Home » Archive Daily March 14th, 2011
Dagaallo iyo duqeymo ka socda degmada Beled-Xaawo.
Dagaal xoogan ayaa caawa fiidkii ka qarxay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo dhawaan u gacan gashay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dagaal kula wareegay.
Dhawaqa rasaasta iyo madaafiic ayaa caawa mar qura isqabsatay magaalada Beled-Xaawo ee dhacda xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kadib markii ay ciidanka Shabaab weeraro lixaad...
Dagaal aan Wax Natiija ah lakala gaarin oo duleedka Cee-Waaq ka dhacay (Warbixin).
Wara kala gedisan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta gobolka Gedo ku dhaxmaray ciidamada Al Shabaab iyo kuwa taabacsan DKMG ah oo dhawaan soo gaaray Ceel-Waaq.
Dagaalka oo saameyntiisa saaka laga dareemayay duleedka Ceel-waaq ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Dowladda ee Kenya tababarada kusoo qaatay ay u dhaqaaqeen dhanka tuulada Buur saar oo ay ciidamada shabaab ku sugnaayeen.
Abaara saacada...
Wasiirka G/dhigga “Shabaab dagaal loogama adkaan karo waa in aan diyaarad dagaal helnaa”.
Dowladda KMG ah ayaa shaacisay in aysan dagaal uga adklaan karin xarakada Al Shabaa oo ah koox islaami ah oo maamusho inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
Wasiirka G/dhigga dowlada KMG Cabdi Xakiin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada DKMG ah aysan u babac dhigi karin kuwa Al Shabaab sidaasi darteedna loo baahanyahay in dowladiisa lasiiyo diyaarado nuuca dagaalka ah.
“Xagjirayaasha Shabaab dagaalada...
Dagaal laga casbi qabo in uu ka dhaco Tuulo ku dhaw Ceel-Waaq.
Xiisada dagaal ayaa ka jiray degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo oo dhawaan ay gaareen ciidamo katirsan Dowlada KMG ah oo tababaro kusoo qaatay deegaanka Siyoolow ee Kenya.
Boqolaal katirsan ciidamadii Ceel-Waaq lawareegay ayaa u dhaqaaqay dhanka tuulada Buulasaar halkaasina waxaa ku sugan ciidamo farabadan oo katirsan maamulka Islaamiga Gedo.
Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa durbaba ka bilaawday Ceel-Waaq iyo...
Kulamo Xasaasi ah oo saraakiil Itoobiyaan ah iyo Ahlusuna uga socda Balanballe.
Kulamo xasaasi ah ayaa degmada Balanballe uga furmay saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo saraakiil katirsan Ururka Ahlusuna ee maamulo degmooyin G/gaduud katirsan.
Sida wararku sheegayaan kulanka waxaa dalbaday ciidamada Itoobiya ee dhawaan ka baxay magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay geeyeen maleeshiyaad gudaha Itoobiya tababaro kusoo qaatay.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in Itoobiyaanku...
Dagaalo ka dhacay duleedka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan.
Warfar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo shalay duleedka deegaanka Ceelgaal ku dhaxmaray ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa maamulka isku magacaabay Dooxada Shabelle.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa shalay ilaa iyo xalay fiidkii ka socday halka loo yaqaan ilkacadde oo aan sidaasi uga fogeyn isgoyska Kalabeyrka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac...
Warbixin iyo muuqaalka Magaalada Hargeysa (Masawiro)
Hargeysa, Somalia (AOL) – Magaalada Hargeysa waa xarunta maamulka Somaliland, waana magaalo xadaarad leh isla markaana lagu amaani karo hormar iyo dadaal wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxdey Dawladii dhexe ee Somalia oo uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Hargeysa ayaa lagu tilmaami karaa iney dhinacyo badan ka gaartey hormar la taaban karo walow...
