Home » News »

Degmada Deka waa degmada kaliya ee ay beesha Sade ku leedahay Ismaamulka gobolka Soomaalida Itoobiya (Warbixin iyo sawiro)

Horudhac:  Qormadaan waxay ku saabsan tahay warbixin la xariirta socdaal uu mid ka mid ah qurbajoogta mudada dheer ku sugnaa dalka Canada oo magaciisa la yiraahdo Cabdulqaadir Bile Aden kusoo maray qaar ka mid ah deegaano ay beesha Sade ka degto dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dhulka uu Cabdulqaadir socdaalka kusoo kala bixiyay una soo kuur galay xaaladda noolaleed ee bulshada deegaanadaas ku nool, tan horumarineed iyo tan waxbarasho ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Nageyle iyo Degmada cusub ee Deka ee dhawaan lagu kordhiyay gobolka Liibaan.

Safarka Cabudlqadir oo ahaa mid kadis ah iyo asaga oo deegaanadaas muddo kooban joogay awgood, uma suurta galin in uu wada tago deegaano badan oo ay beesha Sade goboladaas ka degto.

Bile oo shabakadda AOL kula soo xariiray qad Teleefan ayaa si kooban uga war bixiyay waxii uu kusoo arkay deegaanda uu tagay oo kaliya, isla markaana usoo gudbiyay warbixin qoraal ah iyo masawiro uu kasoo qaaday goobihii uu tagay iyo dadkii uu halkaas kula kulmayba.

Haddaba, bal inta aanan u guda galin warbixinta uu Cabdulqaadir Bile naga siiyay waxii uu indhahiisa kusoo arkay, aan marka hore idiin soo gudbiyo warbixin la xariirta 15 Degmo oo dhawaan lagu daray in ay ka mid noqdaan degmooyinkii horay u jiray ee Ismaamulka dhulka Soomaalida Itoobiya oo ay degmada Deka ka mid tahay.

MAGACAABISTII 15-KA DEGMO EE CUSUB EE DHAWAAN LAGU DARAY ISMAAMULKA GOBOLKA SOOMAALIDA ITOOBIYA

March 15, 2011 ayaa waxaa Baarlamaanka Ismaamulka Soomaalida ee dowladda Itoobiya ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen in maamulkaas lagu kordhiyo 15 Degmo iyo laba madaxweyne ku xigeen.

Gobolka Liibaan oo horay u lahaa 4 degmo oo kala ah: Dooloow, Filtu, Uudat iyo Mooyaale ayaa waxaa hadda lagu daray laba degmo oo cusub oo kala ah: Degmada Deka oo ay leedahay beesha Sade iyo Degmada Mubaarak, sidaas ayaana hadda gobolka Liibaan waxuu ku leeyahay 6 Degmo.

Guud ahaan 15-ka Degmo ee Ismaamulka gobolka Soomaalida Itoobiya lagu kordhiyay ayaa waxay yihiin:

Gobolka Liibaan:  Deka iyo Mubaarak.
Gobolka Dhagaxbuur: Araarso, Birqod, Yoocaale iyo Daroor.
Gobolka Qoraxey: Marsin
Gobolka Shaniile: Hadhagaala.
Gobolka Jig-jiga: Tulli-Guuleed.
Gobolka Fiiq: Qubbi iyo Goljanno.
Gobolka Afdheer: Raaso iyo Qarsaadulla.
Gobolka Godey: West Godey.
Gobolka Wardheer: Daratoole.

Warbixinta uu Cabdulqaadir Bile kasoo diyaariyay socdaalkiisii dalka Itoobiya, gaar ahaan degmooyinka Nageyle iyo Deka waa tan hoose:

SOCDAALKII AAN KU TAGAY DEGMOOYINKA NAGEYLE IYO DEKA EE GOBOLKA LIIBAAN

By Cabdulqaadir Bilde Aden
Alberta, Canada.

HALKAAN KA DAAWO MASAWIRO BADAN OO LAGA SOO QAADAY DEGMOOYINKA NAGEYLE IYO DEKA OO KA TIRSAN GOBOLKA LIIBAAN EE ISMAAMULKA SOOMAALIDA ITOOBIYA

Waxaan magaalada Edminton ee dalka Canada ka anbabaxay taariikhdu markay aheyd April 4, 2011 aniga oo kusii jeeday magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo aan u aaday arrimo aniga ii gaar ahaa.Addis waxaan ka degay taariikhdu markay aheyd April 6, 2011, kaddibna Laba Todobaad kaddib waxaan usii ambabaxay magaalada Nageyle oo ay qaraabadeydu degan tahay oo aanan waligey arag.

Qaraabo soo booqashada iyo in aan soo arko mid ka mid ah deegaanada aan ku leenahay dalka Itoobiya ka sokow, booqashadeyda deegaanadaas waxaa ugu muhiimsanaa in aan usoo kuur galo sida ay tahay noolasha dadka halkaas ku nool, iyo heerka ay ka marayaan horumarinta dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Waxaan iyana meesha ka marneyn oo la oran karaa in socdaalka aan deegaanadaas ku tagay ay ugu muhiimsaneyd in aan soo arko degmada cusub ee dhawaan beesha Sade la siiyay ee Deka oo ka tirsan gobolka Liibaan ee Ismaamulka dhulka Soomaalida Itoobiya.

Ugu horeyntii,  Addis waxaan ka ambabaxay goor galabnimo ah, waxaana ku safrany baabuur aniga iyo nin la yiraahdo Aden Deerow oo safarka igu wehliyay, halka aan u soconeyna waxay aheyd degmooyinka Nageyle iyo Deka, ayada oo aan habeynkiina sii saaxanay magaalada Shashamane oo ku talaal bartamaha dalka Itoobiya ee gobolka Oromia.

Intii aan dhexda kusii jirnay waxaan sii marnay magaalooyin dhowr ah, waxaana dareemayay oo ay indhaheygu ku dhacayeen in dhulka aan ku safreynay uu nooc ahaan si weyn u kala gedisnaa, waayo waxaan mararka qaar ku safreynay dhul dhoobey ah oo tacabka beeraha ku wanaagsan sida tan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka oo kale, dhul ciid gaduud ah iyo dhul ay ciidiisu cadahay dhagaxduna ku badan tahay.

Inkasta oo waqtiga aan safarka ku marayay dhulka Itoobiya ay aheyd waqti jiilaal ah oo uu dhulku qalalnaa, haddana waxaa jiray deegaano cagaarnaa oo la’igu yiri “mar kasta sidaas bay u cagaaran yihiin.”

Magaalada Nageyle waxaan tagnay fiidnimadii maalintii danbe, ayada oo waqtiga ku baxay in aan isaga socdaalno Addis iyo Nageyle uu ahaa maalin iyo bar.

Kaddib markii aan magaalada Nageyle tagay, waxaa si diiran iigu soo dhaweeyay dad aan magac ahaan is maqli jirnay iyo kuwo aanan waligeen is maqal, balse ay naga dhaxeyso wada dhalasho iyo xiriir dhow oo qaraabo-nimo.

Dadkii halkaas sida diiran iigu soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa: Ugaaska beesha Sade ee dalka Itoobiya Ugaas Cabdi Ugaas Daahir Sh. Xuseen, mudane Dhaqane Cabdi Nuur oo ah siyaasi weyn oo ruug cadaa ah oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya iyo Itoobiya, Guddoomiyaha degmada cusub ee Deka mudane Dabow Cabdi Muumin, Faarax Jooraa, Sh. Yuusuf, Xareed Yarow Cusmaan, Aadan Deerow iyo rag kale oo badan oo aanan halkaan magacooda lagu soo koobi karin.

Kaddib markii aan hal maalin oo kaliya joogay magaalada Nageyle, waxaan u gudubnay degmada cusub ee Deka, ayada oo safarkeygana ay igu wehliyeen mudane Dhaqane Cabdinuur, Xareed Yarow Cusmaan, Faarax Jooraa, Aden Deerow iyo rag kale oo badan.

SIDA AY AHEYD NOOLASHA DADKA DEEGAANADA AAN SOO MARAY

Noolasha dadka ku dhaqan degmooyinka Nageyle iyo Deka waxaa la oran karaa waxay siyaabo badan ugu egtahay noolasha ay inta badan ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Soomaaliya.

HORUMRKA DHINACA DHAQAALAHA DADKA AAN SOO ARKAY

Marka dhan walba laga eego arrimaha horumarka dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaa la oran karaa ma jirto horumar sidaas u weyn oo la tilmaami karo oo ay ku talaabsadeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada aan soo booqday, dadkuna waxay u badan yihiin kuwo noolal maalmeedkooda cayrsada.

HEERKA UU MARAAYO WAX BARASHADA DEEGAANADA AAN SOO ARKAY 

Xaqiiqdii, in kasta oo aanan fursad balaaran oo aan kusoo wada maro u helin deegaanada balaaran ee ay dadka Soomaalida ah ka degaan gobolada Oromiya iyo kan Soomaalida ee Liibaan, haddana waxaa la’ii sheegay in ay jiraan arday aad u badan oo ama ka baxday ama ku jira Iskuulada Hoose, kuwa dhexe, kuwa Sare, kuwa xirfadaha (Vocational Schools), Koleejooyinka iyo waliba kuwa heer Jaamaceed ah.

Deegaanadaan marka la bar-bar dhigo kuwa inta badan gobolada Soomaaliyeed ee ay dagaalada ka socdaan, waxaa la oran karaa iyaga ayaa waxay kaga horeeyaan dhanka horumarka wax barashada Iskuulada oo heer walba leh.

ADEEGSIGA ISGAARSIINTA IYO QALABKA TEKNOLOJIYADA CASRIGA AH SIDA (TELEEFANADA, KOMBIYUUTARADA IYO FAX-KA)

Inkasta oo maamul goboleedyada Oromia iyo kan Soomaalida ee dalka Itoobiya ay ku dadaalayaan intii karaankood ah sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida weyn ee ka jirta deegaanadaas dhinaca adeegsiga aaladaha casriga ah sida: Teleefanada, Kombiyuutarada iyo Fax-ka, haddana waxaa muuqata in aanay wali gaarin halkii loogu tala galay dadkuna baahi weyn u qabo sidii looga haqab tiri lahaa adeegyada isgaarsiineed ee dhan walba leh ee ay u baahan yihiin.

FARIINTA AY IISOO DHIIBEEN WAX GARADKII AAN LA KULMAY

Waxgaradkii beesha Sade ee aan kula kulmay degmooyinka Nageyle iyo Deka ayaa waxay iisoo dhiibeen fariin muhiim ah oo ay yiraahdeen “maadaama deegaanada faraha badan ee uu ka kooban yahay Ismaamulka dhulka Soomaalida Itoobiya ay beesha Sade ku leedahay oo kaliya degmada cusub ee dhawaan la siiyay oo ah “Deka”, ayna u baahan tahay in ay dadkeeda hormariyaan sida ay degmooyinka kale ee faraha badan ee Ismaamulka dadkii lahaa ay u hormariyeen ama u maal gashadeen in ay beesha Sade u hor mariso una maal gashato degmada cusub ee Deka.”

Waxaa kale oo ay yiraahdeen waxgaradkaas ka tirsan beesha Sade, waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan u baahan nahay in ay qurbajoogta beesha Sade naga garab qabato ayaa waxaa ka mid ah: In ay ka qeyb qaataan dayactirka Iskuulada aad masawiradooda halkaan ku arki kartaan, dayactirka halkii ceel ee degmada laheyd oo asna jaban iyo dhisidda xafiisyadii maamulka degmada.

Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato korkiisa hal mar Guji si uu kuugu weynaado:

Wixii su’aal ah kala xariir ninka warbixintaan soo diyaariyay oo ay magaciisa iyo email-kiisaba hoos ku qoran yihiin:

Faarax Cabdi Guure – Dheeka, Liibaan/Ethiopia.

—————

Hoos ka eeg warbixin hore oo ka hadleysa magacaabidii degmada Deka ee gobolka Liibaan:

http://www.allgedo.com/2011/03/27/baarlamaanka-dawlada-deegaanka-dhulka-ay-soomaalida-degto-ee-dalka-itoobiya-ayaa-dhawaan-ansixiyay-3-madaxweyne-ku-xigeen-iyo-15-degmo-oo-cusub-masawiro/

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Degmada Deka waa degmada kaliya ee ay beesha Sade ku leedahay Ismaamulka gobolka Soomaalida Itoobiya (Warbixin iyo sawiro) "

  1. wadani says:

    acs
    waxaan u soo jeedin Beesha Sade meel walba oo ay joogtaba in ay gacmaha is qabsadaa, oo ay wax istaran, midkooda u baahan wax la qabasho, shaqsi iyo maamulba,
    Deegaanka Liiban gaar ahaan labada degme ee kala ah Deka iyo Nageyle waa ilo istiraatiigi oo muhiin u ah jiritaanka iyo joogitaanka Beesha Sade ay ku leedahay ismaamulka somalida dalka itobiya iyo waliba guud ahaan dalka Ethiobiya.
    waxaa laga yaabaa cadaawo aad u qabto maamulka tala haya hadda ee itobiya in uu ku gaarsiiyo in aad halmaanto kalmadii aad ka geysan laheyd caawinta walaalaha ku dhaqan degmooyinkaas, aduunku waa la diriraa waana la heshiiyaa maslaxada guudna waxay ku jirtaa wada nolasho,
    ugu dambeynii waxaa oronayaa walaalaha ree DEKa way istaahelaan in wax lala qabto, waayo waa dad ay wax u bilaaban yihiin oo ku tiigsanaaya mustaqbal wanaagsan, guuleysta Sade In DEKa.

  2. Abdi-qaadir says:

    Degmadan cusub ee lagu biiriyey gobolka liibaan waxaa mahadeeda iska leh alle marka hore, marka xigana madaxweynaha ismaamulka somalida ee Ethiopia Maxamed Cabdi Cumar iyo parlamaanka Jig-jiga oo goàanka gaaray in beeshan loo sameeyo degmo ugaar ah maadaama Nageyle ay ka tirsan tahay ismaamulka oromada, waxaa go´aan lagu gaaray 15 degmo oo cusub oo deka ka mid tahay taasoo ka dhigaysa tirada degmooyinka 67 degmo marka lays ku daro 52-di hore iyo 15-kan cusub ee sagaalka gobol ee ismaamulka somalida ee xaruntiisa tahay Jig-jiga.

  3. Awalan wad salaaman tihiin bahda allgedo iyo good ahaan umada soomaaliyeed Waxan ognahay dad aad iyo aad ufara badan oo kasoo jeedo beesha sade in ay ku dhaqan yihiin itoobiya oo aan umaleynaya in ay xitaa ku filneyn 3 degma lkn hadii ay kuqanacsan yihiin dhibmalaha halka degma oo lasiiyey waxaana filayaa in ay si deg deg ah wax ugu qaban doonan fariinta uu wado wiilkan socdalka ku tagay itoobiya ilahayna waxan ka baryaa in isjeceyl wada tashi is fahan iyo usu calool fiyoowasho in uu dhax dhigo beesha sade oo aad mooda in ay ka gaabiyen halkii laga filayey

  4. Baardheere says:

    ACW

    Bacda salaan waxaan u mahadcelinayaa Cabdulqaadir Bille Aadan oo warbixin leh muuqaal iyo tirsi wax ku ool ah iyo Aadan Deerow oo aan filayo inuu qayb lixaad leh ka qaatay warbixintaan naga soo gaartay deeganka Soomaali Galbeed, gaar ahaan inay noo sawireen dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo loolanka qabaa’ilada degan dhulka Itoobiya maamulato ee Soomaali Galbeed.

    Runtii waa horumar in Nagayle, Mooyaale iyo Liibaan aan xog ka helnay waqtigaan xaadirka ah. Fadlan sii wada rag iyo dumar aqoon u lehna arimaha bulshada u wakiisha ururinta iyo fidinta xogta.

    Soomaali Galbeed Gobol Degmooyin

    9 2011 ka hor 2011 ka dib

    52 degmo 67 degmo