Home » News »

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf iyo Boqolaal Ciidamo Gurmad ah oo galabta gaaray magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo (Warbixin).

Ciidama farabadan oo gurmad ah ayaa gaaray magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay ka furanyihiin dagaallo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo ciidanka Dowladda oo kaashanaya Itoobiya.

Inkastoo aysan maanta magaalada ka dhicin dagaallo hadane waxaa degmooyinka kusii qulqulaya gurmad ciidan oo aad u xoog badan kaasi oo gaaraya maamulka Al Shabaab ee Beled-Xaawo kajira.

Dibad bax ay soo abaabuleen maamulka Shabaab ee magaalada Beled-Xaawo ayaa galabta ka dhacay fagaaraha magaaladaasi waxaana dadkii iskusoo baxay oo boqolaal gaarayey Hadallo u jeediyay saraakiisha xarakada Al Shabaab oo hogaaminayay gurmadka Gedo soo gaaray.

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf iyo Abuu Mansuur oo kamid ah saraakiisha Xarakada Shabaab ayaa shacabka Beled-Xaawo u sheegay in dagaalkii ay dhawaan lagaleen ciidanka dowladda uu ahaa mid xaq ah oo ay magaalada uga difaacayeen Itoobiya sida ay hadalka u dhigeen.

Sheekh Fu’aad oo khodbad dheer jeediyay ayaa Odayaasha iyo dhalinyarada Gedo ugu baaqay in ay la dagaalamaan wax uu ugu yeeray dabadhilifyo Soomaali ah oo Gobolka cadaw kusoo hogaaminaya.

“Reer Beled-Xaawo waxay muujiyeen geesinimo markii ay iska caabiyeen cadawgii soo duulay, waxaan idiin sheegayaa in kuwa idinka dhashay ee Amxaarada soo horkacaya ay mas’uul ka yihiin burburka magaalada gaaray, Ilaah baa lajira xaqqa marna ma dhici doonto in Beled-Xaawo ay si fudud ku qabsadaan Amxaaro iyo lajirayaasheeda”ayuu yiri Fu’aad Shangole.

Sheek Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo isna lahadlay dadkii iskusoo baxay ayaa hanjabaad u jeediyay dowladaha Deriska la ah Soomaaliya oo uu sheegay in ay guban doonaan haddii ay sii wadaan faragelinta.

Wafdiga Shabaab ee magaalada Beled-Xaawo gaaray ayaa halkaasi geeyay ilaa iyo 12 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo farabadan oo la sheegay in lagu xoojinayo ciidamada ka dagaalamaya hareeraha B/xaawo oo maalmo ka hor iska difaacay duulaan kaga yimid dhanka Doolow.

Allgedo Online News Desk, Beled-Xaawo/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

16 Jawaabood " Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf iyo Boqolaal Ciidamo Gurmad ah oo galabta gaaray magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo (Warbixin). "

  1. dhaadeey says:

    kuwaan wax tari maayaan waa argagixiso waana laga sifeyn gedo in shaa alaah

  2. Faadumo says:

    ina shongole iyo ina godane aada meelaha aad ka timaadeen.
    reer gadood wiilashiina reer baadiyaha ah oo aan aqoon fiican lahayn ayaa laga faa,daysanayaa.
    haddii ay reer doolow joogaan beladxaawo la shaqeeya dadka ka daaya dhibaatada.

    ogaada dadkiina ayaa la isku dilayaa caqli yeesha dadkiina dhibaatada ka daaya.
    isku imaada heshiiya hal ujeedo ayaad leedihiin.
    war umaddiina dib ha u dhigina haddii kale markay horu maraan soomaaliland iyo puntland ayaad guryahooda hoos fariisanaysaan.

    waxaa u sheegaa dadka u dhashay beesha Sade si dagdaga usugu imaada midkiina alshabaabah iyo midkiina doolow jooga heshiiya dhibka iska dulqaada dadkiina u naxa isku tanaasula .
    wixii xamar laga soo cayrshay ayaa idin soo aadaa iska celsha idinkoo isku duuban.

  3. wadani says:

    War doqomadaan ina shongale iyoina godane oo raabiyada qaba iska celiya .
    ha geeyaan xooga meesha looga baahan yahay.
    dadkaan ay kusoo haliilayaan waa islaam waa ashahaataan waa tukadaan waxay caabudaan illaahay .

    Haddii uusan dhibaatada sii wadadin mid walbo waxaa ka go,aysa lacagta la soo siiyey iyo siyaasada uu ka leeyahay.

    iska celiya yeysan lacag ku qaadan dhiiga dadkiina asaga iyo ina godane waxay u yimaadeen waa siyaasad maaha diin adinka dadkiina daafaca yaa wiilashiina dantay lahaayeen lagu fulin oo dhiigiina ama dhiiga shacabkiina lagu fulin danta siyaasadeed ay wataan noqda kuwa fashilaya oo isku duuma .

  4. Celabe says:

    Waa maxay ujeedada ay kala leeyihiin Alshabaab iyo kuwa doolow jooga oo labadaba haddii ay wada yihiin Beesha Sade ?
    Haddii ay labadaba wadaan dhulka inay dhisaan oo nabad keenaan may wada hadlaan oo u soo jeestaan dhulka dhisidiisa iyo wax qabad ka dadka?
    ANIGA MA AHI NIN U DHASHAY BEESHA SADE LAAKIIN WAA IDIIN CAQLI XUMO INAAD IS LAYSAAN OO DAGAAL ISKU QAADAAN DAD KA SOO WADA JEEDA HAL MEEL OO IS DAGAALAAYA.
    ANIGU WAXAA KA SOO JEEDAA . BOORAMA, OO WAXAAN AHAY REER BOORAMA, IMINKA BOORAMA WAXAY LEEDAHAY AIRABORT, IYO JIDAD IYO SCHOOLO JAAMACAD IMINKANA WAXAA SOCDA OO AANU DHISAYNAA DAKADII .
    WAXAA SUBA WAXAY KU JIMAADEEN DADKA DIBADA IYO KUWA GUDAHA, OO ISKU XIRMAY DEETANA DADAAL MUUJIYEY OO HOROMAR KEENAY .
    WAAR HADAAD IS RAACDAAN WAXAASBA WAAD GAARI LAHAYDEEN. .

    NINBAA ISOO JAWAABAY OO YIDHI BOORAMA WAXAA DHISAY SOOMAALIWAYN .
    WAXAAN SU ,AALAYAA INANKA II SOO JAWAABAY MA JIDAD AYEY NOO DHISEEN MASE AIRPORT AYEY NOO DHISEEN ? WAA MAYA WAAR WAXAASBA WAXAA DHISTAY REER BOORAMA AYAGAANA ISU TAGAY OO SAMAYSTAY WAXAAS OO IDIL WAXAAN KA WADAA UMMADII ISKU TASHATA WAX WALBA WAY GAARI

  5. Abu fatima says:

    Doqon aan danteed garan
    Waa gaal nin daba galay
    Damiir laawe inad tahay
    Ma waxaa dalkayga leh
    Doxoriyo wayaanaha
    Dayuus weeye gara sha,la
    Dibjir weeye aan garan
    Doraad wixi ay yee leen

    Dalkeeniyo dadkeenaba
    Alla doqoni lii taa
    Dalkan godene yaa lehe
    Shongolaa difaaciye
    Bal u dool wayaanada
    Kana raadi darajiyo
    Daryeel ay ku siiyaan
    Soomaalaa dalkan lehe
    Godanaa dalkaan lehe
    Shongolaa dalkaan lehe
    Roobow baa dalkaan lehe
    Xabashidu dalkaan malh
    Kiinyana dalkaan maleh
    Amriikaan dalkaan maleh
    Nin dayacay dalkaan maleh
    Cadaw daba ordaayiyo
    Dibjir aan xishooniyo
    Daaquud amaaniyo
    Gaal darajo bide iyo

  6. SADE WORRIER says:

    Ujeedada Ragaan waa Mid Qura…Waa in Beesha Sade la isku dilaa oo la tirtiraa…….Shaqsiyan ina shangole iyo Eelaaayga Mukhtaar roobow, Meeshey Baladxaawo ka tageen oo Waliba kaga hanjabayaa Ragii u dhashey Gobolka Gedo oo ay waliba ku tilmaamayaan Murtadiin IWM….Waa ayaan darada Heysata Walaalahaya Reer Gedo..Waxba igama Bi i laheyn oo waxaan Hubaa Hadaan Ognahay Gedo waxa Maamulaa iney dadkii u dhashey inaaney Xabad ka dhacdeen oo lagu duuleen ee laakin Ujeedadu intaas ka weyn Waxaan Ognahay Gedo ineysan maamulin Reer Gedo oo Ay Kaba qaad ka yihiin Masiirkoodiii Maamul oo ay u daba joogaan…..Eeelaay, Hawiye Isaaq Pakistani Afganistan Ogadeeen, Gaaljecel oo ku maamula Danaha dadkooda Degaankooda iyo maskaxdooda, Maalin kastana Lagu hor gowraco Wiil Reer gedo ah oo ayna ka hadli karin….Hadeynu nahay Beel weynta Sade, Dayuuuusnimo nalaguma yaqaan, Dagaal ninkii noo soo doontaa Waxsan nagama faaiido, Geeriduna weynu isnaqaan.Nadar baan ilaahey kula galney Gedo iney dadkii lahaa gacantooda ku soo labato….Kuwa Adeegaha u ah Ama Qowsaarada reer sade ee Diiinta beenta ah maskaxda loogu shubey iyadoo loogu tala galey in iyaga lagu baa bi iyo……Xabada inaad ridaan baa la idiin qataa Hadaadba noolaataansilic baad ku noolaneysaan oo wlaaahi…………….La isma gaarin wali’

  7. Amxardiid says:

    Walalayaal intad gumeysi kunolan laheyden gobanima kudhinta.madoneyno inaan amxaro hoos farisano o ay notaliso

  8. abdilaahi says:

    la yaab , somalidu dagaal jecelaa oo somali diidbadanaa oo gaalo jeceyl badanaa
    war hadaad diido ogaadeen oo kula dhashay iyo eeleey oo kula deegaan iyo qaybaha sade ee alshabaab ka tirsan haddaa ma tigree iyo burundiis ayaad rabtaa

  9. Asc gobolka Gedo asal ahan waxa iska leh dadka la yirahdo Boran, Mareexana xoog ayu ku qabsaday inta wa bararujin hadi an u hadlo qaab qabil. Lakin dhulka waxa iska leh ALLAH (SW) waxana xaq u leh cidi ilahay kitabkisa qadata dhulkasna ku dhaqda. Barre Hurale Axmaro ayu garab ka dhigtay Gedona waxa xiga ina Shongole, Abu Mansur, sh. Axmed Godane iyo waliba Shaykh Usama ALLAH ha ilaliye. Ilahayna Gedo Marexan kalam dardarmin.‎ولقد كتبنا في الزبور من بعد الذكر أن الارض يرثها عبادي الصالحون.‏‎ Waxa layab leh in Marexan Gedo u ogolyahay Amxaro una didan yahay mujahidin sidasna cadalad ma aha

  10. yab says:

    Waxaan oo dhan Puntland ayaa laga soo abaabulayaa nimaankaas Majeerteen ayaan rabin Mareexaan iyo dawlad ay hogaamiyaan. Awaaway kii Kamaal ahaa ee bukay? Muu reerkiisa kala celiyo.

  11. SADE WORRIER says:

    Farda la isku hayo la iskuguma faano ayey soomalidu ku maah maahdaa………Mareexaaan Daandaansi ma jecla Gooob Dagaalna Nalooma Tilmaamo Guuulna Waligeed nalagama Tagin,Taariikhda halagu Quusqaato, 1991 Mooryaan Caydiid iyo Booraanta aad shegeyso iyo wax ale wuxuu awoodi karey Meeshey ku dambeeyena waad garan, 1996/97 Alitixaad waad xasuusataan iyo Geedweyn iyo Luuq dhexdooda. LAFA HAWIYE iyo ilmahuu INA DAAHIR AWEYS GEDO U KEENEY FIDNO INEY KA ABUURAAN wixii ku dhacay Mida hada joogtana Shaahid Weydnu ka noqo Waxa Gedo ka dhaca, Magacba Maalin buu baxaa, Lafa Hawiye iyo Al itixaad ba maalin bey baxeen Maanta Waa Lafa al shabab iyo Gedo….Wali la isma Gaarin’

  12. Mahamed says:

    waxaa laguugu sheekeeyey waxaan la dagaalaynaa gaalo ,
    war dadka dagen wadanka waa dad illahay caabuda oo ilaahay ka baqa .
    mida kale diintaan in la siyaasadeeyey waxaa kuugu daliil ah.
    Shiikh mustafa oo u dhashay soomaaliland wuxuu joogaa Hargaysa oo ku nool yahay .
    Hargaysa waxaa jooga gaalo badan oo dadka mashaariic uga fulisa oo ceelal u qoda oo abaaraha wax wayn uga tara .
    waxayna ku noqdan wadamadoodii ay ka yimaadeen.

    U fiirso Godane wuxuu ka yimid hargaysa wali ma ka maqasheen waxaan ku duulaa hargaysa?
    dadka meesha ama koonfur degan waa dad islaam ah oo illaahay yaqaan waxay caabudan illaahay waa tukadaan waa soomaan .
    war ummada ha u horseedina inay noqdaan dad tuugsada oo aan wax soo saarin.
    waxaan u sheegayaa dadka banaanka jooga oo la siiyo xoogaa lacag si dadban oo aan muuqan gaalo looga soo qaaday oo siyaasad lagu doonaayo oo dad wadaado iska dhigaayo ay idinku korqaataan dad masaakiina ha ku dhamaynina.

    kaligin diinta illaahay dadka kama xigtaan,
    dadku waa wada muslim.
    haddii aad ilmahaaga siiso ama ku quudiso lacag dadka masaakiinta ah lagu dhibaataynayo , ilmahaaga calaamad xun baa illaahay ka soo saarayaa.

    ilmaha abaarta u dhintay oo gedo ama meel ka mid ah soomaaliya ku dhintay ooo wax la gaarsiin waayey cuqubadeeda waxay kudaba soconaysaa ilaa iyo ilmaha aad awooga u tagay iyo jiilalka aad dhali doontaan,
    ha ku marmarsiyoonina gaalo iyo amxaaro ayaaad daba joogtaan .
    gaalo ma imaan lahayn haddii dadka meesha u dhashay ay isku imaadaan oo wadanka wada dhistaan.
    axmaaro ma imaan lahayn haddi aad caqli isku yeeli lahaydeeeen oo meel uga soo wada jeesan lahaydeen dhulkiina.
    ina godane iyo kuwo la mid ah waxay u shaqeeyaan soomaaliland ujeedadoodana waa inay dagaalka sii wadaan intay ka helaayaan gooni isku taag.
    Ethopia iyo wadamo kale ayaa bixiya lacagta al shabaab iyo ahli suna mid walba si dadban ayey u siisaa lacagaha waxaana loo soo mariyaa soomaaliland ama niman ganacsadayaal ah oo dadka dhiigooda quuta oo wadaad iska dhigaya adinka dhibka ku jira waxaa idin soo gaara wax afmaris ah waxaa taas idin dheeer ilmihiina cuqubada aad ku korinaysaan.
    lacagaha waxaa lagu shubaa wadamada carabta waxaana soo qaata dad soomaali ah oo wakiil u ah dadka soomaaliya ka dagaalamaayo .
    adinka waxaad garan wayseen inaad caqli isku yeeshaan oo tiraah diin maxaaan isku dilaynaa maan is raacno , markaas wixii meesha ku jiro waa soo bixilahaayeen,
    lacagta lagu siiyo oo mushaar lagaaga dhigaayo waa dad masaakiin ah dhibkooda .
    dadka waa wada muslim .

    horta nin amxaar ah wadankaaka ma imaanayo hadii adiga aad is haysataan.
    Ethopianka adigaa ka rayn kara haddii aad israacdaan.

    adigu bal dheh al shabaab ma nihin waxaa nala dhahaa reer gedo .
    shabaab micnihiisu waa dhalinyaro .
    dhaliyaro waad tahay laakiin waxaa tahay dhalintii gedo marka isla tashada diida in laydin kala qaado.
    magacaas ayaa axmaaradu soo raadsanaysaa iska reeb magacaas la soo siyaasadeeyey.

    wuxuu diidaaya soomaaliya ayaa is raacday , laakiin maxaaa adiga kuu diiday inaad dadkaaga isku keento oo walaalayso dadka gedo u dhashay .
    adinka haddii aad is raacdaan waxaad dhisan kartaan dhulkiina.

  13. hanad says:

    waa in lala dagaalaa tuugadaan indhaha soo xiratay oo furinta kadhigaya deegaanka mareexaan … mareexaan waa inuu iska xoreeya cadawga usoo dhigtay oo duminaya guryahooda, gowracaya dhalintooda, dhiigooda banaystay, oo cunaqabataynta kuhaya dadkeena, dadka laqafaalayo oo xooga dagaalka lagu galinayo dhabarka haka toogtaan tuugada marka furinta la iskugu tago … inaaan garab lasiin nimanka ushaqaynaya yuhuuda oo ujeedada guracan wata … walaahi waa jabayaan mardhow waxaadna arki doontaa ayaka oo meel walba laga raadinayo … diintii islaamka ulajeedadoodu maahan in lajeclaado … ee waxay mashruuc kusoo qaateen in diinta islaamka dadka u qaraareeyaan utusaana inay tahay wax xun … diintu waa nasteexo maahan mid lagu argagixiyo ilmaha iyo caruunta iyo haweenka, gowraca aad dadka gawracaysaa walaahi ayaan ku dhaartee inaan la iskaga harayn … dadka gowracaya dhalinyaradeenana inaanaan hilmaami doonin, waa qoran yihiin waxaana masuuliyadooda qaadi doona dadka madax kusheegta ah …

    nacalad haku dhacdo tuugada afka duudan ee shabaab labaxay allana hajiyo .. wajigooda alle haduleeyo

    naclatullahi calal shabaaaab

  14. ciilmaqabe says:

    Mareexaan dabadhilifnimada uu Amxaar gedo kusoo hogaaminayo ha iska daayo, maalin Duulow intuu aado ayuu Amxaar cajeero kasoo cunayaa maalinta xigtana intuu cimaamad soo xirto ayuu Beled xawo imaanayaa si uu Alshabab lacag argagaxisaa uga cuno, waar dhowr wajiyoodka inta aad iska deysaan maa hal meel uun kasoo wada jeesataan?

  15. xalimo says:

    waxa lalaaaaaaaaah dhibaato badanaa manta ayaa dad key kii ladhameyay mareexanow gacanta is qabsada oo is ku dobta is ka dheciya cadowga al shabaab iyo axmaro waa dad kiina dhaminayo

  16. xasan says:

    nimanka daaroodka ahi ama mareexaan ama cid kale ha ahaadan waa niman qabyaalad ku faane, waxaanay kawada siman yihiin inay somaliland xagxagtaan sida kan la baxay mahamed , horaan u nocay websiteska sscdu leedahay kadib markii ay joojin waayeen cayda iyo aflagaadada ay somalida kale u hayaan , haddana haddii aad idinku bilowdeen<ceebtina maa hee waa caadadiina= 900km ayaad hargeisa u jirtaan hadana somaliland ayaa i qixinaysa ayaad leedahay , war ilaahay ka baqda oo bahashan khal qiga laysay iska daaya, haddii kalena wada waa waxaad ka heshaan ayaad leedihiin