Home » Archive Daily May 21st, 2011
Dagaallo Culus oo saaka dib uga qarxay magaalada Muqdisho.
Dagaalo culus ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Muqdisho kadib markii ciidamda AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah kusoo dhawaadeen suuqa Bakaaraha.
Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa saaka laga maqlayaa inta u dhaxaysa Suuqa Bakaaraha iyo wadada Dabka waxaana deegaanadaasi ku dagaalamaya labada dhinac.
Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic culus ku garaacaya Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ku dhaw ee ay maamulaan...
Gabay: Madal su’aal taala! By Cabdulahi Ismim (Akhri ama dhageyso)
Asc. dhammaan ummdda soomaliyeed meel aad joogtaanba. Allaah baa mahad dhammaanteed leh.
Rasuulkiisaa sharaf leh (NNKH). Waxaan halkaan idiinku soo gudbinyaa gabayga hoos ku xusan.
Gabaygaan ayaa ujeedadiisu tahay laba arimood:
1- Cadeyn iyo markhaati ku wajahan ficilka iyo wax qabadka qeybo ka mid ah bulshada soomaliyeed.
2- Su’aalo iyo wax is weydiin la xiriirta arrimo badan oo maanta...
Maansada Hoygaan ku ababay – By. Abdullahi Isim
Asc. dhammaan ummadda Soomaliyeed meel ad joogtanba. Allaah baa mahad leh. Rasuulkiis sharaf leh (NNHK). Waxaan halkaan idiinku soo gudbinyaa maansada hoos ku xusan. Maansadan ayaa ujeedadeedu tahay.
Warbixin iyo talo aan u soo gudbinayo dhulka ama ciida hooyo, haddiiba ay suura gal tahay in ciidu ay ku camal fali karto fulinta taladayda, Maadaama dadkii ilahay hantida iyo hooyga uga dhigay ay noqdeen...
Bali ku yaala duleedka Caabudwaaq oo saaka laga helay maydka nin reer miyi ah
Ninkan ayaa saaka laga soo saarey maydkiisa war biyood ku dhow degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud isaga oo ku geeriyooday galinkii dambe ee shalay sida ay sheegeen dadka saaka soo saarey maydka ninkaan oo ah reer guuraa.
Subax nimadii hore ee saaka ayaa dad u soo arooray War biyood lagu maga caabo Bali-kibir waxaa ay arkeen maydka ninkan waxaana ay awoodi waayeen inay banaanka oga soo saaraan...
Meydka wiil ay kutaala Tiro rasaas ah oo saaka lasoo dhigay xaafada Macmacaanka Degmada dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho.
Meydka wiil dhallinyaro ah ayaa saakay lagu arkayaa degmada dharkeenleey xilli degmadaasi ay kusoo badanayaan Meydadka lasoo dhigo wadooyink waaweyn ee degmadaasi.
Sida ay sheegayaan dadkii daawaday meydka wiilka dhalinyarad ah ayaa da’diisa lagu qiyaasay 20jir kaasoo ay rasaastu kaga taala madaxa iyo laabta oo aan ilaa iyo hada lagaran cida falkaasi geeysatay.
Xaafada Macmacaanka Degmada dharkenleey...
Hawada Magaalada Muqdisho oo maallintii labaad ay dul heehaabayaan Dayuuradaha Dagaalka Mareykanka.
Waxaa maalintii labaad hawada Magaalada Muqdisho lagu arkayaa Diyaaradaha Dagaalka kuwaasoo dul heehaabaya qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dayuuradahan Qumaatiga u kaca oo ka kooban 4 oo 3 ka mid ah ay yihiin Helicoptoro halka mida afaraadna ay tahay miig ayaa tan iyo aroortii hore ee shalay gaaf wareegaya Degmooyinka Yaaqshiid, Dayniile, Huriwaa iyo Howlwadaag oo ay gacanta ku hayaan...
