Home » Archive Daily February 23rd, 2011

Warar faah-faahsan oo kasoo baxay dagaalkii Beled-xaawo iyo duulaano hor leh oo ku wajahan magaalooyinka Beled-xaawo iyo Luuq

Feb 23, 2011
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada Beled-xaawo duulaanka kusoo qaaday oo aad u badnaa ay ka koobnaayeen saddex qeybood oo kala ah: Ciidamo taabacsan dowladda KGM ah, kuwa Ahlu suna Wal-jameeca iyo Mileeshiyo beeleed Garre Itoobiyaan ah. Dagaalka Beled-xaawo ka dhacay oo ahaa kii ugu adkaa ee ebid la arko ayaa waxuu bilowday subaxnimadii Arbacada maanta, waqtiga Bariga Afrika markuu... 

Cabdiqani Jeenyo oo loo magacaabay la taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee Arimaha Dhallinyarada iyo Isboortiga (Akhri Dikereetada)

Feb 23, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xil la-taliyenimo u magacaabay C/qani C/llaahi Hilowle (C/Qani Jeenyo) oo ah Guddoomiyaha Dhallinta cusub Dhaqanka iyo Isboortiga (NGSC). Ra’iisal Wasaaraha ayaa C/qani Jeenyo u magacaabay la-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Arrimaha Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana lagu doortay sida ku xusan Dikreetada... 

Labaatan sano kaddib, ciyaartii ugu horeysay ee kubbadda Koleyga ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo

Feb 23, 2011
Waxaa mudo labaatan sano ah aan Gobolada Dalka Puntland & Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya aan laga ciyarin kubada Kolayga ama baaskitka, waxaana ciyartaasi ay maantey ka dhacdey goroonka dugsiga sare ee Cumar Samatar, waxaana soo agaasimay Naadiga Komsed oo ka dhisan Gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo. Ciyaaratan oo aad u xiisa badnayd ayna kasoo qayb galeen dadweyne badan iyo ardayda Iskuulada... 

Faah-faahin dheeraad ah dagaalkii Beled-xaawo ka dhacay iyo Al-shabaab oo si buuxda gacanta ugu haya magaalada (Faah-faahin)

Feb 23, 2011
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Beled-xaawo ka socday dagaal qaraar oo u dhaxeeyay ciidamo taabacsan dowladda KMG ah iyo kuwo Alhulu Sunna Wal-jameeca oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo ciidamada Al-shabaab. Dagaalka ayaa waxaa markii hore goor galabnimo ah soo qaaday ciidamada huwanta ah ee Doolow kasoo duulay, laakiin waxay iska caabin adag kala kulmeen ciidamadii Al-shabaab ee ku... 

Beledxaawo oo Madaafiic lagu garaacay iyo ciidamada Dowladda oo dib uga baxay magaalada (Faah-faahin)

Feb 23, 2011
Khasaara xoogan ayaa ka dhashay dagaalo culus oo maanta ka dhacay magaalada Beled-xaawo iyo hareeraheeda kadib markii ay weerar soo qaadeen ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah. Ilaa iyo 15 qof oo u badan rayid ayaa ku dhimatay tira intaasi ka badana dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalkii maanta. Khasaaraha ugu daran waxaa shacabka u geystay madaafiic ay soo ridayeen ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa deegaanka... 

Ra’isal Wasaare Farmaajo oo sheegay in ay ciidamada Dowladda KMG ah iyo AMISOM wiiqeen Al-shabaab isla markaana ka qabsadeen saldhiyo muhiim ah (Dhageyso RW oo arrintaas ka hadlayo)

Feb 23, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dowlada KMG ah iyo AMISOM ayaa guulo ka sheegtay dagaalo culus oo saaka ilaa iyo maanta duhurkii ka dhacay magaalada Muqdisho xilli dagaallo dhowr jiho ah lagu furay Shabaabka. Ra’isal wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah la wareegeen inta... 

Dagaal qaraar oo mar dhow ka bilowday Beled-Xaawo oo iskiis u istaagay iyo Ciidanka Huwanta oo ay ku adkaatay qabsashada magaalada

Feb 23, 2011
Waxaa soo gaba gaboobay dagaallo qaraar oo maanta barqadii ka bilaawday magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo. Wararka nagasoo gaaraya magaalada Beled-xaawo waxay sheegayaan in dagaalku uu hadda istaagay balse lamaqlayo rasaas teel teel ah iyo madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan. Weriye ku sugan Gedo ayaa shabakadda AOL u sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa kale ee Itoobiyaanka ah ay ku... 

War deg deg ah: Isgaarsiintii Magaalada Beled-Xaawo oo lajaray iyo Dagaal laga cabsi qabo.

Feb 23, 2011
Daqiiqado ka hor waxaa hawada laga saaray Khadkii isgaarsiinta magaalada kadib markii ay ciidanka huwanta ku ah magaaladaasi ay soo gaareen meel 2 KM oo qura u jirta magaalada.  Boqolaal ka tirsan ciidamada maamulka Al Shabaab ee Beled-Xaawo ayaa iyana wada dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay dagaalka ugu diyaar garoobayaan, qof walba oo Beled-Xaawo ku sugan Albaabka ayay gurigeeda usoo xiratay.  Ciidamada... 

Dagaalo qaraar oo mar kale Muqdisho ka bilowday

Feb 23, 2011
Dagaalo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa saaka ka socda xaafado ka tirsan degmooyinka Dayniile iyo Hodon ee magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi weeraro kedis ah ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Al Shabaab ku lahaayeen wadada Warshadaha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.  Ciidamada Burundi oo aan looga...