Home » Archive Daily June 28th, 2011

Golaha Baarlamaanka oo maanta u codeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo khudbadii Ra’isal wasaaraha halkaan ka akhri.

Jun 28, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta hortagey golaha baarlamaanka si loo ansaxiyo.  Golaha Baarlamaanka ayaa cod u qaaday ansixinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana ansaxiyey 437 xildhibaan, halka ay 2 xildhibaan diideen, 4 xildhibaanna ay ka aamuseen. Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 443 xildhibaan.  Ra’iisul... 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa laga cosanayaa in ay kasoo qeyb galaan qabashada xuska 1-da Luuliyo.

Jun 28, 2011
London, England (AOL) – Xaflad aad loosoo agaasimay oo ah damaashaad iyo soo dhaweyn loogu sameynayo maalinta qadarinta mudan ee 1-da Luuliyo ayaa ka dhici doonta Hall-ka weyn ee  Walthamestow prestege House, 16 clifton road   E-17. Waxaa xafladaas maalinta damaashaadka mudan ee 1-da Luuliyo maaweelo iyo heeso wadani ah kusoo bandhigi doona kooxda wadaniga Soomaaliyeed ee Qaylo-dhaan, waxaana... 

Dr. Maxamed Cumar sida uu sheegtay waa mas’uul sare oo kasoo fakaday Al-shabaab “Dhageyso shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Nugaal oo ku yaal magaalada Garoowe.)

Jun 28, 2011
Dr. Maxamed Cumar oo ka mid ahaa sida uu sheegtay mas’uuliyiinta kooxda Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca Siyaasadda iyo fidinta afkaarta Ururkaasi ayaa maanta Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Nugaal oo ku yaala magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland waxuu ku sheegay in uu si toos ah uga baxay Ururkaasi.  Mas’uulkaan horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa ka warbixiyay arrimo... 

Shir odayaasha dhaqanka loogu qabtay dalka Yugandha oo soo gabagaboobay.

Jun 28, 2011
Waxaa maalintii shalay magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shir ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay oo  loo qabtay Odayaasha dhaqanka Beelaha Muqdisho.  Shirkaas oo looga dooday saddex qodob ayaa waxaa gunaanadkiisii saxaafadda uga warbixiyay Guddoomiyaha Golaha Midnimada Odayaasha dhaqanka Beelaha Muqdisho.  Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in shirkaasi lagu soo bandhigay... 

Dr. C/qaasim oo Fariin isku mid ah u diray Xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG.

Jun 28, 2011
Dr. C/qaasin Salaan Xasan oo mar madaxweyne kasoo noqday Soomaaliya ayaa  fariin kulul u diray madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada Al-shabaab.  Waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin joogto ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo sida uu sheegay ay dushooda ku dagaalamaan.  Dr. C/qaasin Salaad Xasan oo... 

Xildhibaanada Baarlamanka KMG oo ku sii qulqulaya Xarunta golaha shacabka si ay uga qeyb galaan cod u qaadida Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Jun 28, 2011
Waxaa ku sii qulqulaya xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho  xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ka yeelanaya cod u qaadista Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.  Xildhibaannada ayaa ka doodaya kalsooni siinta Ra’isal wasaaraha cusub ee xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, iyadoo kulankani uu baaqday dorraad oo ay ku beegnayd 26-ka June.  Xildhibaan...