Home » Archive Daily June 27th, 2011
Barnaamijkii Faaqidaada Todobaadka oon kusoo qaadanay arrimo badan oo Soomaaliya quseeya halkaan ka dhageyso.
Barnaamijkeena Faaqidaada Todobaadka ayaan maanta ku qaadaa dhigi doonaa amuuro badan oo la xariira kuwa Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Iscasilaadii Ra’isal Wasaarahii hore ee Soomaaliya, iyo magacaabistii Ra’isal Wasaare cusub oo badalay iyo amuuro kale oo badan ayaad ku maqli doontaan barnaamijkaan Todobaadlaha ah ee AOL .
Barnaamijka waxuu nooga imaanaya xarunta maamul goboleedka...
Madaxweynaha maamulka Bartamaha Somalia oo ku laabtay Britain, kana warbixiyey xaaladiisa.
Xalay ayaa diyaarad waday madaxweynaha maamulka Bartamaha Somalia Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ay ka degtay magaalada London ee dalka Britain muddo uu ku xayirnaa kadib wadanka Ethiopia.
Mr. Carabey waxaa soo dhaweeyey xubno ka tirsan Somali Central State iyo dadweyne aad u fara badan oo u galbiyey magaalada Leicester halkaasoo ah meeshii laga soo aas-aasay dowlad goboleedkan, caleemo qotan iyo calanka...
Gabayga “Laba Sadle” halkaan ka dhageyso – A. Y. JAMA Abdullahi Isim
Asc. dhamaan akhiristayaasha webkan. Allaah baa mahad leh. Rasuulkiisa sharaf leh.
Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa; Maansada hoos ku xusan. Maansadan ayaa magaceedu yahay LABA SADLE… Dulucdiyo ujeedada saad uga dan bogataan codka dhagaha deeqsi ama hoos ka daalaco gabayga adiga oo mahadsan mar walba:
Gabayga Laba Sadle waa kan ee halkaan ka dhageyso
———
WAXAA QARAN...
Safaaradda Somalida oo wada qaban-qaabada sanad-guurada 51-aad ee xornimada Somalia.
Safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Kenya ayaa wada qaban-qaabo ballaaran oo ay ugu jirto sidii ay u qaban laheyd munaasabadda 51-guuradii ka soo wareegtay israacii gobolada waqooyiga iyo koonfurta Somalia iyo markii sida rasmiga ah loo helay xornimada, iyadoo xuska sanadkan uu ahmiyad gaar ah leeyahay.
Ambassador Maxamed Cali Nuur (America) safiirka Somalia u fadhiya Kenya ayaa sheegay in xuskan...
Gabay: Qiil maleh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane – Abwaan Duraan Shirwac.
Gabaygan la yiraahdo Qiil maleh Qabyaalidi waxaan sameeyey markaan dib u xasuustaysidii loo qaban qaabin jirey looguna qiiroon jiray xafladana loogu sameyn jirey maalmihii qaranimadaiyo xoriyada aan qaadanay oo ahayd 26kii juun iyo 1dii luuluyo oo israacday waqooyiga iyo koonfurtasoomaaliya oo ay noqdeen qaran midah oo taagan,sanadkii 1960kii,sidaas awgeed waxaan tabay inaan si guud loo samayn xafladihii...
Uururka Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed oo munasabada Kowda Luuliyo awgeed Shacabka Soomaaliyeed Hambalyo ugu diraayo.
Waxaa ammaan iyo mahad leh alaah kadibna umadda soomaaliyeed ee jecel xoriyadda iyo nabadda kuwaa oo sanadkiiba 2 maalmood u dabaal daga maalmaha ay Soomaaliya xoriyadda qaadatay.
Umadda Soomaaliyeed ayaa sanadkiiba LABA maalmood si ay farxadi ku dheehan tahay ugu dabaal dega maalinta 26-ka June oo ah maalinta ay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ka xoroobeen gumeystaha Ingiriiska iyo maalinta 1-da July...
Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota qoyska iyo qaraabada uu ka dhintay marxuum Bashiir Ibraahim Faarax (Qoobey).
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Illaahay naxiriistii Rabbi ha ka waraabiyee, waxaa shalay maqribkii ku geeriyooday xarada Qaxootiga ee Kakuma oo uu intii muddo ahba ku xanuunsanaa Aabe Bashiir Ibraahim Faarax (Qoobey).
Marxuumka wuxuu ifka uga tagay Labo xaas, 16 carruur ah iyo 9 uu awoowe u yahay. Geeridaan waxaa la ogeysiinayaa dhamaan caa’ilada iyo saaxiibadii uu marxuumka ka...
Taariikh noololeedkii Allaha u naxariistee marxuum Prof. Maxamud Maxamed Yaxye oo kooban.
Allaha u Naxariistee Marxuum Prof. Maxamud Maxamed Yaxye Wuxuu ku dhashay Magaaladda Galkacyo Sannadku Marku ahaa 1945.Wax barashadiisi Dugsiga Hoose iyo Dheexe iyo Qur’aanka wuxuu ku dhameyey Magalada galkacyo,Wuxuuna ahaa shaqsi aad u fahmo badan,1960 Wuxuu waxbarsho u adey Wadanka Masar halkaas oo uu ku soo dhameyey Dudsiga sare
wuxuuna soo barataya Culuunta dhaqalaha wuxuuna ku soo bartay...
Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM oo loogu deeqay diyaarado dagaal.
Dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa waxaa loogu deeqday ilaa 4 diyaaradood oo ah dagaalka, waxaana la sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin nooca aan lahayn duuliyaha.
Diyaaradahaas ayaa waxaa dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM ugu deeqay dowladda Mareykanka, waxaana loogu talo galay baa la yiri in ay kula dagaalamaan xoogaga Al-shabaab.
Sarkaal u hadlay dowladda Mareykanka ayaa...
Col. Caalim oo kala diray Golihii Wasiiradda Maamulka Galmudug.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Galmudug Col. Maxamad Axmed Caalim ayaa guud ahaan xilalkii looga qaaday Xubnihii golaha Wasiirada maamulkaasi, waxaana ku qeexnaa wareegtadaasi in kala dirista Wasiirada loo cuskaday qodobo sharciga waafaqsan oo Xil gudasho la’aan ka mid tahay.
Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu sheegay in maalmaha soo socda la soo magacaabi doono Gole Wasiiro...
