Home » Archive Daily February 26th, 2011
Golaha Wasiirada oo Taageeray go’aankii Madaxweyne Shariif ku diiday waqti kordhinta baarlamanka.
Golaha Wasiirradu waxay ka baarandegeen sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah.
2. Waxayna la tashiyo balaaran la sameeyeen hey’adaha kala duwan ee dawladda, qaybaha bulshada iyo beesha caalamka.
3. Xukuumadda waxay ku jirtaa boqolkii maalmood ee ugu horeeyey mudadeeda waxaana heer gabogabo ah u maraya wada tashiyadii iyo diyaarintii qorshaha hawleed ee ku aaddan xilliga...
Khasaara ka dhashay duqeymo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Duqeymo geystay Khasaara nafeed ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho waqti ay dagaallo ka socdeen qeybo katirsan wadada Warshadaha ee magaaladaasi Muqdisho.
Ilaa 5 qof ayaa dhimatay 12 kalane dhaawacyo ayaa soo gaarey kadib markii madaafiic culus lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa soo sheegay in ciidamada AMISOM ay madaafiicda ugu...
Ciidamo kasoo dhaqaaqay gudaha Kenya oo Weerar kusoo ah Jubbooyinka iyo Ceel-Waaq Axmed Madoobe oo hogaamiyaha dagaalka loo magacaabay (Warbixin)
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan Jubbooyinka iyo Gedo kadib markii ay soo dhaqaaqeen ciidamo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa oo doonaya in ay dagaal kale huriyaan.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa shabakadda AOL u sheegay in ciidamo farabadan oo dhamaantood ah Soomaali dibadda laga keenay iyo kuwa kasoo jeedo Jubbooyinka ay kusoo fool leeyihiin Xadka ay wadaagaan Kenya...
Dagaallo Kulul oo Muqdisho ka socda iyo gaadiid laga gubay AMISOM.
Dagaallo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Burundi iyo xarakada Al Shabaab ayaa ka socda magaalada Muqdisho kadib markii ay weeraro culus soo qaadeen ciidamada shisheeye.
Hugunka rasaasta iyo madaafiic xoogan ayaa laga maqlayaa aagga Jaalle Siyaad iyo wasaaradda G/dhigga wadada u dhexeysa halkaasi oo ay isku fara saareen dagaalyahanka Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamada Burundi.
Warar hordhac ah ayaa...
Al Shabaab oo Guulo ka sheegatay dagaalada Muqdisho iyo Gedo.
Xarakada Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaallo culus oo maalmihii tegay ka socday magaalada Muqdisho iyo Gobolada Hiiraan iyo Gedo halkaasi oo ay kajiraan maamulo taabacsan Al Shabaab.
Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in ciidamada Xarakada ay si adag isaga caabiyeen weeraro kaga yimid AMISOM iyo ciidamada Dowladda KMG ah...
Magaalada Beled-Xaawo waa degantahay Balse Madaafiic ayaa dhanka Mandheere kaga imaanaysa.
Xaaladda magaalada Beled-Xaawo ayaa degan kadib dagaallo shalay oo idil ku dhaxmrayay ciidamada maamulka Gedo iyo kuwa dowladda KMG ah oo taageero ka helaya Maleeshiyaad Itoobiya raacsan.
Madaafiic ay ciidamada Itoobiya kasoo tuurayaan magaalada Mandheere iyo Suufka ayaa kusoo dhacaysa magaalada waloow madaafiicdaasi aysan aheyn kuwa joogta ah balse marmarka qaar madaafiicdaasi soo dhacayso.
Magaalada...
