Home » Archive Daily July 9th, 2011

Guddi farsamo oo loo doortay mideynta iyo xal raadinta beesha Sade.

Jul 9, 2011
Shirar Saddex Todobaad socday oo ay soo abaabuleen aqoon yahano iyo waxgarad ka tirsan beesha Sade ee kasoo jeeda deegaanada gobolada dhexe, Gedo iyo Jubbooyinka ayaa waxaa todobaadkii hore lagu doortay xubno guddi farsamo oo ka kooban 27 xubnood, kuwaas oo noqon doona kuwo ay howshoodu tahay mideynta iyo xal u raadinta wixii khilaafaad ah ee beesha Sade ku dhex jira.   Guddigu waxuu si dhaqsiyo... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo la filayo in kullan ku dhex maro Neyroobi.

Jul 9, 2011
Waxaa siyaabo kala duwan uga ambabaxay magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe wafdiyo ay kala hoggaaminyaan Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), kuwaasoo xalay u hoyday magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya. Wararku waxa ay sheegayaan in labada dhinac lagu wado inay kulan gaar ah ku yeeshaan... 

Maamulka Somaliland oo garoomada ka mamnuucay diyaaradaha Jabuuti.

Jul 9, 2011
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa  sheegaya in maamulkaasi uu joojiyay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Garoomada diyaaradaha Somaliland diyaaradda Jabuuti AirLine. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in diyaaradda AirLine Jabuuti lagu arkay cilado badan oo qatar gelin kara sida ay yiraahdeen nabadgelyada dadka raacaya, sidaa awgeed... 

Maamulka Xarakada alshabaab gobolka Bay oo dad eedeysanayaal ah ku fuliyey xukuno kala duwan.

Jul 9, 2011
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Labaatan-jirow ee gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi maamulka Xarakada Alshabaab xukuno kala duwan ku fuliyeen dad lagu eedeeyey in ay galeen falal dambiyeedyo kala duwan. Maxkamada maamulka Xarakada alshabaab degmada Labaatan-jirow waxay xukuno Tacziir ah ku fulisay dhalinyaro lagu eedeeyey in ay galeen falal dambiyeedyo kala  duwan. Guddoomiyaha degmada Labaatan-jirow... 

Kooxo hubaysan oo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo dad rayid ah ku laayay.

Jul 9, 2011
Kooxo hubaysan ayaa habeenimadii xalay weerar qasaaro gaystay waxaa ay ku qaadeen dhalinyaro la sheegay in ay ka mid ahaayeen ganacsatada suuqa Bartamaha waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Wararaka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay abaare salaada Ceshaha kadib kooxo Maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen dhalinyaro ku sugnayd xaafada Garsoorka Waqooyiga Magaalada... 

Maamulka gobolka Gedo ee dowladda KMG oo arrin qiyaamo ah ku tilmaamay Baaqii Alshabaab.

Jul 9, 2011
Maamulka gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in arrin qiyaamo ah ay tahay baaqii ka soo baxay Xarakada Alshabaab ee ahaa in ay ogolaadeen in deegaanada ay ka taliyaan gar-gaar la keeni karo si dadka dhibaataysan loogu gurmado. Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamad Cabdi Kaliil oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid qiyaamo...