Home » News »

Dhacdo Mucjiso ah oo ka dhacdey Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari (Fadlan ha akhrin haddaad qalbi jilacsan tahay)

“Waa leykufsadey, waa ley fadeexeeyay,  jirkeyga xubno ka mid ah ayaa sigaar  lagu damiyay,  hadana waxaa la’igu tilmaamey Al-Shabaab” sidaas waxaa tiri Hodan oo ah gabar soomaaliyeed kana soo jeeda Deegaanada Caabud-Waaq iyo Gedo. 

19 january 2011 ayaa magaalada Bosasso ee xarunta gobolka bari waxaa ka
dhacdey  fal cajiib ah isla markaana taariikhda baal madaw ka galey waxaana
dhacdadaan dadkii goob jooga u ahaa iyo cidii sheeko ku maqashaba ay ku
noqoneysaa mid fajac iyo amar kaag ah. 

Hodan oo ah gabar 21 jira kana soo jeeda dhalasho ahaan deegaanka Caabud-waaq iyo Gedo waxaa Bosaso ku qabsatey dhacdo tii ugu darneyd ama ugu xumeyd oo qof aadami ah lag sameeyo waxaana dhibaatadaan ku sameeyay masuul ka tirsan maamulka Puntland laguna magacaabo Aamin C/laahi Xaaji Kheyr waana agaasime waaxeed u shaqeeya Wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada Puntland ee Bosasso. 

Hodan oo aan hada ku sugan Garowe ayaan waxaan kala sheekeysaney dhacdadii ku dhacdey waxaana dhibaatada hodan la wadaaga seygeeda oo goob joog ahaa xiligii dhibaatada lagu sameynayay hodan. 

Sheekadii naxdinta iyo fajaca laheyd ee aan Hodan la yeelaney ayaa u dhacdey sida tan “waxaan ka imid markii hore magaalada Hargeysa oo ay ku nooshahey hooyadey, waxaana soo aadey magaalada Bosaso waxaan is baraney intii aan joogey Bosaso wiil reer Hargeysa ah, waxaana ku heshiiney sheeko dheer ka dib inaan nolasha wadaagno, waxaa kale oo jirtey inaan Bosaso isku baraney Aamiin C/laahi Xaaji Kheyr oo ah nin u dhashey gobolka Barri, waxaana uu Amiin isku dayay inuu si khasab ah igula sheekeysto ama sheeko iila wadaago waan ka diidey oo ma aanan rabin sheekadaasi. 

Amiin Xaaji Kheyr oo ah Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland waxaa uu iisoo direy fariimo ama SMS-yo hanjabaad ah oo khasab ah, waana ka dhago adeegey.  Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan la xiriirey Adeerkey oo reer Boosaaso ah laguna magacaabo Mahamed Haaraa, waxaana uu ka mid yahay Ganacsatada gobolka waxaana ujeedadeydu aheyd inaan isbaro adeerkey Maxamed Haaraa iyo seykeyga ama ninkeyga cusub.

Waxaan raacney gaari uu wadey nin saxafi reer Boosaaso ah, waxaan tagney Hotel Dubai oo uu joogey Adeer Maxamed Haraa, saacad ka bacdi waxaa nasoo weeraray Ciidamo uu wato Aamiin C/laahi Xaaji Kheyr waxaana uu wajiga iiga dhuftey bistoolad  dabadeeda danbe, dabadeedna waxaa qeyliyay adeer Maxamed Haaraa, waxaana uu Aamiin C/laahi Xaaji Kheyr ku yiri Adeer Haraa hadal laga naxo oo ah “kani waxba kuuma qabanayee u yeero Jaale Maxamed Siyad Bare ha iga kaa celiyee” dabadeed maxaa dhacey?. 

Kolkii wajiga bistooladda la’iiga dhuftey dhiig aad u badan ayaa iga soo duuley waxaana xanaaqey seygeyga ama odageyga oo goob joog ahaa, balse nasiib darro waxaa la’igu dalbadey ciidan oo garaacis ayay igu bilaabeen waxaana uu Amiin iga jeex jeexay Hotelka dhexdiisa diricii aan qabey oo waxaa uu banaanka keeney cawradeydii, waxaana markhaati dhacdadaasi ka ahaa dadkii xiligaasi joogey Hotel Dubai ee Bosaso. Ku darso, waxaaba iiga darneyd kalmadaha uu adeegsanayo sida dhilayahay soo bax iyo wax kale oo laga xumaado. 

Waxaa si khasab ah la’igu saarey gaari, waxaana xiligaasi banaanaa jirkeyga xubnaha ugu muhiimsan. Waxaa iigu darneyd markii aan indhaha saarey iyadoo jirkeyga iyo cawradeyda la duubayo, laguna duubayo Mobile Recording!!!. 

Intaa kaddib, waxaa la’iga duubay indhaha, waxaana markii danbe ka warheley iyadoo aan joogo meel banaan ah. Intii aan gaariga saarnaa waxaa la’ii geystey jir dil aad u daran, isla markaana aanan xamili karin. Intaasi kaddib Amiin C/laahi Xaaji Kheyr waxaa uu ii geystey kufsi iyadoo asxaabtii la socotey ay jir garaacis aad u daran ay ii geysteen. Waxaa intaasi ii wehlisa in markii la’i kufsadey oo la’ii galmoodey la’i garaacey, dabadeedna la’igu sameeyay in xubno ka mida jirkeyga lagu damiyo sigaar sida bawdyaha iyo laabta!. 

Dhamaan dhibaatadaasi inta la’igu sameynayo odogeygu waa uu ila joogaa waliba isagoo si aad u daran oo naxariis la’aan ah loo garaacayo, waxaana dhibaatada ugu daran looga geystey xaniiyaha oo ka mida xubnaha taranka ragga ugu muhiimsan. 

Xili aan ku qiyaasey 1-dii habeenimo ama saq dhexe ayaa waxaa nala keeney mid ka mida xarumaha saldhigyada Bosaso, waxaana si adag loogu khasbey seygeyga inuu i furo waana uu ka dhaga adeegey inuu arrintaas ku kaco, balse waxaa mar kale loo geystey jir dil naxariis daro ah kolkii saldhiga nala geeyay. Waxaa Amiin C/laahi Xaaji Kheyr uu nagu tilmaamey inuu nagu soo qabtey Hawlgal balaaran oo uu ka sameeyay xaafad lagu sheegey iney ku jiraan Ururka Al-shabaab, waxaana uu saldhiga hortiisa ka cadeeyay inaan ka mid nahey Urur diimeedka mayalka adag ee Al-shabaab. 

Ma qiyaasi karo miyirkeygu sida uu ahaa, balse waxaan aad u dareemayay xanuun iyo dhiig bax hoose, waxaana saldhigii nala kasoo daayay maalin ka dib mana jirto wax maxkamad Cadaalad ama Sharci  lasoo taagey Amiin C/laahi Xaaji Kheyr oo dhibkaasi ii geystey!.

Xaqiiqdii, marka la eego inta uu la egyahay dhibka cadaalad darada wata ee uu ninkaas ii geystay waxaa la’ii qaatay in aan dhinto!. 

Aniga oo ah ninka qoraalkaan soo gudbiyay ayaa intaasi kaddib waxaa ii suurta gashay in aan Garowe kula kulmey Nabadoon Maxamed Haaraa oo dhacdaan hortiisa ka bilaabatey, waxaana uu ii xaqiijiyay dhacdadaan iney tahay mid xaqiiq ah oo Bosaso ka dhacdey. 

Waa mucsijo iyo amakaage,  akhristow bal ka waran ninkii dhibka intaas la’eg geystay oo ah Amin C/laahi Xaaji Kheyr haddii uu wali asaga oo xor ah oo aanay jirin cid uu ka baqaayo uu dhex mushaaxayo bartamaha magaalada Boosaaso oo la leeyahay waxaa ka jira shirci cadaalad ah oo dadka loogu kala xaq sooro, maxaase ka dhalan kara adduun iyo aakhiraba hadddii aanan falalka noocaan ah talaabo cad laga qaadin inta aanay bulshada kusii fidin?

 
F.G: Codsi nooga yimid qoraha maqaalka awgiis, halkaan kuma soo gudbin karno magaciisa oo buuxa, laakiin AOL dhacdadaan naxdinta leh dabalgal bay ku haysaa, waxii kusoo kordhana dib baan idinkala soo socodsiin doonaa.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

55 Jawaabood " Dhacdo Mucjiso ah oo ka dhacdey Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari (Fadlan ha akhrin haddaad qalbi jilacsan tahay) "

  1. aarso says:

    kaadibadane waa loo gogolbadai

  2. ahmed shire says:

    ACW
    Saxid walaalnimo.

    Murugada gabadha waxaa iiga darnayd qoraaga fahankiisa deegaanka iyo dadka. Ma fahmin deegaanka Caabudwaaq iyo Gedo; almiino dheh Galgaduud iyo Juboooyinka.

    Sheekada gabadha hadii ay dhab tahay si kale iyo xili kale ayaanu maqli lahayn. Wayse dhici kartaa oo Hargaysa gabdhaha Mareexaan waxaa loo diilaa, ‘hadaan ku shukaansaday maxaad ii yeeli wayday.” Ilaa sadex gabdhood ayaa Hargeysa lagu dilay cadaaladna lama hor keeno raga dilay gabdhahaas.

    Waxaase la wada ogsoonyahay cadaalada ay reer Hargaysa u sameeyaan dadka dusha cad jacayl ay u qabaan darteed. Nin dayuus ahaa oo gaal ahaa oo Jarmalka ka yimid iyaga oo reer Hargaysa ay is lahaayeen nin cada ayaa ka helay deegaankiina. Si walba ayay u dhaqaaleeyeen isna dantiisa waxay ahayd in gabdho Soomaaliyeed oo la fuulayo inta uu filim ka duubto Yurub u iib geeyo.

    Markii lagu qabtay ayaa nin yiri qaali ayaan ahay wuxuu ninkii ku xukumay 1 sano oo xarig ah. Waxaana loola jeeday “eega sidaanu human” ama ilbax u nahay. Dambiile jeedal iyo karbaash iyo gowrac mudan oo caruur filim ka duubtay Yurub maxay ku samaysaa? Xarig daa’in. “Somaliland” maxay samaysay? Xarig hal sano ah.

    Halkaa ka sii wada. Carada Alle Boosaaso iyo Hargaysa way ku dhici dhawaan.

    Caabudwaaq iyo Gedo Marexaan wuu ka badanyahay. Hadii aad wanaajin ka waday waxaa laguu qaatay Mareexaan Galduud – Gobolada Bari iyo Jubbooyinka.

    Mareexaan hadii uu gobolada Hiiraan kor ka ah uu jiro waxaa la yiraah Mareexaan Bari kaas oo Sool, Sanaag ilaa Badda Cas degenaa qarniyo ka hor ka dibna dhulka Bari loo yaqaan ee Bada ilaa ilaa Galgaduud soo degay kana talin jiray carigaas ilaa qarniyo.

    Hadana waa Galgaduud iyo Jubooyinka oo 3 gobol ah.

    Mahadsanid.

  3. Waa dhacdo aad u fool xun haday jidho lagumana yaqaan reer boosaaso dad dulmi, runa waxaa ah degaanada gedo iyo c/waaq inay yihiin dad dhalasho ahaan ay isku dad yihiin dadka ka soo jeeda Bosaaso, waxaan gobolka bari ku nool odayal, aqoonyahano ka soo jeeda haybta uu ka dhashay alaha u naxariistee Maxa’ed siyad bare mana aha dad lagu xadgudbi karo waayo waxay joogaan degaankoodii, teeda kale waxaa taariikh lama ilaa waan ah in xaaji khayr iyo maxa’ed siyad bare ay saaxib ahaayeen suuragalna ma ah in dhashii xaaji khayr ay ehelkood ay falkan u gaysan karaan fal noocaas oo kala ahna looma gaysan karo degaanada aad soo sheegtay mana haboona in aad qorto qoraal noocan oo kale ah

  4. ACW. Waa arin naxdin iyo murugo leh hadii ay jirto waxaana arin laga xumaado ah in gabar somaliyeed loo gaysto falkan oo kaleeto oo xad gudub ku ah shareecada islaamka iyo xuquuqda dumarka soomaaliyeed waxaana mas’uuliyiinta gobolka bari ka codsanaynaa in la soo qabto eedaysanahaas lana baaro fal danbiyeedkaas haduu jiro danbigaasna la mariyo waxa ay shareecadu ka qabto. Hadii wax laga qaban waayo waxaa wax ka qaban doono ale subxaana watacaalaa. Alow ceebteena astur

  5. Cld sd says:

    Ani waxan dhihi lahaa inkastoo aduunyada o dhami ay san cadaalad ka jirin. Somali land way sii darantaha sababtuna waxay tahay Gaalo jaceyl iyo waddani nimo nacayb. Cadaalada kaliya o ka jirta somaliland wa Lacag, awood iyo Landheeranimo Qabiil.sababta gabadhaas xuquuqdeeda loo duudsiyay waxay oogu dhawdahay dawladda xunta ah somali land nin wayn ooguma jiro. Waxan leeyahay ilaahow ama dawlada cadaalad ah u keen dadka ama Dhul gariir u keen o ka badbaadi inta fiican. Inta gaalkaas o kala ahna dhulka la goo.