Home » Archive Daily August 29th, 2011

Indhobuur Jaamac Deer oo ku geeriyoodey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug (Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun)

Aug 29, 2011
Waxaa Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, galabta oo ay taariikhdu tahay August 29, 2011 ku geeriyoodey Alle Ha u naxariistee Marxuum Indhobuur Jaamac Deer oo Caan ka ahaa Gobolka Gedo, islamarkaana mudooyinkii ugu dambeeyey ka mid ahaa Odoyaasha Gobolka Gedo, balse bilahii u dambeeyey Marxuumku wuu xanuunsanayey, isagoo Galkacyana u tagey Xanuun hayey darteed, taasi oo keentay in maanta uu... 

Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo oo maalinta bari ah laga ciidayo

Aug 29, 2011
Garbahaarey, Somalia (AOL) – CIID MUBAARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA MEEL AAD JOOGTAANBA.  Wararka naga soo gaarayo inta badan magaalooyinka gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa sheegaya in la arkay bisha bisha Shawaal, sidaas awgeedna ay maalinta beri ah tahay Ciid. Kaddib markii caawa inta badan magaalooyinka gobolka Gedo ilaa iyo wixii ka danbeeyay saqdii dhexe ee habeynimo laga soo jeeday, waxaa... 

Boqortooyada Sacuudiga oo iclaamisay in Maalinta berri ah ay tahay Ciid

Aug 29, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Boqortooyada Sacuudiga  ayaa maalinta berri ah ku dhawaaqday inay tahay maalin Ciid ah, kadib markii laga shaaciyay Telefishinada Caalamiga ah ee ku hadla Afka Carabiga. Telefishinada Al-Jazeera iyo Al-Carabiya ayaa labaduba sii daayay in Boqortooyada Sacuudiga ay iclaamiyay in ay berri tahay Maalin Ciid ah, Bisha Shawaalna ay tahay maalinta koowaad ee ciida, laakiin... 

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo umaddaha Muslimiinta farxada ciidul Fitriga owgeed hambalyo u diraya.

Aug 29, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan hambalyada farxada Ciida Soonfureed (Ciidul Fitr). Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed:  Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan... 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Leicester UK oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Ahlu Sunna Waljameeca Prof. Xersi Aw-maxamud Hilowle (Laba gare)

Aug 29, 2011
Odoyaasha, Haweenka, Aqoonyahanada iyo  dhammaan Jaaliyada  magaalada Leiceste  Ee England, waxay hambalyo u  dirayaan Prof. Xersi  Hilowle oo loo doortay Guddoomiyaha Guud ee Ahlu  Sunna Wal-jameeca Dr. Xersi waa aqoon yahan ku nool wadanka Australia. Ilaahayna waxaan uga baryeynaa in  xilka loo dhiibay uu la garab galo.waxaan sidoo kale halkaan amaan iyo  mahadcelin ugu direynaa Guddoomiyii... 

Ciidamada dawlada ayaa gacanta ku soo dhigay wiil dhalinyaro ah oo xalay bom gacmeed ku tuuray Hotelka Muna ee degmada Xamar weyne.

Aug 29, 2011
Muqidhso, Somalia (AOL) -  Ciidamada dawlada ayaa gacanta ku soo dhigay wiil dhalinyaro ah oo xalay bom gacmeed ku tuuray Hotelka Muna ee degmada Xamar weyne, iyadoo habeenkii labaad uu yahay weerar bom gacmeed oo lagu qaadayo Hotelada ku yaala xaafadaha Xamar jajab iyo Xamar weyne. G/sare Cali Xirsi Barre oo loo yaqaano Cali Gaab ayaa sheegay in ay howl gal Ciidamada Booliska ay wadeen ilaa xalay... 

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Spain iyo wefdi ay hogaamineysay (Sawiro)

Aug 29, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain Mrs. Soraya Rodrigas waxaana sidoo kale ku wehliyay safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay’adda cuntada adduunka ee WFP. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo... 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Australia oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Ahlu Sunna Waljameeca Prof. Xersi Aw-maxamud Hilowle (Laba gare)

Aug 29, 2011
Sydney, Australia (AOL) – Odoyaasha, Haweenka, Aqoonyahanada iyo dhammaan Jaaliyada  magaalada Sydney Ee Australia waxay hambalyo u dirayaan Prof. Xersi  Hilowle oo loo doortay Guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wal-jameeca Dr. Xersi waa aqoon yahan ku nool wadanka Australia. Ilaah waxa aan ka baryeynaa in xilka loo dhiibay uu la garab galo. Prof. Xersi inta aan ka naqaano waa nin waligiiba... 

Ciidan uu hogaaminaayo Col. Cabaas Ibrahin Gurey oo maanta gaaray tuulada Gariley ee gobolka Gedo.

Aug 29, 2011
Gariley, Gedo/Somalia (AOL) – Sida wararku nagu soo gaarayaan ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lagu soo tababaray dalka Kenya ee ka howl-galayay aagga Dhoobley ayaa waxay u muuqataa sababo aan la aqoon awgeed in loogu soo gudbiyay gobolka Gedo. Waxaa jira warar sheegaya in sababta Col. Cabaas iyo ciidamada uu wato loogu amray in ay aadaan gobolka Gedo in ay tahay arrimo la xariira qorshe hoose...