Home » News »

Baarlamanka KMG Soomaaliya oo maantay meel mariyey Heshiiskii Kampala.

Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya oo maantay kullan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho isla markaana kaga doodeen heshiiskii Muranka badan dhaliyey ee ay horaantii bishii hore Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ku ansixiyeen Qodobadii ka soo baxay Heshiiskaasi.

Kullanka oo ay soo xaadireen 436 Xildhibaan waxaa shir guddoominayay Afhayeenka Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif  Xasan Sheekh Aadan, waxayna mudanahaasha ka doodeen Heshiiskii Kampala, iyadoona gaba gabadii natiijada ay noqotay mid ay Baarlamanku Ansixiyaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi.

393 Mudane ayaa ansixiyey heshiiskaasi 36 Xildhibaan way ka hor’yimaadeen halka 7 Xildhibaan ay ka aamuseen, waxa uuna codka ahaa mid fartaag ah, mana jirin wax buuq iyo sawaxan ka dhacay kullankii maantay, marka loo eego kullankii maalintii shalay ay yeesheen oo ku idlaaday Natiijo la’aan buuq iyo qelo dhaan lagu soo dhaweeyey madaxdii dowladda KMG Soomaaliya ee ka soo qeyb gashay kullankaasi.

Si kasta oo ay ahaato Ansixinta Heshiiskii Kampala ayaa imaanaya xili Inta badan Bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga soo horjeesteen Qodobadii 10-ka ahaa oo ay ku Heshiiyeen Labada Shariif, taasoo sababtay in uu Is-casilo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo.
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Baarlamanka KMG Soomaaliya oo maantay meel mariyey Heshiiskii Kampala. "

  1. kamaal says:

    Aad ayaan uga xumahay inaad tirahdaan barlamaanka somaliyeed intaad oran laheedeen Baarlamaanka Shariif Xasan oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha shacabka ayaa waxa ay ku ansixiyeen heshiiskii maxmiyad galinta Soomaaliya ee ka dhacay KAMPALA

    393 ka tirsan taageerayaasha Shariif Xasan iyo kuwa kale oo lacago lagu harqiyay ayaa waxa ay ku ansixiyeen heshiiskaasi ujeedadiisu ay aheyd maxmiyad galinta Soomaaliya.

    Tira yar oo u muuqtay in ay damiir wadaniyadeed leedahay isla markaana isku dayay in ay muujiyaan heshiiskan buddhigiisu in ay tahay Gumeysi ayaa booq iyo qeylo looga saaray hoolka shirarka Waxaana qeyb ka ahaa dadkaasi Boot c.lle Magan.

    Shalay ayeey aheyd kolkii Shariif Xasan fadeexad xoogan uu kala kulmay xarunta golaha shacabka kadib markii uu waayay cid dhageysatay, waxaana uu ku hanjabay xiligaas hadaan tiisa loo raacin in xabsiga la dhigi doono cidii ka hor imaado.
    Habada maxaa la gudboon SADE waa inaad ogataan in somaliya u gacan gashay gumaysi dibada ka yimid iyo mid midabka noo eg oo af somali ku hadla waxaan kula talin lahaa reer sade inay ogadaan barlamaanka hada maha barlamaan somaliyeed ee waa barlamaan ay dhisteen LABADA SHARIIF waxay ku soo darsadeen 250 aan anigu u aqaan XOOLAHA labada shariif wax alaale iyo waxay donanan ayay ka suubin karaan barlamaanka beenta ah marka waa inaad indhaha furtaan oo aad ogataan inuusan waxaan barlamaan aheen.

    EE uu yahay barlamaan ay leeyihiin labada shariif waxay doonana ay ka yeeshan waa qaar ay ayagu keensadeen iyo qaar warlordkii wadanka rogay oo ay iibsadaan ama dilalaal ahaan labada shariif difaaca marka la ogaado ama laga horyimaado ayaa indhacade iyo mahamed dheere noqdaan afhayeenka ciidamada labada shariif.
    REER sadow indhaha fura oo daacadnimada iska daaya oo hoos u fiiriya waxaad tageeraysaan ama aad barlamaan ugu yeeraysaan iyo sida siyaasada somaliya u soco FAROOLE WAA NIN WAX OG LAKIIN AKHLAAQ XUN oo kibir iyo faan badan lragna iska dhicin karin oo fulay ah lakiin qaa’imiinta yaqaan siday u socdaan iyo siday u seexdaan.

    HADA LAGA BILAABO FAROOLE WUXUU DIIDO AAN DIIDNO WUXUU YEELANA AAN DIIDNO SIDAA HADAAN YEELNO SIYAASADA SOMALIYA WAAN LA JAANQAYNAA HADII KALE BUSTA AYAA LAYNOOGA TAGI DOONAA…

  2. WIILSADDE says:

    MA AWAL BAAD KA SUGEYSEEN IN AY WAX DIIDAAN KWAAN! AAD KU RTAQIINEEN CADAQAATANIMADDA. ALLE AYAAN OGA RAJEYNAYAA IN UU NAGAQABTO INTA QADIYADDA IYAGA IYO WIXII LAMID AH.
    ARRINKU WAA SHINBIROOW HEESA OO HEES WANAAGSAN HEESA!.
    WIILSADDE

  3. Abu fatima says:

    Nin Ugaandha tuu gaaya oo arigi raa caaya
    Museveni afa uu qabaad abidba sheeg taane
    Xilmadhibe asaasaqa ayaad noo amaan taane
    Anshax laawe dhaqan kiisu yahay aniga ii dhiibo
    Kuwan kada Ilaah dooriyee uunku wada diiday
    Dad waxaw ayaan daran qofkay arin wadaa gaane
    Ale caasi gaal raac ahoo diidan amrkiisa
    Awal bay ridiyo wada galeen hoy albaab xirane

  4. kamaal says:

    Allow maxaa dabin loo dhigay oo uu ilaahay ka badbaadashay alla ha u naxaristee MahmaED SIYAAD.WiKiLeaks Oo Soo Bandhigtay Sababihi Jeelki Dheeraa Ee Digtoor Yuusuf S. Bardacad
    Thursday, 06 January 2011
    1969 biishi Oktobar, cawa la kala shaqeystay, goor waabari ah ayaa la arkay halbaw-layaashi caasimada Mogdisho, oo ciidamadi jeyshka gees ka gees ku gaadaaman .. indhihi dadka waxay arkeen cutubyo ciidan goobo kala duwan soo dagay oo diirada iyo keebka haya iyo horimo ilaalo is daba jooga, oo iyagana haysta hub cayn cayn ah, waxaa kalo gurmad komandoos lagu soo daadshay xarumihi dawlada .. maalintaas amaradi socday wixii diida waxay ahayd allow sahal.

    Maalin ka dib ayaa la ogaaday in ciidamada is-dhaafaya ee galaa-baxaya u ahaa afgambi horseed u yahay General Maxamed Siyaad .. Dalka oo run ahaanti aad uga niyad jabsanaa maamulki Rayidka ayaa si la yaab leh u soo dhaweyey afgambigaas dhacay oo la yiri waa farax, durbaan iyo aroos loo sacab-tumay, iyagoo u arkaayey in lurti, abaarihi kala dambeeyey iyo colaadi arlada ka aloosneyd, waxa kaliya ee buuxin-kara baahida Soomaalida xiligaas ay ahayd inqilaab milatari oo dhaca .. halka hogaamiyihi mucaaradka dawladi Raydka Digtoor Yuusuf Samantar Bardacad U isagu qabay in is-badalka u ku yimaado kacdoon Shacbi ay horseedayaan hormoodka Shaqaalaha iyo Saraakiil Progressive ah oo wax ku soo bartay dalalka hanti-wadaaga

    Taariikhda Siyaad iyo afgambigiisa ma rabo inaan ka hadlo, oo mar kale ayaan sheekadaas u banaanbixi-doona .. waxaan qorayo waa waxaan wada joogay ama dalil cad aanu hayo,waxaana u hambal-yeynaya iyagoo ku mahadsan dhambaalada e-meelka igu soo dhacaya oo wax walba leh, haba u badnaadeene bogaadin iyo diirigalin qoraalada fikirka noocaana ila qaba .. koleyba dadku mudo waxay ku mashquuleen sidee dhibaatada looga baxa mooye, sidee taariikhda loo aruuriya niyadaba laguma hayn .. laakiin waxaa xaqiiqa ah in xukun-kasta oo la soo maro uu leeyahay samaan iyo xumaan, meel u ku wacnaan-karo iyo mid u ku xumaankaro .. Sidaa darteed waxaan maanta WiKileaks-kaan ku soo koobaya sababihi iyo wixii Digtoor Yuusuf Samantar “Bardacad” u ku muteeystay inu xabsiga ku caweeyo muddo ku dhaw labaatan sano, iyado lagu sunto inu ka mid yahay siyaasigi ugu xabsi dheera mudadi u Siyaad Bare Xunkunka dalka haystay,waxaana surtagal ah in dad badan oo haba u badnaadeene jiilkaan dambaba aney xitaa magaciisa maskaxdooda ku jirin.

    General Siyaad Bare Xiriirkiisa dhabta ah ee ruushka isagu ma sameysan, aragti horana isuma lahayn aan ka ahayn dhawr tababare Ruush oo xeryihi milatariga ku sugnaa mooye oo rumeysnaa in Jeneraalka xooga dalka ay isku aragti ka yihiin xaga afkaarta iyo aaraada ku sal leh u hiilinta hanti-wadaaga .. hasa ahaate muddo gaaban ka dib Maxamed Ibraahim Cigaal oo raiisal wasaaraha Somaaliya xiligaas ayaa joojiyey lacagti deyn bixinta ee la siin jiray dawladi ruushka, taaso keentay in ruushki isagiina dhiniciisa joojiyo tababaradi iyo dayactirkii hubka .. dabadeed General Siyaad arintaa darteed ciil isla duubay kuna taahay ” aleylahay intaan laygu Qadeyn aan wax ku Casheeyo” isagoo ku hamiyey inu xilgi inqilaabka ka soo hormariyo waqtigi u cayimnaa.

    Rag is galay kala galad la’ .. hadafka hootada Maxamed ibraahim Cigaal ee cuna qabateeynta ciidamada, waxay ahayd gogol-xaar in Jananka Siyaad u Caabud-waaq Cadayada ka gurto, halkii-saasna isaga alla baryo .. Sidaa darteed General Siyaad oo ahaa Nin xog-ogaal badan, xarfado iyo loobby baas lahaa, waxuu aqalkiisa goor habeena ku marti qaaday Dr.Yuusuf Samantar Bardacad oo markaas ahaa madaxa xisbigi la oran jiray SDU xiriir haybad iyo Qaraami fiicana la lahaa dhaq-dhaqaaq-yadi axsaabta hanti-wadaaga caalamka, gaar ahaan xisbigi dawldi Sovetka oo ay u haysteen Mr.Bardacad Naamuuskii hanti-wadaaga geeska afrika .. Siyaad ayaa calaacal ahaan uga waramay Bardacad,xaalada hagradaamo ee u gaagixiyey Maxamed Cigaal Iyo go’aankii Ruushka u ka qaatay, Sidaa darteed ayuu ka codsaday talada ugu dhaw ee wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkaas cir-ciiraya ee ciidanka ku soo kordhay.

    Yuusf Samantar Bardacad oo xiligaas martiqaad ka haystay xisbigi Shuuciga ee Raashka si uga qayb-galo shir-weynaha kongaresyska shuuciga magaalada Mooska, ayaa si hawraarsan ku yiri Jenanka, markaan tago halkaas ayaan arinkaaga kala hadli-doonaa madaxda Ruushka .. Mr.Yuusuf Bardacad oo jilibka u aastay xod-xodasho u kaga raadinayo Ruushka sidi General Siyaad iyo ciidankiisa u caawin-lahaayeen iyo ka raajicinta biilka loo daba joogo Cigaal .. Ruushkii wey ka aqbaleen kor iyo hoosba dalabkii Mr.Bardacad oo dhan .. isla markiina Mooska ka soo direen wafdi ay horjogayaal ka yihiin labo Jeneraal oo soo wareysta General Siyaad Bare, xaaladana soo darsa, dabadeed warbixintoodi wanaagsan awgeed hubkii waa loo soo furay ciidamadi si shuruud la’aan ah .. halkaas ayey ka bilaabatay barshadi ugu weyneyd Ruushka iyo Maxamed Siyaad Bare oo sabab u ahayd sawirkii u ka bixiyey Yuusuf Bardacad.

    Xisaabta laguma darsan Xikmad oraneysa Dad Iyo Duurba waxaanad filayn baa kaaga so baxa ..Orodkii hiilinta Yuusuf Samantar Bardacd iyo gaar ahaan Ruushkii yiri dawlad kasta nin-bey wadata ee Jeneraal Siyaad waa noo dooranyahay,ayaa candhuuftoodi dib u liqay, waxaana u muuqatay iney ku dag dageen iska dhaa-dhicinta in Siyaad Bare u yahay Oday hanti-wadaag u jan-jeera .. Siyaad markii U awoodi dalka la wareegay, waxaa u soo baxday sawir ah in kan ugu horeeya ee xaniiyaha qaban-doona ay yihiin Digtorka Yuusuf-ka ku qufulan falsafada hanti-wadaaga iyo qarenkiisa KGB-da .. Sidaa darteed Maxamed Siyaad xabsiga Bardacad waxuu u arkay ka maar-miwaa, dabadeed isagoo safar u aadayey Qaahira 6 Sep.1970 iyo tacsidi Jamaal Cabdi Naasir ayuu ka dardaarmay xarigiisa, hasa ahaate marku ka soo noqday safarkiisi, laba biloodna xirnaa ayuu soo daayey isagoo ku cududaartay inusan waxba ka ogeyn xarigiisa, laakiin shaki u kaga didsanaa KGB-da Ruushka iney taangi soo saaran Yuusuf Bardacad soona qotomiyaan kursiga madaxtinimada, taa darteed waxaa Bardacad dib xabsiga loogu taxaabay sanadku marku ahaa 4 May1971, waxuuna halkaa sidi hadba xabsi ka xabsi loogu kala wareejinaa-yey ugu dambeyn waxuu karantiilki ku dhameystay xabsigi weynaa ee labaatan-jirow muddo ku siman 18 sano, waxuuna soo baxay bishi Feb.1989, waqtigaso sovetkii-ruushka kala daatay laakiin aan la iclaamin

    Mr. Bardacad oo yaqiinsaday ninba shar iyo kheyr wixi loo qoray ilaah waa la kulansin, qaatay qadarkaas iyo nasiibka ma noqon doqon caro la baxay, balse shaar gobeed isagoo ku labisan, kulan lama ilaawaan ah kula qaatay Maxamed Siyaad degmada Buur-dhuubo, waqtigaas oo ahayd markii Siyaad isagoo kab lulaya midna laa-laa-dinaaya, gacan wax ka noqday ku soo qaxay xaruntaas, ayaa Rag u ka mid yahay Yuusuf Bardacaad halkaas ugu geeyeen, sooryo,hub iyo maal uu ku rogaal celiyo, sido kalana mar labaad ayuu ugu tagay Baydhabo oo u geeyay halawyada taararka iyo is-gaarsiinta hirarka dhaa-dheer.

    Waxba yey hadalka ila fogaane waxaan hadal ku soo koobaya dipolomaasiyiinti ruushka Mogdisho oo aan weli ka quusan murugada xabsiga saaxiib-kood digtoor Yuusuf Samantar Bardacad, iyagoo hadaba dhambaalo ka wada madaxdi xisbigi shuuciga Ruushka ayey marar badan ka codsadeen Maxamed Siyaad inu soo daayo, oo ay ku yiraahdeen “Mr.Bardacad ma mudna in lagu dheelo amase la dhibo”, hasa ahate Maxamed Siyaad intu uu gedo-geedeeyey, dhaar xagaf ku siyey inu yahay xabib jecel Ruushka iyo hanti-wadaagiisa, oo yiri waayahay iyo haye ayuu haddana ballanti uga baxay, oo halkii laga sugaayey in laga sii daayo xabsigi dhex ee Mogdisha, waxaaba loo dhaadhiciyey xabsigi weynaa ee labaatan-jirow .. waxayna aakhirtu Ruushkii u cadaatay iney beenoowday isla bixi ay ku xisaab-tamayeen iyaga iyo Ina Siyaad, oo Janankii meel aan meel ahayn ka baf-baf leeyahay, una muuqatay wax la qabsigiisa iyo taageeradiisaba ay tahay dhagax ay kar-karinayaan weliba bislaaneyn .. hanti-wadaaga u sheegtana ay ku tahay booli .. waxaan la hureyn ayey yiraahdeen waa iyado Jananka lagu dayo waraf inqilaab.

    Waayo dambe iyo waqtiyo isku xig-xiga iyo markii qiil lagu kala bogsada la waayey oo caradi labada dhinacba ku garoortay, ayey Ruushku isku dayeen iney Siyaad warfkii afgambi ku dayaan .. oo markaan il shabeel ku eegtay Sarkaal sare ( ma rabo inaan magaciisa sheego) oo ay maanka ku hayeen amase is-lahaayeen waa halyey la dugsan-karo oo ay tahay inaan tashiga afgambiga la dhaafsiin, hasa ahaate sarkaalkaas lafhaantiisa ayaaba damaci isku deygooda kashifay oo warkoodi Siyaad soo gaarsiiyey, laakiin waxaa la yiri sheekada la wad-wad, hub iyo rasaasna ka dalbo oo sidaa darteed ayey si hagar-baxa makhaasinadi milatariga meel kasta hub xad dhaafa ku soo harqiyeen, iyagoo iska dhaadhiciyey in Sarkaalkaas u dabran-yahay aqoonta hanti-wadaaga cilmiga ku dhisan, himiladoodana ahayd marku sii xoogeysto ayuu xaalada mustaqbalka wax ka badali-doona.

    Sidaas oo kale ayey KGB-di ciidamada ka dhex abuureen xubno saraakiil sir hoose ku shaqeya la magac baxay “Maroodi-yaashi Bari” oo sidi maan-dooriyaha u cabsanaa hanti-wadaaga Bari daacadna u ahaa, laakiin kuma ay aflaxin oo markiiba sirtoodi mid ka mid ahaa ayaa kashifay, dabadeed siyaabo kala duwan ayaa saraakiishaas mid walba loola dhaqmay, oo intoodi badneyd laga dhigay mid la badalo iyo kuwa wasaaradaha rayidka lagu meeleeyo iyo kuwa waxbarsho dheer loo diro .. Hasa ahaate ma daama ruushka ay duni meel ugu xirneyd gaadmadi iyo weerarkii KGB-da intaa kuma harin, laakiin markasta waxaa la qirsanaa in farsamada KGB-da ay ku jirtay khashiinimo oo u ku khal-khalsanaa akhriska maskaxda qofka Somaaliga u la macaamilaayo, oo qaaliban u baahan in si gaara loo ahkriyo, taaso keentay in talabo kasta oo ay qaadan Ruushka ay futada cankeeda go’do

    Sanadka markuu ahaa1983 oo xiriirki dhinac walba ka go’anyahay ayey dibin kale xireen oo markaan qorsha-hoodu ahaa Dil- assisination, loo isticmaalo qoriga hawsarka, waxayna hawshaas la kaashadeen rag mucaarad ah oo dibadaha ku sugnaa iyo kuwa gudaha ku jiray oo isku xirnaa, waxaana qorshahu ahaa in Madaxweynaha Siyaad lagu dilo bandhigii ganacsiga fiyeeraha ” trade show” oo la rabay in sandkaas la furo, hasa ahaate sirta la helay awgeed ma tagin goobti .. xogtaas jaaniska ah, waxaa laga helay Safiirkii Yugoslaafiya ee Mogdisha oo dalkiisa xaaladaas khatarta warbixin ka siinaayey .. Waxaa dhinaca-yaga sirtaas u soo gudbiyey Agent iska dhal ah oo koobi-yaasha noo soo diri jiray, waxuuna safiirka u ahaa gacan yare xaga qoraalka, waxaana xusid mudan safaarada ma lahayn staaf dipolomaasi, oo waxaa dalka ka joogay safiirka oo qura, qoraaladiisana waxay ku bixi jireen afka talyaaniga.
    Waxaase la yaab ahayd safiirkaas Yugoslaafka oo ahaa kuwa aan laga taxadarin, ayaa qudhiisa u xusul duubtay inu docda ka wareemo kursi ka tuurista madaxweyne Siyaad .. inta la hubo waxuu dabin u dhigtay 2-wasiir iyo dhawr sarkaa kala darajo duwan, Maareyaal, agaasimayaal dhawr ah, oo intooda aan is ogeyn, waxuu u sameystay gogol lagu bulsheeyo, falka falaad-kiisana u gaaray inu sawiro ka duubo iyagoo haasaaw ku jira,waxuu dhinaca kale xirir kala yeeshay haweyney dhoola-cadeyn badneyd u qabay wasiira muhim ka ahaa dawladi, oo wax badan kala qabatay ujeedoo-yinkiisa badnaa .. Sidaa daraadeena lacgta adeegeeda, waxaa loogu shubi jiray xisaabaad-keeda Landan .. Safiirkaas waxaa la tuhunsanaa inu ahaa laba wajiile u shaqyn jiray KGB-di Ruushka iyo CIA-daba

  5. Jilbis says:

    Asc, kamal wand ku mahadsantahay maclumaadka wklk ee aad soo bandhigtey balse bardacad Boston buu joogaa isku day dhiniciisa waxa uu ka ogyahay inaad taariikh ka taariikh ka reebto, Tan kale waxaa laga sheegaa ina siyad bare inuu yiri Dal waa ka tagayaa balse Dad ka tagi maayo taa oo maxsuulkeeda aan aragno bal ka waran soma aha Ayax Tag Eelna Reeb.

  6. Saruur Cali says:

    Sheekada inqilaabka waa mala awaal Siyaad marti ayuuka ahaa ee asiga wax shaqo kuma lahayn inqilaabka. habeenkii uu dhacayeyna waxuu ku xernaa xafiiskiisa oo ilaalo laga hayey. markii uu inqilaabka dhamaadayse loo yeeray.

    arintaka bardacadse waxuu dhacay inqilaabkii kadib waana wax jiro!