Home » Archive Daily July 21st, 2011
Saarka Qax iyo Qarax Qaran ka jecel – By Abdullahi isim.
Asc dhammaan ummadda soomaliyeed meel aad joogtanba. Allaah baa mahad dhammaanteed leh(SWT). Rasuulkiisa sharaf leh (NNKH). Waxaan halkaan idiinku soo gudbinyaa, Saarka hoos ku xusan.
Saarkan ayaa dantiisu tahay wax weydiin ku wajahan ummadda soomaliyeed. Saarkan ayaa magaciisu yahay QAX iyo QARAX. Macnaha iyo ujeedada waxaad uga bogan doontaan Aqris iyo dhegaysi qofba kuu doono.
Adinkoo mahdsan...
Maanso Wakiil UN-Mahiiga – By Duraan Shirwac.
Maansadan la yiraahdo wakiil un, oo ku socota kana sameeyey wax qabad la’aanta ergayga gaarkaa ee UN ka u qaabilsan soomaaliya mr agistina Mahiiga oo moodo inuu garab maray hadafkii loo doortay,oo uu noqday qayb ka mid ah ganacsiga dagaalka dilaalkii u dhaxeeyey hilmaamayna shacabkii iyo maatadii dulmanayd ee wax qabadka dhabtaa u baahnayd iyo gargaarkaba aanay u muuqan, hadaba waxaad moodaa...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ms. Josette.
Muqdisho, Somalia (AOL) – Josette Sheeran oo ah Madaxa Guud ee Hay’ada Cuntada Adduunka (WFP) ayaa maanta ku soo booqatay Ra’iisul Wasaaraha Xafiiskiisa Muqdisho. Waa markii ugu horreysey oo ay Madaxa Guud ee Hay’ada Cuntada Adduunka soo gaarto magaalada Muqdisho, wallow ay bishii April soo gaartay magaalada Gaalkacyo. Josette waxaa wehliyey Agaasimaha Geeska Afrika ee WFP iyo...
Sheekh Sharmaake Caabi Guureeye iyo wafdi aqoon yahano ah oo uu Hogaaminayay oo gaaray magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Addis Ababa, (AOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa waxa ay sheegayaan in wafdi Aqoonyahano ah oo uu hogaaminayo Sheekh Sharmaake Caabi Guureeye ay gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya.
Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa wafdigan uu hogaaminayo Sheekh Sharmaake Caabi Guureeye ay ku weheliyaan sadex aqoon yahan oo kala ah Dr. Maxamed...
Somali Central State oo soo dhaweysay magacaabista golaha wasiirada.
Maamulka goboleedka Bartamaha Somalia wuxuu soo dhaweynayaa ku dhawaaqista iyo dhisidda xukuumadda cusub ee Somalia oo uu xalay si rasmi ah u shaaciyey ra’iisal wasaare Prof. Cabdiweli Maxamed Cali kadib muddo la sugayey.
Somali Central State waxay u aragtaa wasiirada cusub in ay yihiin dad aqoonyahanno ah oo karti u leh in ay qabtaan xilal noocaan oo kale ah, islamarkaana mari doono wadadii...
Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo Muqdisho soo gaaray.
Muqdisho, Somalia (AOL)-Waxaa goor dhawayd oo maantay barqadii ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Arport ka soo dagay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey.
Wafdiga soo gaaray garoonka Muqdisho waxaa hogaaminaya Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo xubno kale oo fara badan, iyadoo aan la ogayn tirad ay ka kooban yihiin wafdigaasi.
Amaanka xarunta Madaxtooyada...
Ganacsato iyo Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Somaliland oo gaaray deegaanada Puntland.
Garoowe, Somalia (AOL)-13 xubnood oo isugu jira xubno Madax dhaqameed iyo ganacsato reer Hargeysa ah ayaa maalintii shalay aheyd waxay ka ambabxeen magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland iyagoo kusii jeeda magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.
Waftigani ayaa ujeeddada socdaalkooda waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada maamulka...
Qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay caasimada Magaalada Muqdisho.
Muqdisho, Somalia (AOL)-Wararka ka imaanaya caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay abaare 9:00 Fiidnimo xiliga Muqdisho oo qadar yar dhiman qaraxyo xoogan waxay ka kala dhaxeen Isgoyska Banaadir iyo Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay qaraxyadii xalay oo ay hareer socdeen rasaas culus oo ay fureen ciidamada dowladda KMG soomaaliya waxaa ku dhintay 3 tuur tiro...
Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay Rag Hargeysa ka furtay xafiis lagu bixiyo Baasaboorka dowladda KMG Soomaaliya
Hargeysa, Somalia (AOL)-Saddex nin oo la sheegay in magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ay ka furteen xafiis lagu bixiyo Baasaboorka Elektaroonikada ah ee ay dhawaan soo samaysatay dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa xalay gacanta ku dhigay ciidanka Booliska Somaliland.
Saddexdaasi nin oo xafiiskaa si qarsoodi ah uga furtay Hargeysa ayaa xalay la qabtay, iyadoo sidoo kale ciidamada Booliska...
Gen: Indha Cadde oo sheegay in Musuq maasuq baahsan ka dhex jiro Madaxda dowladda KMG.
Muqdisho, Somalia (AOL)-Gen: Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde oo ka mid ah saraakiisha sare dowladda KMG soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro Musuq maasuq iyo wax is dabmarin xoogan oo ka dhex jira madaxda sare dowladda KMG soomaaliya, isagoo xusay in uu soo dhawaynayo fahamba Beesha Caalamka ee ah in madaxda soomaalida wax is dabmariyaan.
Waxa uu sheegay Indha Cadde in dowladda Mareykanka looga baahan...
