Home » Archive Daily March 10th, 2011
AUN waxaa caawa magaalada Rotterdam ee wadanka Holland ku geeriyooday Marxuum Dr. Maxamed Jaamac Adan
Waxaa Caawa oo ay Tarikhdu tahay March 10, 2011 Magalada Rotterdam ee wadanka Holland ku geriyoda Dr. Maxamed Jaamac Adan. Marxuumka ayaa malmahanba ku jiraay Cisbitaalka Magalada Rotterdam, waxaa uuna ka jirana Beerka ugu danbeyna u geriyooday.
Waxaa halkan Tacsi uga diraya Guud ahaan Jaliyada Somaliyeed ee Magalada Delft ee Wadanka Holland, waxayna Ilaahay uga baryayaan in uu Janadii...
Kulan balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Dowlad goboleedka Bartamaha Soomaaliya iyo waxgarad kale ayaa waxuu maanta ka dhacay Hotel Kaah oo ku yaal magaalada Gaalkacyo (Masawiro)
Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Kulan ballaaran oo ay maanta isugu yimaadeen wafdi ka socda dowlada Bartamaha Somaliya iyo Odayaal, aqoonyahan, dhalinyaro iyo hooyooyin ayaa maanta ka dhacay Hotel Kaah ee magaalada Gaalkacyo.
Kulankaas ayaa gundhigiisu wuxuu ahaa aaya ka talinta beesha Sade-Daarood iyo sidii loogu soo bandhigi lahaa shacabkaas ujeedoyinka ay xabmaarsan tahay dowlada Bartamaha-Somalia....
Dhaq dhaqaaq colaadeed oo Weli kajira Gobolka Gedo iyo Abaaraha oo dhibaata u geysanaya shacabka (Warbixin).
Xaaladda Gobolka Gedo ayaa weli kacsan kadib markii ay dhawaan dagaallo qaraar ka dhaceen kuwaasi oo saameyn ku yeeshay shacabka abaaruhu daashadeen ee ku dhaqan gobolkaasi.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay kajiraan degmooyinka Luuq iyo Beled-Xaawo ee Gedo kadib markii ay dib usoo rogaal celiyeen xoogagii dhawaan isaga baxay magaalooyinkaasi.
Dad ku sugan baadiga Gedo ayaa...
Dagaallo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.
Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal duleedka Magaalada Dhuusa-Mareeb ku dhexmaray Ciidamada Xarakada mujaahidiinta Alshabaab iyo ciidamo katirsan Ahlu sunnah oo dhawaan tababar kusoo qaatay gudaha dalka itoobiya.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa deegaanka God-Dhuruwaa oo 20 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidamda Alshabaab iyo kuwa Ahlu sunnah o ay wehliyaan...
Duqeymo Khasaara dhaliyay oo Muqdisho ka dhacay.
Ciidamada AMISOM ayaa maanta markale duqeyn culus ugeystay xaafado kuyaala magaalada Muqdisho xilli aysan wax dagaal ah kasocon magaalada.
inta la ogyahay 5 Ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 10 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kadib Dhowr madfac oo barqadii maanta Ciidamda AMISOM kusoo rideen Xaafadaha Suuq bacaad ,Kaaraan ,Boondheere iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha .
Madaafiicda ayaa timid...
Ururka Samafalka SORDES oo gurmad Howlo Biyo dhaamin ah ka bilaabay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo (Sawiro)
Baardheere, Somalia (AOL) – Howlo gurmad dhinaca biyo dhaaminta ah oo lagu gargaarayo kumanaan ruux oo u badan Xoolo dhaqato reer guuraa ah ayaa Ururka Samafalka Wadaniga ah ee SORDES, xafiiskooda Magaalada Baardheere ayaa waxaa ay ka bilaabeen deegaano badan oo ka tirsan gobalka Gedo oo bilihii ugu dambeeyey ay ka taagnaayeen biyo la’aan aad u daran iyo abaaro saameyn ku yeeshay nolosha...
Shariif “waxaan u mahad celineynaa ciidanka walaaleheena Afrika ee dhiigooda u daadinaya sidii aan dowlad u noqon laheyn”.
Madaxweynaha DKMG ah ayaa amaan ballaaran ujeediyay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Shariif oo wareysi siiyay Idaacada ku hadasha Afka DKMG ah ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada ka socda Burundi iyo Uganda ay dan weyn ugu jirto DKMG ah iyo shacabka sida uu hadalk u dhigay.
Shariif ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay horumar ka sameeyeen dagaalada islamarkaana ay difaacyo cusub ka...
