Home » Archive Daily July 16th, 2011

Shirkadda Xawaalada Amal Epress Degmada Xamarweyne oo la dhacay.

Jul 16, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ragg ku labisan dharka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta dhac u geystay xarun ay Shirkadda xawaalada Amal Express ay ku leedahay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Kooxaha hubeyasan ayaa halkaasi ka qaatay lacago aan la sheegin cadadkeeda oo ay shirkaddu lahayd kadib markii ninkii qasnajiga ahaa lagu amray inuu furo qasnadda lacagta xilli bastoolad lagu... 

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo qarax lagula eegtay duleedka degmada Balad-xaawo.

Jul 16, 2011
Balad-xaawo, Somalia (AOL) –Wararka ka imaanaya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya qarax Miino lagula eegtay duleedka degmadaasi. Col: Jaamac Xasan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG gobolka Gedo oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxaasi uu xaqiiq yahay, kuna dhintay hal askari oo ka tirsanaa dowladda... 

Ahlusunna Waljamaaca oo shaacisay in la soo marsiiyo gargaarka hay’adaha

Jul 16, 2011
Balad-xaawo, Somalia (AOL) – Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaannada ay ka taliyaan dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca ay xiriir la soo sameeyaan Guddi gaar ah oo Ahlusunna u magacawday howlaha gargaarka.  Madaxa Arrimaha bulshada ee degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo Sheekh Daa’uud Cumar ayaa ku eedeeyay Hay’adaha... 

Saraakiisha dowladda KMG Gedo oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Saanad Milatari oo ay lahaayeen Alshabaab.

Jul 16, 2011
Balad-xaawo, Somalia (AOL) –Saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Saanad Milatari oo ay lahaayeen Xarakada Al-shabaab. Howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda KMG ay ka sameeyeen deegaanno iyo Tuulooyin hoos taga degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayay ku soo qabqabteen saanad millateri oo ay lahayd xarakada Al-shabaab, sida uu sheegay... 

AMISOM oo ku soo biirtay dadka wax u qabanaya qoysaska ku dhibaataysan magaalada Muqdisho.

Jul 16, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ciidamada AMISOM ayaa ku soo biirtay dadka wax u qabanaya qoysaska ku dhibaataysan  magaalada Muqdisho, waxayna ciidamada AMISOM maalintii shalay ay kaalmo gaarsiiyeen dad barakacayaal ah oo ku sugan nawaaxiga Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Xero barakacayaal ah oo ay ku sugan yihiin dad aad u liita oo ku taaala nawaaxiga Airporka magaalada Muqdisho ayay ciidamada... 

Qarax qasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay Degmada Xudur.

Jul 16, 2011
Xudur, Somalia (AOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax qasaaro nafeed geystay uu xalay fiidkii ka dhacay degmadaas. Sida wararku sheegayaan qaraxaas  ayaa ka dhashay Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo ay carruur ku cayaarayeen, kaasoo sida la sheegay ay ka qaadeen meel waddo ah iyagoo aan wax aqoon ah u lahayn kadibna uu ku qarxay. Qaraxaas ayaa waxaa...