Home » Archive Daily May 2nd, 2011
Somalida iyo dowladaha dariska la ah, cadaawad isu badashay saaxiibtinimo ku salaysan qaybsiga dalkii iyo dadkii somaliyed – By Cumar Maxmud
Ilaahay ayay mahad oo dhan u sugnaatay noo dhamaystiray nicmooyinkiisa, nabad galyo iyo naxariis nabigeenii korkiisa ha ahaato intaas kadib. Somalida waxay noqotay umada aduunka ugu sumcada xun waxayna tusaale u noqotay caalamka gaar ahaan wadamada looga baqayo burburka, waxaad maqlaysaa wadankaas wuxuu ku socdaa wadadii somalia, ama shcabkan sida somalia oo kale ma noqon doono.
Waxa kaloo badatay...
Ururada haweenka Soomaaliyeed oo maanta mar kale ku celiyay in la aqbalo muddo kordhinta halka sano ee Xukuumada FKMG
Boqolaal haween Soomaaliyeed ah oo ay ku jireen qaar ka mid ah haweenka Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho iyagoo gabo gabadii shirkoodan ka soo saaray baaq ka kooban 4 qodob.
Kulankan ay soo abaabuleen haweenka Bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dalka, gaar ahaana waqtiga kala guurka ah ee ku soo foodleh dalka waxayna...
Kulan dalka Malaysia ku dhax maray Wakiilo ka socday Midowga Ardayda Soomaaliyeed iyo Soomaalida ku dhaqan dalka Malaysia (Warbixin).
Wakiilo ka socday Midowga Ardayda Soomaaliyeed (WorldWide Somali Students) ayaa dhawaan Kullan kula yeeshay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia, Kullankan oo ka dhacay Jaamacadda International Islamic University Malaysia (IIUM), Kullankan ayay ka soo qeyb galeen boqolaal dad ah oo isugu jira, Arday, Mas’uuliyiin ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia iyo qeybaha kala...
Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Col. Barre Aden Shire (Barre Hiiraale)
Warar naga soo gaaraya degmada Doolow oo ku taal xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ay ciidamada Itoobiya xabsiga dhigeen Col. Barre Aden Shire (Barre Hiiraale) oo ka tirsan Xildhibaanada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Waayadaan danbaba ma wanaagsaneyn xiriirka wada shaqeyneed ee u dhaxeeyay Xildhibaan Barre Hiiraale iyo saraakiisha sar-sare ee Itoobiyaanka ee ku sugan Degmada...
Xoogagga Al-shabaab oo kaddib markii dhowr degmo oo ku yaala gobolka Gedo ay lumiyeen dib u bilaabay duulaano ay ku qaadayaan goobihii horay looga qabsaday (Warbixin)
Xoogagga Al-shabaab ayaa baryahaanba waxay gobolka Gedo ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo duulaamo isdaba joog ah, kuwaasoo ay kusoo qaadayeen fariisimadii ay xoogagga huwanta ah oo isugu jira kuwo taabacsan Dowladda KMG ah iyo Ahlu sunna Wal-jameeca ka daganaayeen deegaano horay farahooda uga baxay sida: Luuq, Beled-xaawo, Dhoobley, Caracase Qodaxley iyo dusha sare ee Kureedka.
Ciidamadii dowladda...
Innaa Lilaahi Wa Innaa Illaahi Raajucuun, Marxuumad Asli Kaahiye Suryare Raan
Inaalilaahi Wa inaa ILaahi Raajacuun, Waxaan anagoo ah dadka Magacyadoodu Hoos Kuxusan yahiin Sinaxdin iyo Tiiraanyole Tacsi ugu diraynaa : dhamaan Reer Kaahiye Suryare Raan Meel kastoo ay Aduunka ka Joogaan, Gaar ahaana Ilma Faarax Xirsi (Gura Yare) oo aanu uga Tacsiyayno Geeridii Naxdinta laheeyd ee ku Timid Hooyadood (Asli Kaahiye Suryare Raan) oo Maantoo Taariikhdu Tahay May /1/2011/ Ku Geeriyootay...
Bin Laden killed in fiery raid in Pakistan
ABBOTTABAD, Pakistan – Four helicopters swooped in early Monday and killed Osama bin Laden in a fiery raid on his fortress-like compound in a Pakistani town that is home to three army regiments. His location raised pointed questions over whether Pakistani authorities knew of the whereabouts of the world’s most wanted man.
The al-Qaida chief was living in a house in the town of Abbottabad that...
Faah-faahin dheeri ah oo la xariirta dagaalka qaraar ee Garbahaarey ka socda iyo dadweynihii magaalada ku noolaa oo Doofaarey u qaxay (Dhageyso gabar dagaalka ka warameyso)
Wararka naga soo gaaraya magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey ayaa sheegaya in dagaalkii qaraaraa ee aroornimadii hore ee saaka oo Isniin ah halkaas ka bilowday uu wali socdo.
Dagaalka oo markii hore ay magaalada kusoo qaadeen ciidamada Al-shabaab ayaa waxuu ku bilowday hoobiye-yaal iyo madaafiic ay magaalada si xun ugu garaaceen, dabadeedna waxaa uu dagaalka si buuxda uga qarxay daafaha...
Garbahaarey oo uu dagaal aad u qaraar ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada Dowladda KMG ah
Garbahaarey, Somalia (AOL) – Subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah, waqtiga magaalada Garbahaarey markuu ahaa 5 am ayaa waxaa magaalada Garbahaarey ka dhacay dagaal aad u qaraar oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada huwanta ah oo isugu jira kuwa dowladda KMG ah iyo Ahlu Sunna oo isgarabsanaya iyo kuwa Alshabaab oo dhinac ah.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Al-shabaab, kaddibna waxuu si weyn ugu...
