Home » Archive Daily June 25th, 2011

Ururka SASDO oo Buugaag iyo qalimaan ay ugu deeqdey Hay’adda UNICEF Guddoonsiiyay qaar ka mid ah Iskuulada Caabudwaaq

Jun 25, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ururka SASDO oo Buugaag iyo Qalimaan ay ugu deeqdey Hay’adda UNICEF Guddoonsiyey qaar ka mid ah Iskuullada Caabudwaaq Xafiiska Ururka SASDO ee Magaalada Caabudwaaq ayaa Buugaag badan iyo Qalimaan guddoonsiiyey iskuulaad Magaalada Caabudwaaq.  Agabkaan ayaa waxaa Ururka ugu Deeqey Hay’adda Unicef, waxayna isugu jireen Buugaag, Qalimaan iyo Qalab-xafiiskeeda... 

Maamulka Kismaayo oo Qalab Waxbarasho gaarsiiyay in ka badan 9 Iskuul (Sawiro).

Jun 25, 2011
Kismayo, Somalia (AOL) – Maamulka Islaamiga magaalada Kismaayo ayaa maanta deeq waxbarasho ku godoonsiiyay bahda waxbarashada qeybaheeda kala gedisan ee magaalada Kismaayo.  Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayuu Maktabka Tacliinta wilaayada Kismaayo qalab waxbarasho oo casri ah ku gudoonsiiyay dugsiyada iyo jaamacadaha kajira magaaladaasi Kismaayo. Qalabkan waxbarasho... 

Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Luuq iyo Garbahaarey.

Jun 25, 2011
Dagaalo goos goos ah ayaa galabta ilaa iyo caawa ka dhacayay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya. Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gabal dhicii maanta madaafiic ku weeraray saldhigyo ay ciidamada DKMG ah ku leeyihiin hareeraha degmada Garbahaarey waxaana dhacay dagaalo si toos ah labada dhinac u dhaxmaray. Dad ku sugan degmada Garbaharey ayaa sheegay in... 

Maamulka Puntland oo beeniyay in Ciidan laga Gowracay.

Jun 25, 2011
Meydadka ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa maamulka Puntland ayaa lagu arkay deegaano katirsan Gobolka Bari oo gacan ku heyntiisa ay ku loolamayaan xoogaga Sheekh Atam iyo ciidanka Faroole. Meydadka laba Askari oo qoorta laga jaray ayaa lasoo dhigay wadada isku xirta tuulada Carmo iyo magaalada Boosaaso waxayna ciidankaasi ahaayeen kuwa caan ka ahaa gudaha taliska ciidamada daraawiishta... 

5-Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen duqeyntii magaalada Kismaayo oo la xirxiray.

Jun 25, 2011
Shan wiil oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay u basaaseen diyaaradihii habeen hore duqeynta xagga cirka ah ka geystay xero tababar oo xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ku leeyihiin magaalada Kismaayo ayaa xalay lagu qabqabtay magaalada Kismaayo.  Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo xalay howlgalo ka sameeyay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxay xaafadda Qandal ee maaalada... 

Beesha Cali Ibaahim (Reer Biciidyahan) oo ka tacsiyadeyneysa dilkii magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya loogu geystay Dr. Maxamud Maxamed Yaxye.

Jun 25, 2011
Dhamaan beesha Cali Ibraahim  (Reer Bicidyahan) waxay Tacsi Tiraanyo leh u dirayaa Eheladdi iyo Asxaabtii iyo qarabadii uu ka geeriyodey Dr. Maxamud Maxamed Yaxye Muus Gar ahaan waxaan Tacsidaan si gar ah ugu diraynaa Reer Yaxye Muuse iyo Reer Jibriil Muuse iyo dhamaan Beelweynta Cali Ibraahim Geeridii ku Timid Marxuum Maxamud oo 21 Jun 2011 lagu Diley Magalada ADDIS-ABABA ee Dalka Itoobiya waxaanu... 

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay weerarkii ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo

Jun 25, 2011
Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay weerar duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ciidamadoodu habeyn hore ku qaadeen xero ciidamada Al-shabaab ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.  Jony Karson oo ah Ku-xigeenka arrimaha dibadda Bariga Afrika ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeymo ka geysteen xero ay xarakada Al-shabaab ku leeyihiin magaalada Kismaayo... 

Qaramada Midoobey oo soo dhawaysay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Jun 25, 2011
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas oo dhawaan loo magacaabay xilkaasi.  Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladaha Soomaaliya iyo magacaabaista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.   Golaha ayaa si wayn u soo dhoweeyay Dr. C/weli Maxamed Cali...