Home » Archive Daily August 22nd, 2011
Qisso Xanuun badan: Musuq-maasuqii hareeyay Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Magaalada Sanca ee dalka Yemen oo isa soo taraya.
Walaalayaal,
Waxaad moodaa in ay isa soo tarayaan dhibaatada ka taagan Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Waxaa jirtay in aan arrintaan horay uga qoray warbixin aad u qoto dheer, laakiin waxaa Alle mahadii ah in uu isoo gaaray qoraal cabasho ah oo ay soo qoreen shaqaalihii safaaradda ee sida xushmad darada ah looga ceyriyay howlihii shaqo ee ay ka hayeen Safaaradda...
Shirka Gudiga Wadajirka Amniga oo markii u horeysay Muqdisho lagu qabtay (Sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) - Waxaa maanta markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee Amniga dalka iyadoo ay shir guddoominayeen Raysal Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Augustine Mahiga iyo kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Wafulu...
Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo oo u mahadceliyey Jaaliyada Soomaliyeed ee dalka Denmark oo deeq lacageed soo gaarsiiyey Gobolka (Sawiro)
Baardheere, Somalia (AOL) – Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo ee fadhigiisu uu yahay degmada Baardheere ayaa u mahadceliyey jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Danmark oo dhowaan soo gaarsiiyey Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo deeq lacageed oo loogu talagalay in Raashin gargaar ah loogu iibiyo dadka ay waxyeelada ay ka soo gaartey dhibaatooyinka abaaraha ee ka taagan Gobolka Gedo.
Sh....
Acclaimed Iraninan American Director Reza Badiyi Passes Away
August 22, 2011 – Reza Badiyi (born 1930), a prolific film and television director, passed away on Saturday, August 20th at the UCLA Medical Center due to medical complications.
Born April 17th 1930 in Arak Iran, Reza Badiyi moved to United States in the 1960s to pursue a film career. He was educated at Syracuse University. He has Over 40 years of industry experience which include over 400 hours...
Madaxweyne Shariif oo markii ugu horeysay ku safray diyaarad Shacab.
Muqdisho,Somalia(AOL)– Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay Diyaarad la raacay dad shacab ah.
Madaxweynaha oo maanta ka dhoofayay Garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sii raacay diyaaradda Jubba Airways oo ku socotay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo siddey dad shacab ah oo la sheegay in madaxweynuhu uu la sheekaysanayay dadka.
Madaxweyne...
Is badal deg deg ah oo ka dhacay Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.
Tripoli,Liibiya (AOL)– Magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel lama filaan ah kadib markii magaaladaasi ay la wareegeen xoogaga Mucaaradka oo si lama filaan ah ku galeen gudaha magaaladaas.
Isbedelkan ayaa yimid kadib dagaal shalay oo dhan ka socday hareeraha Magaalada Tripoli oo u dhexeeyay kooxaha mucaaradka iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynaha Liibiya Mucamar...
Ciidamo is rasaaseeyey iyo kuwo bambooyin lagu weeraray Muqdisho.
Muqdisho,Somalia (AOL)– Habeenkii xlay ayaa ciidamo kawada tirsan dowladda KMG waxa ay is rasaaseyn ku dhex martay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halka kuwo kalena Bam lagu weeraray.
Ciidamo Milatari ah oo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa xalay isku rasaaseeyay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sida la sheegay kala shaki uu soo kala dhex galay.
Lama oga qasaaraha...
Sheekh Caan ah oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Muqdisho,Somalia (AOL)– Sheekh Nuurdiin Rooble Xuurshoow oo ka mid ahaa culimada ugu caansan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee Sheekh Nuuradiin Rooble waxa uu geeriyooday wax yar kadib markii laga soo celiyay Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho oo caafimaad ahaan loo geeyay, kaasoo la sheegay in wax looga...
Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay.
Muqdisho,Somalia (AOL)– Maxkamada ciidanka Qalabka sida dowladda KMG soomaaliya ayaa saakay ku dhawaaqday in xukun dil ah lagu fuliyo laba Askari oo ka tirsnaa dowladda KMG Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxakamada Ciidanka Qalabka sida Mr. Muungaab ayaa ku dhawaaqay in la toogto labadaasi askari oo lagu kala magacaabo C/laahi Jiinow Guure iyo Cabdi Sankuus Cabdi kuwaasi oo la sheegay in ay horay u...
Faah-faahin ku saabsan dagaalo culus oo deegaanka Busaar ku dhex maray Xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG.
Ceel-waaq,Somalia (AOL)– Iyadoo saacadihii ugu danbeysay xaalada deegaanka Busaar ee gobolka Gedo ay ka jiraan xaalado colaadeed ayaa haddana waxaa xalay duleedka deegaankaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka soo baxaya dagaaladaasi faah faahino dheeraad ah.
Afhayeenka ciidamada Xarakada alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo dagaaladaasi kadib...
