Home » Archive Daily March 29th, 2011

Hambalyo Garaad Abdirisaaq Siciid Askar iyo Basra Maxamed Aadan Axmed oo dhawaan ku aqal galay Buuhoodle, Soomaaliya.

Mar 29, 2011
TAHNIYAD AROOS:  Waxa halkan hambalyo u wada diraya labadan aroos: Garaad Abdirisaq Siciid Askar iyo Basra Maxamed Aadan iyo Yasir Axmed Askar iyo Faadumo Maxamed Abraar, dhamaan Reer Askar Galaydh oo ku kala nool dalka dibadiisa iyo gudahiisa. Reer Askar Galaydh, waxa ay isugu jiraan aqoonyahano, xeeldheerayaal, siyaasiyiin, isimo iyo dad ku caan ah Alle ka cabsi badan. Garaad Abdirisaaq Siciid... 

Cabdi Yare ” Kuwiina isku haya Gedo Mowqifkiina mideeya oo bad baadiya dhulkeena shisheeyuhu kala qeybsaday”

Mar 29, 2011
Aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa walaac balaaran ka muujiyay kala qeybinta ay dowladaha deriska ah la damacsan yihiin gobolada dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in laga hortago kala qeybsiga Dhulka Soomaaliya lana dhiso awood ciidan iyo mid Siyaasadeed oo dowladaha deriska ah la gor-gortanta. Kadib markii Allgedo Online ay dhawaan baahisay warbixin... 

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo samaystay Isbahaysi Siyaasadeed ka dhan ah Shariif Xasan

Mar 29, 2011
Khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda KMG ah ayaa sii xoogeystay waxaana khilaafka kusoo biiray qaar ka tirsan wadamada beesha caalamka ee dowladda soo dhisay. Madaxweyne Shariif iyo R/wasaare Farmaajo ayaa noqday Isbahaysi adag oo ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhinac ka ah khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda KMG ah. Farmaajo ayaa la sheegay in uu la dhacay qaabka uu wax u wado Shariif... 

Dilalka oo joogta ka noqday magaalada Gaalkacyo

Mar 29, 2011
Amaanka magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Puntland ayaa faraha kasii baxaya kadib dilal qorshaysan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada. Kooxaha ku hubeysan bastooladaha ee toogta saraakiisha Booliska ayaa kusoo batay waqooyiga Gaalkacyo taasi oo magaalada ka dhigtay meel dadka lagu dilo. Falkii ugu dambeeyay ayaa xalay lagu dilay Nabadoon Nuur Xirsi oo Nuur waal ku magac dheeraa. ... 

Tacsi: Cabdullaahi Macallin Cali (Cabdullaahi Faax) oo ku geeriyooday Nairobi

Mar 29, 2011
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun, annagoo kale ah dadkan hoos ku qoran magacyadooda:   Hooyo Shankaroon Sheekh Cali Nasro Aadan Warsame iyo dhammaan qoyska reer Aadan Warsame meel kasta oo ay kala joogaan dal iyo dibad waxaanu tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelkii, asxaabtii iyo dadkii uu ka tagay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Macallin Cali (Cabdullaahi Faax) oo ku geeriyooday caasimadda... 

Tahniyad aroos ku socota lamaanaha kala ah Cabdiqaadir Axmed Haabiil (jikaara) & gacalisadiisa Aaamina Siraaji Yuusuf

Mar 29, 2011
Marka hore waxaan salaam qiima badan usoo gudbineynaa maamulka Shabakadda Allgedo Online iyo shaqaalaheeda, marka labaadna waxaan jecelnahay in aan halkaan Tahniyad AROOS ugu soo gudbino Lamaanaha aan kala dhicin ee Cabdiqaadir Axmed Haabiil (Jikaara) & gacalisadiisa Aamina Siraaji Yuusuf oo 20 March 2011 ku aqal galay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.  Anaga oo ah dadka uu magacooda hoos... 

Shir aan caadi aheyn oo ay maanta golaha wasiirada DKM ah isugu yimaadeen ayay kaga doodeen qaabka Federalism-ka iyo hab-dhismeedka dowlad goboleedyada

Mar 29, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada uuna shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Mudane:  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday qaabka federalism-ka iyo habdhismeedka dawlad goboleedyada. Sida uu qabo axdiga KMG dawladda Soomaaliya waxay dhiira galinaysaa hirgelinta nidaamka Federaalka, waxayse ka digaysaa in dalka Jamhuuriyada... 

War-saxaafadeed shirka golaha wasiirda DKMG ah kasoo baxay maanta

Mar 29, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) - Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) shirkaasi waxaa loo qeybiyay Ajanede ku saabsanaa magacaabida taliyeyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuxigeenka taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha... 

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo oo si weyn uga soo horjeestay kulan shaley ka dhacey Dhuusa-Mareeb

Mar 29, 2011
Kadib markii shaley Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobalka Galgaduud kulan ay ku yeesheen Xubno sare oo ka tirsan Ahlu Sunna isla markaana hogaan mideysan loogu sameeyey Ahlu Sunna ayaa waxaa arintaasi kasoo horjeestey maamulka Ahlu sunna ee Gobalka Gedo. Gudoomiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee Gobalka Gedo Sh. Maxamed Maxamuud (Aw Libaax) oo Saxaafada la hadlay maanta ayaa waxaa uu sheegey in kulankii shaley...