Home » Archive Daily June 3rd, 2011

Xukuumadda KMG ah oo Weji gabax kala kulantay Shirkii Kooxda Xiriirka ee Kampala ka dhacay.

Jun 3, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Xukuumadda KMG ah garabka ay hogaaminayaan shariif Sheekh Axmed iyo R/wasaare Farmaajo ayaa weji gabax kala soo kulantay kulankii kooxda Xiriirka Somaliya (Somali Contact Group) ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Ugaandha, halka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya shariif Xasan uu garab ka helay kulankaas. Kulanka oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen dowladaha daneeya... 

Dagaalo Culus oo ka socda magaalada Muqdisho.

Jun 3, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Iskahor imaadyo qaraar ayaa saaka ilaa iyo xalay ka socda degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay isku hayaan Xarakada Al Shabaab iyo AMISOM. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Al shabaab xalay saqdii dhexe weeraro ku ekeeyeen xeyndaabka madaxtooyada Villa Somaliya. Saaka markii uu waagu dilaacay ayay ciidamada AMISOM oo taangiyo wata iyo kuwa... 

Ogeysiis muhiim ah: Kulan Jaalliyadda Gal-Jubba oo ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska

Jun 3, 2011
Gudiga fulinta Jaalliyada SDAG (GAL-JUBBA) waxay si xushmadi ku dheehan tahay ugu wargelinayaan dhamaan jaalliyada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Gobolada G/gaduud iyo Jubooyinka ee ku dhaqan magaalada London ee dalkan Ingariiska inuu jiro shir mahiim ah oo looga hadlayo sidii degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud loogu sameyn lahaa Airport, kaasoo ololahiisa sidii lagu hirgelin lahaa uu ka socdo... 

AMISOM iyo Al Shabaab oo fariisimo ku kala qabsaday Dagaaladii Muqdisho ka dhacay.

Jun 3, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa xasilooni aan caga badan ku taagneyn kadib dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay. Waxaa joogsaday madaafiic culus oo shalay lagu garaacay Yaaqshiid iyo Huriwaa.  Sidoo kale, waxaa hakaday dagaal culus oo shalay Shabaab iyo ciidamada AMISOM ku dhex mnaray wasaaraddii Gaashaandhigga. Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay... 

Kaliil “Xagjirayaasha Shabaab ayaa qarxiyay magaalada Mandheeera”.

Jun 3, 2011
Mandheera, Kenya (AOL) – Maamulka Gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda KMG ah ayaa shaaciyay in weerarada lagu qaado ciidanka Kenya ay mas’uul ka tahay xarakada Al- Shabaab. Maxamed Cabdi kaliil oo ah gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in qaraxii shalay ka dhacay Mandheera ay mas’uuliyadeeda leedahay Xarakada Al Shabaab. Xariiro uu lasoo sameeyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha... 

AMISOM iyo Dowladda KMG ah oo Warsaxaafadeed kasoo saaray go’doominta ay ku hayaan Suuqa Bakaaraha.

Jun 3, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah oo dhawaan weerar ku qaaday seyladda ganacsiga ugu weyn ee Bakaaro ayaa sabab ka dhigay in uu istaago ganacsigii suuqaasi Bakaaro.  Hadaba quwadahaasi wada jira ayaa soo saaray Bayaan ay uga hadlayaan joogsiga ganacsiga Bakaaro iyagoona weerarka ay suuqa kusoo qaadeen ku macneeyay mid ay Shabaab ku beegsanayaan. Hadaba war... 

Qarax ay Ciidanka Kenya ku dhinteen oo Mandheera ka dhacay.

Jun 3, 2011
Mandheera, Kenya (AOL) – Qarax  khasaara dhaliyay ayaa ciidamada Kenya lagula eegtay magaalada Mandheera oo dhacda xadka ay wadaagaan labada dal ee Kenya iyo Somaliya. Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ay baaritaano xoogan ka wadaan magaalada iyagoona gacanta kusoo dhigay dhalinyaro ay la xariiriyeen weerarkii lala eegtay ciidankooda. Saraakiil Kenya...