Golaha Wasiirradu waxay ka baarandegeen sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah.
2. Waxayna la tashiyo balaaran la sameeyeen hey’adaha kala duwan ee dawladda, qaybaha bulshada iyo beesha caalamka.
3. Xukuumadda waxay ku jirtaa boqolkii maalmood ee ugu horeeyey mudadeeda waxaana heer gabogabo ah u maraya wada tashiyadii iyo diyaarintii qorshaha hawleed ee ku aaddan xilliga kala guurka oo faahfaahsan.
4. Iyadoo lagu dhaqmayo Axdig Qarnka iyo shuruucda kale ee dalka, heyad waliba oo dawladda ka mid ahina ay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah, Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen:
a. In hay’ad waliba ku ekaato waajibaadkeeda shaqo ee ku cad axdiga iyo shuruucda kale ee dalka.
b. In jaangoynta iyo fulinta siyaasadeed iyo maamulka dalka ay u xilsaarantahay hay’adda fulinta oo ah xukuumadda FKMG sida ku cad Axdiga iyo shuruucda kale ee dalka.
5. Sida ku cad qoraalkii Madaxweynahu ku soo celiyey go’aankii baarlamaanka ee ku aaddanaa qorshaha kala guurka, soo diyaarinta qorshaha siyaasadeed ee marxallada kala guurka waxaa dastuuriyan masuuliyadda iska leh xukuumadda. Sidaas darteed waxaa haboon in hayad waliba ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah ixtiraamtana shuruucda dalka.
6. Xukuumadda DFKM waxay ugu baaqayasa Xildhibaannada Baarlamaanka in ay ka qayb qaataan dedaaladda nabad soo celinta ee dalka ka socda.
7. Sidoo kale, dhamaan bulshada Soomaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay si hagar la’aana u taageeraan dadaalka nabad soo celinta.
Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

I thank you for providing quality infromation to your readers .
I think , as of today somalia has 2 greate problems that is hindering its successes however trials are being made by Farmajos government and sheikh Shariff who seems to be also willing for progress.
The sharrif of parliement who is there only for money and trying to buy the MPs at any rate to get the support of votes when it commes to campaining has been pain in the neck for the TFG ever since he threw Sheikh Adan Madobe , the idea of 3 years from the parliment is from HIM no body else only to see himself remains for more corruption , he has to know this is not Banana , skin and mirra market and matter of desteny for whole nation
Also see how Silanyo is sending weapons to his agent Godane so that the south remains in continous shambles
(Maxaa ka jira in hub sharci daro ah laga soo dajiyo Somaliland?
Nairobi:( Sh. M. Network) Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa heshay qoraal gaar ah oo cadeynaya in hub sharci daro ah laga soo dajiyay Somaliland islamarkaana loo gudbiyay koofurta Soomaaliya iyo dalka Kenya.
Xuseen Kenyati, taliyihii sirdoonka ee maamulka Somaliland oo qoraal gaar ah soo gaarsiiyay shabkadda warbaahinta Shabelle ayaa waxuu kaga hadlay sababaha uu kaga tegay xilka hoggaaminta nabad sugida Somaliland, isaga oo dhinaca kale fashiliyay eedeymo sheegaya in rag miisaan culus ku leh Somaliland ay ku lug lahaayeen hub hsarci daro ah oo Somaliland u soo mara si loo geeyo dalal ku yaalla geeska iyo bariga Afrika.
Xuseen Kenyati ayaa marka hore qoraalkiisa kaga hadlay in sabab uu kaga tegay shaqdiisa ay tahay ka dib markii ay soo noq noqdeen warar sheegaya in dowladda Itoobiya oo cilaaqaad dhow la leh Somaliland aysan raali ka aheyn in isaga uu madax ka sii noqdo hay’adda sirdoonka Somaliland iyada oo wararkaasi ay ku eedeynayeen in Xuseen Kenyati sida la doonayo uusan ula shaqeyneynin dowladda Itoobiya.
Xuseen ayaa qoraalkiisa ku xusay in markii ugu dambeysay safar uu Addis Ababa kaga soo laabtay wasiiraka arrimaha dibadda Somaliland ee xilligan Mohamed Abdullahi uu ka keenay war dhiilo sida oo sheegaya in wafidigii wasiirka uu horkacayay aan si wanaagsan loogu soo dhoweyn Addis Ababa sababtoo ah in Iotoobiya raali ka aheyn in Xuseen Kenyaati ka mid noqdo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uuna Mr. Xuseen Kenyati loo dhiibo hay’aadda nabad sugida.
Mudane Kenyatti ayaa qoraalkani gaarka ah ee uu nuqul ka mid ah soo gaarsiiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku sheegay in warka sidaasi sheegaya wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland ay u soo dhiibeen madaxii hore ee xafiiska Itbooiya Hargeysa ee sanaddihii 2000 ilaa 2006 Yodhadho Abdeta iyo wasiirkii arrimaha dibedda ee dowldadii Daahir Rayaale Cabdullahi Maxamed Ducaale oo hadda ku sugan dalka Itoobiya.
Xuseen Kenyaati ayaa tilmaamay in ragga u soo dhiibay fariintan diidamadda Itoobiya ee xilka uu hayay ay ka tirsanyihiin koox xulufo ah oo ku lug leh hub fudud oo si sharci darro ah loo soo geliyo Somaliland ka dibna si sharci darro ah loogu soo gudbiyo dalalka qeybo ka mid ah Somalia sida Puntland. Gobollada koonfurta iyo dalalka Kenya, Itoobiya, iyo sidoo kale koonfurta Sudan iyada oo hubkaasi laga keeno dhinaca dalka Yemen lagana soo dejiyo dekad macmal ah oo ku taala xeebaha galbeed ee Somaliland.
Hubkaani ayaa qoraalka ay Shabelle ka heshay Kenyaati waxa uu ku sheegayaa in uu isugu jiro, qorayaha fudud ee AK 47, qorayaha Dabajeexa, Bassukayaal, Bastooladaha nooca loo yaqaan dhabanacas iyo baaruuda budada ah ee loo adeegsado qaraxyadda oo baco ku xiran.
Dadka howshan hub soo gelinta ku lugta leh, ayaa qoraalka sheegayaa in ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, wasiirkiisa arrimaha Dibedda Cabdullaahi Maxamed Ducaale, Boqor buur madow oo ka mid odayaasha Somailand iyo wakiilkii Itoobiya ee Somaliland Yodhadho Abdeta.
Qoraalkani ayaa sidoo kale sheegaya in Yodhadho Abdeta uu sidoo kale ku lug lahaa gelinta qalab elektaroonik ah oo si sharci darro ah uu kaga talaabin jiray xadka Somaliland ay leedahay Itoobiya isaga oo adeegsanayay gaadiid diblumaasiga ee uu isticmaalo.
Shabelle ayaa isku dayday in ay la xiriirto dadka qoraalka Xuseen Kenyaati ku eedeysan balse weli uma suuragelin in ay hesho.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.