Home » Archive Daily September 7th, 2011

Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab oo gacanta ku dhigay Askar Kenyaati ah

Sep 7, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – War soo gaaray Xafiiska Allgedo.com ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab gacanta ku dhigeen laba sarkaal oo Kenyaati ah, kuwasi oo howlo sahan ah u joogay gobolka Jubada hoose. Ciidamadan ka tirsan Xarakada alshabaab ayaa gacanta ku dhigay labada Sarkaal xili ay ku sugnaayeen deegaan ku dhow Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada... 

Farmaajo oo sheegay in shirka wadatashiga uu astaan u yahay nabadda Muqdisho.

Sep 7, 2011
Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirkii wadatashiga Soomaalida ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ku tilmaamay farxad iyo guul Soomaaliya u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu shirkaasi astaan u yahay nabadda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Farmaajo waxa uu soo dhaweeyay in gudaha dalka Soomaaliya lagu qabto shir heer caalami ah oo markii hore... 

Dagaal culus oo xalay dhex maray Ciidamada Puntland iyo dadka deegaanka Galgala ee gobolka Bari

Sep 7, 2011
Galgala, Bari/Somalia (AOL) – Dagaal culus oo hubka qeybahiisa kala duwan la isla dhacay ayaa xalay saqdii dhexe deegaanka Galgala duleedkeeda Bari ku dhex maray Ciidamada Maamulka Puntland iyo dadka deegaankaasi. Dagaalka oo socday ku dhawaad hal saac ayaa sida wararku sheegayaan dadka deegaanka u suuragaliyey in ay la wareegaan Koontaroolka weyn ee Laag oo fariisin u ah Ciidamada maamulka Puntland. Ciidamadasi... 

Dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Sep 7, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dagaalo xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa habeenimadii xalay ka dhacay qeybo caasimada magaalada Muqdisho ku dhex maray Xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaysay kuwa AMISOM. Dagaaladan xalay saqdii dhexe waxay ka kala dhaceen Xaafada Xoosh iyo Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn qasaaraha... 

Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo soo dhaweeyey Qodobada ka soo baxay shirka Wadatashiga

Sep 7, 2011
Sanca, Yemen (AOL) – Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo dhaweeyey Qodobadii ka soo baxay shirka Wadatashiga Soomaaliya ee maalin ka hor lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Isagoo ku sugan Magaalada Sanca ee dalka Yemen ayuu sheegay C/laahi Yuusuf Axmed in shirkaasi qodobada ka soo baxay ay yihiin kuwo faa’iido wanaagsan u leh Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna... 

Qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sep 7, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay qaraxyo xoogan waxay ka kala dhaceen Isgoyska Banaadir iyo Xaafada Buula-Xuubey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay qaraxyadii xalay ka dhacay goobahaasi waxay sababeen dhaawacyada laba ka mid ah Askarta dowladda KMG soomaaliya,  kuwaasoo dhaawacyadooda la dhigay xarumaha caafimaadka... 

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Sep 7, 2011
Buusaar, Gedo/Somalia (AOL) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka hellayno Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Gedo Dhaqdhaqaaq Ciidan ayaa la dareemayaa Deegaanka Buusaar. Wararka ayaa sheegaya in arinta ay ka dambeysay ka dib markii dhawaan dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG oo garab Ururka Ahlusunna iyo ciidamada Xoogaga Alshabaab ee ku sugan gobalka Gedo qeybo ka...