Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in duulaankii ay subaxnimadii hore ee saaka kusoo qaadeen ciidamo huwan ah magalaadaasi uu hadda qaboobay.
Waqtiga Bariga Afrika oo hadda ah 6:00 PM ayaa waxaa magaalada Balad-xaawo ku wada jira xoogagga Al-shabaab iyo kuwa New Police-ka Itoobiya oo ah Mileeshiyaadkii Garraha oo iyagu saaka duulaan kasoo qaaday dhanka magaalada Mandheera, halka ciidamada dowladda KMG ah taabacsan iyo kuwa Ahlu Suna magaalada dib looga riixay bal ay hadda ku sugan yihiin Dhufeysyana ka qodanayaan meesha la yiraahdo Malkaariyey oo aanan magaalada ka fogeyn.
Magaalada ayaa meelo badan hadda ka gubaneysa, ayada oo ay Al-shabaabkana ku adkaatay inay magaalada banaanka uga saaraan Mileeshiyada New Police-ka Itoobiya ee Garraha ah.
Dagaaladii maanta oo dhan ka socday Balad-xaawo ayaa la oran karaa ma jirto cid ku gacan sareyso ayada oo ay hadda magaalada qolo walba dhinac ka haysato.
Wararkii hore ee AOL soo gaaray ee sheegayay in ciidamadii huwanta ahaa dagaalka looga itaal roonaaday ayaa ahaa kuwa Dowladda KMG ah oo banaanka magaalada looga saaray, laakiin waxaan dib ka ogaanay in dhankii ay ciidamada New Police-ka kasoo galeen aanan ilaa iyo hadda laga saarin.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegi karta dhimashada iyo dhaawacyada labada dhinac soo kala gaaray.
Inkasta oo uu dagaalku waxoogaa qaboobay, haddana wali waxaa jira xabado teel-teel ah oo qeybo magaalada ka tirsan laga maqlaayo.
Maadaama dagaalkii maanta oo dhan socday la’isku dhaafi waayay, isla markaana ay hadda qoraxdu dhacday, waxaa laga yaabaa in dagaal kale oo xoog leh uu dib uga bilowdo Balad-xaawo maalinimada barito ah.
Wixii war ah ee kusoo kordha dagaalka Balad-xaawo kala soco wararkeena danbe.
Allgedo News Desk, Balad-xaawo/Somalia.

asc waxan ka xumahay dagaalka dhamaan ba ka socda somaliya hadana kan gedo iyo xama r waa mid laga xumadaado calooshod ushaqeystayalka itobiya so wata shacab ka yaynan naga leyn
dadka u dhashay beesha Sade maxaan anagu isku fahmi la,nahay?
Maxaa midba midka kale u fiirsanaa?
Maxay isku raaciwaayeen dadka beesha sade ayagoo leh hal ujeedo?..
Waxaa mid loo gawracayaa waa inaad isku sii xumaataan.
si aadna u heshiin ayaa laga shaqaynaa mana ogadin .
lama rabo inaad heshiisiin kuwiina joogo doolow iyo kuwiina jooga meesha lagu dagaalamaayo oo labadiinama aad tihiin dad u dhashay beesha sade.
waxaa la sii fogaynaa colaada dhexdiina sidaas ayaa loo gowracay wiilka .
illaahay ha u naxariisto intii dhimatay iyo wiilka la gawracay laakiin si
deg deg ah halaysugu yimaado oo dhiiga walaalaha hala kala joojiyo.
is maqla oo isku tanaasula .
hadaad isku tanaasuli waysaan oo isku imaan waysaan waxaa idinka dhimanaayo intaas ka badan ,waana soconaysaa colaada ,
Balaayo madax la qabto ayey leedahay laakiin dabo la qabto ma laha .
midka doolow jooga iyo midka gedo joogo waa inay wada hadlaan oo halmeel ka soo wada jeestaan dhulkana ayakaa iska leh.
asc waxaan aad oga xumahay dagalka ka dhacayo dalkeeygii hooyo
new polic aaaa walee waa aduun waashay new polic soo kuwii xasuuqa ka geestay ma ahan ceel dibir iyo shilaabo
walee shabaab looma socdee waxa lo socda waa dhulka sade indhaha kala fur ..