Home » Archive Daily May 17th, 2011
15-ka May oo lagu xusay xarunta dhalinyarada Kanava ee Helsinki (Sawiro)
May 15, 2011- Galabnimadii Axada ee ku beegnayd sanadguuradii 68 aad ee aasaaskii ururkii gobanimadoonka dhalinyaradii soomaaliyeed ee SYL ayaa xaflad lagu xusay munaasabaddaas ka dhacday Xarunta weyn ee ururka dhalinyarada KANAVA ee caasimada wadanka Finland, Helsinki. Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo ka koobnaa Haween, Dhalinyaro,...
Casho sharaf aad loo soo agaasimay laguna soo dhawaynayey Bahda Isbortiga ee North-London , Wembley iyo Sweden oo ka dhacday magaalada Helsinki (Sawiro)
Helsinki, Findland (AOL) – Casho sharaf kan waxaa soo qaban qaabiyey Ururka dhaqanka iyo Isbortiga ee dalka finland marka la soo gaabiyo loo yaqaan ( Socus ry) iyo bahda isbortiga ee Helsinki.
Intii aan cashada la aadin waxaa galabtii ciyaar saaxiibtinimo ku dhex martay finland iyo Uk ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan dad weynihii ka soo qayb galayna ay aad uga heleen ciyaartaas oo...
Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ka jira Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwa Maxamed Siciid Atam.
Wararka ayaa sheegaya in Tulooyin dhaca duleedka magaalada Bosaaso ay fariisimo cusub kasameysteen Ciidamada Maxamed Atam oo dhawaan lawareegay Saldhig ay Ciidamada puntland kulahaayen Deegaanka Galgala oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay...
Dadka u shaqa taga Suuqa Bakaaraha oo DKMG ah ka codsaday inay ufurto Wadada Far-janno ee Muqdisho.
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaro ayaa Dowladda KMG ah ka codsaday inay furto Wadada Far-janno oo ku xirantay dagaaladii ugu dambeeyay ee Alshabaab iyo AMISOM ku dhexmaray Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Ganacsatadan ayaa sheegay inay dhibaato weyn kuqabaan xirnaashiyaha Wadadaasi iyadoo qarash farabadana uu uga baxo gawaarida Gasha suuqa ee marta degmada Dayniile ee...
Guddoonka Baarlamanka oo ku baaqay in lasii daayo Xildhibaan Barre Hiiraale.
Baarlamanka dowladda KMG ah garabka uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa cambaareeyay xariga aan waqtiga laheyn oo ay ciidanka Itoobiya ku hayaan Barre Hiiraale.
Xildhibaan Cumar Isloow oo kamid ah gacan yarayaasha Shariif Xasan ayaa cambaareeyay Xariga Xildhibaan Barre Hiiraale oo uu ku tilmaamay sharci darro qaawan iyo dayacaad katimid xukuumadda Farmaajo.
Gudoonka Baarlamanka wuxuu ku baaqay...
Fal dil ah oo Garbahaarey ka dhacay kadib dagaal qaraar oo xalay saameeyay magaalada.
Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Xalay habeen barkii ayaa marqura laga warhelay dagaal culus oo ka socda gudaha Garbahaarey kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Shabaab.
Khasaara ayaa labada dhinac ee dagaalamay dagaalka kasoo gaaray, ciidamada...
