Qoysaska ku dhaqan tuulooyinka Diiriye Xasan iyo Guulleed Bagcad ayaanan heysan cisbitaalo caafimaadeed, goobo waxbarasho, ceelal biyood iyo isgaarsiin, iyadoo dadka ku dhaqan ay muujiyeen sida xoogga leh ee ay u baahi qabaan.
Hay’adda Social Empowerment Relief And Development Organisation “Serdo” oo ka hawl-gasha degmada Guriceel iyo tuulooyinka ku hareereysan, ayaa waxay tagtay tuulooyinka Diiriye Xasan iyo Guulleed Bagcad, isla-markaana waxay ka sameysay dhaq dhaqaaqyo balaaran.
Hay’adda Serdo ayaa waxay tuulooyinkaan ay ka qoday waro biyood oo ay ugu talla gashay dadka tuulada ku dhaqan, bacdamaa ay dadku la-tacalayaan biyo la’aan, isla-markaana ujeedka waro qodistaan ayaa waxay tahay ujeedo shaqo, si’ay dadka deegaanka wax uga hellaan.
Tallaabadaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan tuulooyinka Guulleed Bagcad iyo Diiriye Xasan oo qiyaastii magaaladda Guriceel u jira 45km, isla-markaana Hay’adda Serdo ayaa waxay qorsheyneysaa inay sii balaariso barnaamijyadeeda ku aadan tuulooyinkaan.
Barnaamijkaan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay bixisay Hay’adda Cunada Adduunka ee “WFP”, hase ahaatee waxay u wakiilatay Hay’adda Social Empowerment Relief And Development Organisation “Serdo” oo ka hawl-gasha degmada Guriceel iyo tuulooyinka kale ee ku hareereysan.
Iskusoo wada-duuboo barnaamijkaan ayaanan dabooli kareyn baahida xoogga leh ee ay qabaan shacabka ku dhaqan Tuulooyinka Guulleed Bagcad iyo Diiriye Xasan, waxayna ka codsadeen Hay’adaha Qaramada Midoobe inay gargaar la-soo gaaraan.










comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.