Home » News »

Xasarad colaadeed oo laga dareemayo deegaanka Degmada Dheeka oo ka tirsan gobolka Liibaan ee Ismaamulka Dhulka Soomaalida Itoobiya

Kaddib markii uu horaantii sanadkaan oo aheyd March 15, 2011 Baarlamaanka Ismaamulka Soomaalida ee dowladda Itoobiya si aqlabiyad leh u ansixiyay in maamulkaas lagu kordhiyo 15 Degmo ayaa waxaa degmooyinkaas ka mid ahaa Degmada Dheeka oo u dhaxeysa Degmooyinka Fiilato iyo Nageyle.

Nasiib daro, kaddib markii uu maamulka ku dhawaaqay in ay degmadaas oo ka tirsan dhulka Sade loo aqoonsaday in ay tahay Degmo buuxda ayaa waxaa arrintaas si cad uga soo horjeesatay beesha Dagoodi oo ayadu sanadihii 1992-1994 ka mid noqotay cadowyadii duulaanka xaqdarada ahaa ku qaaday beesha Sade ee deegaankaas, dabadeedna ka qabsaday dhul iyo hanti aad u fara badan.

Ma ahan in qabiilka Dagoodigu uu xiligaas beesha Sade Dhul iyo hanti kaliya ka dhacay, balse dadkii uu sida xaq-darada ah u laayay ayaa waxaa u badnaa dumar iyo carur, kaddib markii ay raggii Sade ku hubsadeen in ay dhexda u galeen duulaan uga imaanayay qabaa’ilo kala jaad ah oo si weyn uga hub iyo ciidanba badnaa.

Xiriiro badan oo uu qabiilka Dagoodigu la sameeyay maamulka Killilka 5aad ee dhulka Soomaalida ay degto oo la doonayay in Dagoodigu ay isdajiyaan, iskana daayaan colaadda ay horinayaan ee liddiga ku ah beesha Sade ee ku dhaqan deegaanka Dheeka ayaa dhamaantood ku dhamaaday guul daro.

Damaca beesha Dagoodi ee ku dhisan dhul boobka iyo isir naceybka ayaanan aheyn mid hadda bilowday, laakiin muddo badan laga dareemayay deegaanada Kililka 5aad ee Itoobiya iyo xataa xudduuda ay ayaga iyo beesha Sade ka wadaagaan gobolka Gedo.

Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka degmada Dheeka ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ah mid kacsan, kaddib markii ay qabiilka Dagoodiyaha degmada soo dul dhigeen ciidan lagu qiyaasay 200 oo nin oo si weyn u hubeysan.

Isku soo duuboo, waxaa xaqiiqo ah inkasta oo aanan beesha Sade looga baran daan-daansi iyo dagaal jaceyl, isla markaana ay jecel yihiin in ay qowmiyadaha ay deriska yihiin kula noolaadaan nabad iyo deris wanaag, in haddana haddii uusan Dagoodigu joojin durbaanka colaadeed ee uu tumayo in beesha Sade ee ku dhaqan deegaanka Dheeka ay ku qasbanaan doonto in ay isdifaacdo, ayada oo waxii dhib ah ee halkaas ka dhacana ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto beesha Dagoodi ee gardarada iyo dhul boobka wada.

Halkaan ka akhri Warbixin horay looga qoray degmooyin ka mid ah gobolada Liibaan iyo Oromiya oo ka mid ah dhulka ay beesha Sade wax ka degto.
———-
Faarax Cabdi Guure – Dheeka, Liibaan/Ethiopia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

19 Jawaabood " Xasarad colaadeed oo laga dareemayo deegaanka Degmada Dheeka oo ka tirsan gobolka Liibaan ee Ismaamulka Dhulka Soomaalida Itoobiya "

  1. kaalid says:

    Asc beesha sade halays dajiyo meesha dowlad baa ka jirta qabiil qabiil kale ku xad gudbi karaana ma jiro, arintan haday dhabtahay ciidamada deegaanka ayaa soo dhexgalaya oo xalinaya. wixii gardarana waa la qabanayaa.

  2. Waxaan qabaa beeshu in aysan meel cidla ah ka cararin waxaaba fiican in ay weeraraan oo sade lagu weeraro si fal dambiyeed ugu nowdo markaana dawladda ay wax ka qabato iyaga ciidanka dawladda ha is arkaan markaa sidaas ayay ila tahay aniga wixii difaac ahna waa furan yahay laakiin hay,adaha amaanka un hala socodsiiyaan dawladda ayaa ka jirta meesha ma ahan baadiye mel ah

  3. kamaal says:

    Faarax cali guure,

    walaalkay waxaad ka shanqarisay wax aan aniga keligay u qabay inaan ogahay waxaa tiri sade oo cadow badan lahaa ayaa dagoodiye ka faaidaystay dhulkiisii dagoodiye kaliya maha kuwa ka faa’idaystay dhaca dhulka sade waana badan yihiin qabiilo badan oo maanta na neceb ama dagaal keen ah uu caloosha kaga jiro ma badna inkastoo ay hadana hurdaan oo ay isha kaa eegayaan..

    lakiin waa run in qabiilo badan naga faa’idaysteen waqtigii la oran jiray muslim iyo mareexaan oo qabiilo badan ay boobeen dhulkii sade lahaan jiray lakiin insha allah mid mid ayaa loo soo qaban lakiin waxaad u sheegtaa walaalahayo gedan dheeka inay isdifacaan oo ay iska jiraan inaan la gaadin…

    waan ogahay inaan qabiilo badan oo naga faa’idaystay aan jeclaan laheen inaan shaqo ka qabano lakiin maanta al shabaab ayaa dhib noogu furan inta al shabaab laga xoreenayo dhulkeena oo aan maamul dadku leeyahay aan dhisanayno yaynaan dagaal ku degdegin lakiin markaan maamul iyo ciidan aan leenahay aan helo wixii wax naga dhacay iyo wixii na neceba aan shaqo ka qabano horta xooga hala saaro maamul sade lee yahay oo shaqaynaya cadowga kaas ayaa shaqo looga qaban karaa….

  4. Abdi qaadir says:

    Asc, madaxweynihii (mudane Cabdi Maxamed) iyo parlamanki sameeyey degmadan (ilaahey ka dib) wey joogaan cid ku dhici karto oo baabi´in karto ma jirto nimankaan burcadda ahna waxaa loo soo diri liyu polis oo kala ceyrini, mareexaana waxaa laga rabaa ineyan soo faaruqinin dalka oo gedo isku so urunin, waxaa lagu tuhmayaa taag darri iyo in dul mari karo.

  5. wiil-c/waaq says:

    caaqil iyo kaalid warkiinu waa jilicsanyahay. maamulka tigreegu mar walba wuxuu yimaadaa marki dagaalku dhamaado, hadii lugo xasuuqo iyo hadii kalaba xisaabi waa waagii dagaal dhamaado.

    hadii maanta Dagoodi doonayo inuu dhul aad leedihiin xoog ku qaato geeri ka xigsada. taakana allaha ka dhigeen tanasul iska illaawa.

    waxaba tiri marto waad maqasheen sade bari 1991 waxaa kusoo duushay 17 gobol oo somalia ka mid ah, balaayaana la tagtay dulmiwadayaashii.

    waxaad ogaataan hadii dhuuntaada la isku haysto nabi fogaatay.

  6. Koshin Farax says:

    200 oo Dagoodiye ah miyaa la iska dhicin waayay…….Ciidan Gedo halaga diro ………Dagoodiyaha Mandera Joogana Dhegta Dhiiga Haloo dhigo………

  7. burhaan says:

    markasta oon soo galo webkan Mareexaanku bootay ku jiraan. war hanjabaada dhaafa Majeerteen yaad la dagaasheen eelay baad la dagaasheen Ogaden baa la dagaasheen hadana Dagoodi? waa markaad tirtirmi lahaydeen is dajiya

  8. istiin says:

    ilahay ayaa wax titir tira bili aadan wax matirtirikaro teedakale aan idin xasuusiyo gabay gii awoowgay ilaawe in taana gabayga ugudbin waxala yiri ayadoo mareen dhexda ugajiro afar qabiil oo sadex kamid ah aydagaalsanyihiin mareexaanka ,ayuu ilaawe qabiilkii afrad rag kasoo laayay mareexaan kii ayaa waydii yay sababta oo raga ugalayay iridii kaliya ee loobaxsan lahaa hadii dagal dhoco, wuxuu ragii ugu jawaabay. reerkayga waa ugadartaa daaya nabadeed dar allaan kunolanjiriyo duullaweeraro oo dugdugtaydu waalaba habas kolay kaduushaa. taasi waxay kuu muujinaysaa in mareexaan dagaal waligi ku jiray colaad dagoodiyana aysan saaka waxbadan kaltagayn. inta meesha joogtaa kufilan dagoodiye iyo xulufadiisaba.

  9. shabeell says:

    Asc;
    Salaan ka bacdi golahaan dabku ka shidan yahay si lama filaan ah ayaan ula kulmey aniga oo netka isaga jira, waxaase la yaab leh in marka aan wada akhriyey qoraalada yaala aan ka dhex waayey shakhsi keliya oo yiraahda war aan raadino waxa la sheegayo ma runbaa mise waa been ama yiraahdo war qofka qaldan waa laga roonaadaayee ileen muslimiin ayaan nahaye aan xalka ku raadino nabad, hadaba marka aan dhuuxey qoraaladiina waxaa ii cadaatey meel cidlo ah in aad ka dideen liibaana cidi aaney idiin diidaneen aadna ka degtaan magaalowaliba oo ku taala waayo soomaali ayaanu wada nahay waa lawada degaa guri keliyaba ha ka ahaadee magaalo kasta oo ku taala deegaanada soomaalida waa lais dhex degaa,mida kale dagaal haduu faaido leeyahay xaalka soomaalidu sidaan ma ahaadeen, haaysashada hubku hadii aay qeeymo leedahay nooc waliba waad haysan jirteen laakiin xaalka maanta waxuu mujinayaa in aay adunyadu aaney aheen un cududmaalid ee aay u baahan tahay caqali la maalo, marka walaal yaal waxaa iga talo ah nimankiinaan yurubta fadhiya ee doonaya beelahaa walaalaha ah ee wada degi jirey inaay colaad kala dhexdhigaan inaad ilaaheey u noqotaan oo aad ka joogtaan debka aad afuufeysaan,wadanku waa nabad waa lais dhex degan yahay waxii khilaaf ahna maamul ayuu leeyahay wadanku waxii khalad ahna ayaga ayaa saxaya , ee xalku kuma jiro ciidan laga doono gedo ama meel kale sida aad hadalka u dhigeysaan , waxaana ilaaheey idankaga baryayaa in uu idin waafajiyo talada kheeyrku umada ugu wada jiro Aamiin
    shabeell

  10. ahmed says:

    waxas waxan u arka hurin ad colad hurineysan marexanow son liiban wa dhulka dagodi ee mesha qoxoti ayad kutihine napad kudagnada hadi kale oo ad didan wa laidin barakicinaya wayo dheka nageyle filito dolow xayisuf iyo magalada jararte wa deegankayaga faraha halaso galina

  11. ahmad kaafi says:

    colaad waxbo lagama dheefdayo walalyal ee arinta hala xaliyo wayo hadi cid waliba ay hub iyo ciidan gurmad ah radsato xalada way kasi dare wayo gedo hadu marexan cidan kadiro dagoodiyona wuxu cidan iyo gurmad kahelaya hiiran b.weyne mandera wajir xaladana way si xumane hala dajiyo yanan lahurin colada wayo wil wu kudinta mooye kuma dasho

  12. Horta waayaabee dadku maxey u huriyaan colaada inta aan aqriyey waxey muujinayaan in dabka lahurinayo war dadka hadalada warburburinaya oo colaada abuuraya alle mey ka cabsadaan oy eegaan dambiga kaga imaan kara waxa dagaalamaya maaha gaalo waa muslimiin, muslimiintuna waa walaalo aniga waxaan ahay meelaha daga gobolka liibaan marna kuma fikin inaan qoro erayo abuuraya colaad allaana kamagangalayaa marka mareexaanow carada dajiyo waxaan tihiin walaalaheen asc

  13. Abdi says:

    Asc dhaman asxb hadi aan wax kadhawo arintan waxa aan gob jog ka aha dheka marki la dejinayey besha sade dagodiya ayaa somali nimo uso dejiyey hasa yeshe waxaa aay bilaben besha sade inaan sameyan dhul qabsi marki loo magacabey xaysufto degmo tana lagama yelin ilaa hada waxaa aay wadan waxas wana been waxa aay shegayan xata website kan waxa iska leh qof kamid ah besha sade si qaldan ayuu dadka ugu warama wuna katirtiraa komentiga aay besha dagodiye qoran marka waxan ushegaya dhaman asxbta inay san wax ka jirin ninki mas gurigisa ku jira ugu gala wuu ogyahay Waxa qabsanaya wan ogyahay besha dagodiye inaay nabad jecelyihin mida kala war been umbay hayan besha dagodiye waa dad sharaf iyo samcad leh ee mel aan logu dhicin mida kala wayahan waxa ka socota kililka 5aad darod mu yahay ee waala xaqira hawiyaha isacka iyo waxa kale marki aan firiyey besha dagodiye fikradoda ee waxa layab ah dagodiye oo intan dulqadanayo ee besha sade ee dhulqabsi ayey watan ee horey ayey somali so qariben wana laga so buriyey ee hadana waa in laiska buriya ee aay qaribin dhulka ee waxan farin ugudbinayaa dhaman mamulka dowlada deganka somalida ee hadayano qabyaladan aay kawadan deganka hadi kale gobolka liban ismamul ayuu noqonayaa ee cabdi maxamud cumar haka dayo waxa uu kawado deganka waxa qaribey liban zone waa afayenka barlamanka dowlada deganka somalida ee hada talada hayo iyo sadiq oo kadhashey besha sade oo lagu xamanayo inuu hub uqadey hada marku adayey dhanka liban hadana u lagacta laga sodiro dibada ku mal galiyo cidanka besha sade mida kala waxa lagu xamanaya mamulka laga soo dortey liban zone inay ibsaden dhulka uu udigaltamayo besha sade majiro mamul wax ka dhahay arintan tas ayaa cadeyn unoqotey

  14. lamafilaan says:

    ASC
    waxaan goob joog ka ahaa maalintii beesha sade lasoo dajinayey d.deka waxaay ahaayeen qaxooti gaaja uga soo cararay somalia markaas ayeey boqortooyada dagoodiya ayeey waxaay ufadisay gacan somaalinimo oo aay ku dheehantahay muslinimo, maalintaas waxaa iga yaabiyey sida loo soo dhaweeyey waliba loo qalay geeli dagodia lkn dagodia isma dha heynin gacantii uu ku soo dhaweeyey in aay ku noqoni gacan sun ah.
    besha sedeey adinka xitaa waad garaneysiin soo dhaweyntaas.
    laakin dagodia wuxuu qaday tilaabo tusaale unoqotay xulafadii soo haweysay dheka.ogow dhulka waa dhul dagodia hadii kale dabajaax

  15. ASC
    news
    waxaa maalmihii uga dambeeyey magaalada fiiltu haysata caseeye la,aan tasoo shacabka aay kacabanayeen waa yaab ee xageey aadeen caseeyeyaashi,haa gartay
    awalba waxaa caseeye ahaa mareexaankii joogay halkaa oo hada colaada awgeed lacaray gar ahaan sade waana dhacdooyinka dadobaadlaha ee kabaxda radiyaha dialy hilaac news.yaaaaaaaaaab!

  16. Wlh waxan layabanahay beesha sade oo lasheegayo inay kunoshahay itoobiya ,k.k.k waryahe mudo dheer wanka maqanahay gobalka waxan daganahay Norway ,nimanka lamagac baxay reer xaasan waxan ogani jiray ayago beeraha Dagoodiye kashaqeyna oona katirsan dadka layaso ee gormay saan u kibreen

  17. xuseen. waxaa naxdin leh iyadoo la ogyahay dhibaatada mareexaan uu u soo marey inuu xuquuqdiisa helo haddana uu luminayo qof isku sheegayo inuu wasiir marreexaa laakiin uu adeegsanayaan dagoodiye isagana uu doonayo ina aan la arag sumcad marreexaan oo isaga dhaafsiisan wax garadka marreexaan dhabtaas allaha garansiiyo.

  18. gabar gaaljecel says:

    asc walaalaha muslimiinta e somaaliyedow dulmi in latageero wa qalad danbi weyn ah Alle agtiisa. dhulka iyo sida lokallo dego somaali wa layaqaan qabiil ba meeshan dega iyo dhoor qoys ba dega wa kalla labba …. dagoodiye saransoor waxaan ognahay 90% inu degankiisu yahay kenya iyo ethiopia mareexaan 90+% inu jamhuriyada dego siba galgaduud iyo dego??<<< maxaad intu Alle idinku abuuray u iimansan ladihiin ood marba meel iyo qollo caasha u surataan !!!! jubboyinkay eheed 4nin o 4qoys noqotay e shaqo qowsaar ku tagtay beerxaano u damaca idin siiyay inaad ku sheegatan tarikhdi idinka racday waad ogtihiin maxaa idin qaaday .. o dagoodiyo siday qirayaan qabiilada dhulkaas dega ah ninka ka kafiilka ah qabiilo badan e somaaliyed hadana caasha u surateen, waxaad leedahay cidna kaama qadan karto laakiin dhul boobka hadda u ogadeen idinku kaabaha noqday waad ku aaqiro iyo aduun seegesaan. i rumeeso cid dhulkeeda cidkalle ma qadan karto o ciidaba kahiilin adigana dhulkaaga cid maqadan karto adna mid qolo kalle ha niyesan …. somalia dhul kabadan Allaa garan waxanse isleyahy wa aqirzaman somaalina waxaan kayaabi inay dhulkaas ku fidnowdo wal ciyaadubillaah …. tallo …. qolokastoy waxaad leedahay iimanso

  19. Dhaman shacabka dagan dhulka xasilon waxax ugu baqaya in nabada la adkeyo anaga ku xiqnay colad hadaya ido ledahay weydi rer xamar marwalba waxa qaldan dadka laso dhaweyay waxan maqli jiray dagodi kuguma so dulaye ka daren qab wecelka darod.away geysiyinta an gadal marin gambashada aqon masare iyo fartogta yasha fay jebwenta jabra’il ogada galcelna wa garabkina ogaden hadu so hadlo hiran un sowaca marwalbo gusha waxa is ka leh muslinta saxda ah