Home » News »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id arrimo badana kaga hadlay (Dhageyso qudbadda Ra’isal Wasaaraha)

Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa kaddib mar uu maanta kormeer shaqo kusoo maray jiidaha hore ee degaalka ee fariisimaha u ah ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaana goobihii ay dhowaantan kala wareegeen kooxaha dowladda ka horjeeda ee degmooyinka Hodon iyo Boondheere ayaa waxuu shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa. 


Ra’isal Wasaare Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo ay labada dhinac ka fadhiyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdulqaadir Sh. Cali Diini (Midig) iyo S/guuto C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega Badane) bidix. Muqdisho, June 7, 2011/AOL.

Qudbadda Ra’iisul Wasaaraha oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waxuu kaga hadlay arrimo badan oo taabanayay dhinacyada amaanka, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Ra’isal Wasaaraha ayaa wuxuuna halkaasi ugu balan qaaday umadda Soomaaliyeed in Xukuumadiisu ay muhiimada koowaad siin doonto sugidda amaanka, la dagaalanka argagixisada, iyo daryeelka iyo nafaqeynta ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo naftooda u hura difaaca dalkooda.

   Halkaan ka dhageyso qudbadda Ra’isal Wasaaraha

——–
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mogadishu, Somalia

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id arrimo badana kaga hadlay (Dhageyso qudbadda Ra’isal Wasaaraha) "

  1. Xuseen Xasan says:

    Farmaajo labo qalad oo waaweyn ayuu galay markii u qabanayey shirka jaraa’id. Waxayna kala yihiin:

    1. Asigoo meesha soo fariisiyey Taliyayaasha Ciidanka Xooga. Taasoo loo fasiranayo in uu ku faanayo ciidanka oo ula jeedo ciidanka ayaa ila jira.

    Ciidamada in qalalaasaha siyaasadeed ee u dhaxeeya siyaasiyiinta in lasoo dhexgaliyo waa qalad. Waxa isheystaa waa siyaasinta , ciidanka wax shaqo ah oo ku leeyahay ma jirto. Tani waxay ku tuseysaa aqoonyarida uu qabo Farmaajo.

    2. Waxaa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in aanan laga hadlin wadaxaajoodyada lagu lafa gurayo ismaandhaaf siyaasadeed u dhaxeeyo siyaasiyiinta ilaa iyo inta laga gaaro xal siyaasadeed. Qeylida maanta kasoo yeertay waxay ku tuseysaa in uu u gefay mabaadiida ugu horeyso ee wadahadalada siyaasadeed.

    Waxaana hadalkiisa ka muuqday in uu san ku kalsooneyn Madaxweynihiisa oo u matalayey dhinaciisa wadahadalada.

    Farmaajo waxuu sheegtaa in uu bari jiray ardada Conflict Resolution. Maadadan waxay ku bareysaa in Siyaadau aysan ahayn quwad, qori iyo qabyaalad ee ay tahay wadahadal, wax wadaagid-siman iyo waan waan. Iyadoo wahadalo noocaas lagu jiro in aad kasii hordhacdo waxay muujineysaa isku kalsooni yari iyo biseel-yari-siyaasadeed

  2. Keerow Abdi says:

    Barafo! Barafo! Mr:farmaajo you are the one indeed go ahead and push your troops forward and makesure that we all somalis are your sheld keep on, and never give up protecting your brothers, sisters,mothers, fathers and their children.

  3. Waa ku daayey ina Farmaajo. He is finished. Shariifkii Abgaal oo uu aabbaha ka dhigtay baa baska ka tuuray.

    Waqti xun buu yarku jaraynayaa.

  4. Ali dahir says:

    Warbaa ah ma nindhan oo dal dhan madax u ah oo hogaan uhaya umad dhan ayaa wiil yar oo hurdo kakacay mediyaha wax kaga qaadaa mida kale ninka yiri ciidankuu farmaajo isku tustusayaaye adeer ninkii ciidan wadikara ayaa shacabna wadankara dee maxanaqin sxb hadii uu sharaftii iyo mansabkii somaliyed dib usoo nooleyay adeer xiligii qabyaaladu waa dhamaaday tani qaranimadii ayay dib uhesha war aan waxtarayn looma baahna ee sacabkana kudara waanada halaqaato nabadey.

  5. kamaal says:

    Xuseen xasan wax loo jawaabo ma tihid waxaad tahay munaafuq aan si fiican u aqaan luqada uu ku hadlo maanta maha maalintii aad aqoon dugsi quraan lagu faani jiray hadaad aqoon leedahay ama aad rabto inaad wax criticise garayso nin kaa sharaf waxa laga hadlaayo waa federal goverment ee qabiil laga hadlaayo markaad hadlayso horta baro waxaad fikrada ka dhiibanayso waa federal goverment maha qabiilkaaga iyo afkaaga qarmuun ee horta soo baro waxa laga hadlaayo farmaajana keligii ma laha federal goverment somali oo dhan ayaa leh ee markaad federal goverment ka hadlayso dadka oo dhan la hadal lakiin hadaad farmaajo keligii iyo siduu u qabto shirka jaraa’id noo sharax kumaanan oran maqnuudyahow maqnuudku dhalay ee jiran afka haku soo taagin ninkaa sharf badan barana waxa laga hadlo adoon shaqsi afkaaga qarmuun ku soo tagin maha maanta maliintii aad qabiilka buufin jirtay afkaa lagaa garacaa hadaad dadka qabiil la soo gasho.

    Hamigi Dawladnimada Ee Shacabka Soomaaliyeed Talow Madaxwayne Shariif Miyaa Dili Doona

    In ka badan labaatan sanadood iyo weliba waqtiyadi ka sii horeeyey ayey Shacabka hamuun u qabeen in aay helaan Dawlad aay u arkaan mid u adeegeysaa danahooda taana waxaa dareenka shacabka is tusay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo marka ugu horeysay ee la barto aheyd waqtiydi Xukunki Maxkamada Islaamiga ee qeybo ka tirsan Soomaaliya uu isaga hogaaminaayay, Markaas iyo inti ka danbeysayba Shacabka intiisa badan wuxuu u ahaa rajada hogaan ee Wadanku yeelan karo, Inkastuu marxalado badan soo maray fasir kala duwana aay dadka ka kala bixiyeen wuxuu aakhirki noqday Madaxweynaha Dawlada federaalka ah.

    Waxey Dawladiisa ku bilaabatay caga jiid markuu doortay Rai’sul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dadka qaarkii ku eedeeyeen in uu ka gaabiyay istaajinta iyo socodsiinta Dawladi laga filaayay in Umadda dhibta heysato kaga saaro weliba marki danbe eey soo baxaday sida leysla dhex maraayay afgembi hoosaad iyo in Dawladaba meelo kale loo raro kuna saleysaneyd caadhifiyad Qabiil iyadoo weliba aay cadeyd dadki uu u xushay Golahiisa Wasiirada oo ahaa inta badan wejiyo aan looga baran dhaqaajin dawladeed iyo u shaqeyn Umadadeed, Taas waxey abuurtay in raggi ku doodaayay in Madaxweyne Shariif uusan istaahilin amaantaa tirada badan aay helaan dhego dhageysta doodooda, Markaas waxaa meesha ka bilowday isqabqabsigi RW, Madaxweynaha iyo dabcan Gudoomiyaha Baarlamaanka oon u baahneyn marxaladaha uu soo maray in aan Umada u sii fasirno oo runtii ka soo saftay dhanka RW taasina aay noqoto bilowgii is herdinta danaha gaar ahaaneed.

    Madaxweyne Shariif iyadoo sumcadiisa gebi ka laalaado ayuu wuxuu go’aansaday in uu doorto RW cusub, Taasoo marki ugu horeysay uu ka talaabsado dhaqanki ahaa aan isla keeno R Wasaaraha ka dibna si seddex geesood ah aan u qeybsano Golaha Wasiirada taas waxey sii kordhisay kala fogaanshihi Madaxweyna iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isaga qaas ahaan dano meelo badan ku xiran darteed oo u badan mid dhaqaale u diideysay aqbalaada meel marinta danta guud laakin waxey ku dhamaatay in lagaga guuleysto hardanki Siyaasadeed, Madaxweyne Shiikh Sharrifna sumcadiisii u dib u soo ceshado markuu doortay R Wasaare aan ku iman gorgortan, R Wasaaruhuna uu isna doortay Dhalin wax baratay ee iyana aan ku iman qeybsi iyo gorgortan.

    Haddaba, Dawladaas uu hogaanka u noqday RW Farmaajo mar keliya waxey noqdeen rajadi Umada Soomaaliyeed, Kuna talaabsadeen horumar xagga arrimaha Bulshada iyo is fahansiinta ciidamada gargaarka u yimid iyo kuwi Soomaaliyeed, Taasoo dhaxalsiisay guulo la taaban karo, Runti waxaa kale oo amaan mudan habkeey u xakameeyeen lacagti daqliga Dawlada ee ka imaanaayay Dekeda iyo Madaarka Magaalada Muqdisho iyo siinti mushaaharadaha ciidanka iyo shaqaalaha Dawlada iyadoon marnaba kala go’o ku iman iyo dabcan horumarka dhanka waxbarashada oo ah iyadana mid la taaban karo, Waxaa kaloo la ilaawi karin Nadaafada, dib u hagaajinta dhismayaashi Dawlada iyo bilaabista nal gelinta Wadooyinka magaalada iwm.

    Sidaadarteed, Waxaa abuurmay cadaawad ka timid dadki ilaaway wadanka in aay iyagu leeyihiin iyo kuwi rabay in aaney Soomaali toosan oo wax qabsata la arag, Wadajirkoodii dagaal ayey ku soo qaadeen Iftiinka baxay oo leysla tagay meelo ka baxsan Wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba, Waxaa garab u noqday rajada soo iftiimtay Dawladihi Ciidamadooda u soo diray Wadanka si aay u garab siiyaan Fikirka saliimka ah aay ku socoto Dawladda RW Farmaajo Waayo waxey ku doodeen in aay Dawladani xambaarsantahay Caqligi badbaadin lahaa Wadankan iyo Umadiisaba.

    Waxaase Caawa talo joogtaa hadii aay run tahay hamhamta Kampala ka soo yeereysa ee la leeyahay waxaa lagu celin Soomaaliya habki laga talaabsan waayay waqtiga dheer ee ahaa Qeybsiga Dawlada markuu Gudoomiyaha Baarlamaanka ku hungoobay xagal daacinti Dawlada in uu yiraahdo waa ogolaanaayaa in hal sano Dawlada loogu daro haddii Kursiga R Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada Qeybteeda aan wax ku yeesho..Madaxweyne Shriifna uu arrinta ka ogolaaday ayey arrini waxey noqoneysaa Danta guud waxa igaaga weyn markeey xaalada heerkaas gaarto kursiga aan sanadka ku sii nagaan doono Sumcadina waa meesheeda!

    Sow sheekada gunaanadkeeda noqon meyso Shariif oo Hamigi Shacbka dilay hadeey arrinta saa noqoto.

  6. Shaqale says:

    Nin dameero dhansaday ma helo dalawi xoorkeed di haal ala baday haday dixo u muqdan. Walalayaal nin nin u adeega dawlad ma hogaminkaro waxan rabaa in aan u jawaabo keerow abdi iyo ali dahir saxibayaal farmaajo waxba maqaban aanka ahayn dad u ka barakiciyey gobolka gedo oo u qabiil maskaxda uga xaday sxb in askari ugandese ah la i dabo tago oladhoho shacab baan difaacaya waa wax laga xishodo runtii ayga iyo ku wakaso horjedabo dan somaliyeed mawadan ee somaliyey tasho oo israaca