Home » News »

Ciidan uu hogaaminaayo Col. Cabaas Ibrahin Gurey oo maanta gaaray tuulada Gariley ee gobolka Gedo.

Gariley, Gedo/Somalia (AOL) – Sida wararku nagu soo gaarayaan ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lagu soo tababaray dalka Kenya ee ka howl-galayay aagga Dhoobley ayaa waxay u muuqataa sababo aan la aqoon awgeed in loogu soo gudbiyay gobolka Gedo.

Waxaa jira warar sheegaya in sababta Col. Cabaas iyo ciidamada uu wato loogu amray in ay aadaan gobolka Gedo in ay tahay arrimo la xariira qorshe hoose oo u dhaxeeya dowladda Kenya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ay Soomaalidu degto.

Dhanka kale, waxaa iyana la sheegayaa in ay jiraan ciidamo kale oo xoogan oo maanta kasoo ruqaansaday degmada Balad-xaawo, kuwaas oo ku wajahan magaalada Garbahaarey.

Dhaq-dhaqaaqyadaan ciidan ee ka socda gobolka Gedo ayaa waxay imaanayaan kaddib markii Todobaadyadii tagay ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaanka Buusaar oo ku dhow Degmada Ceelwaaq.

Gobolka Gedo hadda intiisa badan waxaa ka taliya dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamada dowladaha Kenya iyo Itoobiya, halka ay xarakada Al-shabaab ka taliyaan labada degmo ee Baardheere, Buurdhuubo iyo qeyb ka mid ah deegaanka ku dhow Tuulada Buusaar.

Dhaq-dhaqaaqaan ciidan ee gobolka Gedo kasoo cusboonaaday waxii kasoo kordha kala soco wararkeena danbe.

————–
Daahir Guuleed, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

15 Jawaabood " Ciidan uu hogaaminaayo Col. Cabaas Ibrahin Gurey oo maanta gaaray tuulada Gariley ee gobolka Gedo. "

  1. A.XADE says:

    Waa wax aad iyo aad looga xumaado Mareexaan meeshuu ku socdo iyo sida aay u noqdeen askar lagu shaqeysto iyadoo aaysan jirin cid wax xushmad ah u hayso.
    Waxaan xasuustaa hadal uu hadda ka hor Cumar Jees yiri, kaas oo ahaa, Mareexaan waa askar askerina ninkii ku shaqeystaa leh. Hadalkaa ina Jees waxaa ka keenay waxaay ahayd, markii uu Moorgan Kismaayo ka saaray oo Laamu orord ku geeyey ayaa Moorgan looga yeeray Gedo oo inta 700 oo wii Faaf- Xadhuun loogu aruuriyey ayaa sidii Gabar Aroos ah oo la galbinayo Kismaayo dib loogu celiyey.
    Maxaa xigay gelbintii? waxaa xigay Moorgan markuu dantiisii ku gaaray in uu meedadkooda dariiqyada Kismaayo yiraahdo halagu jiidjiido.
    Maantana waxaan aragnaa tiiyoo kale oo Gaandi iyo Ogaadeen markii aay Dhoobleey ku qabsadeen ayaay yiraahdeen araggiina na dhaafiya.

    Waxaa kale oo aan aragnaa kuwii goballada dhexe markii uu Hawiye dhulkiisii Shabaab kaga difaacday oo aay ku waayeen wax ka badan 300 oo wiil iyagiina maanta midi la isugu dhiibay loona dhiibay jago maqaarsaar ah oo la rabo in qilaafna lagu dhex dhigo marlabaadna illaa Ceelbuur iyo Beledweyn Shabaab looga xureysto. Cajiib!!
    Haddii aan u soo noqdo Xamar, waxaan aragnaa iyadoo aan ognahay in xilkii Wasiirkii koobaad laga qaaday oo layiri uma qalantaan oo waxaa mudan Majeerteen aay maanta yihiin askarta ugu badan ee shabaab la dagaalameeyso ee Xamar lagu xureeysanayo, kuwaas oo gaarayo wax ka badan 4,000kun oo nin annagoo og in uusan Majeerteenkii xilka looga qaaday hal askeri xamar kaga dhimaneyn.

    Waxaa kaaga siidaran xitaa deegaanadooda la leeyahay dowlad ayaa ka talisa looma ogola hal Kiilo oo kamid ah deeqda uu adduunku bixinayo, annagoo og in Garoowe la siiyay ballanqaad ah in loo weeciyo qaar deeqda kamid ah.
    Marka, haddaad fiirisaan sow hadalkii Cumar yees ee aan soo sheegay dhab ma aha?? marka sow arintu mahaa?
    U digay oo u digay oo duulkan waa loo danleeyahaye.
    Dabada ha iska raacshee bal maan deysto hadalkeeyga. Cali Dhuux.

  2. cumar says:

    asc cabaas wa lagha soo ershay dhobley ciidmada u hogaminayne waxeey wataaan 6 baaburta dagaalka ah walaaal o 4 quri saranyaha marka ha bun bunin ninkaan murtadka murtiinti absame ayaa ku amray inuu ka boxo dhobley arinta waa saas walaaal asc

  3. Asc. Sxbayaal WEBSITE-kiina Allgedo kuwa aadna leedihin cidamada DKMG ma waxaa baa kuwa Kenya & Ethiopia u shaqeya oo hadba sidii la dooni hayo loogu shaqeysto, Mushaarkodana ay bixiso hadba Dowlada kushaqeysata. Ha iloobina The Main Characteristics of Militery Force of Somalia waa inuu xad Beenaadka kusii jeedaa Qorigiisa, ok kuwaan ma saas baa hada? Mise waaka soo jeedaan qoryahoda? Jawabta waa Doqon garato. Daahirow dadka u sheeg iney Calal’uus yihin waxaas, hana qaldina Shacabkena Somaliyed, gaar ahaan reer Gedo & Galgadud-ba. Tusaale ahan maxay ka falayaan Xamar, gaar ahaan dadka kasoo barakacay Abaaraha waa Dilayaan oo Dhacayaan oo Kufsanayaan, halmarna kama aadan hadlina ka Allgedo ahaan, Sababta maxay tahay noo sheega? Wallahi qofna iigama sheekeyn hayo, xataa waxan ka hayaa Filim Documentry ah. Fadlan sii daaya Qoraalkeyga. Mahadsanidin.

    —————-

    From Allgedo Online

    Akhriste, mahadsanid. Intii karaankayo ah waan dadaali doonaa.

    Maamulka AOL.

  4. xadde: 100% waad asiibta xaqiiqda walaal/

    waxa wiilasha laaya oo dagaalka bilaa macnaha ah wada, oo sidii condomkii marka laga bogto la tuuraa waa odayaasha, reer baadiya ah ee jaahiliintaa aan wax mabda ah lahayn. ayagaa na halaajiyay.

    1992 waxay biyo xireen u ahaayeen bossaaso hada kuwa dhooban dh/mareebna waxay u yihii isla puntland oo aan ka aqoon kabahooda. cajiib.

  5. kamaal says:

    Xade,

    waxaan ku salamayaa salaan qaali ah waxaad isha ka tuurtay meesha aan maanta marayno si aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay wax badan ayaa iri war danteena war danteena, oo yaynaan cidna u shaqayn wax i dhagaystana waayay!! hadii xamar sidii ri ari carbeed ah dhagta nalaga soo qabtay!! kismaayona majeerteen uusan xitaa ogolayn in gedo lagu daro..

    waxaan hada ka hor arkay nin majeerteen ah article uu qoray oo uu leeyahay Ogadeen mareexaan ayuu kismaayo yiri aan isku darsano waanad ogtahy ayuu leeyahay qoraagu hadii gedo lagu daro juba hoose in mareexaan majority noqonaayo halkaana ay qasab tahay inuu asagu madaxwayne noqdo, ninka majeerteen waxaa caloosha uga jirta in gedo iyo kismaayo la isku darin hadii la isku daro majeerteen dhimasho ayuu ka xigaa oo waxa soo socda ayuu arkaa lakiin ogadeen inaan wax isku darsano dhib uma arko..

    Hadaba hadii aan jubooyinka ku dhimanayno maxaa anaga Sade ah noogu jira? gedo hadaan ku dhimano waa xaq oo dhulkeena ayaa ah inaan difaacano hadii jubada hoose aan ku dhimanayo waa inaan ogadaa sababta aan ugu dhimanayo Col cabaas inuu gedo aado aad baan u soo dhoweenayaa sababtoo ah gedo oo aan xor aheen dhul aan degaan ahaan dego xoreentiisa shaqadayda maha.. ama majeerteen munaafuqad la jiifo…

    shariif dameer iyo indhacade, iyo mahamed dheere iyo xamar inuu nin nooga dhinto maha xamar mooryaan diimeedka alshabaab shariif dameer ayaa sameeyay oo ay u shaqeeyaan asagana gedo u soo diray al shabaab si aynaan maamul u yeelan oo xabad ugu jirno xamarna mooryaantiisu ay gabdhaha socon kara ku kufsadaan ileen tan gaajadu hayso ma kufsan karaane…

    AD AYAAN U SOO DHOWEENAYAA ARAGTIDAADA LAKIIN YAA NOO QABAN WAXAAN ARAGNO ANIGA IYO ADIGA WAA SU’AAL JAWAABTEEDA AANAN GARANAN CIDA HAYSA…

  6. mastar says:

    asc waad mahadsan tihiin jaalle mareexaan hadaan aniga aragtideyda ka dhiibto waxaan jeclaan lahaa inaan helo labo boqol oo wiil oo marexaan ah oo markaan dagaal geliyo 150 ninna ay ka dhimato inaan inta soo hartana aan sida koodhamkii iska tuuro illeyn mayaqaanaan waxey u le,anayaane waa mahadsantihiin

  7. Asalaamu Calaykum. Walaalaha Sade, waxaan u sheegayaa inay ogaadaan dhibku wuxuu wada saameeyay dhamaan soomaalida oo dhan, mana jirto qolo ka badbaaday. Cumar Jeeska uu wiilku hadalkiisa soo qaatay xagee buu ku dambeeyay? Ogadense muxuu gaarsiiyay? Waxaan filayaa inaysan jirin qabiil soomaaliyeed oo maanta guul iyo horrumar midkoodna ku faani karta inaysay jirin.
    Intaas hadaan uga boxo, anigu waxaan ahay nin Absame ah mana jirto wax aan ka dhaxlay dagaalkii soomaaliyeed oon ahayn halaag. Waxaase meesha taal, 21 sano kadib xataa miyaynu garan waynay war bal dad-cunka inagu jira aynu iska qabano. Midka wax inoo wadana aynu taageero.

    Asc.

  8. ahmed qadar says:

    asc dhamaaan salaan kadib aniga waxeey ila tahy in dadka qaar aaysanba ogeeyn waxa aduunka ka jiro iyo siyaasada waxa aay tahay taas oo aan ula dan leeyahay qofkaleh mareexaan waa askar lagu shaqeeysta run ahaantii waa wax lala yaabo oo maahan wax aqliga galayo mareexaana waa awooda kali ah ee somaalia oo u awood sheegatay alshaab iyo waxaan qurun ka ee umada soolaamiyeed ku so duulay waana laga xureeynayaa insha allaah hadii uu san wiil dhiman nabad la heli maayo waana naqaanaa sida liiskaga celiyo codowga oo somalida weey ogtahay tan kale majeerteen waa hablaha yagu oo anagu ku daysan meeyno alyacni tankale umada soomaaliyeed mareexaan beey sugeeysaa dadka kale waa iska shinbiro calooshooda u shaqeeysta yaal ah!!!!

  9. kismaayo says:

    SOMALAAY goormaad maskaxda ka koreysaan oo qabiilka iska dhaafeysaan xataa hadaad ku wiil iyo gabar iyo waliba ku xoolo beesheen ood qaranimadinii iyo dawladiinii iyo sharaftii iyo magacii soomaaliyeed aad ku weyseen. dalka waa lawada leeyahay waana inaga badan yahay oo nagu filan yahaye maan nabad iyo deganaansho kuwada noolaano.oo ilaah ka cabsano oo joojino dhiiga muslinka walaalaha aanu maalin walba macno darada aynu udaadinayno.
    walaalaha komentiska qoraayoow ogaada dadka aad isku dilaysaan waa walaalo somaali oo hadana muslina marka alla ka cabsada oo fidnada joojiya. oo waxii laysku ahaa iyo dhaqankeenii diinta ku taxluuqay oo suubanaa toloow yaan laga tagin.

  10. A.XADE says:

    Mareexaan wax lala Maaganyahay Ma hubsanaayaane.
    Waa lagu Mag qaataa sidii Maato dhegoweeyne.
    Masuul yaa ka dhigay iyo Mid un lagu Muraadeysto?

    Soomaali kala Miirantoo Midiba Meel aadye.
    Waxa Malagga gooni oga dhigay Maanka geliwaaye.
    Masuul yaa ka dhigay iyo Mid un lagu Muraadeysto?

    Miciyaha Mid ii ruugayoo uu dhibaya Muuqeeygu.
    Inaan Maal la dhiciyaa Walluu iga Mudnaadeene.
    Masuul yaa ka dhigay iyo Mid un lagu Muraadeysto?

    Megligana adaa Mudan adaa Mahureheedii ah!
    Martina iigu noqo Maalintii Malab la daaqaayo!
    Miiddiina yaa yiri ka soon waa Mesala weeyne?

    Ninkii tiisa Meeleysta waa inuu Maqsuudaaye.
    Majeerteenba way Mahadiyeen Murunnadoodiiye.
    Ma Madiidin baa looga dhigay Sidig la Maalaayo?!

    Ku Milnaade Mooryaanta iyo Maqalla dooxdiiye.
    Maxastooda Meeshii la dhigay ha is Maqiiqeene.
    Madfacana ha loo Miisa way Mahadin doonaane.

    Afartaa intaan Miiska dhigay Ma idin Maqashiiyey?
    Micnaheeda Maansada anoon Meeriska haleeynin.
    Mareexaan inaad Maahsantahay Miinka maku sheegay?

  11. KAMAAL says:

    Shariif sakiin oo reer baydhabo ay xamar ka raadinayaan ayagoo koonbooyin wata iyo shariif sakiin oo sacuudiga lacag u doontay..

    Dadka ugu badan oo ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya kana soo baro kacay degaanadooda waa Qawmiyada Digil iyo Mirifle oo uu ka soo jeedo Gudoomiyaha Baarlamaanka ahana ninka ugu sareeya oo beeshooda xil uga haya dawlada KMG .

    Shariif Xasan ayaa dad badani waxay is waydiinayaa sababta uu uga aamusiyey ama uu u booqan waayey dadka dhibaataysan oo ku jira Xeryaha Muqdisho oo ka soo barakacay degaanada Bay iyo Bakool.

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaan ka hadlin boobka iyo Bililiqada lagu hayo raashinka loogu talo galay Barkacayaasha oo lagu gado suuqyada Muqdisho

    Raisawasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmaajo waxa uu ahaa mid si joogto ah u booqan jiray Xeryaha ay ku jiraan barkacaayasha isaga oo caalamka u waydiin jiray Kaalmo iyo Taageero.

    Raisa wasaaraha Cusub DR CabdiWali Gaas iyo xaaskiisa Marwo Hodan Siciid Ciise ayaa had iyo jeer waxa lagu dhex arkaa xeryaha Barakacayaasha iyaga oo u qaybinaya lacag,dhar,iyo Dawooyin walaalahooda Soomaaliyeed oo dhibaataysan ,sidoo kale waxa ku soo booqday xeryaha ay ku jiraan Soomaalida gaajoonaysa Rw Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo xaaskiisa Emine Gülbaran isaga oo u balan qaaday kaalmo dheeraad ah aduunkana ugu diray baaq.

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Afartiisa Xaas ilaa hada ma soo booqan Xeryaha ay ku jiraan Barkacayaasha ka soo jeeda Bay iyo Bakool , hase ahaatee Shariif Xasan wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu lacag uga samayn lahaa shirka wada tashiga oo dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho

    Ugu danbayntii Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku guul daraystay in uu horay wax ugu qabto degaanada uu ka soo jeedo ee Bay iyo Bakool, ayaa maantana wuxuu dhabarka uu jeediyey Hooyadii iyo dhalaankii dhibaataysnaa oo uu sheegto in uu magacooda uga wakiil yahay dawlada KMG. Shariif Xasan ,Ibbi,|Xaabsade iyo Wasiirkii hore ee shidaalka Dawlada KMG Cabdirisaaq Muxyidiin dhamaantood waxay ku caan baxeen (tools) dad la isticmaalayo oo ay dad kale ka dhex hadlayaan hase ahaatee ku guul daraystay in degaanadooda wax u qabtaan

  12. Kabir says:

    Waa digniin,waa iga garnag walaaltinimo.
    Somaliyey aynu joojino cadaawada.
    somali waa walaalo.waa will iyo adeerkiisa
    Ee aynu si walaaltinimo leh isugu soo dhaweeyno.
    Dalka weynu wada leenahay.Marexaan iyo Absame
    looma kala xigo.Waa mana Allee inagu deeqsade aynu joojino cadaawada

  13. KAMAAL says:

    Waxaan in badan eegay sida punland wariyeyaashooda ay qoraal wararka somaliya iyaga iyo inta badan ee wariyeyaasha somalida ay ka hadlaan wararka dhulkooda keliya hadaad booqato shakabadaha punland ama inta badan shakabadaha somalida waxay xooga saraan dhulkooda halka shakabadaha dadka ka soo jeeda gedo, galgaduud, iyo jubooyinka ay soo hormariyaan wararka gobolada kale taasna waxay ku tusaysaa in wariyaasha gobolda gedo iyo dhamaan wariyaasha shakabahooda inay xooga saraan dad aysan masuul ka ahan ama aqoonba waxay ay yihiin..

    waxaan soo jeedin lahaa dhamaan shakabaha ka soo jeeda goblda reer sade inay xooga saraan waxqabadka iyo siyaasada, dhaqaalaha dadkooda inay kor u qadaan oo ay meesha ugu hooseesa wararka ay ku soo qoraan waxaan dadkooda iyo dhulkooda aysan dan ugu jirin waxaan ka wadaa isku daya inaad wararka dhulkiina soo hormarisaan oo aad isku daydaan inaad siyaasad ahaan dhaqaalo, ahaan iyo waxbarasho ahaan dadkiina iyo dhulkiina inaad xooga sartaan oo dadka magacyada beenta ah sheeganaya inaydaan ku mash-quulin oo dadkiina aad xooga saartaan..

    dhamaan shakabadaha ku hadla magaca goblada reer sade waxaan jeclaan lahaa inaad hal hogaan sameesataan oo adinka aad hoogaan wariye aad doorataan oo aydaan qabyalada iska fogaysaan oo aad dadkiina midnimada idinku u horseedaan waa iga talo iyo waano waa walaakiin kamaal oo jecel midnimadiina iyo horumarkiina…

  14. Husseinkafi says:

    Marka hore waxaan salaamayaa maamulka iyo shaqaalaha shabakada allgedo Sidaa si le’eg waxaan salaamayaa akhristayaasheeda. Aniga waxay ila tahay in sxbkey xade ka hadlay arrin sax ah oo cid walba u muuqda waayo reer sade inay danahooda gartaan waa laga la’yahay waxayna noqdeen kuwo u daacad ah danaha dadyowga kale waxay noqdeen xoog cid walba adeegsigiisa ku xisaabtanto markii lagu dan gaarana daadka la raaciyo waxay noqdeen ummad aan hadaf iyo talo toona lahayn kana dhacsan waaqaca jira waxay noqdeen kuwo aan lahayn madax iyo maamul hogaamiya marka laga reebo maamulo loo soo xawilo oo aanay wax ku lahayn hindisihiisa yoolkiisana waxba kala socon balse ay hawl fuliyayaal ka noqdaan ka gadaalna iyaga hagar daameeya. Waxay noqdeen dad aan wax ku qaadan casharadii horay usoo maray ee lagu halakoobay dad iyo degaanba waxay noqdeen kuwo aan ku fikirin iskuna hawlin ka shaqaynta nabada iyo horumarka deegaanadooda oo aad moodo inay cid kale ka dhawrayaan. Waxay noqdeen kuwo aan is qancin karin isuna samrin marka ay timaado tabasho dhexdooda ah Waxay noqdeen kuwo col isu ah soomaali oo dhana col u tahay waxna aanay u ogolayn haba yaraatee. Guntii iyo gaba gabadii waxaan talo ku soo jeedin lahaa in reer sade hurdada ka kacaan oo danahooda ka tashadaan iyagoo mid ah oo ay dhistaan maamul ay iyagu leeyihiin oo masaalixdooda ka shaqeeya ayna ku la tartamaan degaanada kale nabada iyo horumarka. Mahadsanidiin.

  15. wiil absame says:

    aniga waxan leeyahay marxaladihii aan sida carabta markay jahaahiliyada kujirtay udhaqmeysey inteynu iskadeeyno aan is cafinno dhulka aan kaladhacneyna aan isusoocelino dagaal kukalareeyni eyyne waa sax in absame ama mareexaan beel walbaba danahooda kahadlaan lkn maahan qaabkii xumaa oo lagusoogubtay waa in wixii xun taariikhda lagatago wixii fiican lagaqaato dastuurka wuxuu dhigayaa labo degmo iyo kabadan in mamul sameeysan karan marka reer gedooy walaalayaal aan wax islaqabsano sinabad ah oo nasedexeeya hadiikale waxaan ogahay in barnaamij gedo bay bakol laguraacinayo jiro . waxkasta oo isdil walaal keenaayo aan iskailaalino asc