Home » News »

Baaq ay si wada jir ah usoo saareen beelaha daga Jubbooyinka oo lagu Cambaareeyay shirka Nayvasha ee dalka Kenya

Bayaan ay maanta si wada jir ahy uga soo saareen Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya Salaadiinta, Aqoonyahanada, Siyaasiinta, dhalinyarada & haweenka Somaaliyeed ayaa waxaa ay si cad uga soo horjeesteen Maamul dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Nayvasha ee Dalka Kenya. 

Bayaanka ay manta Soo saareen waxgaradkaasi ayaa u qornaa Sidan:

Ku: Dhamaan ciday quseyso

Ujeedo: Cambaarayn shir ku sheegga ka socda Nayvasha – Kenya 

Anagooah salaadiinta, Aqoonyahanada, Siyaasiinta, dhalinyarada & haweenka somaaliyeed waxaan si buuxda u cambaaraynaynaa shir khaa’imeedka ka socda nayvasha oo loogu talagalay in lagu kala qayb qaybiyo ciida Soomaliyeed iyo khayraadka Soomaaliyeed. 

Shirkaasi wuxuu ka bilawday magaalada Nayvasha taariikhdu markay ahayd 28th mach 2011 halkaas oo ay isukugu tageen dad khaa’imiin ah oo u shaqaynayaayo quwado shisheeya ah kuwaasoo doonayo in la kala qayb qaybiyo Gobolada Soomaaliya taasoo ah in ay gobolo ka mid ah gobolada Somaaliya laraaciyo dalal kale si khayraadka ku jiro Badda iyo Birigaba ay uga faa’iidaystaan ummada kale. 

Sidaas darteed waxaan u sheegaynaa u madda Somaaliyeed ee wadaniyiint ah in shirka kasocda Nayvasha in uu lid ku yhay midnimada Sharafta iyo Karaamada umadda Soomaaliyeed, hadaba waxaan Dawlada Kenya ka codyanaynaa fiiro gaar ah u yeelato shirka ka socda Nayvasha kaasoo lagu dhibaataynayo Xiriirka iyo walaalnimada labada Dal. 

Dawlada Kenya waxaan ugu mahadnaqaynaa sida walaalnimada leh daris wanaaga leh oo bani’aadanimada leh oo ay umadda Somaaliyeed uu bur-burku iyo dawlada la’aanta ku dhacday oo wadankooda ugu soo dhaweeyeen una gacan qabteen.

Kuwa shirka Nayvasha ka wada ee umadda soomaaliyeed lagu dhibaataynayo laguna kla qaybinayo dalka Soomaaliyeed waxaa ay wadaan wax umadda Soomaaliyeed u cuntama ma ahan, Sharciga ayaana la hor keeni doonaa khaa’imiintaas waxaana hogaaminaya Gaandi.

Bayaankaan waxaa AOL soo gaarsiiyay wax garad Soomaaliyeed oo aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi karin oo cabashadooda iyo cambaareynta ku wajahan shirkaas kasoo diray gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, odayaal, aqoonyahano, Culimaa’idiin, iyo hooyooyin. 

Dhanka kale, waxgaradka bayaankaan soo saaray ayaa waxay sheegeen in maalinta barito ah la qaban doono kulan ay u wada dhan yihiin Beelaha ku abtirsada Deegaanada Jubbooyinka isla markaana ay ku cadaynayaan in ay kasoo horjeedaan maamulkan cusub ee lagu dhawaaqay. 

—————-
Max’ed Cibaar Diiriye, Nayvasha/Kenya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

38 Jawaabood " Baaq ay si wada jir ah usoo saareen beelaha daga Jubbooyinka oo lagu Cambaareeyay shirka Nayvasha ee dalka Kenya "

  1. omar says:

    asc markaaaan beesha absame waaa tahsaty cid la daagali laheed iyo kuwi qeylin lahaaba wax walbane wa noo dhan yihin ciidan iyo taagero calaamkaba marka somali dhinac haka aracdo dulmigi bare maad rabtaaan asc

  2. asc
    waxaan uarka hadalkaaga nin cuqdadaysan oo ubartay inuu hanti iyo dhul uusan lahayn ku nolado dd aadan gaadhikarin dhinackastaba inaad afkaaga uraya la laacdana aad ayan oga xumahay takale odayasha iyo waxgaradka hakubeen abuuranin mooryan yahw bilaash xaytaha aha waxgaradka iyo cuqaasha iyo culima awdiinka gasoojeeda sadexda gobal ee gado iyo jubooyinka iyaga ayaa masiirkooda katashanaya ninkaydonana udhiibanaya takale kenya ayad lahadashay kenya way lasocota iyada ayayna dani ugujirta inay fawdada iyo mamulxumadu kadhamato oo uusan dhibdambe ooga imanin xadka marka dadka ladhaaf daacaqudhunka iyo laabjeexa wasakhyahw nijaaska ahi

  3. african says:

    marxaan mooriyaan ah maant wad kii waa galy dad kiin dhan ka raac ok wakhtiig waa dhamaday dhulka cid lah ayaa u ta sh intaas ogoow

  4. aniga waxan dhihi lahaa waa arin loo bahnaa in lagu dhawaqo mamulkan waxana dhihi lahaa dadka waxan oo kale ku hadlaya waa dad an rabin hormarka juboyinka waxan idin leyahay wadanka dadki lahaa ayaa utashtay ee mesha ad ledihin aado bye

  5. waxaa fiican inaan shay walba laga hor tagin oo la eego waxtarka ama dhibka uu la yimaado taasna lagula xisaabtamo.Qabiilka in waxwalbo laga dhex arko waa laga fiican yahay.Gaandhi waa aqoon yahan soomaaliyeed waxaanan filayaa inuusan cidna qabiil waxna ugu dhimayn ama cid qabiil ugu eexanayn. reer gedo armuu barre hiraale isaga idiin dhaammaa.

  6. cabdi says:

    ASC! Maxaa Allgedo ay u cambaareyneeysa oo ay agacabaneeysa mamulkaani kuwii kan ka horeyey oo u kamid aha kii bare hiraale iyo shababka maisan cambaaareynin.wale Allgedo dhiib baa haystaa!

  7. mohamed omar says:

    Asc Marka hore aan kuu saxo magacaga Cali kismayo Mahan ee wa Cali caabud-waaq. Marka caliyow gedo Iyo jubooyinka dadkii u dhashay ayaa u tashadaye mudug Aya talo kaga bahan. dhar adan lahayna dhaxan kama celiyo.

  8. Abdi says:

    As Wr Wb salaan kadib Soomaaliyeey qalbiin goormaad ka waynaan ? war ilaahay ka baqa oo cuqdadda qabiilka iska daaya Gaandi iyo Barrena anigu waxay ila tahay inay laba dhagar qabe yihiin waayo isaguba waa kii wasiirka difaaca u ahaa ina C/rashiid any way waxba yaan midna qabiil lagu safane wixii idiin dana ka hadla. Ciddii umadda dan u haysana taageera ciddii cadow ah meel halooga soo wada jeesto.

  9. Hassan banaaney says:

    Asc bacda salaam, aad baan ugu hambalyaynayaa mamulka cusub. Gedo iyo jubooyinka hada ayay gacanta ku dhigeen dadkii u dhashay absame Iyo Sade Iyo beelihii kale ee soomaaliyeed ee la deganaa way u Idil yihiin intaa wixii kasoo harana dhagixii mudug iyo dharbaaxaa aya taqaan

  10. mmw says:

    dhulka waxaa iska leh reer gedo .
    ninkii wadankiisa joogo nin kale ma qaadan karo taas hala ogaado .
    hadaad rabtaan inaad dhulka aad maamul u samaysaan kala tashada reer gedo.
    waa dhul lagu dhaaranayo inaan qof kale oo ay san u ogolaan reer gedo uusan iska maga caabanaynin .
    dadka dhibka dabada ka wado waa MJ .
    hadaad saas kuwadiin waxaa imaanayso waqti la idiin yaabaayo.
    yaa idin yiraahdo dadka aad sirta kuwadaan joojiya haddii kale waxaad arki doontaan maalin iinaan wax ka qaban karin .

    dhulka waxaa leh reer gedo la dhaqma oo wada tashada oo laq dabada ka daaya haddii kale waad arki doontaan .

  11. Ahmed says:

    cidda aad u hadlaysaan uma iidna dhalan isku dirka joojiya

    Dadka wax soo qorayo ha isku dirina dadka soomaaliyeed waxaad wadaan dhibaato iyo isku dir adinkoo dhan uma dhalan dadka aad u hadlaysaan
    dadku waa walaalo wada dhashay oo soomaali wada ah isku dirka ka daaya.

  12. bashka says:

    A S C W, salaan ka dib, beesha mareexaan waxaan leeyahay walaalayaaloow aan isgarab istaagno oo hadii eey taasi dhacdo cid somaliya na hor istaagi karta ma jirto anagoo markaas gacanta ku haya wadanka badhkiisa.

    hadii aan markasto is-jiidjiidno waxaa hubaal ah in deegaanada aan isku heerysano eey cid kale noogu talin doonto sida hadaba eey tahay oo eey al-shabaab iska maamushaan,dadkiina barakiciyeen.
    wax gacanta hada noogu oo aan isku heeysano ma jirto oo aan ka eheeyn hindiso iyo da’daal.

    waxaa aaminsanahay hadii DAAROODKA koonfurta heshiiyaan in eey lagdi karaan dhamaan qabiilada kale ee somaliyeed isla markaana talada wadank aan la wareego.

    waxaan aaminsanahay in GAANDI uu beesha mareexaan u dhaamo BARE huuraale oo 10 ku xaarayay kismaanyo asagoon waligii ogolaan in dadka uu wax la qeeybsado si markaas maamul loo helo,maantana wakaa eey amxaarada seey doonto ka yeesh.

    waxaa wanaagsan in wixii khaldan la’soxo oo aan qof kasto oo isku dayo in uu dadka wax u qabto la’hor istaagin oo qabyaalad iyo caay aanan lagala hor imaanin.

  13. mhw says:

    reer gedo.
    waa dhul lagu dhaaranayo inaan qof kale oo ay san u ogolaan reer gedo uusan iska maga caabanaynin .
    dadka dhibka dabada ka wado waa MJ .
    hadaad saas kuwadiin waxaa imaanayso waqti la idiin yaabaayo.
    yaa idin yiraahdo dadka aad sirta kuwadaan joojiya haddii kale waxaad arki doontaan maalin iinaan wax ka qaban karin .

    dhulka waxaa leh reer gedo la dhaqma oo wada tashada oo laq dabada ka daaya haddii kale waad arki doontaan .

  14. Ahmed says:

    war waxaad rabtaan inaad dad isku dirtaan .
    dadka meeshaan wax kusoo qorayo cidaad u hadlaysaaan uma dhalan ee dhaafa isku dirka

  15. Mohamed says:

    cajab!! caryaa Garta waxay diidayaan iyo waxa ay doonayaan!!
    waxaan umalayn somalida marka ay dhashaanbaa lagu anqariyaa Qabiilka iyo Xoog ku faanka!! Ilaahay kayaaba oo isu naxa ceebna Ka waantooba

  16. cali kismayo says:

    war nimankan maxaa dhibhaysta war xolacirdonimada intad iskadaysan dadkina iyo dalkina dhinaca karaca hadikae wale bare iyo kuwa lafikirkaha say uhongoben yad u hongobaysan away barihi jubada hose 9sano haystay waka manta axmaro ooguxidhan dalkisi gudihisa tas waxa kenay qudhsiga iyo qabyalada iyo caqlixumada marka waxan idinkulatalinaya dadkina dhinackaraca absame waa walaladin haduu idinxukumo maxaidinhelaya idinkuba 20sano yad xukumaysene waxaan idinleyahay gandi waa aqonyahane tagera hadikale gedaha sarada oo kolba xabashi god haydinkurido kola hayditidhahdo wan idinhilin gandina waxba kama qadikartan waabad ee dantina fiirsada

  17. nin says:

    Allgedo waxaa laga rabaa bayaanka ay sheegeen odayaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dadka kale ee ay sheegeen iney magacyadooda soo raaciyaan sida lagu yaqaano bayaanada soo baxa hadii kale iyagaa iska alliftay cid ku raacsan arrintan ay soo qoreena ma jirto. Waxaan oran lahaa dadka aad isku direysaan waa dad wada dhashay ee halaga shaqeeyo sidii dadkaas walaalaha ah ay maamul mideysan u sameysan lahaayeen isagana ceyrin lahaayeen dadka ka shaqeynaya iney isku diraan si markaas looga faa’iideysto colaad aan diin, wadadhalasho iyo sharci kalaba aan ku bannaaneyn. Walaalaha meeshan ku soo qoraya comments waxaan oran lahaa iska daaya faanka. Dadka aad isku direysaan waa dad walaalo ah oo wada dhashay ee ka shaqeeya sidey wanaag, horumar, maamul wadaag iyo nabad ku gaari lahaayeen. Arrintan maamulka Gaandi ee lagu dhawaaqay waxaan oran lahaa yaan la horboodin ee hala suge. Haduu noqdo maamul ka shaqeeyo walaaleynta dadka wada dhashay ee colaada lagu abuurayo waa in la soo dhoweeyo hadii kalana meel gaari maayo.

  18. Inta Birnaamijkan mucaarad kuah waa rer Caabud-waaq. Ugaaskii reer Gedo wujoogaa wuna saxiixay.

    Hadeey Gedo go’aan ku gaaraan in aay ka go’aan Azania state of somalia, Gedo hakudaraan Bay iyo Bakool. Markaas inagana magaceenii kale ee labada jubo ee jubaland ayaan soo celineeynaa insha-Allah

  19. Ahmed says:

    asc aad waxaan ugu mahad celiniyaa dimuqraadiyadda allgedo taala,marka xiga horta maamul waa loo baahan yahay ee sadexda gobol dadkii daganaa ma cidbaa dulmi sheeganaysa. mariixaan maamul marabtaan ee inaad ceer inku gor gortomo baad rabtaane waagii askarta jaahiliintaa intaad ka hartaan aad shacabkiinu waxa uu rabo aad larabtaan ha lagaaro, Galgaduud baad uga dhawaaqdeen xagee kudanbeeyey idinkaa xiray idinkoo ceer ushaqaynaya waana iyadoo dukumiinti ah oo ragga kadanbeeyey hebal iyo hebal lalee yahay, Kismaanyo sagaal sano baad haysateen magacii waan ka badalnay waxaan ubixinay qabuuro mariixaan, Ankee waxaan soo joogay mariixaan iyo ceer mariin kale wada weerarya.

  20. jamal says:

    asc anigu lama yabani galo soo hoogamiye bare iyo gandhiba,,walahi agtayda waa isku key mid waayo waa isku caqli, bal firiiya barena waxa wata axmaaro gandhina kuku ayaa wata, waar ilaah baan idin ku dharshe maxaydan arkeen, waxaad tihiin dad maska indho iyo dhagabo la,, waar ma aragtay dad isku haysta waxayna haysaan,,, jiboyiinka daadka ka iska leeh ma aha adigagan qubra jooga ahaaa, eee waa dadka dagaan ee iska amuusa,, walahi doqomo an fikiireen ayaad tihiin,

  21. saalo ko dhawre says:

    asalaamu calkum walaalayaal dhulka aad ka hadlaysaan absame iyo sade oo kaliya madagaan hadii xaq laga hadlayo tanlabaad pro gaandi maa mulkuu udhisaayo goboladan waxaa fiican marka hore in aan xog rasmiya ka helo in uu yahay cadaalad iyo inkale iyada oo aan qabiil arinta laga dhigin hadii ay sad bursi wax lagu helayo maanta ha ay soomaali taal ma oo li lahayn anigu shaqsi baan ahay ee waan taageerayaa qofkasta oo sicadaalad ah wax u wada bal inta aaan laga hor i maan aan aragno

  22. kamaal says:

    Anigoo ku hadlaya dhamaan magac reer sade waxaan si walaaltinimo leh oo sharaf ah ku soo dhoweenaynaa walakeen Pro Gaandi waa nin u qalma inuu maamulo gedo jubada hoose iyo jubada dhexe ninkii ah reer sade ee diidan arinkaas waxaan u malaynayaa inuusan sade aheen.

    Waxaan idiin sheegayaa Ogadeen 100 kiiba 100% in mareexaan tageersan yahay Pro Gaandi ninka halkaan ku soo qoraya mareexaan ma rabo Gaandi waxaan u arkaa qaa’in been cad ka sheegaya magaceena. waxa keliya ee pro Gaandi kula talin lahaa inuu soo magacaabo rag aqoon leh ee uusan noo kenin rag jahiliin ah oo dib noo dhiga.

    welcome jubaland president Pro Gaandi

    Iska ilaaliya dadka magaca beenta ah soo qadanaya ee raba inay qabiilada walaalaha ah isku diraan 1005 mareexaan wuu tageeray Pro GAANDI nin aan rabina bada haka cabo.

  23. wadani says:

    Asc Dhamaan waan salaamayaa walaalaha Azania State waana 3 da gobol ee jubooyinka iyo Gedo. Absame iyo Sade kaliyana malahan maamulkaan ee dhamaan qabiilada dega 3 daan gobol baa ku jira. waligeen maynaan arag shir saan caalamku u taageersan yahay oo jubooyinka ku wajahan marka aan taageerno qabiilkana aan iska dayno. teeda kale Pro Gaandi waa nin aqoon leh mana aha qabyaaladiiste iyo mooryaan midna kamana qayn galin dagaaladii sokeeye marka hadaan maamulkan diidno wax danbe oo yeelayno baan jirinba wabilaahi towfiiq

  24. sir ma qabe says:

    Dadka aan wax garadka ahayn qoraalkooda ka saara website kiina, haddii kale ayaga ayaad la mid noqoneysaan.

  25. Somali says:

    Asc dhamaan walaalaha Azania State of Somalia. Anigu waxaan dhihi lahaa hala taageero maamulkaan.bcoz waxaa hogaaminaaya nin aqoon leh qabiilna aan aqoon. kana qayb galin dagaaladii sokeeye marka waxaan ku diidno ma arko. hana hor dhicina siduu wax u maamulo aan aragnee. maxaaba la diida maba dhalane yaab. teeda kale hada yaad inoogu dhiibi lahaydeen wax oo ka nadiifsan ninkaan.

  26. Somali says:

    Aan ku daro Absame iyo marexan kaliya ma dagaan 3 daan gobol, Dhamaan somalida dagan waa laga qayb galinayaa maamulka

  27. oday kismayo says:

    WAXAAN ORAN LAHAA REER GEDO HADAY WAX LEEYIHIIN MEESHA AY FADHIYAAN MANTA MA FADHIYEEN,SHALAY AYAGAA DIIDAY WALAALNIMADII IYO WADA NOOLAASHIHII LA RABAY WAXAY BIXIYEEN MAGACYO AAN WELIGEED LA MAQAL WAXAY ISBAREEN DAD AAN HORAY ISUBA OGAYN , WAXAY YIRAAHDEEN .KABLALAX IYO SEDE MARKAASAY WXAY KU DAREEN KABLALAX WAXAY XAKUMAAN PUNTLAND SEDE HALOO DAAYO JUBA LAND,MARKA HADDII AY SIDAAS TAHAY , WAA OK LAKIIN HADDII QOLADAAN AAD KUSHEEGTEEN KABLALAX IYO AYADU LEEDAHAHAY PUNTLAND IYO JUBADA HOOSE IYO JUBADA DHEXE OO AAD ABUURTAY MAGACYO SIDEE LA YEELAYAA,WALAAL DADKU WAXAY AHAAN JIREEN ,ABSAME IYO HARTI IYO MAREXAAN MARKA ADIGAA DAD ISKU DARAYE BAL MARKA MEEL GEE ADIGU

  28. walaalyaal anigoo ku hadlayo magaceyga magaca umadda soomaaliyeed gaar ahaan magaca beesha biimal ee degta gobolka jubada hoose waxaan halkaan ka cadeenayaaa iney quseeyso afaaro ku saabsan deganka jubadda hoose beelaha si dhabta ah oo taariikhda leh ku degan gobolka iney ka hadli karaan arimaha gobolka beelaha degan waa layaqaana
    laakiin waxaan aaminsanahay ninkaan ka hadlayo oo dhaleecenayo shirka naivasha inuusan u dhalan gobolka
    wixii qaladaad ah waxay u taalaa saxidooda beeelaha jubooyinka degan uma taalo beel kasoo jeedo gobol kale

    anigoo ku hadlayo magaca beesha biimaal waxaan halkaan ka cadeenayaa mooqifka beesha biimaal
    inuusan aheyn mid dano gaar ah ujeedadooda ay tahay sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen umadda soomaaliyeed gaar ahaan beelaha jubooyinka sidii ay markaasi loogu samata bixi lahaa dhibaatada dalka ka jirta oo loogu gudbo jawi degan kuna dhisan nabad, barwaaqo iyo beelaha jubooyinka oo isku mooqif noqoda kana fagara aayahooda iyo mustaqbalka gobolka

  29. jama says:

    Asc dhaman umada somaliyed waan salamay aniga oo ku hadlayo magaca dhaliyarta besha sade darood wan taagersanahay mamamulka oo horkacayo aqonyahanga somaliyed midakale waxankulatalina inasan soqodan dadka qobalka mesha dhigay ee cadalada kashaqeya .madax weynaha waxaan kutalinaa inoo kafogado cadaalad darada markas daadka oo il weytagerayaan mamaulka hagulesto

  30. axmed says:

    bacdi salaan walaalayaalow yaa ii sharax magaca azania ninba meel bay uga dhagantahay ma magac hore mise mid cusub bal sharaxaad halaga baxsho magaca marka hore waad mahad santihiin

  31. fiiq says:

    waqtigii kala guurka baalagu jiraa ninkasto meesh uu daganyahay ayuu kasubinayaa dowlad gobaleed dadka dagan dhulkan jubooyinka xaqbay u leeyihiin in ay ka soo qeebgalaan.

  32. Ahmed says:

    K.k.k.k. Ani ma tagersani jubaland hada waxa ka jira nabad qabil wa udhamaday ogaden iyo marexan shiray waxbo uma hagagayan nabad aya ka jirto gandi na wa nin murtit ah car ha imado juboyinka gado inta dhiman lawa qabanaya

  33. asad says:

    waxa aan u habalyeeynayaa dawlad gobaleedka cusub ee lamagac baxay azania state waxa aan leeyahay allaah ha kugu guuleyo prf maxamed cabdi gaandi waa aqoonyahan soomaaliyeed looma baahna qabiil iyo qurunkiisa waxa aan leeyahay wax la yiraahdo absame sade iyo qabiil kaleba in meeshan laga saaro kaliya wixii dan u ah beelaha daga gobolka oo si siman oo nabad galyo oyo hormar ku dheehantahay in lagu wada noolaado waadna mahadsantihiin dhamaan dhalinta isku dhaafsatay araahahooda waxa aana ku talin lahaa in anshaxa saxaafada la ilaaliyo waxa aan ka bilaabayaa qoraha all gedo in uu ka waantoobo waxyaabaha aan wanaagsanayn ee uu qoro aad ayaad u mahadsantihiiiin

  34. Somali waxay dhahda hadi hawadadu ku ben shekto tabartada ku shegto waxan leyahay gandi faransis miya juboyinka dan ka leh ilen somali wa is tapan jajus inu yahaye mida kale darod wa is yaqane ya ben lo shegaya horiga ogaden ba ka daran hugun rasasede intay hadalka jogto wa idinka markay runta tagtana ciidi u danbayn jhgrtay ba u danbayn

  35. dhaman dadka ku dhaqan dafaha dunida wad salaman tihin A/s/c waxan mid kaleyahay ninka leh absame wu diyar garobey hubkisa iyo cidankisaba wa la is yaqana juboyinka dadka wada daga waxba yusan ku fanin waxa layiri bil sadex rer bey ka wadaye rer kuma geyso marka somali wey istaqan hadan nahay besha sade mamul an anaga lambar kow ka ahayn ma soconayo marka hada ka horba nin boqor ah aya buun laga xaday xage lagu yerin bunki la xaday marka xage lagu furi mamulka kenya miyey ku dhisayan wa maya su ashu low low suye loba joge wan sugayna hadan nahay besha sade e dagta gobolka juboyinka

  36. asad says:

    marka hore waad salaaman tihiin waxa aan si toos ah ula hadlayaa ninka isku sheegaya libaax jubada hose walaale hadaan runta isu sheegno oo aan been meel iska dhigno jubada hoose ragii lahaa way noolyihiin 20 sano oo walaaltinimo la raadinayeyna maadan ku cibra qaadan waxa aad ka sii qaaday olo iyo anaa talin maanta waxa la dhisay maamul loo samaynayo goboladan hadaad qasab ku taageeri waysay xataa degmooyinka yar ee mareexaan ka dago gedo dadkii lahaa oo asal u lahaa ayaa nool waana runta aan la iska indha tiri karin haduu ogaden hunguriwaynyahay iyo hadii kaleba waa la is arki doonaa laakiin marka ugu horaysa waxa aan ka bilaabaynaa dhanka wanaaga hadii aydaan ayidin koley idinkaa cirka roob ku og waxa aad ogaataa manta in ay dhanta ama uu idilyahay xooga absame meel uu joogaba in ay ka go antahay la wareegida meelaha muhiimka noo ah si kastaba aan u maamulee

  37. Wad salaman tihin marka hore marka xigta nin ka leh juboyinka dadka leh wa la yaqana juboyinka waxa leh somali anagana somalidas ayan ka mid nahay marka waxba ha ku fanin awod ad ku difacato ma lahan e hadey dan ku tahay an kuwada nolano hadi kale ada cirka rob ku og anaga waxa naladhaha (marexan sade) konfurta somaliyana wa nala ka yaqana marka dan tada ka firso kismayo anaga wax nala ka weydinaya ben kuma shegayo mamul u marexan wadin ama u raali ka ahayn lama keni karo marka walale runta la iskuma shegin e runta wad arki shir nayrobi ay toban qofod qol isku so xiren ayad dhahden gandi aya madax weyne ka ah xata kenya hadey so watan lagama yabo iney kismayo mamul u dhisan waxa layiri ragowna barasho gelowna rarasho

  38. madaxweynaha waxa fiican inuu mareexaan yahay sababtoo ah gobolka gedo kaligood baa ubadan, gobalada kalana waa laysla dagaa.