Home » Archive Daily September 19th, 2011

Maanso: Ha noqon Cadowgaaga – By A. Y. Jama Isim

Sep 19, 2011
Asc dhammaan ummadda soomaliyeed. Allaah baa mahad leh (SWT).  Rasuuulkiisa Maxamed baa Sharaf leh (SCW).  Waxaan halkan idiinku Soo gudbinayaa maansadan magaceedu Yahay.  HA NOQON CADOWGAAGA. Marka erayga cadow dhagahaaaga ku soo dhaco, waxaa markiiba maskaxdaada hor imaanaya laba noole oo aan wax naxariis iyo jacayl ah isu hayn.. Oo midba midka kale muruqiisa wuxuu kaga helo ku wax qeybsada.... 

Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha oo Muqdisho yimid kormeerna ku tegay Xerada Barakacayaasha ee Rajo iyo Xerada tabarka ee Jasiira (Masawiro)

Sep 19, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) - Wasiirka Gaashaandhigga dalka Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde Int. Airport. Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, waxayna kormeer ku tageen... 

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaraddii Gaashaandhigga sheegaynaa in Dib-u-dhis lagu sameynayo (Masawiro)

Sep 19, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) - Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay xarunta Villa Baydhabo iyo Wasaaradii Gaashaandhigga, waxaana safarkiisa ku wehlinayay Qandaraaslayaal Ajnabi ah kuwaasoo iyaguna u kuurgali karo sida dib u dhis loogu sameyn karo Dhismihii Wasaaradda oo aan muddo 20 sano ah wax dayactir ah helin. Ra’iisul... 

Fadlan caawi Cabdi Ibraahim oo ku dhibaateysan dalka Kenya (Daawo sawirada)

Sep 19, 2011
Cabdi Ibraahim waa nin dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kadib markii muddo saddex sano ah uu la xanuunsanayey dhaawac daran oo xabadeed. Cabdi wuxuu dhaawaca soo gaaray markii baabuur uu saarnaa sanadkii 2008 ay koox burcad ah ku rasaaseeyeen Muqdisho, xabaduhu waxay kaga dhaceen caloosha, dhabarka dambe iyo lugta midig, Cabdi waxaa ku xiran Tuubo... 

Kulankii Wadatashiga ee Soomaalida ku dhaqan South Africa oo la soo gaba-gabeyey

Sep 19, 2011
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg shir mudo sadax maalin uga socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa. Shirkaan oo ay si wadajir u soo qaban qaabisan Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) iyo Jaaliyadda Sooamalaiyeed ee dalkaas ku  nool. Waxaa uu daba socday wadatashiyo so socday lixdii bilood ee la soo dhaafay kaas oo qayb ka ahayeen... 

Wasiirka Difaaca Ugandha oo Muqdisho kullan xasaasi ah kula yeeshay Madaxweyne Shariif.

Sep 19, 2011
Wasiirka Difaaca dalka Ugandha Crispus Kiyonga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, halkaasoo kulan uu kula qaatay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka uu Wasiirka Difaaca Ugandha la qaatay madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa mid albaabada uu u xirnaa ayaan la shaacin weli waxyaabaha ay kaga wada hadleen, inkastoo warar hordhac ah oo laga... 

Gaari ay saarnaayeen shaqaale hay’adeed oo shil culus galay sababayna dhimasho iyo dhaawac.

Sep 19, 2011
Labo qof ayaa geeriyootay labo qof kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii xalay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud uu ku rogmaday Gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan hay’adda Aragti Relief and Development Organazition oo marka magacaeeda la soo gaabiyo loo yaqaano ARDO. Hay’addaas oo ah hay’ad Local ah  ayaa maamule ku-xigeenkeeda waxa uu sheegay in shilkaas xalay dhacay ay ku... 

Dowladda Ingiriiska oo Hanjabaad kulul Jeedisay (Yey u hanjabtay Maxayse ku Hanjabtay).

Sep 19, 2011
Ra’isal wasaaraha dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in aysan wax gorgortan ah ka galeynin sidii lagu soo deyn lahaa haweenayda u dhalatay Ingiriiska ee ay afduubka ku heystaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida. Ra’isal wasaruhu wuxuu sheegay in ay si xoog ah ku soo furanayaan haweenayda u dhalatay Ingiriiska ee ay heystaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida. Haweenayda u dhalatay dalka Ingisriis... 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka KMG soomaaliya oo howlo Nabadeyn ah u tagay Puntland.

Sep 19, 2011
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaannada Puntland ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland. Sida warku sheegayo xildhibaannadaas ayaa ka qeyb qaadanaya dhameystirka dedaalada nabadda ee dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ah xildhibaannadaas ayaa... 

Ahlusunna Waljamaaca oo mar kale sheegtay in Shirkii Wadatashiga Soomaalida uu ku dhammaaday Fashil.

Sep 19, 2011
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxa uu si kulul u weerar xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in aysan si dhab ah u wajahin hanaanka lagu heli karo dowlad ay hesho Soomaaliya. Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska Golaha fulinta maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo...