Home » Archive Daily February 25th, 2011

Labada Shariif oo isku khilaafsan Waqti kordhinta Baarlamanka.

Feb 25, 2011
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhaxgalay madaxda dowlada KMG ah kaasi oo ku aadan go’aankii dhawaan kasoo baxay baarlamanka ee uu waqtiga ku kororsadey.   Madaxweynaha dowladda KMG ah shariif Sheekh Axmed ayaa shalay saxaafadda u sheegay in uu baarlamanka ku celiyay mudda kororsigii islamarlaana uusan sharci aheyn iyo baarlamanku khilaafo talooyinka beesha caalamka. Gudoomiyaha baarlamanka Shariif... 

Wararkii Ugu dambeeyay ee Beled-Xaawo iyo Maleeshiyaadkii New Police oo dhanka Suufka u Firxaday (Warbixin).

Feb 25, 2011
Shabakadda AOL ayaa goordhaw warbixino xaqiiq ah ka heshay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugantahay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo oo maanta oo idil dagaallo ka socdeen. Hadda Afrikada bari waa 7:46 daqiiqo habeenimo waxaana soo dhamaaday dhamaan dagaalkii maanta bilaawday haddii ay ahaan laheyd fool ka fool iyo madaafiic si arxan darra ah loogu garaacay magaalada. Dagaalkii maanta wuxuu ahaa... 

Balad-xaawo oo wali la’isku haysto iyo Mileeshiyaadka New Police ee dowladda Itooibya oo dagaalka ku jira

Feb 25, 2011
Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in duulaankii ay subaxnimadii hore ee saaka kusoo qaadeen ciidamo huwan ah magalaadaasi uu hadda qaboobay. Waqtiga Bariga Afrika oo hadda ah 6:00 PM ayaa waxaa magaalada Balad-xaawo ku wada jira xoogagga Al-shabaab iyo kuwa New Police-ka Itoobiya oo ah Mileeshiyaadkii Garraha oo iyagu saaka duulaan kasoo qaaday dhanka magaalada Mandheera,... 

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay shirka golaha Wasiirada Dowladda Ku Meel Gaarka ah

Feb 25, 2011
Waxaa shir isugu yimid golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Kulankani waxaa looga hadlay xaaladda Amniga ee dalka taasoo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi uu sheegay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Shacabiga qeybihiisa kala kala duwan iyo ciidanka Nabad... 

Dagaaladii mar kale ka qarxay Beled-Xaawo oo soo gaba gaboobey iyo Ciidankii Huwanta ahaa oo markale magaalada laga saaray

Feb 25, 2011
Dagaal qaraar oo saaka ka qarxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta duhurkii soo dhamaaday. Wararka aan ka helayno Beled-Xaawo ayaa xaqiijinaya in magaalada ay ka dheceen duqeymo culus oo dagaalka ka hor ay ku garaacen ciidanka Itoobiya ee ku sugan deegaanka Suufka. Dagaalka ayaa yimid kadib weerar culus oo ay magaalada kusoo qaadeen ciidamada Huwanta ah ee dhanka Doolow kasoo dhaqaaqay.  Weriyaha... 

Dagaallo Culus oo ka socda Hoobadka Wadada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Feb 25, 2011
Dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Al Shabaab iyo kuwa AMISOM ayaa ka socda meel ku dhaw madaxtooyada Villa Somaliya ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.  Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada AMISOM oo ku hubeysan taangiyo ay weerar kusoo qaadeen difaacyo ay Xarakada Al Shabaab ku laheyn Falorensa iyo dagaandagga Caga dhiigga ee Wardhiigley.  Goob Joogayaal ayaa soo sheegay...