Home » Archive Montly July, 2011
Meeting with Somali-Americans About the Crisis in the Horn of Africa
Nancy Lindborg is USAID’s Assistant Administrator for the Bureau for Democracy, Conflict and Humanitarian Assistance.
The face of famine is painfully personal for members of the Somali American communities in Columbus, OH and Minneapolis, MN. Yesterday, I led a community roundtable in each city, home to the two largest Somali diaspora communities in the United States. I was able to express deepest...
Fariinta Bisha Barakeysan ee Soonka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya (Ramadan 1432 Hijra.)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Caalamka waxaan u dirayaa Hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadanka oo ah bil fadli gaar ah u leh muslimiinta oo ay gudanayaan waajibaadka diiniga ah. Bisha barakeysan ee Ramadan oo caawa dhalatay waxaa waajib nagu wada ah inaan ku faraxno oo aan si kal iyo laab ah u soo dhoweyno.
Bishan barakeysan ee Ramadan waa bishii...
Doofaar dad ku dhaawacay Degmada Libooye oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Liboye, Somalia (AOL) – Doofaar loo maleynayo inuu harraad iyo gaajo uga soo tegay miyiga ayaa labo qof ku weeraray deegaanka Libooye ee ku yaalla xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka Libooye Cabdi Sheekh ayaa Allgedo u sheegay in doofaarka uu galabta soo galay deegaanka, islamarkaana dhaawac gaarsiiyay gabar iyo hooyadeed oo meel wada joogay. Cabdi Sheikh waxa...
Ururka Samafalka HIRDA oo Dugsi Waxbarasho oo ku yaala Magaalada Kismaayo ku kordhiyey dhismayaal Cusub (Sawiro.)
Kismayo, Somalia (AOL) – Ururka Samafalka Wadaniga ah ee HRDA ayaa gudaha Magaalada Kismaayo waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey Mid ka mid ah Dugsiyada Waxbarashada ee ku yaala Magaalada Kismaayo, Dugsigaasi oo lagu Magacaabo Maxamed Jaamac Primary and Secondary School oo ay hadda wax ka bartaan ardey tiradoodu ay gaareyso ilaa 500 oo ardey...
Hay’adda ICRC oo Gargaar dhinaca Raashinka ah gaarsiisey kumanaan Qoys oo u badan Barakacayaal kuna sugan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo (Sawiro.)
Balad-xaawo, Somalia (AOL) – Hay’adda Samafalka Caalamiga ah ee ICRC ayaa waxaa ay soo gabagabeysay Howl balaaran oo Gargaar raashiin ah loogu qeybinayey kumanaan Qoys oo u badan Barakacayaal oo waxyeelo adag ay ka soo gaartey dhibaatooyinka ay keeneen Abaaraha ka taagan qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Koonfureed, kuna kala sugan deegaano ka kala tirsan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo,...
Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo oo si kulul u Cambaareeyey Maamulka Azaaniya.
Buur-dhuubo, Somalia (AOL) –Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen aragtidooda ku aadan dhismaha Maamul Goboleedka Azaaniya oo horey loogaga dhawaaqey Dalka Kenya, islamarkaana la sheegay in maamulkaasi uu mateli doona Gobolada Gedo, Jubada Hoose iyo Jubbada dhexe, ayaa waxaa ay sheegeen dhismaha maamulkaasi in aanan lagala tashan, islamarkana...
Ugaas Ciise Ugaas Cabdille iyo dad badan oo kale oo u Hambalyeeyay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Laga bilaabo maalintii Ugaas Maxamed Ugaas Cumar loo doortay in uu noqdo Ugaaska beesha Sade ee buuxin lahaa Alle ha’u naxariistee booskii uu ka baxay aabahiis Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ilaa iyo hadda ayaa waxaa AOL si isdaba joog ah usoo gaaraya Hambalyooyin si toos ah ugu socda Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.
Haddaba, dadka ay magacyadooda hoos ku xusan yihiin ayaa Ugaaska cusub ee beesha...
Madxweyne Shariif Sheekh Axmed oo gaaray dalka Jabuuti.
Jabuuti, Jabuuti (AOL) –Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo habeenimadii xalay safar aan horay loo sii shaacin uga amba baxay Caasimada magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti iyo xubno kale, waxaana lagu wadaa in maantay kullan la qaato...
Dagaalo kulul oo ka dhacay deegaano ku dhow Magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
Balad-xaawo, Somalia (AOL) –Dagaalo kulul oo la isku adeegsaday hubka qeybahiisa kala duwan una dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG soomaaliya, Ahlusunna Waljamaaca oo dhinac ah iyo Xoogaga alshabaab ku dhex maray deegaano ku dhow Magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.
Weerarada dagaaladani ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo kuwa ahlusunna Waljamaaca oo gaadiid dagaal ku hubaysan...
Dagaalo goos goos ah oo saaka ka socda aagaga magaalada Muqdisho.
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka laga helayo saakay oo Axad ah Caasimada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay ka socdaan dagaalo goos goos ah qeybo k a mid ah magaalada gaar ahaan aagagii dagaalada ka socdeen maalmihii tagay.
Waxaa la maqlayaa saakay rasaas goos goos ah iyo Madaafiic marmarka qaar si xoogan u dhacaysa, waxaana laga maqlayaa rasaastaasi goobaha ay isku horfadhiyaan Ciidamada dowladda...
