Home » Archive Daily February 27th, 2011

Dhacdo Mucjiso ah oo ka dhacdey Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari (Fadlan ha akhrin haddaad qalbi jilacsan tahay)

Feb 27, 2011
“Waa leykufsadey, waa ley fadeexeeyay,  jirkeyga xubno ka mid ah ayaa sigaar  lagu damiyay,  hadana waxaa la’igu tilmaamey Al-Shabaab” sidaas waxaa tiri Hodan oo ah gabar soomaaliyeed kana soo jeeda Deegaanada Caabud-Waaq iyo Gedo.  19 january 2011 ayaa magaalada Bosasso ee xarunta gobolka bari waxaa ka dhacdey  fal cajiib ah isla markaana taariikhda baal madaw ka galey waxaana dhacdadaan... 

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf iyo Boqolaal Ciidamo Gurmad ah oo galabta gaaray magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo (Warbixin).

Feb 27, 2011
Ciidama farabadan oo gurmad ah ayaa gaaray magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay ka furanyihiin dagaallo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo ciidanka Dowladda oo kaashanaya Itoobiya. Inkastoo aysan maanta magaalada ka dhicin dagaallo hadane waxaa degmooyinka kusii qulqulaya gurmad ciidan oo aad u xoog badan kaasi oo gaaraya maamulka Al Shabaab ee Beled-Xaawo kajira. Dibad bax ay soo abaabuleen... 

Shariif Sheekh Axmed oo booqday aagaga dagaalka Muqdisho.

Feb 27, 2011
Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa barqanimadii maanta booqasho ku tagey  jiiidda hore ee dagaalka iyo qeybo ka tirsan degmooyinka Dayniile iyo Hodan oo ay dhawaan gacanta kooxda Shabaab ka fara maroojiyeen ciidamada dowladda Soomaliya. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn aagga hore salaan sharaf uga qaatay cuatubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida. Madaxweynaha  ayaa intaa kaddib kulan la yeeshay... 

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha marwo Sahro M. C. Samatar oo maanta deeq lacageed gudoonsiisay bukaanada ku jira isbitaalka Madiino

Feb 27, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta deeq lacageed gudoonsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho, waxaana Wasiirka ku wehelinayay qeybinta lacagtan Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Mudane Dr. Maxamuud Sheekh Xasan (Akhi), Xiiriyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo urur goboleedka IGAD Cali Cabdi... 

Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo oo Burbur qarka usaaran.

Feb 27, 2011
Maamulka Puntland ee ka jira waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa qarka u saaran in uu burburo kadib markii ay hareeyeen khilaafaadyo u dhexeeya hogaanka maamulkaasi iyo wax qabad la’aan. Duqii magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdi Raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay Puntland kadib khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo gudoomiyaha Mudug ee Puntland. Mid... 

Magaalada Beled-Xaawo oo degan iyo Ciidanka Itoobiya oo madaafiic ku garaacay magaalada.

Feb 27, 2011
Xaaladda magaalada Beled-Xaawo ayaa maalintii 2-aad deganaashiyo laga dareemayaa kadib markii ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamo dhanka Doolow kasoo duulay iyo kuwa magaalada ku sugan. Wararka nagasoo gaaraya magaalada Beled-Xaawo ayaa xaqiijinaya in saaka madaafiic lagusoo garaacay magaalada balse aysan wax khasaara ah ugeysan shacabka magaalada. Xakay saqdii dhexey ayay ciidanka... 

Xarakada Alshabaab oo isku bedel ku sameysay Maamulkii Gobolka Gedo.

Feb 27, 2011
Xarakada Al Shabaab ayaa bedeshay maamulkii hore ee Gobalka Gedo ,kaasoo uu madax ka ahaa mudo Sanad ka badan Sheekh Bishaar Aden Xasan,iyadoo galabtana Xaflad si heer sare loo soo agaasimey oo ka dhacdey Gudaha degmada Baardheere ayaa waxaa uu xilkii uu ku wareejiyey Waaliga Cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Gedo Sheekh Cabaas Cabdulaahi Cabdiraxmaan . Xafladii Xil wareejinta oo lagu qabtey Magaalada...