Home » Archive Montly March, 2011

Guddoomiyaha Ururka Jubbaland Indigenous Group oo si weyn uga soo horjeestay Maamulka dhawaan looga dhawaqay Wadanka Kenya

Mar 31, 2011
Ururuka Jubbaland Indigenous Group oo ah Urur oo ay ku mideysan yihiin Aqonyahano iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo kana shaqeeya Hormarinta iyo Maamul Wanaaga Goboladas ayaa shir ay maanta ku yeesheen Magaalada The Hague ee wadanka Neteherland waxay si weyn uga horyimaaden maamul dhawaan looga dhawaaqay Wadanka Kenya. Gudomomiyaha Ururka Jubbaland Indigenous... 

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh

Mar 31, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) - Waxaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Moxamed Farmaajo xafiiskiisa ku soo booqday Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh.  Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska booqashadiisa iyo imaatinkiisa caasimadda dalka ee Muqdisho.  Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu uga mahadceliyey... 

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada DKM ah ee maanta oo la xariira shirka la sheegay inuu dhawaan ka dhacayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Mar 31, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya.  Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga... 

Qarax Beled Xaawo ka dhacay iyo Howlgal laga sameeyay.

Mar 31, 2011
Qarax xoogan ayaa maanta ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan dowladda KMG ah oo bil ka hor dagaal kula wareegay. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa dhacay meel ku dhaw xarunta degmada waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo dowlada katirsan. Allgedo Online oo isku dayda in ay ogaato khasaaraha ka dhashay qaraxa... 

Ciidamo kasoo jeeda degmada Caabud Waaq oo Dhuusamareeb kasoo baxay.

Mar 31, 2011
Ciidama taabacsan maamulka Ahlusuna ee degmooyinka Caabud-Waaq iyo Balanballe ayaa kasoo baxay aagag ay uga jireen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Kadib markii saraakiisha Ahlusuna ee Caabdu-Waaq ay shalay ku dhawaaqeen in ay sameysteen maamul u gaar ah ayay ciidankii Ahlusuna ee markii hore mideysnaa kala miirmeen. Gaadiid dagaal oo aad u farabadan ayaa kasoo gudbay deegaanka Xanaanbur oo u... 

Faah Faahino dheeraad ah oo laga helay dagaal ka dhacay Luuq.

Mar 31, 2011
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya iskahor imaadyo xooganaa oo xalay ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay maamulayeen ciidan taabacsan dowlada KMG ah. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Al Shabaab weeraro gaadmo ahaa ku qaadeen degmada Luuq waxaana dhacay dagaal culus oo dhaxmaray labada dhinac. Dhawaqa madaafiicda iyo rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen... 

Shirkii 3-aad ee Wadatashiga Nabada Haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid Qaarado iyo wadamo kala duwan oo kusoo dhamaadey Garowe

Mar 31, 2011
Waxaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland kusoo gaba-gaboobey dabagalkii Shirkii 3aad ee Wadatashiga Haweenka Soomaalida ee ka kala yimid Qaarado iyo Wadamo kala duwan, iyadoo munaasabadii lagu soo xirayay shirkaana ay ka socotay mudada 3 maalmood ah Magaalada Garowe.   Munaasabada xirtaanka Shirkaan ayaa waxaa  soo xirey Madaxweyaha Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole xubno... 

Qoraal digniin ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Dib u heshiisiinta iyo Nabad-gelyada Maxamud Siciid Qiilmawaaye oo liddi ku ah maamulka maqaar saarka ah ee loogu magac daray Azania State of Somalia

Mar 30, 2011
KU:  Dhamaan Isimada Gobolada Jubbaland OG:  Wax garadka iyo siyaasiyiinta Jubbaland  OG:  Jaliyadda Qurbajoogta Jubbaland  Ujeedo: Digniin   Anigo ku hadlaya Magaca Gobolada Jubaland, kana Xuun maamulka maqarsarka ah oo laga sameyey dalka Kenya in uusan ku imaan rabitaanka iyo aayaha dadka deeganka laguna xad gudbey dadaalkii nabadeed oo aan dhawaanahan ka dhexwadnay dadka walalaha ah sidii... 

Golayaasha Ahlusuna oo maanta magaalada Caabudwaaq ku doortay Gudoomiyaha Guud ee Ahlusuna

Mar 30, 2011
Munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigay masuuliyiinta loo doortay hogaaminta maamulka Ahlusuna ayaa maanta ka dhacday Hoteel Shrdoon ee degmada Cabudwaaq waxaana goob joog u’ahaa xubno kamid ahaa 3-dii gole ee maamulkii Ahlusuna ee lagu doortay Degmada Caabudwaaq dabayaaqadii2008-dii Xubnaha ka soo qayb galay munaasabadii maanta ka dhacday Hoteel Shirdoon oo isugu jiry Culimaa’udiin ka... 

Baaq ay si wada jir ah usoo saareen beelaha daga Jubbooyinka oo lagu Cambaareeyay shirka Nayvasha ee dalka Kenya

Mar 30, 2011
Bayaan ay maanta si wada jir ahy uga soo saareen Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya Salaadiinta, Aqoonyahanada, Siyaasiinta, dhalinyarada & haweenka Somaaliyeed ayaa waxaa ay si cad uga soo horjeesteen Maamul dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Nayvasha ee Dalka Kenya.  Bayaanka ay manta Soo saareen waxgaradkaasi ayaa u qornaa Sidan: Ku: Dhamaan ciday quseyso Ujeedo: Cambaarayn shir ku sheegga...