Shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo arrimaha la dagaalanka Al-shabaab ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo shirkaasi maalmihii la soo dhaafay u soconayay Waxgaradka ka soo jeeda gobolada Gedo iyo Jubooyinka, iyadoo gelinkii danbe shalay la soo gaba gabeeyey kullankaasi.
Dhanka Dowladda KMG Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaliya isagoo ka hadlay arrintaasi gaba gabadi shirka waxyaabihii laga soo saaray ama looga hadlay.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in kullanka ku dhammaaday si heer sare ah, isla markaana waxa uu xusay in ay isla garteen in shirweyne Caalami ah lagu qabto magaalooyinka Gedo iyo Jubooyinka mid ka mid ah si buu yiri loo dhiso Maamul Goboleed, isagoo sheegay in laga soo horjeedo maamul goboleedkii lagu dhisay Magaalada neyroobi ee DalkaKenya.
Si kasta oo ay ahaato waxaa la sugayaa 45 cesho oo loo madalsan yahay in shirweyne caalami ah isugu yimaadaan waxgaradka ka soo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo si ay maamul loo dhan yahay u samaystaan isla markaana deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi kaga sugan yihiin Dagaal yanada Alshabab uga saaraan.
Maxamed Cabdi Yuusuf, Muqdisho/Somalia.

Marka kowad wan tagersanahay mamul gobaleed in laga dhiso gobolka gedo balse yeysan noqon midku salaysan shaqsiyad kooban interestigooda oo ha ahaato mid cadaalad ku dhisan oo beesha marixan qaybaheda kala duwan ay u dhanyihin waxaana filaya shaqsiyad kooban ma mathali karan bulsha guud
khkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk doqon aan damiir laheyn wax ay go,aamin karaan malahan al shabaabna waa dad taageero buuxda ka heysta dhamaan umada soomaaliyeed waxaana ay ka soo horjeedaan la shaqeynta kirsishtaanka itoobiya sidaas ayey ku heleen taagero waxey kaloo ka soo horjeedaan maamul sheegyada ay dhiseyaan kooxaha boorsooyinka kala yimid yurrub iyo maeerika waxaa kaloo dalka ay ku xukumaan shareecada islaamka marka eriga ku sheriyaa halkaas waxaan leenahay wax aad qaban kartaan iyo wax aad go,aamin kartaan malahan ee melezanaawi kabaha udhaqa soomaalina wey idin nacdey lugtiina ma soo dhigi kartaan gobolada gedo jubooyinka baay iyo bakool nijaas ayaana tihiina oo gaalada ushaqeeya wax dadnimo iyo sharaf aad ku leedihiin malahan soomaalida dhexdeeda waayo waxaad ka amar qaadataan melezenaawi hadii aad sifiicaan uga shaqeyn weydaan aabihiina zenaawi waa laidin xereyaa sidii bare hiiraale iyo maxamuud sayid oo kooxo doqomiin kale marka dad iyagaba xabasha ka amar qaata sideebey shabaab uga xoreyn karaan goboladaaas waa ay iska hadleyaan waa eri meel ku xareysan oo meeshii ladoono loo wato
naclad idinku dhacday
Hajir Ismail, akhii waxaan kaa sixi lahaa, Shirka ka dhacay Doollow inuusan ahayn mid ay beesha Sade kaliya lahayd. Shirkan waxaa hormuud ka ah, Beelaha Sade iyo Absame Kuumade. Waxaana waday waxgaradka kasoo jeeda Gedo iyo labada Jubbo oo isugu jira Odayaal iyo aqoon yahano. 2 Isbuuc ka hor ayay sidoo kale Odayaashu shirk ku qabteen Dhooblay. Sida la sheegay, odayaasha 2bada beelood waxaa ka go’an inay wacyigalin usoo jeediyaan, sidii loo heli lahaa, nidaam iyo nolol. Waxayna u taalaa, shacabka 3da gobol iyo siyaasiyiinta, maadaamo horay loogu hungoobay maamul goboleedyo hore.