Home » News, Sports »

Deeq qalab ciyaartoy ah oo lasoo gaadhsiiyay ciyaar-yahanada gobolka Sool (Sawiro)

Deeqdaan oo ahayd kubado ayaa waxaa ciyaartoyda gobolka Sool ugu soo deeqay aqoonyahan ka mid ah qurba joogta oo lagu magacaabo Dr. Axmed Madar Cali iyadoo uu soo gaadhsiiyay Gudoomiyaha jaamacada Nugaal Prof. Cabdirisaaq Lafoole.  Munaasibad lagu gudoonsiiyay ciyaaryahanada kubadahaasi ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada Nugaal, halkaasoo ay ka soo qayb galeen Isu duwaha ciyaaraha iyo dhalinyarada gobolka Sool Jaamac Khaliif, maamulka jaamacada Nugaal, ardayda midowga jaamacada Nugaal iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horayntii, waxaa uga mahadceliyay deeqdan qalabka sportiga Isuduwaha
dhalinyarada iyo cayaraaha gobolka Sool Jaamac Khaliif isagoo dhalinyarada u soo jeediyay inay wakhti siiyaan waxbarashada sida ay ciyaaraha wakhtiga u siiyaan, wuxuuna ku booriyay in ciyaaryahanadu noqdaan kuwo ka dhisan dhinaca aqoonta.

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University Prof. Lafoole ayaa isna ka hadlay  deeqdaan kubadaha ee uu soo dhiibay Dr. Axmed Madar Cali oo ah muwaadin u dhahay gobolka Sool isla markaana ka qayb qaata horumarka deegaanka, wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarada ciyaartoyda ah sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda.

Sidoo kalena, waxaa madashaasi ka hadlay marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay munaasibaas oo ay ka mid ahaayeen maamulaha dugsiga sare ee Nugaal, iyo Gudoomiyaha ururka ardayda midowga jaamacada Nugaal University oo dhamaantood ka hadlay faa’idada cayaaraha iyo jidh dhiska ay leeyihiin, isla markaana dhalinyarada ka codsaday in dadaalka ay ku jiraan dhanka aqoontana lagu daro.

Ugu danbaytii, waxaa la gudoonsiiyay kabtanada kooxaha kubada cagta ee magaalada Laascaanood deeqdii kubadaha ahayd, iyadoo dhanka kalena kubado loogu tala galay dugsiyada sare ay gudoomeen ururka ardayda midowga jaamacada Nugaal University.

———-
Warkaan waxaa AOL soo gaarsiiyay Holhol News.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.