Home » News »

Madaxweyne Shariif: “Beesha caalamka dan kama lahan dib usoo celinta Qaranimada dalka Soomaaliya”

Madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaano taageersan xukuumadda Farmaajo isla markaana kasoo horjeeda gudoomiya baarlamanka.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Go’aanka baarlamaanka isagoo sheegay in shariif Xasan Sheekh Aadan uusan wadin danaha umada Soomaaliyeed isagoo ka hor yimid go’aanka ay gaareen madaxda ugu sareysa Dowladda.

Shariif ayaa intaa ku daray in beesha caalamku aysan dan ka laheyn dib usoo celinta qaranimada dalka Soomaaliyeed mar walibana ay dhaqaale ku bixiyaan sidii loo baab’in lahaa umada Soomaaliyed waa siduu hadalka udhigaye.

Ka qeyb galka Gudoomiyaha Baarlamaanka shirka ka socda magaalada Nairobi ayaa sii kordhiyay khilaafka xoogeystay ee madaxda ugu sareysa Dowlada kadib markii Madaxweynaha Dowlada iyo Ra’isal Wasaaraha ay gaashaanka u daruureen casuumaad ay kaga qeyb gali lahaayeen shirka ka socda magaalada Nairobi.

————
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Madaxweyne Shariif: “Beesha caalamka dan kama lahan dib usoo celinta Qaranimada dalka Soomaaliya” "

  1. somalihero says:

    Asalamu alaikum

    Allgedo waad salaamantihiin iyo dhamaan umada Soomaaliyeed.

    Horta walaalayaal ani waan qoslaa marka siyaasiinta soomaliyeed,marka Madaxwayane ku sheegayaasha lagu daro dhahaan beesha caalamka dan kama leh in la soo celiyo qarankii Soomaaliya. Sababata oo ah hadii soomaali intooda badan dan ka laheen gaar ahaan siyaasiintana dan ka laheen siiba kuwa madaxwayane ku sheega noqday iyo kuwa raba in ay noqdaan in la soo celiyo qarankii somaliya maxay beesha caalamka dan ugu yeelanaysaa hatii xataa ay ka yeelato waa adagtahay in la soo celiyo qarankii somaalida sababtoo ah somaali inteeda badan marabto in qarankii soo noqdo. ( FARASKA WABIGA WAA LA GEEN KARAA LAAKIIN IN UU BIYAHA CABO LAGUMA QASBI KARO.)

    Bal fiiriya dowladii lagu soo dhisay carta 2000 iyadoo jirta baa mid kale lagu kor dhisay Cabdulahi Yusuf baa lakeenay 2004 oo ay saas ku burburtay dowladii Cabdiqasim.
    Waxaa ku xigtay tii Embagati ee Cabdulahi yusuf waa la burburiyay oo Shariif baa lagu kor dhisay.

    Marka hata Shariif yuu ooynin oo ha aqbalo dariiqyadii ay mareen Cabdiqasim iyo Cabdulahi.

    WA BILAHI TOWFIIQ