Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa saaka laga soo sheegayaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo oo ay dhawaan gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo Kenya lagu soo qalabeeyay.
Wararka naga soo gaaraya Ceel-Waaq ayaa sheegaya in xalay fiidkii hawada laga saaray Isgaarsiintii magaalada kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in weerar lagu soo yahay magaalada.
Ciidanka dowlada KMG ah ee Ceel-Waaq ku sugan ayaa difaacyo ka qotay gudaha iyo hareeraha degmada.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Xarakada Shabaab ay weerar kusoo tahay degmada, balse lama saadaalin karo sida uu xaalka Ceel-Waaq noqon doono.
Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Abuu Muscab ayaa xalay sheegay in ciidankooda ay israacsiin doonaan jabka ciidamadii Kenya Tababarka kusoo qaatay sida uu hadalka u dhihay.
“Mujaahidiintu waxay wiiqeen ciidankii cadawga ee Kenya soo abaabushay, haddii Rabbi idmo dhawaan ayaan jabkooda is raacsiin doonaa” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.
Colaadaha ka jira Gedo iyo Jubbooyinka ayaa sii xoogeysanaya waxeyna dadku is weydiinayaan xilliga uu dhamaan doono loolanka u dhexeeya labada dhinac ee ishaya.
——–
Allgedo News Desk, Ceelwaaq/Somalia.

waxaa uu dhamaanyaa marka baadilku dhamaado insha allaah waanu dhaw yahay colaada jubooyinkuna waxay la mid tahay mida somaaliya oo dhan ka socota ee waxba haysku wareerin ilaahay waxaad ka baridaa inuu gaalada naga qabto oo walib jabiyo
waxuu dhamaan doonaa markuu Alle idmo inshaa Allaah waxaana Alle kabaryeynaa in uu dhawaan naga dhameyo oo waxii xaqdaran naga qabto thnxs
Waaryaarahee, shabaab iyo dowludu iyo ASWJ midna shacabka dan uma hayee yaa naga qabta, walaahi bilaahi dhib xunbey nagu hayaan
ASC. wabacdu, waxaan rabaa inaan ku baraarujiyo qolyahan gacanta ku haya Ceewaaq, ama Luuq amaba Buula xaawop, Magaalooyinka dhexdeda dhufaysyada aad ka qodanaysaan joojiya, dhifaysyada si qaanso oo kale ayaa waxaa looga qotaa meel laba KM. ka baxsan magaalada, wajiga cadowgu idiinkaga soo wajahan yahay. magaalada bidixdeeda iyo midigteedana min 1KM, meel magaalada ka baxsan baa difaac la dhigtaa. hadaynaan istiraatijiyad dagaal aydin meesha ku hayn, intaan dad iyo dalba la xasuuqin, ordoo ku laabta meshaad ka timaadeen.
kuwa wadaada ku qaraabanayo yeysann dagaal ku qaadin dadka shacabka ah.
haddii aysann kadayn shacabka dhibka illaahay uu jabinayaa waxaana gaaraya dhibaato aysan ka soo waaqsan.
war dadka meesha degan waa islaaam oo subixii waxay u kacaan salaad oo waa ashahaataan ee ka daaya xabadda iyo dhibaatada.
waxaad dadka u laynaysaan waa hunguri iyo lacag xun oo la idin siinayo ee fiirsha ilmaha aad abahood ama hooyadood oo cuno ukeenayey aad ka disheen markaas ilmihiina aad ka biilaysaan dhiigooda .
waxaad ilmihiina ku biilaysaan waa xaqdaro ilmihiinana waxaa ku dhacaya cuduro aan la aqoon iyo dhibaato aysan ka bixin.
ilmo masaakiin ah ayaad abahood gacmaha iyo lugaha ka goynaysaan yaa cunto u raadinaya ilmihii masaakiintaa ahaa.
Ogow ilmahaaga aad ku biilaysid ilmo masaakiin ah dhiigooda waxaan si dadban u sinaysaa xaqdaro iyo dhibaato ilmahaaga.
ama qurbo joog oo ilmahaaga ku biill fidno aad wadankii dhexdiisaa aad ka samaysay iyo ilmo masaakiin aad qaxisay ama aad gacmaha iyo luga aad ka goysay amarkaaga ama hadalkaaga adoo banaanka joogo .
waxaa ku jeedo illaahay oo kaa gaynaayo waxaana arkaysaa dhibaatadii aad waday oo adiga kugu soo laabanayso ama ilmahaaga ama gurigaaga ama adiga laftigaaga.
waxaan idin oran lahaa haku duulin oo meelaha dowladu haysato dadku waa islaam.
waryaaya hee sadex maan laawe war soomaalina dan u mahaaysaan waxna ka ogidin ee daaya haladaka waxaanse iinsheegayaah hadii aad caqli leedihiin miidnaa taageerteen dadqalatada khawaarijta ah waxa aad gaalada kusheegeysana culuma sharafta leh ehlusuna waljameeca gaar ahaan waxaan ujawaaba yaa ninka labaxay garab libaax kaasi waaba garaad laawe waana ogahay oo waa reer gado hadiise uu caqli leeyah maalin walba gado nin aan u dhalan oo kasoo jeeda bey baa mindi kudila wiilashood marka is xibaabi inta aadan waxkale galin
ninkaagan garab libaax ku soo galay meesha waxaan u maleynayaa in aad tahay garab sagaaro waxaan kagaranayaa sida aad u hadashay hadii aad xeelada dagaalka taqaan kac oo u daji taasi maahan tii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed lagu yaqiinay ee ma tii tigreegaa waxaad taqaan usheeg qolyaha qabriyada dulfadhiya iyo qolyaha ay tigreeda ku haysato doolow
warmidkan wata magaca mardhow khawarijtu ugu walqashay maxaa kutagey culimadii somaliya diinta soo gaar siisey waxan kuushegeyaa xooga dalka waligood haday dagaal wadan ilaa kumadooska alsuna waljameeca soo racan haltuulo kama saari karan waxaa soo haray tigreegaan aad sheegeysid khawrij markay maqlaan maxay u cararan muslimkaba waadilane halkaas waxaa kacad jihaadka beentaa oo dad waxma garatada adoo kalaa lagu marin habaabiyey ee hadii hunuun kuu qoranyahayna alaha kusoo hanuusho hadiikalana gacan ahlusuna ayaad kubixin
Asc, dabadeed, saaxiibayaal, waa la doogiye yaan la dacaroon; WAX ISMAYEELEENE RAG YAA U KALA WARAMA??? Aniga mowqifkayga oo cad sida illaahay qoraxda iyo dayaxa u cadeeyey waana kan:
1- Alshabaab, wax dan ah ooy u tahay Gedo amaba guud ahaan Soomaliya ma ay jirto, fikir horumarineed ma ayleh, issmana hoggaamiyaan ee shisheeye ayaa hoggaamiya, kuwaasoo nidaam iyo dowladnimo soomaali ka dhalata aan dan iyo heelo ka lahayn, sidaa daraadeed, maamul reer gedo si xalaal ah u doorteen waa kala eryeen, sidaa darteed Shabaab Maslaxada reer gedo dan nooguma jirto.
2- Qolyaha Doolow, Runtii rajaan ka qabnat inay Gedo xoreeyaan, haseyeshee, runtaa lootagay, talo farahooda kuma jirto.
Waxaa la ogaaday oon shaki ku jirin in Xabashidu ay xuduudeeda beenaadka ah ku ilaashato, kana masruufto dowlada xamar iyo kaalmo shacabka Gedo loo qoondeeyey oo iyaga loo afduubo, Sannad walba laba goor ayaa waxaa la weeraraa Gedo iyadoo loogu sheekaynayo in Jubbooyinka oo dhan lala qabanayo, waxaa la xasuuqaa dadka reer Gedo ugu fogaan marka ay gaaraan Baardheere, Doolow baa dib loogu soo celiyaa.
Marka waxaa Doolow loo joogaa waa keliya in Xabashi daafi qurunleey loo illaaliyo xuduud beenaadka, dadkeena iyo dagaladeena la gumaado sannadkiiba laba mar, arrikaa waa lasoo oogaaday waa biyokama dhibcaan. Hada iyo dan, waxaan doonaynaa in RW. Formaayo aan ka dhaadhicino in uu Sanaawi uu ku yiraahdo, lugooyada Gedo ka daa oo Istiraatijiyad dhab ah aan ann isugu nimaano, taasoo labada dowladoodba dan u ah shacab Gedona aan gumaadka uga ilaalino; Rajaan ka qabaa in wada tashigaa wax un ka soo baxaan ishalaah.
qaxaan u sheegayaa wadankiina iyo dadkiina waxaa loogu talagay in la laayo adinkana caqli aad ku xalisaan maqabtaan .
waxaad la hadli waydeen kuwiina qurbaha wiilashiina wu jira al shabaab iyo ahlisuna iyo dawlada ,
dadkiina iyo wiilashiina waxay ku socdan siyaasad dad kale ay idiin jeexayaaan ,
waxaad noqoteen mid laaluush la siiyo suu dadkiisa u laayo oo loogu sheekeeyo waxaad tahayy wadaad oo waxaa na soo diray shiikh sacuudiga jooga ayadoo sir loola jeedo iyo mid cadaw kale wato oo dadkiisa lagu xasuuqayo.
ma fiiriseen waxa marna loo qabanaayo GRDO marna looga baxaayo.
anigu waxaan qabaa kuwa ahlusuna isku sheegaayo iyo kuwa al shabaab waxay ugu tala galrrn gedo in la dhibaateeyo.
waxaasu waxay ku imaanaysaa markii la qabto gedo waxaa banaynaya kuwa aan u dhalan gedo oo markaas ugu tala galay inay
dadka qixiyaan markaas kuwii u dhashay ayakana waa ka baxayaan sababtoo ah xoogii ayaa kala dhantaalmay oo kuma tashan inay kaligood qabtaan taasina waa dhagar loogu talagalay,
mida kale dhibaatada waxaa dhigay kuwa al shabaab oo u dhashay gedo oo ayaku ah wax raabiya qabo oo og in wadankoodii iyo caruurtoodii saas loo galaayo oo loo soo adeegsanaayo lacagna looga keenay meelo kale ayakoo la siray.
maxaa lagu sameeyaa haddii aysan fahmayn siyaasada loo degaayo kuwa danta wada oo raba inay dadka isku keenaan waxaa ka hor imaanaya mid wax kale kuqufulan ama lacag la siiyey oo reer baadiyr ah .
waxaan ku talin lahaa waa in la kenaa xal dagdega oo sadka gedo wax loogu qavanaayo.
kuwa la siraayo waxaad wax garan doontaan mar lacagtana lagaa gooyey waji kalana lala yimid oo aadan wax ka qaban karin.
marka dadka dhibaatada ka daaya oo walaalihiin doolow yeysan u baahan dad aan u dhan oo raba inay dadka dhibaateeyaan inay soo wataan.