dagaal ka dhan ah Shabaab.
Ururka Jaamacadda carabta ayaa sheegay in ay kaalin ka weyn ka qaadanayaan sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya gaar ahaan sidii dowladda KMG ah iyo ciidanka shisheeye looga saacidi lahaa ladagaalanka Shabaabul Mujaahidiin.
Sarkala u hadlay jaamacatal Carab ayaa sheegay in Ururka jaamacadda carabta ay dhibsadeen dhaq dhaqaaqyada Shabaab ka wadaan Somaliya gaar ahaan weerarada ay ku qaadaan Dowlada...
Farmaajo “Talaab adag ayaan ka qaadi doonaa Wuxuushtii shacabka xasuuqday”.
Xasuuqii ay ciidanka dowladda KMG ah shalay ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa si kulul loo cambaareeyay waqti ciidanka dowladu kordhiyeen dhibaateynta shacabka.
R/wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed Farmaajo ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid wuxuushnimo oo ay qolo gardaran ugeysteen shacab qaran oo uu ku tilmaamay “la jirayaasha dowladda”.
Farmaajo wuxuu ku goodiyay in xukuumadiisu talaab...
